Ra'iisul Wasaaraha
Soomaaliya oo shaaciyay in Xukuumadu aysan doonayn inay Caburiso
Saxaafadda Xorta ah (SAWIRRO)
Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa caawa ku casuumay bahda warbaahinta kulan afur iyo oo qaatay muddo saddex saacadood ah, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu ka sheegay goobta in xukuumaddu aysan doonayn inay warbaahinta ku qasabto sharci aysan raalli ka ahayn.
Kulanka
ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka warfaafinta, Cabdullaahi Ciilmooge
Xersi, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire,
afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli iyo howlwadeenada kale ee
warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Afurka
kaddib, waxaa kulanka furay afhayeenka xukuumadda oo sheegay in kulanka
uu ra’iisul wasaaruhu uga gol-leeyahay sidii si daah-furan oo kaftan,
sheeko iyo talo soo jeedinba ay ku jirto loo wadahadlo, isagoo sidoo
kale ka codsaday in wixii talo iyo tusaale ah haddii ay ahaan lahayd
ammaan ama dhaliil ay si toos ah u soo bandhigaan.
Xubnihii
warbaahinta ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa, agaasimaha idaacadda
Radio Kulmiye, abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo ah halkaas ka soo
jeediyay hadalo isugu jiray talo, gabay iyo xog-waranba. Taasoo aad
loogu riyaaqay.
Wasiirka
warfaafinta, Ciilmooge oo kulanka ka hadlay ayaa si guud u dul-maray
aragtida warbaahinta ee sharciga saxaafadda, wuxuuna iftiimiyay in qaar
ka mid ah qodobbada sharcigan laga been abuuray isla markaana loo dhigay
si aanu u qornayn, wuxuuna ka hor sheegay kulanka inuu diyaar u yahay
inuu dhegeysto talada iyo cabashada warbaahinta, isla markaana lagu
darayo soo jeedintooda sharcigan.
Gabagabadii,
ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulankaas ka hadlay ayaa ka sheegay
kulanka inay xukuumaddu ballanqaadayso xorriyadda saxaafadda iyo difaaca
xorriyatul qowlka, wuxuuna meesha saaray cadaadis la saarayo, isagoo u
xaqiijiyay in wixii talo iyo tusaale ah ay diyaar u yihiin in sharcigan
lagu kordhiyo, si loo helo sharci damaanad qaadi kara xaquuqda
saxaafadda iyo wariyaha shaqeynaya.
“Waxaan
idin kula talinayaa in danihiina aad ka hor marisaan, danaha dalka iyo
dadka, waxaadna ogaataan in Soomaaliya ay u baahan tahay dhallinyaro
dhanka saxan wax ka aragta, taladooda iyo awoodoodana isugu geeya sidii
ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo nabad kusoo dabaalidda
dalka,” ayuu ra’iisul wasaare Saacid ka sheegay kulanka uu la yeeshay
warbaahinta xorta ah.
Kulankan
ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalmahan si weyn looga hadlayay
sharciga saxaafadda ee dhawaan ay soo gudbisay xukuumadd Soomaaliya,
kaasoo warbaahintu ku sheegeen kuwo lagu caburinayo xoriyadda saxaafadda
madaxa-bannaan ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
No comments:
Post a Comment