Thursday 4 July 2013

Madaxda Khaatumo Iyo Madxda Jubaland Oo Nairobi Ku Kulmay


DAAWO+SAWIR:-Madaxda Khaatumo Iyo Madxda Jubaland Oo Nairobi Ku Kulmay

Madaxweynaha dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland State mudane Axmed Maxamed Islaam{Axmed Madoobe} iyo wufuudii Khaatumo State ee uu hogaaminayey madaxweyne Mohamed Yuusuf Jaamac ayaa ku kulmay magaalada Nairobi, kulankan oo ahaa qado sharaf uu so agaasimey maamulka Jubbaland ayaa labada dhinaci uga wada hadleen arimo badan oo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed iyo kan labada maamul ee Walaalaha ah.
Madaxda Khaatumo State oo goobta ka hadlay ayaa u cadeeyey dhigooda Juballand State inay taageersan yihiin isla markaana u arkan danta umadda Jubbaland inay ku jirto inay adkeeyaan midnimadooda, walalanimadooda iyo guud ahaan isku xidhnaantooda, si ay u horumariyaan deegaanadooda.
Dr. Xildhibaan Ali Khaliif Galaydh ayaa asaguna talooyin muhiim ah siiyey madaxweyne Axmed madoobe, isla markaana waxaa uu ku nuux nuuxsaday sida loogu baahan yahay in nabada iyo horumarka Jubbaland lagu tuun tuunsado, asagoo sheegay inay dhankooda taageersan yihiin isla markaana aqoonsan yihiin Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
Madaxweyne Ahmed Madoobe ayaa cadeeyey in maamulkoodu u taagan yahay nabad, cadaalad iyo wax wada qaybsi, asagoo sheegay inay jiraan mu’aamaradu dadka deegaanka wada leh loo maleegayo balse ay inta karaankooda ah iska ilaalinayaan shirqoolada. Wuxuuna dhankiisa sheegay inay si buuxda u aqoonsan yihiin una taageesan yihiin maamulka walaladood ah ee Khaatumo State.
Dr. Cusmaan Badawi ayaa dhankiisa ka hadlay baahida midnimadaumadda Soomaaliyeed iyo Wada Shaqaynta Labada Maamul in la mideeyo, isla markaana ay ka jawaabaan cabashooyinka reer Khaatumo ay tirsanayaan, taasoo Waftigii Jubbaland si weyn ugu riyaaqeen.
Pro. Gaandi wasiirkii hore ee gaashaandhiga ayaa sheegay inay diyaar la yihiin midnimada iyo is fahamsiinta beelaha Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii shirkan oo ahaa mid aad u dheeraa ayaa lagu heshiiyey in lagu dedaalo laga wada shaqayo la iska kaashado degenaashaha nabad gelyada iyo Midnimada Soomaai guud ahaan,  ee sida dhabta ah aan isug duubnayn, waxaana la isku afgartay arimihii laga wada hadlay oo dhamaantood muhiim ahaa.
Waa markii ugu horaysay ee ay kulmaan madaxda Khaatumo State iyo Jubbaland State tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka Jubbaland mudo laba bilood ka hor ah.
Suleiman Xaashi Dheere
Xaashidheere1@yahoo.com
Nairobi,Kenya.

DSC05106DSC05107DSC05108DSC05109DSC05110DSC05111DSC05112DSC05113DSC05114DSC05115DSC05116

No comments:

Post a Comment