Tuesday 9 July 2013

Sanad-guuradii 2aad ee Xornimada K/Sudan

 Sanad-guuradii 2aad ee Xornimada K/Sudan
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay iyo maanta ku sugnaa magaalda Juba ee dalka Koofur Sudan ayaa ka qeybgalay xafladda maalinta xornimada dalka Koofur Sudan oo ay u dabaaldagayeen Sanadguuradii labaad markii ay xornimada dalka Koofurta Sudan ay qaateen. Xafaladdan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynayaasha Soomaaliya, Ugandha, Rwanda, Botswana iyo waddamo fara badan oo ay mas’uuliyiin heer Wasiiro ka joogeen.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyey xafladan Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofurta Suudan Mudane Cabdiraxmaan Nur Dinaari, Xildhibaano Soomaaliyeed, La-Taliyeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa madaxdii ka khudbeeyey fagaaraha xafladu ay ka socotay ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan idinkala soo qeybgalo xafladan aad ugu dabaaldegeysaan sanadguuradii labaad markii aad hesheen xornimada dalka Koofurta Sudan. Dadaakii nabadeynta iyo heshiiyadii Sudan iyo Koofurta Sudan ayaa sababay in si wallaaltinimo ah aad u heshaan xornimadiina.”

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dalka Koofurta Suudaan horumar iyo barwaaqo oo uu yiri “Sanadka soo socda waxuu noqonayaa mid Koofurta Suudaan ay horumar baaxad leh sameeyaan oo caqabadihii sannooyinkii hore aad si nabad ah uga soo gudubteen. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan oo aan xalay la kulmay ayaa iga codsaday inaan hortiinna uga mahadceliyo Madaxweyne Salva Kiir, dowladdiisa iyo shacabka Koofurta Sudan sida aad u saacideen jaaliyadda Soomaaliyeed oo iyaga diyaar u ah inay sii wadaaan doorkooda maalgashiga dalkan Koofurta Sudan. Soomaalidu aad bey ugu horreeyaan dhanka ganacsiga oo magaaladan Juba iyo magaalooyin kaleba ay si qurux badan uga dhex-muuqdaan.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ku soo gabogabeeyey khudbadiisa “ hambalyo, hambalyo, hambalyo ayaan leeyahay shacabka, Dowladda iyo Madaxweynaha Koofurta Suudaan waxaana idiin rajeeynayaa in waddanku uu hormar weyn ku sii tallaabsado sannooyinka soo socda. Madaxda Afrikana ay diyaar u yihiin inay idinkala shaqeeyaan sidii aad horumarkaas u gaari laheydeen.”

Madaxweynaha ayaa caawa kulan kale oo gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha dalka Koofurta Suudaan.























No comments:

Post a Comment