Saturday 6 July 2013

Maamulka Khaatumo State Oo Shaaciyey Xiliga Shirka Taleex-(Akhriso)

Maamulka Khaatumo State Oo Shaaciyey Xiliga Shirka Taleex-(Akhriso)

Dhamaan muwaadiniinta Khaatumo waxaa la ogeysiinayaa inuu ka furmi doono Shir Dawli ah maalinta Arbacada, 13ka July 2013,Taleex Caasimadda Ku-meel- gaadhka ee Khaatumo.
Shirkaas oo noqon doono mid taariikhi ah, kana soo  qeyb gelayaan dhamaan Saddex Gole ee Khaatumo, ergooyin iyo marti sharaf ka kala imaneysa dalka Gudihiisa iyo  debadiisa.
Shirkaas waxaa lagu gorfeyn doonaa arrimo badan oo ka mid yihiin :
1) Maxa qabsoomay, maxaase qabyo ah
2) Horumarinta Degaanadda Khaatumo
3) adkeynta midnimadda, nabadda,  wada tashiga  iyo dimoqraadiyadda
Waxaa Isla markaana la qaban doonaa tartan dimuqraadi ah oo lagu dooranayo hogaan maamul dastuuri ah ay ku qanacsan yihiin shacbiga Khaatumo.
Waxaa  Dhammaan  ka qayb-galayaasha  iyo muwaadiniinta kale  ee danayneya Shirka  lala socodsiinayaa in ay  ku talo galaan iney ku diyaar garoobaan, iskana soo xaadiriyaan  madasha Shirka  inta u dhaxeysa 13-31 bisha July 2013.
Ibraahim Maxamuud Guure
Xoghayaha Guddiga Qabanqaabada

No comments:

Post a Comment