RAMADAAN
Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
Waxan
salaantaa Islaamka ee Qaaliga ah u gudbinayaa Dhamaan Muslimiinta,oo leeyahay
Alle ha innaga wada dhigo kuwa Alle waafajiyo barakada iyo khayrka Bisha Ramadaan,oo
hela Raxmadda iyo Denbi dhaafka iyo ka xorowga Naarta.Aamiin.
Shahru Soom,Shahrul Cibaada,Shahrul Barakaat,Shahrul Khayraad,Shahrul Raxma,Shahrul
Quraan…
Bisha
Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhida,mudanna in laga
faa'iidaysto oo la kasbado kheyraadka iyo barakooyinka ay wadato,taas oo ku
xidhan dadaal iyo niyad wanaagsan,waa bil khayr badan oo Shayaadiintu
xidhxidhan tahay.
Bisha
Ramadaan waa bisha 9aad ee bilaha Hijriga ah,waxana la sharciyeeyey oo
la waajib yeelay bishii Shacbaan ee Sannadkii Labaad ee Hijriyada.
Bisha
Ramadaan waa bil uu Ilaahay subxaana watacaalaa,u doortay inay ahaato bil loo
soomo oo loo afxidhnaado Ilaahay dartii,oo laga dheeraado cuntada,cabbidda iyo shahwada iyo denbiga kale oo dhan.
Soonku
waxa uu ka mid yahay cibaadooyinka Alle ku waajib yeelay dadka oo dhan.
Cibaadadu
waa ta Alle subxaana watacaalaa inoo abuuray,oo Alle mooyee ma jiro cid kale oo
xaq lagu caabudaa:
وما خلقت
الجن والإنس إلا ليعبدون ما أريد منهم من رزق وما أريد أن يطعمون إنّ الله هوالرّزاق
ذو القوة
المتين( الذاريات)
Aayadda:Uma aan abuurin Jinka iyo Insiga inay
i caabudaan mooyaane wax kale, kama rabo risiq
iyo inay i quudiyaan,Ilaahay ayaa Raasiq ah,oo leh quwad xoog leh.
Cibaadadu
waa dhamaan wax Alla wixii qofka ka soo fula ee uu ku kaco ama sameeyo,ee isugu
jira waxa uu niyadda ka doono iyo waxa uu qowl ama hadal ahaan u yidhaahdo,ama
waxa uu hawl ahaan ama ficil ahaan u sameeyo ee ula yimaaddo:
قل إنّ صلاتي
ونسكي ومحياي ومماتيّ لله ربّ العالمين لا شريك له وبذالك أمرت وأنا أوّل
المسلمين(ألأنعام)
Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi
Allow)salaaddayda iyo camalkayga dar Alleed,iyo noloshayda iyo dhimashadayduba
Alle ayay u sugan yihiin,oo wax shariig ah ma laha, sidaas ayaana lay
amray,waxanan ahay Muslimiinta ka ugu horreeya.
Cibaadada
Alle innagu waajib yeelay waxa ka mid ah Soonka,waana Rugniga
4aad ee Arkaanta Islaamka,waxana qofku isu afxidhayaa dar Alle,oo cuntada iyo
cabbidda iyo sahwada ka soomayaa,sidoo kale isha iyo hadalka xun ee aan
wanaagsanayn.
يا أيّها الّذين
آمنوا كتب عليكم
الصّيام كما كتب على الّذين من قبلكم
لعلكم تتّقون(البقرة)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow
waajib ayaa laydinkaga yeelay Soonka sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka
horreeyey,waxa la arkaa inaad cabsataane.
waxa
iyana sunne ah oo la soomaa 6da shawaalka,ee ah bisha ku xigta bisha Ramadaan,oo
ilaa bilowgeeda iyo dhamaadka bishaa shawaal aad ama lixda maalmood isku xejin
karto,ama kala googoyn kartid.
Waxa
Ilaahay subxaana watacaalaa raxmaddiisa kaga dhigay 30 kii casho ee Ramadaanta
in maalintiiba la mid tahay toban casho oo halkaa ay ku noqonayso in aad
soontay in le'eg 300 oo casho,haddaad 6da shawaal ku darto,maalintiiba
ay kuula mid tahay toban iyana waa 60 casho,markaad isu geyso waa adigoo
sannad soomay 360 maalmood,waa fadliga Alle iyo naxariistiisa uu
Addoomadiisa ugu nimceeyey.
Qofku
soonka waxa uu ku kasbadaa derejo iyo ajar badan,oo khayrkiisa lama koobo:
وأن تصوموا خير لكم إن
كنتم تعلمون(البقرة)
Aayadda:in aad soontaan ayaa idiin khayr badan
haddaad garanaysaan oo ogtihiin.
Ilaahay
subxaana watacaalaa wuxu kitaabkiisa kariinka ah ku sheegay oo yidhi:Waajib
ayaa laydinkaga yeelay Soonka sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka
horreeyey,waxa la arkaa inaad cabsataane.
Cabsida
Ilaahay waa mid koobsanaysa ficilka aad samaynayso iyo dareenkaaga hoose oo aad
ka dhigto saafi oo niyad wanaagsan iyo rajo fiican mar kasta ku jirto camalkuna
rumeeyo.
قال رسول الله
صلى الله عليه وسلم" : من صام رمضان ايمانا واحتسابا، غفر له ما تقدم من ذنبه، ومن قام ليلة القدر إيمانا واحتسابا، غفر له
ما تقدم من ذنبه. (رواه
أبو هريرة)
Xadiiska:Rasuulka Ilaahay nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi: Qofka sooma si iimaan iyo niyad ah oo
Ilaahay ka filaya ajar Ilaahay wuu dhaafaa denbi wuxu hore ula yimi,Qofka isna
ooga ee u kaca Habeenka Leylatulqadriga si iimaan iyo niyad ah oo Ilaahay ajar
ka filaya ajar Ilaahay wuu dhaafaa denbi wuxu hore ula yimi.
قال رسول الله
صلى الله عليه وسلم"كل عمل ابن اّدم يضاعف: الحسنة بعشر امثالها الي سبعمائة
ضعف، قال الله
تعالي: إلا الصوم ، فإنه لي وأنا أجزي
به. يدع شهوته وطعامه وشرابه من
أجلي.
Xadiisul qudduska:Rasuulka Ilaahay nabad gelyo
iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi:Camal kasta oo Bini-Aadamku
sameeyo waa loo labanlaabaa,xasano kasta toban la mid ah ilaa iyo Todoba Boqol
oo labanlaab ayaa la siiyaa,Alle waxa uu yidhi: Soonka mooyee isaga Anaa iska
leh oo aanaa ugu Abaalgudaya kii sooma,waayo dartay ayuu isaga joojiyey oo u
daayey Cuntadii,Cabbidii iyo Shahwadiisiiba.
Qofka
Muslinka ahi waa inuu Cusboonaysiiyaa Camalkiisa iyo Cibaadadiisa oo Toobada
badiyaa,waa bil barakaad iyo kheyraadkeedu badan yahay:
قال رسول الله
صلى الله عليه وسلم "أتاكم رمضان شهر مبارك فرض الله عز وجل عليكم
صيامه، تفتح فيه أبواب
السماء، وتغلق فيه أبواب الجحيم، وتغل
فيه مردة الشياطين، لله فيه ليلة
خير من ألف شهر"
Xadiiska:waxa Rusuulku nabadgelyo iyo naxariis
korkiisa ha ahaatee yidhi:Waxa idiin yimi Ramadaan oo ah bil barakaysan,Alla Isagaa
weyn oo korreeyee waxa uu idinku waajib yeelay Soon,waxa la furaa bishaa
Albaabada Samada waxana la xidhaa Albaabada Jaxiima,Shaydaannadana waa la
dheereeyaa oo la xidhxidhaa,waxa bishaa ku jira Habeen ka fadli badan Kun
bilood(Leylatul qadriga).
Shuruudaha Soonka:
Shuruuhada
Soonka waxyar bay ku kala tagsan yihiin Madaahibtu laakiin maadaama
Mujtamaceennu Shaaficiyiin wada yihiin waxan soo qaadanaynaa Shuruudaha
Shaaficiyada:
Shardiyada
waajibka ah:
1-Qaangaadhnimo
2-Islaamnimo
3-Caqli
4-Awoodid dareen iyo sharciba
Arkaanta Soonka:
Arkaanta
Soonka waxa loo badiyaa laba rukni:
1-Niyad(in qofku niyaysto inuu soomaya Ilaahay
dartii)
2-Afxidh iyo ka dheeraansho wax kastoo
jebinaya ama burinaya Soonka
Cudurdaarka Afuriddu bannaan tahay:
Qofka
cudurdaarka leh wuu afuri karaa iyadoo uu qalle ula iman doono intii dhaaftay
oo isagaa xor u ah inuu xidhiidhiyo maalmaha ka tegey iyo inuu kala googooyo
waase inaanay Ramadaanta kale ku soo gaadhin iyadoo lagu leeyahay tii hore ama
maalmo tii hore ka mid ah markaa wuxu bixinayaa fidyo oo wuxu maalin kasta
cuntaysiinayaa qof Miskiin ah ama Lacag ayuu qiimihii cuntada u siin karaa.
Cudurdaarrada waxa ka mid ah:
1-Xanuun:Qofka xanuun hayo een awoodi karin Soomidda ama ka cabsooda inuu
xanuunku ku sii fido oo halis gelinayo waa afuri karaa,dhakhtarkuna caddeeyo.
2-Safar:Safar qofku galo oon ka yarayn 84 km
qofka safarka ku jira hadduu ku adkaado wuu afuri karaa.
3-Dhiigga xaydka iyo Nifaaska
4-Uurka iyo Naasnuujinta:hadduu Hooyadu ay u
baqdo ilmaha uurka ku jira ama nafteeda sidoo kale ilmuhu inuu caano waayo oo
ay u baqdo way afuraysaa,ka dib fidyo ama qalle ayay samaynaysaa.
5-Da' weynida:Qofka da'da ah ee aan awoodi
karayn Soonka wuu afurayaa wuxuna bixinayaa Fidyo.
6-Hawl ama Shaqo dhib badan:qofka meel kale oo
aan shaqadaas ahayn aanu risiq ka soo gelayn ee dantu ku shasbayso,shaqaduna
aad u adag tahay wuu afurayaa wuuna qallaynayaa.
Bisha
Ramadaan waa bil baraka badan waa bishii Quraanku soo degey:
شهر رمضان
الذّي أنزل فيه القرآن هدىً للناس وبينات من الهدى والفرقان ( البقرة)
Aayadda:Bisha Ramadaan waa tii uu soo degey
Quraanku ee u ahaaday dadka hanuun iyo bayaan cad oo hanuun iyo kala sooc
ah(yacni kala soocidda xaqa iyo baadilka).
Bisha
Ramadaan waa bishii ugu Intisaaraad iyo Guulo badnayd Qasawaadkii iyo
Dagaaladii Muslimiintu Gaalada la galeen.
Bisha
Ramadaan waa bisha Toobadda iyo denbi dhaafka iyadoo mar kasta ay furan tahay
haddana bishani waxay leedahay siyaado gaar ah eeg xadiiskan:
عن أبي هريرة
رضي الله
عنه قال : قال رسول الله صلى الله
عليه وسلم : ( الصلوات الخمس، والجمعة إلى الجمعة، ورمضان
إلى رمضان، مكفرات لما بينهن إذا اجتنبت الكبائر(
Xadiiska:Abi Hurayra Alle ha ka raalli ahaadee
waxa laga weriyey in Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaateeuu
yidhi:Salaadaha shanta ah iyo Salaadda Jimce ilaa iyo Jimcaha kale iyo Ramadaan
ilaa iyo Ramadaanta kale waxay masaxaan oo tirtiraan wixii u dhexeeyey ee denbi
ahaa,haddii qofku ka dheeraado denbiyada waaweeyn ee kabaa'irta ah.
Bisha
Ramadaan waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo min toban ah:Tobanka hore waa RAXMAD,Tobanka
dhexe waa denbi dhaaf MAQFIRO,Tobanka danbena waa cadaabkoo layska
xoreeyo CITQU MINA NAAR.
Bisha
Ramadaan khayraadkeeda waxa ka mid ah waa bisha Samirka,oo qofku waxa uu u
sabrayaa gaajada iyo harraadka Alle dartii.
Soonka
gudihiisa qofku wuxu iska mamnuucayaa wax kastoo naftiisu xiisaynayso ee
jebinaya soonkiisa waana samrid uu u samrayo isagoo amarka Eebbihiis raacaya
maraa Soonku Samirka badh buu ka noqday Samirkana abaalkiisu waa Janno ayaa Ilaahay
Quraakiisa ku yidhi:
إنّما يوفى
الصّابرون أجرهم بغير
حساب(الزمر﴾
Aayadda:waa loo oofinayaa kuwa sabra ajarkooda
isagoo xisaab la'aan ah.
Bisha
Ramadaan waa bil ducada Ilaahay aqbalo Shahru ducaa:
وقال رسول
الله صلى الله
عليه وسلم": ثلاثة لا ترد
دعوتهم:الصائم حتى يفطر، والإمام العادل، ودعوة المظلوم. رواه
أحمد.
Xadiiska:Rasuulka Alle Nabadgelyo iyo Naxariis
korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: Saddex ducadooda lama celiyo oo waa la
aqbalaa:Qofka sooman ilaa uu afurayo, Iimaan caadil ah(Madaxweyne ama Boqor)
iyo ducada qof dulman(qof la dulmay).
Soonku
wuxu u wanaagsan yahay caafimaadka iyo sixada jidhka,waxa unugyadii aanu jidhku
u baahnayn ku dhaca ka takhalusid,unugyada kalena dib u cusboonaan ayay
sameeyaan oo si firfircoon u hawl galaan,waxa sidoo kale habaysma inta
guluukoos ee jidhku u baaha yahay,waxana jidhku helaa dheelitir dhinacyada
tamarta iyo booratiinka ama faatiska ee u baahan inuu saamigal mucayan ah
lahaado,sidoo kale xanuunno badan ayuu dawo u yahay sida Macaanka ama Sonkorta,Xanuunnada
bararka,Xanuunnada jeldiga ama dubka jidhka ku dhaca,Xanuunnada Qalbiga iyo
kuwa Maskaxda iyo kuwo kale oo badan.
Sidoo
kale Soonku wuxu daweeyaa Ruuxda iyo Nafta oo ka dhigaa mid saafinimo iyo suubbanaan
ku sifoowda,oo qofka sooman wuxu markasta ku xidhan yahay Ilaahii abuurtay,wuxuna
ku fekerayaa Koonkan iyo Makhluuqaadka kala geddisan ee Ilaahay abuuray,Maskaxdiisana
wax denbi ah kuma soo dhacayaan,Quraan akhris iyo duco iyo khayr buu qofku ku
dhexjiraa,taas oo ka dhigaysa qof Macnawiyaadkiisu sarreeyo oo iimaanku u
buuxo.
Waxa
markhaati beenaalaha iyo hadalka beenta ahiba buriyaan soonka,oo haddii uu qof
soomani been sheego ama ku camal falo soonkiisu waa ka kac:
قال رسول الله
صلى الله عليه وسلم" من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع
طعامه وشرابه". رواه البخاري.
Xadiiska:waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:kii aan ka tegey hadalka beenta ah,iyo ku
camal falkiisa,Alle waxba uguma filna in uu ka tego cuntadiisa iyo
cabbiddiisaba.
Qofka
soommani laba farxadood ayuu helaa markuu afurayo iyo markuu Alle la kulmo,ee
laga abaalmarinayo soonkiisii:
وقال رسول
الله صلى الله
عليه وسلم:"للصائم فرحتان فرحة
عند فطره وفرحة عند لقاء ربه"
Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi:
Qofka
soomaa laba farxadood ayuu la kulmaa,oo leeyahay:farxadi waa marka uu
afurayo,iyo farxad marka uu Rabbigiis la kulmo.
Ramadaanta
Soomoo
Sadaqadaysta
weligiin
Salaaddiina
oogoo
Bixiyoo
sakaystoo
Sooryada
ninkii mudan
Sii
baahanaha jira
Site
hawgu sii darin
Waa
sifo dammiinimo
Ee
saboolka gaadhsii
Cibaadada
Alluhu sugay
Suubban
ee wanaagga leh
Saatir
uu aqbalayona
Samaynteed
ku dheeree
Yay
suququl kaa gelin
Ramadaantu
waa sahay
Waqtigu
waa soconayaa
Seef
weeye sax u garo
Soon
oo samaha badi
Salligii
Rasuulkana
Saacad
kasta ogsoonow
Siciid
waxa ah kii garan
Waajib
isaga saarane
Siday
tahay u guta oo
Aanu
seegin khayrkuye
Ha
ka seexan samahoo
Sahal
haw malaynoo
Sibiq
yuu ku soconine
Seetada
adkeeyoo
Subxaanow
Ilaah baa
Kugu
saacidaayee
Sabir
kaashigiisiyo
Saafi
niyadda yeeloo
Sadkaa
iyo nasiibkaa
Waa
kaad samaysato
Waa
sidaad u lisanay
Waa
sidaad u suuq gelin
Sancadaada
qabashada
Safee
oo ka dhawr suqul
Ha
ahaato duud siman
Ha
sarrayso weligeed
Sarmaseegto
iga daa
Ku
saameel wanaaggoo
Saacidada
Adduunkiyo
Kasbo
samaha Aakhiro
Wax
kastaad samaynay
Waa
inay sargo'an tahay
Sax
inaad u dhugataa
Sifeheed
taqaannaa
Diintu
ay sidkaysaa
Markaasaa
Jannada sare
Abaal
Saatir kuu siin
Soon
oo haddana soon
Salaaddanu
ha toostoo
Sadaqadu
ha baxsantee
Sakadana
ha moogaan
Safarkii
xajkaa yimi
Sida
uu itaal sugo
Ku
seeraari weligaa
Safka
Nebigad noqonoo
Saatir
baa abaal iyo
Jannadii
ku siinoo
Siciid
baad ahaanay
Siciid
baad ahaanay.
Saeed
Ibrahin Hussein
As/w/w
No comments:
Post a Comment