Sunday 4 August 2013

Maxaa laga dhaxlay Maamulka Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ? Qalinkii: Ilyaz Osman

Maxaa laga dhaxlay Maamulka Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ? Qalinkii: Ilyaz Osman



Maamulka ka jira Puntland oo uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Faroole, wuxuu talada hayay 5 sano oo wax yar dhimman. Mudadaas haddii la qiimeeyo waxaa kuu soo baxaya arrimo dhawr ah oo la oran karo maamulkaan ayaa ku soo biiriyay saaxadda siyaasada Puntland, waa arrimo bulshada ku reebi kara raad aan wanaagsanayn. Arrimahaas waxaa ka mid ah:–
  1. Siyaasadda.
  1. Faroole waa madaxweynihii ugu horreeyay oo wiilashiisu adeegsadaan awoodiisa oo waliba ay u adeegsadaan dhinaca xun , waxaa tuslaale u ah inay marar  badan dhacday in qof masu’uul ah ay dharbaaxaan, wareegto ay  jeex-jeexaan, qof shaqo ay ka cayrshaan ama qof kale oo iyagu wataan ku badalaan
  2. Waa maamulkii ugu horreeyay oo dadka xeryaha qaxootiga ku jira u adeegsada siyaasaada, marar badan ayay dhacday in dad qaxooti ah laga soo saaray xeryaha qaxootiga si ay u cabiraan aragti u danaynaysa maamulka
  3. Waa markii ugu horraysay ee taariikhda cusub la  oo  ay dhacday in maamul ku andacoodo in doorasho la qabto iyada oo aan dadka la tiro koobin, kaarar  loo samayn , la dhamaystirin maamulka degmooyinka iyadoo waliba lacagtii ku bixi lahayd hawshaan ay bixiyeen haya’do caalami ahi
  4. Foomamka doorashooyinka oo la buuxsho inta aan la geyn goobaha doorashada, waa arrin taariikhda madow u gali doonta maamulka hadda ka jira Puntland
  5. Xisbiyo ay dawladdu maalgaliso  si ay siyaaasadda dawladda u taageeraan, waa khalad kale oo uu maamulku bilaabay
  6. Innaga oo og meesha uu adduunku maanta marayo ayaa maamulka Puntland ee hadda jira wuxuu  isku dayay inuu xakameeyo warbaahinta (Media-yaha), waxaa la xirxiray wariyayaal badan, waxaa albaadada la isugu dhuftay idaacado. Waxaa intaas dheer in maamulkaan noqday maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba in websites iyo idaacado la siiyo lacag joogta ah si ay u daabacaan Propaganda aan waxba ka jirin, xaqiiqadana ay ka qariyaan dadka.
  7. Waa maamulkii u horreeyay oo bilaabay in qofkii siyaasadiisa ka hor yimaada laga soo saaroo wareegto ref. No.leh, sidoo kale in qofkii  siyaasadda dhaliila la yiraahdo waxaa laga  soo diray Koofurta ama Shabaab ayuu ka tirsan yahay
  8. Waa markii ugu horrasay oo Wasiiradii, xildhibaanadii, saraakiishii ciidanka  iyo dhammaan qaybahii dawwladdu ay iyagoo isku duuban noqdaan hal xisbi “Horseed” sidoo kale in guddiga doorashooyinka loo dhiibo la taliyaha madaxweynaha !!!!
  9. Maamulkaan wuxuu jideeyay inaan marna laga hadlin dhulka ay Soomaaliland ka haysato Puntland, arrintaan dadka qaarba si gaar ah ayay  u fasiraan
  10. Waa maamulkii u horreeyay oo ciidan calooshi u shaqayste ah (Sarecen) u adeegsada danaha siyaasadda, so loogu dhibaateeyo dadka, laguna argagixyo gobolka
  11. Waa markii u horraysay ee ay Puntland sarrifanto, oo ay ka soo hoos dhashaan maalmulo cusub sida Maakhir State, Raascasyar State, Khaatmo State iyo Galbeed Mudug State. Sidoo kale ay qabaa’il reer Puntland ahi ku biiraan maamulka Galmudug iyaga oo ka gadooday dulmiga iyo siyaasad xumida. Waana arrinta keentay inay dadkii Puntland isla aasaasay ay sii kala fogaadaan
  12. Puntland waxay aad caan ugu ahayd Isimada iyo nabadoonada markasta ka shaqeeya danaha Puntland iyo danaha dadka dega, intii maamulkaan yimid waxaa dhacday in Isimadii  habiso fuushay sababtana ilaa iyo hadda lama yaqaan
  1. Dhaqaalaha.
  1. Waa maamulkii u horreeyay oo Canshuurta kor u qaaday si dakhligu u siyaado iyada oo aan laga fakarin inay sababi karto inuu dakhligu yaraado waana midda keentay in ganacsi badan uu dekadda Barbara u wareego
  2. Maamulkaan wuxuu dagaal ku qaaday ganacsatada yar-yar , waxaa hantidii umadda lagu maalgaliyay dad ay madaxweynaha qaraabo yihiin iyo wiilashiisa, waana arrinta keentay in Hotoolo casri ah oo lacag yar lagu seexanayo iyo Foornooyin casri ay furtaan kadibna dadkii hoteelada yar-yar ama foornooyinka yar-yar lahaa ay suuqa ka baxaan. Qofkasta oo Garoowe taga ayaa garan kara arrintaan
  3. Mashaariicdii socotay oo la joojiyay, halkaas oo ay dad badan ku shaqo waayeen, waxaa ka mid ah, Airportiga Boosaaso,
  4. Waa maamulkii ugu horreeyay oo haya’daha amar ku siiya inay Garoowe kaliya ka hawlgalaan isla markaasna ay haya’daha khasab ku tahay inay madaxtooyada kala tashadaan qofkasta oo ay doonayaan inay shaqaalaysiiyaan
  5. Hantidii waddanka lagu hormarin lahaa oo loo adeegsado dano siyaasadeed iyo propaganda iyo safaro ay masuuliyiin badani hamar is raacayaan oo muddo adduuka kusoo wareegayaan iyagoo ku raaxaysanya hoteelo qaali ah, isla waqtigaasna waxaa gadood ku jira ciidankii ammaanka sugi lahaa
  6. Waa markii u horraysay oo ay sharci noqoto in mucaawino kasta la geeyo Garoowe
  7. Wuxuu maamulkaan caan ku yahay in ruqsadaha ganacsiga dad gooni ah gacanta loo gasho, waana sababta maamulkaan loogu magacaabo maamulka “naas-nuujinta” . waxaa tusaale u noqon kara arrintii shidaalkii Yemen ka imaan jiray oo la joojiyay si dad kale loo siiyo ruqsadiisa. Waxaa yaab ah in qofkii ganacsi ama mashruuc la taga Puntland lagu amro inuu dad ay madaxweynaha qaraabo yihiin uu ku daro ganacsiga ama mashruuca
  1. Amniga iyo Nabadaynta.
  1. Maamulkaan wuxuu ku caan baxay inuu ka gaabiyo dajinta xiisadaha qabaa’ilka ka dhexdhaca, waxaa marar badan dhacaday inay isku dheceen qabaa’il dega Puntland oo dawladdu ayan wax gacan ah ka gaysan xiisadahaas
  2. Isku hubayn qabaa’il, tusaale hubkii la la siiyay qabiil ka mid ah kuwa dega gobolka Bari iyo waliba baabur astaanta dawaldda wadata oo lagu arkay goobaha dagaalka
  3. Waxaa dhaafay xadka ay maskaxdu aqbali karto dadka lagu laayay Puntland dhexdeeda mudadii uu maamulkaan joogay, waxay isugu jiraan Culumaa’u diin, siyaasiyiin issimo iyo dhammaan qaybaha bulshada
  1. Dhaqanka.
  1. Dhaqamada xun-xun oo maamulka Faroole laga dhaxlay waxaa ka mid in marar badan ay madaxtooyadu waraaq u qortay haya’do degenaa guryo ijaar ah  iyado amar lagu siinayo inay guryahaas ka baxaan, sabatuna waa iyada oo uu guriga leeyahay qof siyaasi ah oo ay dawladdu u aragto kacaan diid
  2. Waxaa Faroole dhaqan ka dhigtay inuu meel public ah ku afalagaadeeyo dad siyaasiyiin ah ama xildhibaano, waxaa tusaale u ah eraygii caanka ahaa ee uu Faroole ku yiri xildhibaanka “Waxaa tahay doqon fulay ah”
  3. Dhaqamada xun-xun ee maamulkaan laga dhaxlay waxaa ka mid ah inay lagama maarmaan tahay in qoka shaqada la siinayo uu meel xidid kala yahay madaxweynaha ama wasiirada si uu qofkaasi shaqo u helo.
  4. Dhaqamada kale oo laga dhaxlay waxaa ka mid ah in dadka la handado ama loo soo qoro farriimo handadaad ah
Arrimahaan kor ku xusan waxaa laga dhaxlay Mushaar la’aan, gadoodka ciidamada, kala fogaansho, shaki, kalsooni darro, is aaminid la’aan  iyo ugu dambayntii sanaadiiqdii doorashada oo la gubay “Ayax Tag Eel-na Reeb”
N.B Insha Allahu waxaan idiin soo gudbinaynaa khudbado iyo hadalo qadaf ah oo uu Faroole ku hadlay, sidoo kale Cartoons, maqaalo, muuqaalo laga duubay ama laga qoray. Sidoo kale qoraalkaan oo lagu turjumay English iyo Carabi. 
W/Q: Ilyaz Osman

No comments:

Post a Comment