Saturday, 6 July 2013

Munaasibad Lagu Caleema saaray Caaqil Cusub Magaalada Awrgboogays Ee Gobolka Sool

DAAWO:-Munaasibad Lagu Caleema saaray Caaqil Cusub Magaalada Awrgboogays Ee Gobolka Sool

Munaasibad lagu caleemasaaray Caaqil Warsame Faarax Caarshe ayaa lagu qabtay dooxada Dhudhub oo ku taala duleedka magaaladda Awr-boogays oo 150Km dhinaca waqooyi kaga aadan magaaladda Laascaanood xarunta gobolka Sool.
Munaasibadan oo si aad ah looga soo shaqeeyey laguna shaqlay qalabka hidaha iyo dhaqanka ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan dadweynaha degan magaaladaas iyo dad ka kala yimi gobolada Sool iyo Sanaag oo ay Awr-boogays kala qaybiso.
Caaqil Warsame oo horey uga mid ahaan jirey ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed isla markaana hada gabgabo ka maraya kuliyada Sharciyada ee Jaamacadda PSU ee ku taala Garoowe ayaa hadana beeshiisu u igmatay xilkii Aabihii ka geeriyoodey ee caaqilka Beesha reer Aadan.
Munaasibadan oo ay ka hadleen dhamaan duqey metelayey dadka dega degaankaas iyo degaanadda ku dhowdhow iyo qaynbaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ka mid ahaa C/rashiid Axmed Warsame oo siyaasiyiinta degaankaas ka soo jeeda ka mid ah waxaanu beesha iyo caaqilkaba kula dardaarmay wadashayqayn iyo Ismaqal.
Caaqil Warsame Faarax Caarshe oo caleemasaarka ka dib dadkii halkaas isugu yimi la hadlay ayaa waxa uu u mahad celiyey dhamaan intii munaasibadan isku hawshay, waxaa kaloo uu caaqilku timaamay dhibaatooyin dhinaca horumarka ah oo ka jira magaaladda Awrboogays oo lagu tilmaamo magaalada ugu dadka badan gobolka Sool marka laga taga caasimada Laascaanood.
Ugu daanbayntii waxaa halkaasi hadal dardaaran iyo duco isugu jira ka soo jeediyey Garaad C/laahi Maxamed Guuleed oo bulshada degaankaasna ugu baaqay inay samaystaaan maamul iyo kala danbayn.
12 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

No comments:

Post a Comment