AQOON
YAHAN (gabay) 5/6/2013
Asal gabay ah axsan iyo odhaah ereyo miisaan
Abshir ararihiisii iyo tixbaan soo amaamuriye
Uluuf gabay ah baan soo wadaa iyo araartiiye
Eegga hore salaan aad ah iyo eeshtan iga hooya
Inamiyo hablaba murtida aayar iga hooya
Adduunyadu iscaajkeedu waa oday ka sheekeeye
Istareeska waxa keenayaa waa inkaaraha e
Omoskiyo kulaylkeedu waa yaab iyo amakaage
Aafada dhibaatadu ma aha eebbe taladiiye
Inagaa istaahila ka badan waxaad arkaysaane
Hadaan saamaxaad eebbe jirin maba ahaaneene
Dhulkana iga wallaan lagu socdeen lana ormeeyeene
Istaqfaarta badiyiyo towbadaa aayatiin badane
Afartaa adkeeyaye godkaa meel ma ku asteeyey
Orjinaalka maansada saw aalad uma sheegin
Alifkale ayaan baanayaa isana , hela abbaartiisa.
Irsiq laga doodoo rabbaa, qoray arsaaqdiiye
Afkaar baa lakala iibsadaa iyo iyo ildheeraane
Irib iyo aqoon baa aduun lays adoon sadaye
Aqoon yahan ninkii ahi waa inuu edeb lahaadaaye
Afar iyo tobaniyo boqol suuradood iyo akhbaartooda
Aayad aayad waa inuu u marin una asteeyaaye
Axaadiista waa inuu yaqaan , iyo asxaabtiiba
Istaar layt ka waa inuu wax badan kala asteeyaaye
Ustaad muuse waa inuu aqoon uga ekaadaaye
Ixtiraamka waa inuu ugaas uga ekaadaaye
Erey-bixinta waa inuu abwaan uga ekaadaaye
Hal-abuurka waa inuu aniga uga ekaadaaye
Anfaaciba wixii aan lahayn waa inuu ka istixoodaaye
Istareex malaha waayadaad cilmiga aad u dalabtaaye
Adkaysiyo wuxuu kaa rabaa dadaal loo agaasimo e
Akhris iyo dhigaal buu rabaa waa loo abaal heliye
Afartaas adkeeyaye murtida meel ma ku asteeyey
Orjinaalka maansadaa saw aalad uma sheegin
Ma ibtiray sidiii roob onkaday ubaxna soo saaray.
Abtirsiinyo gabay baan tolkay ku anfacaayaaye
Ilaahay ishaariyo sharkaba idin hareer dhaafi.
No comments:
Post a Comment