Monday, 13 December 2010

waa sasuustii deegamada ssc taariikheed waa qaybtii koobaada wad la soocon doonta

waxaan maalin hore ku soo bandhigay shebekedan [alldarwiish] su-aal ahayd [taariikhda ma la hayaa maalin deegaanada SSC ay ku baxsadeen hiil Harti ama Daarood wayn? {XAASHA ・xaasha!} Waxa cadaatay in aan la soo helayn xataa maalin! Hadaba waxa kale oo is waydiin leh, miyaynaan cadawba la haan jirin? Jawaabtu waxa weeye manta iyo taariikhihii hore waxaynu kun jeer cadaw badnayn wakhtiyadii hore.Waxa kale oo is waydiin leh sidaeebay ragii ina dhalay u maarayn jireen mushkiladaha iyaga, oo aan Daarood ama harti hoos gelin amaba u qayshan? Jawaabtu waxa weeye iyagaa la magan geli jiray ee may ahayn rag cid hoos geli kara! Hadaa maxaa dhacay maanta miyaynu ka tira yar nahay ragii magacan inoo sameeyay ee aynu ka soo jeednay? Jawaabtu waxa weeye sadex ama afar jeer ayaynu ka badanahay wakhtigaas intay ahaayeen! Cajiib hadaa maxaa si-ah? Waxaan idin siinayaa tusaale waayeel ee please bal aad uga fekera waana mid aad wada garanaysaan laakiin waa iga xusuus: Taariikhda Soomaaliyeed waxa soo maray halyaygii gobanimo doonka Africa [Sayid iyo nin reer sool ahaayo looqyaqanay xoog darawiisheedd ] waxaanad ogtihiin ninkaas culayska uu lahaa iyo dagaalkuu la galay quwadihii aduunka. Bal hadaba ninkaas caalamka oo dhami doonayay meeshii uu naftisa iyo halgan kiisaba ku aaminay xagay ahayd? Meeshii uu guriga ka dhigtay hal qarni ka hor ee loogu geli waayay miyaynaan joogin? Wakhtigaas caro Daraawiishi ay saldhiga u ahayd Sayikii; waxaa la dagaalamayay [Talyaani oo koonfur oo dhan wata oo majeerteen hogaaminayo, waxa la dagaalamayay Isaaq iyo ingriis; waxa kale oo la dagaalamayay Xabashi oo wadata Ogaadeen iyo Daarood galbeed oo dham] Waxaanu galay dhufays aanay cidina ugu geli Karin oo ah gurigii Reer Abtigii SSC, waxaanu saldhig ka dhigtay Taleex. Waxaanad ogaydeen ilaa loo dalbaday diyaarado in ay meeshaas caro daraawiisheed cidina fooda gelin wayday!!!. Qodob kani wuxuu cadaynayaa sida aynu ugu ceebawnay dunida dusheeda ee aynu u khasaaraynay raadadkii awoowayaasheen inooga tageen. Waxa kale oo cadaatay sida aynu u xigmad guurnay ama saboolka uga noqonay xigmadii iyo xeel dheeridii nolosha deegaankani caanka ku ahaa. Waxaa aniga ii muuqata in aynu ku ceebawnay aduunyada dusheeda oo aynu siinay ragaynu is hayn jirnay lib aanay siin ragii ina dhalay ee ay is layn jireen; waxa kale oo cad in aynu hoos galay magac Harti la yidhaahdo oo aan dhibaato mooyee dheef weligay aanan ka arag! Waxa kale oo cadaatay waaya-arag la-aanta iyo taariikh guurka inagu dhacay in uu ina hoos geeyo reer aan weligii cidi ku hoos noolaan ama aan aqoon walaaltinimada rag wax ku qaybsado. Gef maaha oo ma ihi nin cuqdadaysan ama reernimo cid ku duraya; laakiin waxaan jecelahay markaan arkay saboolka taariikheed ee ka muuqda tolkay; in aan wax badan soo ban dhigo si aan tusaale u siiyo dhalintan ku hadaaqaysa arimaha magic dilka ah ee ay ina badeen siyaasiyiinteenu. Waayo waxa sharaf xumo inagu ah in maanta majeerteen amaba harti yidhaahdo waxaan difaacayaa D-bahante! Waxaan leeyahay ma geyno mana qaadan karayno umana qalano waxaas oo kale! Weligeena taariikhda waxaan difaaco oo magan geliyo mooyee cid maan magan gelin. Marka aan eego xaalkeena iyo dhalinteenu sida ay maanta u fekerayaan waxaan xasuustaa maah-maahda somilyeed ee tidhaahda ・rag la-aani wax kuma yeeshee rag xumaan baa wax ku yeesha・ Waxa kale oo aan idin tusaalaynayaa sida aynu kala ahaan jirnay nimankan aynu wada dhalanay ee Majeerteen; oo aad moodo inay hormuud isaga dhigayaan Harti ama danta daarood.; Waxa Somaliyi isku raacsan tahay in Dhulbahante waardiye ka ahaan jiray danaha Daarood weligeena; lama hayo maalin aynu dheg xumo u soo jiidnay. laakiin walaaladeen maxay ku faleen danihii Daarood? Tusaale kooban! Majeerteen wuxuu ku ahaa dan kasta oo daarood yeesho cadaw! Waxaanan ku cadaynayaa sadexdan arimood ee soo socda: hal qarni ka hor wuxuu majeerteen is hor taagay boqortooyo daarood oo dhismi lahayd; mar labaadkiina wuxuu xabad ku bilaabay Xukuumadii Ina Siyaad; ugu danbayna dhamaan Soomaali wuxuu magacii daarood uga dhigay cadaw aan cidina bixinayn; wuxuu u soo jiiday ceeb aan weligeed hadhayn waxaanay keeneen aduunyada gaalkii ugu liitay oo ah cadawgeenii rasmiga ahaa oo ah Xabshi; waxaanad ogtihiin in manta xabashiyi guri Harti danta ka soo gasha aanay cidna wax ka waydiinayn; waxaana ugu danbaysay dhacdadii [Buuhoodle lixda nine e Soomaliyeed ay kaga kaxaysteen! Waxa kale oo aan idin tusayaa in aanay puntland dan Harti ama daarood wadin ee ay tahay magic reer ku qadhaabanayo ; waxaad ogtihiin in ay xaaraan ka dhigeen in aan majeerteen nin aan ahayni aanu noqon Karin hogaanka Puntland; waxa kale oo aad ogtihiin in ay weerar ku qaadeen caro wasan-geli waxa kale oo ay weerer ku soo qaadeen Cagaar; waxa kale oo ay weerar ku qaadeen Kismaayo! Waxa kale oo magic xumo inoogu filan warbixintii walaakeen maalin hore kaga waramayay xaqiiqda dhabta ah iyo magacxumida aynu ku dhex leenay caro majeerteen! Ee ahayd in aan qofka majeerteen aanu musharkiisu ka maqnaan bil qudha; halka ka ka yimi SSC aanu shan ilaa lix bilood arag musharkiisii uu xaqa u lahaa; waxa kale oo ku jirtay warbixintaas in gaadhiga kirada ah ee looga baahdo puntland ka SSC ka yimi lagu kiraysto $500 halka ka ka yimi caro majeerteena lagu kiraysto $1500! Waana laba gaadhi oo isku mid ah. Waxa kale oo aad ogtihiin cashuurta la inaga qaado ma jirtaa wax inagaga soo noqdaa? Halka gobolada Majeerteen horumarka la gaadhsiiyay! Waxaan ku soo uruurinayaa walaalayaal, waxaynu u baahanahay in aynu joojino muusanawga oo aynu u fekerno si Koran; oo inta aynu iska dayno [casabiyada jaahiliga aynu ka hadalo go-aana ku qaadano wax aduun iyo aakhiroba dan inoo ah; magic xumadan ina haleeshayna aynu ku maydhno. Waxaanan jeclaan lahaa in aynu si furan uga doodno mustaqbalkeena siyaasadeed, deegaaneed, horumarineed. Waayo waxa lagu jiraa seben xun oo u baahan in arin kasta laga fogeeyo caadifad; isla markaana loo lafo guro si qodtodheer. Waxaan ku soo uruurinayaa waxa ii hadhay meesha aan danta u arko ee bal intaasi ha ii sii ahaato gogol dhig iyo tusaalayaal aan raga jibaysan

Gabay loogu jawaabayo Beesha Bariga borco

soo daabacay Qorilugud.

Cosobsiga hashii barata iyo cidhifka daaqiisa
Cishuun bay dhurwaayadu cunaan kuna casheeyaane
Coobaha marbuu kalajaraa cooflihii bahale

Caynkaad wadaan habar jeclooy cilinki waa yaabe
Cagaagiyo mudaad buurihii camal ilawdeene
Cariskiyo banaanada mudaad cimidh u daaqdeene

Carigiyo dhulkaygii markaan kugu casuumeeyey
Cuudkiyo markay kuu bateen coodidiyo maalka
Cidiyuhu markay kuu bexeen baad i caasidaye
Ciyoon baad ilawdeen waxaan caana kuu shubaye

Cisi iyo wanaag kuma anhelin’ caawidaan idhiye
Caybaad bilawdiyo inadaad igu ciyaartaaye
Cafiskii badnaa eede iyo camal samaantiiye

Casharada ankuudhigo hadanad cayndhe kari waayin
Curcuradiyo qararkii hadaan lagu cillaalaanin
Hadii annan cashiyo buurihii kugu ceshiimaynin
Curadada lagaa dilo hadaanay kuman cagayn waayin

Caasi baad ahaataye hadanad caabid noqon maanta
Cali geriyo reer Hagar hadaan cagaha loo maydhin
Ciilkiyo dhibaatadu hadaanay kaa camirin laabta
Cuqdadaad qabteen iyo hadaanay cadhadu weynaanin

Ceesaanahaagii hadaanad adhiga caataysan
Canjil baad bilwdiye hadaanad caaqil odhanwaayin
Culayskiyo dhibkaagii hadaanan maanta soo celinin
Cabashooyinkii hore hadaanay cayma noqon waayin

Gabay loogu jawaabayo Beesha Bariga borco

Burco
google_protectAndRun("ads_core.google_render_ad", google_handleError, google_render_ad);

AS/WR/WB
Gabaygani wuxuu jawaab kooban uyahay gabayga ka hooseeya ee doraad lagu soo daabacay Qorilugud.

Cosobsiga hashii barata iyo cidhifka daaqiisa
Cishuun bay dhurwaayadu cunaan kuna casheeyaane
Coobaha marbuu kalajaraa cooflihii bahale

Caynkaad wadaan habar jeclooy cilinki waa yaabe
Cagaagiyo mudaad buurihii camal ilawdeene
Cariskiyo banaanada mudaad cimidh u daaqdeene

Carigiyo dhulkaygii markaan kugu casuumeeyey
Cuudkiyo markay kuu bateen coodidiyo maalka
Cidiyuhu markay kuu bexeen baad i caasidaye
Ciyoon baad ilawdeen waxaan caana kuu shubaye

Cisi iyo wanaag kuma anhelin’ caawidaan idhiye
Caybaad bilawdiyo inadaad igu ciyaartaaye
Cafiskii badnaa eede iyo camal samaantiiye

Casharada ankuudhigo hadanad cayndhe kari waayin
Curcuradiyo qararkii hadaan lagu cillaalaanin
Hadii annan cashiyo buurihii kugu ceshiimaynin
Curadada lagaa dilo hadaanay kuman cagayn waayin

Caasi baad ahaataye hadanad caabid noqon maanta
Cali geriyo reer Hagar hadaan cagaha loo maydhin
Ciilkiyo dhibaatadu hadaanay kaa camirin laabta
Cuqdadaad qabteen iyo hadaanay cadhadu weynaanin

Ceesaanahaagii hadaanad adhiga caataysan
Canjil baad bilwdiye hadaanad caaqil odhanwaayin
Culayskiyo dhibkaagii hadaanan maanta soo celinin
Cabashooyinkii hore hadaanay cayma noqon waayin

Saturday, 11 December 2010

Ciyaaraha CECAFA: Xulalka Ivory Coast iyo Ethiopia oo baxay semi finalka yirahaas

Ciyaaraha CECAFA: Xulalka Ivory Coast iyo Ethiopia oo u soo baxay Semi Finalka ciyaarahaas (SAWIRRO)
dr.seleebaan yuusuf (dr.bood), olinedarwiish, Uganda
Talaado, December 07, 2010(HOL): Waxaa galabta garoonka National Stadium ee magaaladda Darasalaam ka biloowday wareega 8-da ee koobka 37-aad ee xulalka qaramada bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA 2010, waxaana ciyaartii hore ee galabta dhex martay wadamada Ethiopia iyo Zambia, iyadoo ciyartaas 2-1 guushu ku raacday xulka Ethiopia.

Weeraryahanka xulka Itoobiya Tesfaye Alebachew ayaa daqiiqadii 18-aad ee qeybtii hore xulkiisa Itoobiya u dhaliyay goolka hore, iyadoo daqiiqadii 21-aad ee isla qeybtii hore khadka dhexe ee xulka itoobiya Omond Okwury uu goolka labaad xulkiisa u saxiisay.
Daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta ayaa garsoorihii ciyaarta dhex-dhexaadinayay wuxuu ciyaarta ka saaray difaacad xulka Zambia Thomas Nyirenda, kaddib markii uu jalfiyay weerarka xulka Itoobiya Shamele Godo, hase ahaatee ciyaartooyda xulka Zambia oo laga dareemayay xoogaa niyad jaba ah laakiin dadaalkoodu muuqaday ayaa helay goolka qura oo ay dhaliyeen, waxaana daqiiqadii 58-aad u dhaliyay weerarkooda Felix Sunzu.
Tababaraha xulka Ethiopia Iffy Onoura oo u dhashay wadanka Ingiriiska ayaa isagoo faraxsan wuxuu yiri "Waan ku faraxsanahay in aan u soo baxno semi finalka koobka CECAFA, inkasta oo ciyaartooydu u muuqdeen in ay daaleen 10-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeeyay hadana kubadda waa ku dagaalamee"

Dario Bonetti oo ah tababaraha Zambia una dhashay wadanka Talyaaniga ayaa guuldarada xulkiisa ku habsatay ku eedeeyay inuu ka dambeeyay garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay wuxuna yiri "Ciyaartu waxay aheyd mid go'aankeeda oo dhan ay gacanta ugu jirtay garsoorihii ciyaarta firimbigeeda hayay, wuxuu naga diiday gool sax ah qeybtii hore ee ciyaarta mana garaneyno sababta uu u diiday goolkaas, sidaas oo kale wuxuu sabab la'aan ciyaarta uga saaray ciyaaryahan Thomas, taasina waxay cadeyneysaa in Africa aysan weli ka bixin caddaalad darradda dhinaca garsoorka ah"

Dhinca kale Xulka Ivory Coast ee lagu neynaaso "Marooydiyaasha" ayaa 1-0 ku sarootiyay dhiggooda Malawi, waxaana labadan xul oo marti ku ah koobka bariga iyo bartamaha Africa ay soo bandhigeen ciyaar aad macaan, hase ahaatee ciyaarta oo ay ka dhimaneyd 10-daqiiqo oo qur ah ayaa weeraryahanka xulka Maroodiyaasha Kipre Tchetche uu gool muhiim u ahaa xulkiisa dhex dhigay shabaqa xulka Malawi."Uma qalmin in xulka Ivory Coast uu naga badiyo galabta, laakiin casharro muhiim ah ayaan ka baranay, qibradna waan ha helnay tartankan, waxaana filayaa in sanadka soo socda nala casuumi doono" ayuu yiri tababaraha ciyaartooyda Malawi Kinnaa Phiri.

Tababaraha xulka soo baxay ee Ivoy Coast Koudio Georges ayaa isna sheegay in ciyaartooydiisu ay yihiin kuwa da'yar ah isla markaasna ciyaarba ciyaarta ka dambeysa muujina fir-fircooni iyo ciyaar wanaag.

Laakiin Xulalka galabta soo wada badiyay ee Ivory Coast iyo Ethiopia ayaa isku arko doona maalinta KHamiista ah ee soo socda garoonka National Staduim ee magaaladda Darasalaam, waxaana ciyaartaas oo live ah ay noqon doontaa mid ka xiisa badan ciyaarihii hore, maadaama laba xul ay noqdeen xulalka ugu kubada qurxoon tartanka CECAFA 2010.

Kulamada Berri:

Uganda Vs Zanzibar, Live Super Sport 9, (8th December 2010 2:00 PM)

Tanzania VS Rwanda, Live Super Sport 9, (8th December 2010 4:00 PM)
u soo baxay Semi Finalka ciyaarahaas (SAWIRRO)

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliya oo ka qaybgalay shir looga hadlayo Internet-ka

looga hadlayo Internet-ka
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Wasiirka Warfaafintaha, Boostaha iyo Isgaarsiinta iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qayb-galay shir ay qabatay hay'adda ICANN ee maamusha arrimaha Internet-ka kana dhacay magaaladda Cartagena, Colombia. Shirkan oo ka dambeeyay kaddib markii xukuumadda Soomaaliyeed ku guulaysatay in ay gacanta ku dhigto furaha internet-ka ee dalka Soomaaliya. (SO), iyadoo uu sheegay wasiirku markuu ka tagayay Soomaaliya inay dowladdu ku shaqeyn doonto.
Kulamo kala duwan oo goobta ka dhacay, ayuu wasiirku la qaatay madaxa shirkadda ICANN Mr. Rod Beckstrom iyo weliba wufuud ka socday dala farabadan oo ay ka mid yihiin Koongo, Kenya, Malwi, Senegal, Maraykanka, Australia iyo Japan. Dalal ay ka mid yihiin Congo, Rwanda iyo Brundi oo aysan weli suura gal u noqon in ay magacoodii Internetka ka soo ceshadaan, ICANN ayaa dadaal badan ugu jiray sidii u gaari lahaayeen mid la mid ah guusha u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed.
Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan shirkadaha iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka faa'iidaystaan magacan ay iyaku leeyihiin ee 'SO' oo ay diiwaan-gashadaan magaca shirkadohooda iyo kooda shakhsiga ahba. In ka badan 200 oo ah sihrkadaha aduunyada ugu waaweyn oo iyagu leh astaan u diiwaan gashan (Registered Trade Mark) ayaa soo codsaday in magacooda oo ay ka dambayso 'SO' u diiwaan-geliso dawladda Soomaaliyeed. Waxaa halkaa ka maqan shirkadaha Soomaaliyeed intooda badan oo uu wasiirku ku dhiiri-gelinayo inay magacooda soo codsadaan inta ka horaysa 31-ka December 2010. Laga bilaabo January 1-deeda, 2011, waxaa la geli doonaa waqti loo tartamo magacyada la jecel-yahay ee soo hara oo magacii dhawr qof ama dhawr shirkadood soo codsadaan yabooh lagu iibin doono (auction). Sidoo kale, laga bilaabo 1-da April, 2010. Waxaa aduunyada oo dhan loo furi doonaa diiwaan-gelinta magacooda oo ay ugu dambayso 'SO' shirkado badan oo ah kuwa wax diiwaan-geliya ee dadku la xiriiro ayaa hadda ku hawshan sidii ay u qaabili lahaayeen dadka xiisaynayaa la diiwaan gelinta magacooda 'SO' nasiib-darro ayuu wasiirku ku tilmaamay in ayan shirkadahan wax diiwaan gelinaya illaa hadda ku jirin kuwa ay leeyihiin dad Soomaaliyeed.
Wasiirku, wuxuu amray maamulka Soregistry inuu raadiyo dhiiri-geliyana sidii shirkada Soomaliyeed ay uga qayb qaadan lahaayeen suuq-geynta magacyada ku dhamaanya 'SO', sidoo kale wuxuu ku dhiiri-gelinayaa dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed ee ka bixi kara hawshan ay la xiriiraan soregistry.so, halkaasoo ay ka heli doonaan kaalmada ay u baahanyihiin oo dhan. Ugu dambeyn, wuxuu wasiirku sheegay in wadammo afrikaan ah oo dhawr sanno suuq-geeynayay magacyada ku dhammaada calaamadda Internet-ka ee dalkooda ayan dhaafin 6,000-magacyada laga diiwaan-geliyay, laakiin uu filayo in Soomaaliya ay tiradaas dhakhso u dhaafto marka Soomaalida dibadda iyo gudaha dalka joogta ay magacyadooda ku diiwaan-geliyaan astaanta dalkood.
Maxamed Xaaji Xuseen, Muqdisho, Soomaaliya

Wasiirka A/Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya oo ka warbixyay heshiisyo ay Gaalkacyo ku gaareen dhinacyadii dagaallamay 12/11/2010 10:07 AM EST
Sabti, December 11, 2010(HOL):- Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowlada KMG ah ee Somaliya C/shakuur Sheekh Xasan ayaa maanta sheegay in heshiisyo hor dhac ah ay wada gaareen dhinacyadii ku dagaalamay gobolka Mudug.
Maamulka Gobolka Gedo oo soo Gabagabeeyay Howlo lagu Dayactirayay Buundada Degmada Buurdhuubo 12/11/2010 9:25 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Maamulka xarakada Alshabaab ee degmada buurdhuubo ayaa maanta soo gababeeyay howlo dayactir ah oo lagu sameynayay buundo ku taallay degmada Buurdhuubo oo ay mudo ka badan 10 maalmood ka socdeen howlo dayactir ah kadib markii uu buundadaasi saameeyay burbur xoogan oo soo gaaray islamarkaasina ay ku adkeyd in ay isticmaalaan gaadiidka waaweyn ee qaada xamuulka culus.
Hay’adda waddaniga ah ee SAACID oo howlo nadaafadeed kawada degmooyinka Gobolka Banaadir (SAWIRRO) 12/11/2010 9:23 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Hay’adda wadaniga ah ee SAACID ayaa howlo nadaafadeed oo ay bilowday 7-dii bishii November ee sannadkan kawadda degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaasoo lagu nadiifinayo goobo ay buuxiyeen qashin fara badan oo qaarkood sida buuraha u sameysmay, halkaasoo muddo dheer ay dadku ku daadinayeen qashinka.
Abaaro ba'an oo ku habsaday deegaanno ka tirsan G/Sanaag 12/11/2010 8:16 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Abaaro khasaarooyin kala duwan gaystay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jiraan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag,xilli halkaasi uusan qaban wax roob ah mudo billo ah.
Danjire Augustine P. Mahiga oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay dhowrto Xuquuqda Aadanaha 12/11/2010 7:31 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire Augustine P. Mahiga, ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay meel sare ka geliso ajandaheeda dhowrista xuquuqda aadanaha.
Xarrakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo maanta mar kale ku dagaallamay degmada Buur-Hakaba 12/11/2010 7:02 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Inta la ogyahay shan qof oo xoogaggii dagaalku u dhexeeyay ka tirsan ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo maanta ku dhexmaray degmada Buurhakaba ee gobolka Bay xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam.
Booliiska Uganda oo sheegay inay qabteen bas ay saarnaayeen walxaha qarxa iyo laba qof oo la socday 12/11/2010 6:47 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Booliisa dalka Uganda, ayaa sheegay inay jimcihii shalay gacanta ku dhigeen bas ay saarnaayeen waxyaabaha qaraxa oo ka yimid dalka Kenya, kuna socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayna qabteen laba qof oo baska la socday, kuwaasoo aan jinsiyaddooda la sheegin.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo ka dayrisay xaaladaha caafimaad ee ka jira dalka Soomaaliya 12/11/2010 6:13 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Warbixin ay soo saartay hay'adda WHO, ayay ku sheegtay in saddex meelood, hal meel ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin gargaar caalami ah, iyadoo sheegtay in dadkaas ay dhibaatooyin ku kala haystaan gudaha iyo dalalka dariska ah.
Guddoomiyaha degmada Guri-ceel oo sheegay in ay isku soo dhiibeen dhalinyarro ka tirsanaa Xarrakatul Shabaab 12/11/2010 6:11 AM EST
Sabti, 11, Dec, 2010 (HOL) Guddoomiyaha degmada Guri-ceel ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca Cismaan Ciise Nuur oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in ay dhinacooda u soo galeen dhalinyarro sida uu hadalka u dhigay ka soo goostay xoogagga Xarrakada Al-shabaab ee dagaallku ku jira.
Dagaallo iyo duqeymo ka dhacay Magaalada Muqdisho 12/11/2010 1:12 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, dagallo xalay iyo saakay ku dhexmaray xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir ciidammada DKMG ah, AMISOM iyo dagaalyahannada Xarrakatul Shabaab.
Xoogagga Ahlusunna ee koonfurta Soomaaliya oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen ururka Xisbul Islaam 12/11/2010 1:10 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Saraakiisha xoogagga Ahlusunna Waljamaca ee ku sugan deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, ayaa guulo ka sheegtay dagaallo ku dhexmaray shalay gallinkii dambe xoogaggooda iyo kuwa Xisbul Islaam meel ku dhow degmada Luuq.
shirkan ayaa waxaa uuu ahaa shir ay dhamaan ka soo qayb galeen odayaasha.cuqaasha.ismada.wax garadka.iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala gadisan shirkan oo ka dhacay dugsiga sare ee samatar baxnaan buuhodle,
shirkan ayaa markaasi waxaa soo qaban qaabiyay ismada deeganka buuhoodle iyo cuqaasha
yadoo halkaasi lagaga hadlayay shirqoolkii maygaagle ee loo dhigay ismada buuhoodle ayaa markaasi waxaa halkaasi ismada u furay hadalka suldaan siciid cismaan cali,
isagoo ay hadala diisii kamida ahaayen.( dhamaantiin waad salaamantihiin salaan ka dib waxaan idiin sheegaynaa reer buuhoodle waxaa weeye.waad ogtihiin waxii ka dhacay maygaagle iyo waxa ay xukun tay maxkamadii inay tiri wada qaata meesha.taasina may ahayn midaynu u fadhinay maadama aynu makhraati iyo dhaarba helnayna waxa laynoga dhexaysiiyay kalshaale beesha qorulugud waa khalad,
mana aanu qaadan waad ogtihiin in aanu sicad u diidnay hadana xaqaaa inoo hiilinaya hoshuna intaa ka badan waad ogtihiin oo sland ciidamo badan bay soo dhoobtay illaahay amarkiina caafimad inaga qaadi maayaan oo yaga iyo reer qorulugudba waxa ay deenayaa waa xaqdaro,
hadana waad ogtihiin hagoogane iyo kalshhaleba waxaa aynu gaynay ciidamo badan waxaana idiin
sheegayaa sidii laysu difaaci lahaa oo tabaabushada inta hadhay loo dhamaystir lahaa waa in falowgeed laqabtaa diyaarna loo ahaado wa saalmu calaykum,)
intaas ka dib waxaa halkaasi ka hadlay sh.saleeban oo ahaa wakiili dacwihii buuhoodle u doodayay oo isagu dadka reer buuhoodle u sheegay inay baliga kalshaale awalna lahaayen hadana ay shareecadu u xukuntay ee laga lee xiyaay taana uu san cidana waxa idinkaga qaadayn,
waxaa sidoo kale isna ka hadlay shirkaasi caaqil sanwayne nuux oo sheegay in dadka iyo dhulkaba duulaan lagu yahay loona baahan yahay in lays difaaco ciidamada hagooganena la xoojiyo iyo kalshaale gudina layska saaro,
waxaa isaguna halkaasi ka hadlay maxamuud x cumar oo isagu mudo badan ku dagaala mayay baliga kalshaale una dhaqdhaqayay baliga sidii loo aasi lahaa haday xaajo tahay iyo haday xabad tahay ba una sheegay reer buuhoodle maanta in uusan ahayn maalintii uu kala qaybsanaan lahaa,
isku soo wada duuboo maanta ayaa waxaa laga dareemayay magaalada buuhoodle farxad iyo isku calool fayooban aad ubadan iyo in ay isku mid noqdaan taasina haddii ay timaado cid haba yaraate wax ka qaadaysaa ayna jirin sidoo kale waxaa aad loo xoojinayaa oo ciidamo ku sii qulqulayaan dhinaca baliga kalshaale oo kumanaan la ag dhigayo sidoo kale waxaa intaasi wararku ku darayaan inay ciidamadii dhinacaa ay ka qaxayaan aagaas illaayo intii reer buuhoodle ganafka u daruuren arinkii maygaagle,