Xayiraaddii Saarnayd
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho intii dagaallada sokeeye
socdeen oo si rasmi ah loo qaaday
Jimco,
July 05, 2013 - Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo gaadiidka
Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa shaaciyay in Xayiraad saarnayd
ayraboorka Aadan cadde intii dagaallada sokeeye socdeen si rasmi ah loo
qaaday.
“Warqad aan ka helnay hay’adda caalamiga ah ee duulimaadyada ee “ICAO” ayaa naloogu cadeeyay in xayiraad caalami ah oo ayraboorka saarnayd la qaaday” ayuu yiri wasiirku.
wasiirku wuxuu sheegay in
ayraboorku horay ugu jiray liiska Zone 5 oo ah ayraboorrada xayiraadu
saarantahay balse haatan caalamku uu go’aansaday inaysan jirin khatar
dhanka ammaanka ah oo xayiraadaasu uu sii saarnaato karto ayraboorka.
Wuxuu
kaloo wasiirku sheegay in shirkadda Turkiga ah ee maamuli doonta
ayraboorka caalamiga ah ee Aadan Cadde loo ogolaaday kadib markii lix
bilood dawladu ay daraasaynaysay.
“Daraasad
dheer iyo wadatashi badan oo socday muddo lix bilood ah kadib ayaa
golaha wasiirradu arrintaas si guud ku ansixiyeen, maadaama aan ognahay
shaqooyinkii hore ee hay’adaha Turkigu waddanka ka qabteen oo lagu wada
guulaystay". ayuu sii raaciyay.
No comments:
Post a Comment