Soomaaliya iyo Somaliland
w/Q:YUSUF GARAAD
Dullimaadka hawada Soomaaliya
Inqaasta Yusuf-Garaad
Bishan July 9 keedii ayaa magaalada Istanbul ay
mas’uuliyiin sare oo Soomaaliya iyo Somaliland ka socdaa waxay ku heshiiyeen in
ay la soo wareegaan maamulka hawada Soomaaliya, in la isla maamulo iyo in
Hargeysa laga maamulo. Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa wixii laga soo maray
in heerkan la soo gaaro, waxyaabo heshiiskan weli ka dhimman, waxa la
maamulayaa waxa ay yihiin, qiyaasta dakhliga ka imaan kara iyo weliba haadaanta
muuqata ee hor taalla meelmarinta heshiiskan.
Waxay ahayd 2002 markii Dowladdii (TNG) ee uu
Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad ay weriyayaasha Muqdisho isugu yeertay
ee dowladdu ku dhawaaqday in wixii “maanta ka dambeeya” hawada Soomaaliya laga
maamuli doono Muqdisho. Waxaa weriyayaasha loo sheegay in loo oggol yahay in ay
duubaan wadahadalka dhex maraya dayaarad ku jirta hawada Soomaaliya iyo sarkaal
duulista hawada ah oo Raadiye la fadhiyay Muqdisho.
Sarkaalkii wey u suurta gashay in uu dayaarad
la hadlo, markii ay isdhaafsadeen su’aalo iyo jawaabo tashwiish fara badani ku
dhex jiro, ayaa waxaa soo dhex galay cod ka faseexsan labadaba oo duuliyaha ku
yiri: Ha la hadlin qofkaas waa burcad. Annaga ayaa halkan kaa hagi doonna.
Codkaas ayaa soo af jaray muddo gaaban oo ay si xoog ah Dowladdii TNG
ula wareegtay hawada Soomaaliya.
Sida uu berigaa qoray The Economist, taa
waxaa ka horreyay isku day ay Somaliland damacday in xafiiska hawada Soomaaliya
maamula ee Nairobi loo wareejiyo Hargeysa. Inkasta oo berigaas ay xirnayd
gegida dayaaradaha ee Muqdisho, haddana arrintaas waxaa diidday Muqdisho oo ku
hanjabtay in ay hawadeeda ka xireyso duullimaadyada caalamiga ah ee dul mara.
Ilaa aakhirkii ay Hargeysa oggolaatay in xaalku sidiisa sii ahaado.
Dowladdii Shiikh Shariif ee TNG ayaa Ra’iisal
Wasaare, Cumar Cabdirashdiid billaabay in uu isku dayo in uu soo ceshado
maamulka hawada Soomaaliya. Wuxuu qoray codsi aan cidi dheg jalaq u siin.
Wuxuuna Gegida dayaaradaha ee Muqdisho uu qandaraas ku siiyay in ay maamusho,
sharikad laga leeyahay Dubai, oo la yiraahdo SKA.
Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi ayaa isaguna
ka mid ahaa Madaxdii Soomaaliya ee isku dayay in ay maamulka hawada dalka ay
kala soo wareegaan xafiiskii Nairobi laga unkay ee CACAS ee ay wadajirka u sameeyeen UNDP iyo
Ururka caalamiga ah ee Duullimaadka. Codsigiisii lama meelmarin.
Soomaaliya hadda waxaa ka jirta Dowlad ka
gudubtay ku meel gaar wixii loo yiqiin. Bishii May ee sannadkan ayaa Wasiirka
Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge, wuxuu ku dhawaaqay warkan oo
dad badani ku farxay. Bishii June ayay Golaha Wasiirradu ay Muqdisho fariisteen
oo ay ansixiyeen qaanuun ku saabsan Duullimaadka hawada Soomaaliya, si
Baarlamaanka loogu gudbiyo. Maalintaas waxaa xafiiska Ra’iisal Wasaare, Saacid
Shirdoon, uu ku tilmaamay in qaanuunkaasi uu wax weyn ka beddeleyo oo kacdoon
hor leh uu gelinayo madaxbannaanida hawada Soomaaliya.
Hawada la wareejinayo waa Soohdimaha caalamiga
ah ee Soomaaliya oo dhan oo ay ku juraan Somaliland iyo hawada badda
Soomaaliya. Waa marin dayaaradeed oo muhiim ah. Afrika iyo Carabta ayuu isku
xiraa. Ma aha keliya dayaaradaha maalin kasta ka degeya Muqdisho, Hargeysa,
Gaalkacyo, Kismaayo iyo meelo kala oo badan oo Soomaaliya ka tirsan. Sida aan
ka akhriyay New York Times, qiyaastii 90 dayaaradood ayaa maalin kasta soo gala
hawada Soomaaliya. Waxaa ka mid ah Air France oo u kala goosheysa Paris iyo Réunion.
Emirates oo isku xireysa Dubai iyo Johannesburg. Dayaaradda Israel El AL oo Tel
Aviv iyo Thailand isku xireysa. Mar kasta oo dayaarad Jet ah oo rakaab siddaa
ay hawada Soomaaliya soo dul martana waxay bixisaa $275.
Markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in
ay la wareegeyso hagidda dayaaradaha, waxaa furka tuurtay Somaliland. Waxay ku
hanjabtay kana dhabaysay in ay joojiso dullimaadyadii Qaramada Midoobay (QM) ee
tegi jiray Somaliland. Waxay u aragtay in QM ay hawada “Somaliland” ku
wareejineyso “Soomaaliya”.
Wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland ee
Istanbul, Turkiga (7-9 July) waxaa lagu heshiiyay in hawada la isla maamulo,
lagana maamulo Hargeysa, caasimadda Somaliland.
Waxaa loo macneysan karaa in Somaliland ay
heshay sidii ay dooneysay. Faallooyinka laga bixinayo heshiisku waxay
muujinayaan dhinacyo Somaliland ah oo aad u soo dhoweeyay.
Laakiin qaar kale ayaa weyneyso ku eegaya
heshiiska si ay gal daloollo uga helaan. Waxay u arkaan in arrintani ay si uun
ugu soo dabbaaleyso wax wadaag ay la galaan Muqdisho. Waxay u arkaan in
shaqaale iyo madax laga soo magacaabay Muqdisho ay ka hawlgeli doonaan
Hargeysa. Waxay is leeyihiin waxaa heshiiskani muujineyaa in hawada Soomaaliya
oo ay ku jirto Somaliland ay tahay mid qudha.
Ergadii Somaliland ee Istanbul waxay u baahan
yihiin fasiraad iyo ka dhaadhicin in ay u sameeyaan shacabkooda. Weliba
shacabka Somaliland waxay leeyihiin cod si dimuqraaddi ah ay u adeegsadaan oo
Madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ay ku soo doortaan. Sidaa darteed
dowladda Hargeysa wey uga nugashahay guuxa dadweynaha marka loo fiiriyo
dowladda Muqdisho, oo iyadu aan weli heerkaas gaarin.
Ergada Muqdisho ka timid iyaga waxaa u yaalla
su’aalo ka adag kuwa Hargeysa la is weydiinayo.
Maxaad hawada Soomaaliya ugu wareejiseen
Gobollo aan caalamka iyo dowladda Soomaaliya midkoodna dowlad u aqoonsayn? Ayaa
ka mid ah su'aalaha soo noqnoqonaya ee aad ka daalacan karto saxaafadda
bulshada. Waxaa jiri doonta in Puntland oo iyadu isku dhererisa Somaliland,
haddana aanay isku wanaagsanayn Dowladda Federalku, ay su’aalo waaweyn meesha
keento. Puntland hadday weydiisato in dakhliga qeybteeda laga siiyo, waxay dad
badan ula muuqan doontaa wax macquul ah.
Heshiiska weli waxaa ka dhimman tafaasiil. Yaa
Madax u noqonaya Guddiga iskudhafka ah ee labada dhinac? Erayada (afgaradka) la
isticmaalayo marka dayaaradaha lala hadlayo maxay noqonayaan? Si kale haddii
loo dhigo, hawada ay maamulyaan magaceed?
Hawlgalku marka uu billowdo waxaa dhici karta
in laba ama saddex jeer isla maalin gudaheed ay soo baxaan arrimo u baahan in
cid iyaga ka sarreysa ay ula laabtaan, go’aan deg deg ahna loo baahdo. Marka ay
xaaladdaasi timaad, yaa loo noqonayaa? Dakhliga sidee loo qeybsanayaa?
Dabcan Xafiisku wuxuu ahaanayaa Hargeysa.
Raadiyuhu wuxuu oollayaa Hargeysa. Waxaa la ii sheegay in la filayo in Madaxa
Kooxdu uu ka imaan doono Muqdisho, ku xigeenkuna Hargeysa. Laakiin tirada kooxda
lama yaqaan. Weli laguma heshiin ayaan maqlayaa “code”-ka ama afgaradka ay
isticmaali doonto. Dakhliga sida loo qeybsanayana weli laguma heshiin.
Haddii intaas oo dhan la isku af garto, weli
waxaa taagan su’aalo kale. Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee
Soomaaliya 1991, waa markii ugu horreysay ee Soomaali ay maamusho hawadeeda.
Biseylkeedii ma leennahay?
Waxaan maqlayaa in ay dayaarado ka degaan
Taleex iyo Buuhoodle, halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Khaatumo
State oo diiddan gooni isu taagga Somaliland. Somaliland ma oggoshahay in
duullimaadyadaaasi ay si habsami leh u socdaan?
Muqdisho waxaa hadda ugu yaraan khilaaf kala
dhexeeyaa Kismaayo. Dayaaradaha u kala goosha Nairobi iyo Kismaayo ama Kismaayo
iyo Puntland, waxay mararka qaar daad gureyaan siyaasiyiin ka dhan ah Dowladda
marna dhaawac ay islaayeen ciidankeeda. Armay isku daydaa in ay faraha la
gasho?
Mise waxaa la isticmaali doonaa xeerka
caalamiga ah ee dayaaradaha yaryar ku duulaya joogga gaaban ee dhul hawo
wanaagsan oo duuliyuhu ku hagi karo dayaaradda araggiisa dhulka (VFR – Visual
Flight Rules)?
Haddii intaas oo dhan la isku af garto, si habsami lehna ay u socdaan howlaha duullimaadka hawada Soomaaliya iyada oo ay Soomaali hagayso, oo aan rajeynayo in ay sidaas u dhacdo, waxay noqneysaa guul u soo hoyatay Somaliya iyo Somaliland.
Waxaanan rajeynayaa in ay xigi doonaan
heshiisyo ka sii muhiimsan oo aakhirka keena in midnimo ama deris wanaag mid
uun la isku afgarto.
F.G. Ergooyinka Istanbul waxay isku hor
fariisteen heshiiskana ku kala saxiixdeen in ay kala matalayaan: Dowladda
Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland.
No comments:
Post a Comment