Saturday 13 July 2013

CALEEMASAARKA CAAQILADA IYO U NOQOSHADA CILMIGA!



CALEEMASAARKA CAAQILADA IYO U NOQOSHADA CILMIGA!
Qore:muuse axmed ciise
Irsiq lagama doodoo rabbaa, qoray arsaaqdiiye
Afkaar baa lakala iibsadaa iyo iyo ildheeraane
Irib iyo aqoon baa aduun lays adoonsadaye
Aqoon yahan ninkii ahi waa inuu edeb lahaadaaye
Afar iyo tobaniyo boqol suuradood iyo akhbaartooda
Aayad aayad waa inuu u marin una asteeyaaye
Axaadiista waa inuu yaqaan , iyo asxaabtiiba
Istaar layt ka waa inuu wax badan kala asteeyaaye
Waxa ka dhacday bishan laba  caleemasaar magaalada awrboogays. Munaasibadahan, ayaa lagu qabtay dooxada Dhudhub oo ku taala duleedka magaaladda Awr-boogays oo 150Km dhinaca waqooyi kaga aadan magaaladda Laascaanood xarunta gobolka Sool.
Munaasibadan oo si aad ah looga soo shaqeeyey laguna shaqlay qalabka hidaha iyo dhaqanka ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan dadweynaha degan magaaladaas iyo dad ka kala yimi gobolada Sool iyo Sanaag oo ay Awr-boogays kala qaybiso.
 Halkan ka daawo (xafladdii caleemasaarka caaqil daad)
Labadaa caleemasaar oo lagu caleemasaaray  labada caaqil ee kala ah caaqil siciid guray daad oo noqday caaqilka bihiina faarax  oo ah jifi ka tirsan beesha naalaya axmed  iyo caaqil   warsame caarshe faarax       oo noqday caaqilka reer aadan ee beesha naalaya axmed ,labadaba Markii aan daawaday munaasabadoodba waxaan aad ugu farxay uguna maqsuuday sida wanaagsan ee loosoo agaasimay iyo meesha dhirta ah ee lagu caleemasaaray iyo tirada badan ee kasoo qaybgalay iyo weliba hidaha iyo dhaqanka meesha la keenay.
Munaasabadahan oo aan daawaday labadaba ayaa waxaa soo gabagabeeyey garaadka naalaya axmed cabdilaahi maxamed guuleed kaas oo uu garaadku uu aad uga hadlay  qiimaha uu leeyahay cilmigu iyo waxbarashaduba, waxa kale oo meesha laga sheegay in ardayda awrboogays inay tartankii quraanka ee lagu qabtay magaalada taleex inay galaeen 1 iyo 2,waayo waxa qudha ee lagu kala tegay waa waxbarasho sida uu sheegayo gabaygan soo socda
Qaramada adduunkiyo haddaan qaaradaha eegno.
Qalin wiixii qaatay qamarkay tageen waana loo qiraye.
Qorshihii danbana Mars waakay qalabka geeyeene.!

Qunbuliyadda Nugleer-kiyo waakay quwado yeesheene.
Qumaati dayuurada ukacana way qotomiyeene.
Qudha badda moolka wayn waakay quusiyeen gujise.
Qaadir inagama jeclee aqoontiyo qalinka weeyaane. !

(W/Q:c/wahaab m/shugri cumar)
 iyaga oo dhamaan dadku ay isku raaceen qiimaha waxbarashada waxa kale oo halkaa ay ka balanqaadeen qurbajoogtu inay ka  sameeynayaan  iskuulo badan magaalada awrboogays,dadka magaaladuna waa inay ku deeqaan dhulkii laga samayn lahaa iskuuladaas.
Talooyinkii meesha looga soo jeediyay cuqaasha waxaa ka mid ahaa in uu u dhibirsanaado dadka uu caaqilka u yahay waxay u badan yihiin reerguuraa waxay ahaayeen dadkii nebi maxamed NNKH iyada oo uu ilaahay yiri markaad la joogtaan hadal kor haw qaadinina waxay ku dhihi jireen(yaa muxamad) sidaas oo ay tahay ilaahay wuxuu ku yiri nebigiisa hadaad ahaan lahayd nin ad-adag dadkoo dhami waa kaa yaaci lahaayeen.
Iskusoo wada duuboo waxaad moodaa inay dadku aad u fahmeen qiimaha ay leedahay wax barashadu.
 
DSC00372 DSC00373 DSC00374 DSC00375 DSC00395 DSC00402 DSC00404 DSC00407 DSC00414 DSC00415 DSC00416 DSC00417 DSC00418 DSC00419 DSC00420 DSC00421 DSC00422 DSC00423

1 comment: