Monday 15 July 2013

Doorashooyin dad-weynihii codeyn lahaa laga tashadey iyaguna ay qoryo qaateen [FARRIIN]

Doorashooyin dad-weynihii codeyn lahaa laga tashadey iyaguna ay qoryo qaateen [FARRIIN]

saadiqEnow_small1Bil ramadaan ayaanu ku jirnaa. Qof walbana ficilka uu sameynayo iyo hadalka uu oranayo wuxuu noqonayaa ama mid quman oo dadkana anfaca, naftiisana anfaca. Ama wuxuu noqonayaa mid khaldan oo dadkana dhib gaarsiiya, naftiisana dhibaateeya. Sidaa darteed hor iyo horaan waxaanu guud ahaan u sheegeynaa dadka ama akhrista ama qora af-soomaaliga, in ay fcilkooda iyo niyaddooda hagaajiyaan.
Haddaanu nahay urur-siyaasadeedka Midnimo, inaanu ku biirno barnaamijka talo-wadaageynta ah ee Puntland, ujeeddada inooga danbeysey waxay ahayd in aanu ugu hiilinno dad-weynaha Puntland (Dal-udug). Laakiin markii ay inoo muuqatey in hayaankii siyaasadeed uu qabsadey majare leexsan, waanu ka joogsanney, si aynaan uga qeyb-qaadan shiddooyinka ka dhalan kara ambadka ay howshu ku socotey. Intaas kuma aanan ekaan ee waxaanu talooyin gaarsiiney golayaasha ay khuseyso mashruuca doorashooyinka Puntland oo Guddiga Doorashooyinka uu u weyn-yahay. Waxaan talooyin gaarsiiney maamullada ay khuseyso oo maamulka Puntland uu ugu horeeyo. Waxaan talooyin gaarsiiney hey´adaha ay khuseyso oo hey´adda Inter-peace ay ugu weyn-tahay. Waxaa kaloo aanu talooyin gaarsiiney deeq-bixiyayaasha xiriirka la leh arintan.
Guddiga doorashooyinka wuxuu ahaa kuwa loo xil-saarey geeddi-socodka mashruuca iyo in la turxaan-bixiyo. Iyaga oo ka faa´iideysanaya kalsoonidii lagu qabey darteed, ayaa guddigu wuxuu iska indha-tirey wax kasta oo caqabad ku ahaa socod-siinta mashruuca. Wadda keliya ee inoo furan waxay ahayd inaanu ka gaabsanno, si aynaan eed ugu yeelan shiddooyinka inoo muuqdey ee ka dhalanayey majaraha lumey. Isla-markaas dad-weynaha reer Puntland, marar badan iyo meelo badan ayaanu war-baahinta uga gudbinney mashruucan ahmiyadda gaarka ah ee uu u leeyahay nolosheena siyaasadeed, iyo sida loo majara-leexinayo.
Madax-adeyggii guddiga doorashada waxaa ku raacey oo u sharciyeeyey maamulkii Dal-udug. Taasi waxay dhalisey isku dey ah in la dhigo doorashooyin ay ka maqan tahay tiirarkii xoojin lahaa mashruuca. Markaas ayaa guddigii doorashooyinka wuxuu raali ka noqdey in la qabto doorashooyin ayan jirin sharci sanaadiiqdeeda ilaaliya, laakiin lala garab joogo tekniko. Doorashooyin dad-weynihii codeyn lahaa laga tashadey, iyaguna ay qoryo qaateen. Doorashooyin ujeeddadoodu ay ku qanacsan yihiin inta maamulka heysa, laakiin dad-weynuhu ay si xooggan uga soo hor-jeedaan.
Markaas ayaa dad-weynaha Dal-udug, intoodii badneyd, iyaga oo aanan diiddaneyn mashruuca, waxay guddoonsadeen in ay ka hor-yimaadaan qaabka loo maareynayo mashruuca. Shiddooyinka dhacay ayaamahii la soo dhaafey, waxay salka ku hayaan arinkaas. Haddaba annaga oo ka xun falalkii dhacay iyo dhaawacyadii ay geysteen, waxaanu tacsi iyo baruur-diiq la wadaageynaa ehelada dadkii ku dhintey iska hor-imaadkii ka dhacay Qardho subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 14/ 7- 2013. Dhallinyaradii naftooda ku weydey Allaha u naxariisto, kuwa ku dhaawacmeyna allaha caafimaad deg-deg ah siiyo.
Waxaanu u mahad-celineynaa dhamaan dadkii ka qeyb-qaatey xabbad-joojinta iyo dhiig-baxa dhallinyarada walaalaha ah. Dadkaas oo ay ugu horeeyaan kuwa siyaasadda khariban ay xabbadaha isugu dhiibtey. Erey ay labada kooxood ku hadleen ayaa wuxuu ahaa (Waxaanu nahay dad ehel ah). Qolona waxay ereygoodaas raacisey: Sanaadiiq baa leynagu amrey inaan ilaalinno. Qolo kalena waxay ereygoodaas raacisey: Ma dooneyno in leynoo keeno sanaadiiq aanu diidney.
Waxaa kaloo aanu mahad ballaaran u celineynaa hoggaanka dowladda Puntland, gaar ahaan madax-weyne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad (Faroole) oo isagu soo gaba-gabeeyey hayaankii talo-wadaageynta ee meesha khariban ku socdey. Madax-weynihii hore Maxamuud Muuse Xirsi, isaguna mahad ballaaran ayaanu u direynaa sida geesinimada leh ee uu u dhex-joogsadey xabbadihii leys-dhaafsanayey. Culimadii dhex-joogsatey ciidanka oo u kala war-qaadey iyaguna waxaanu leenahay abaalkiina Allaha idiin gudo. Ooraah baa jirta oraneysa:
” Hooyo walba waxay gabadheeda la jeceshahay in uu guursado wiil aabaheed ka wanaagsan. Laakiin wiilkeeda lama ay jecla in uu guursado gabar hooyadiis ka wanaagsan. Waayo midda laga wanaagsan yahay markaan waa iyada ”.
Waxaanu ku talineynaa, dad-weynaha Puntland in ay adkeystaan nabadda iyo xasilloonida dalka. Talada ah anigaa iri in ay halkaas ku harto oo aanu qaadanno waanu isla niri. Waxaanu ku talineynaa in hadda kadib lagu dhaqmo wax raali laga wada yahay oo qeybaha bulshadu ay isla ruugeen. Taladuna ay mar walba noqoto mid u adeegeysa danta guud.
Tabtaasey ahaayeen kuwaa teyga lulayaaye
Talo iyo is-maqal buu ka kacay taqaddunkoodiiye
Dad is-kala guraa aakhir waa tabar yaraadaaye
Tafaraaruq baa idin dilahaya tan iyo Qaabiile (Xaaji Aadan Af-Qallooc)

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Midnimo
Dr. Saadiq Enow

No comments:

Post a Comment