muuse qaanuun waa khabiir soomaaliyeed oo ku takhasusay qawaaniinta iyo sharciyada aduunka iyo tan islaamka haystana darajada masterka gaar ahaan qaybta ( public law),waana maamulaha xarunta cilmibaadhista ee raaid(horseed), kala soo xiriir:(alcabaas8@hotmail.com), wixii qoraalana ugu soo dir
Monday, 13 December 2010
waa sasuustii deegamada ssc taariikheed waa qaybtii koobaada wad la soocon doonta
waxaan maalin hore ku soo bandhigay shebekedan [alldarwiish] su-aal ahayd [taariikhda ma la hayaa maalin deegaanada SSC ay ku baxsadeen hiil Harti ama Daarood wayn? {XAASHA ・xaasha!} Waxa cadaatay in aan la soo helayn xataa maalin! Hadaba waxa kale oo is waydiin leh, miyaynaan cadawba la haan jirin? Jawaabtu waxa weeye manta iyo taariikhihii hore waxaynu kun jeer cadaw badnayn wakhtiyadii hore.Waxa kale oo is waydiin leh sidaeebay ragii ina dhalay u maarayn jireen mushkiladaha iyaga, oo aan Daarood ama harti hoos gelin amaba u qayshan? Jawaabtu waxa weeye iyagaa la magan geli jiray ee may ahayn rag cid hoos geli kara! Hadaa maxaa dhacay maanta miyaynu ka tira yar nahay ragii magacan inoo sameeyay ee aynu ka soo jeednay? Jawaabtu waxa weeye sadex ama afar jeer ayaynu ka badanahay wakhtigaas intay ahaayeen! Cajiib hadaa maxaa si-ah? Waxaan idin siinayaa tusaale waayeel ee please bal aad uga fekera waana mid aad wada garanaysaan laakiin waa iga xusuus: Taariikhda Soomaaliyeed waxa soo maray halyaygii gobanimo doonka Africa [Sayid iyo nin reer sool ahaayo looqyaqanay xoog darawiisheedd ] waxaanad ogtihiin ninkaas culayska uu lahaa iyo dagaalkuu la galay quwadihii aduunka. Bal hadaba ninkaas caalamka oo dhami doonayay meeshii uu naftisa iyo halgan kiisaba ku aaminay xagay ahayd? Meeshii uu guriga ka dhigtay hal qarni ka hor ee loogu geli waayay miyaynaan joogin? Wakhtigaas caro Daraawiishi ay saldhiga u ahayd Sayikii; waxaa la dagaalamayay [Talyaani oo koonfur oo dhan wata oo majeerteen hogaaminayo, waxa la dagaalamayay Isaaq iyo ingriis; waxa kale oo la dagaalamayay Xabashi oo wadata Ogaadeen iyo Daarood galbeed oo dham] Waxaanu galay dhufays aanay cidina ugu geli Karin oo ah gurigii Reer Abtigii SSC, waxaanu saldhig ka dhigtay Taleex. Waxaanad ogaydeen ilaa loo dalbaday diyaarado in ay meeshaas caro daraawiisheed cidina fooda gelin wayday!!!. Qodob kani wuxuu cadaynayaa sida aynu ugu ceebawnay dunida dusheeda ee aynu u khasaaraynay raadadkii awoowayaasheen inooga tageen. Waxa kale oo cadaatay sida aynu u xigmad guurnay ama saboolka uga noqonay xigmadii iyo xeel dheeridii nolosha deegaankani caanka ku ahaa. Waxaa aniga ii muuqata in aynu ku ceebawnay aduunyada dusheeda oo aynu siinay ragaynu is hayn jirnay lib aanay siin ragii ina dhalay ee ay is layn jireen; waxa kale oo cad in aynu hoos galay magac Harti la yidhaahdo oo aan dhibaato mooyee dheef weligay aanan ka arag! Waxa kale oo cadaatay waaya-arag la-aanta iyo taariikh guurka inagu dhacay in uu ina hoos geeyo reer aan weligii cidi ku hoos noolaan ama aan aqoon walaaltinimada rag wax ku qaybsado. Gef maaha oo ma ihi nin cuqdadaysan ama reernimo cid ku duraya; laakiin waxaan jecelahay markaan arkay saboolka taariikheed ee ka muuqda tolkay; in aan wax badan soo ban dhigo si aan tusaale u siiyo dhalintan ku hadaaqaysa arimaha magic dilka ah ee ay ina badeen siyaasiyiinteenu. Waayo waxa sharaf xumo inagu ah in maanta majeerteen amaba harti yidhaahdo waxaan difaacayaa D-bahante! Waxaan leeyahay ma geyno mana qaadan karayno umana qalano waxaas oo kale! Weligeena taariikhda waxaan difaaco oo magan geliyo mooyee cid maan magan gelin. Marka aan eego xaalkeena iyo dhalinteenu sida ay maanta u fekerayaan waxaan xasuustaa maah-maahda somilyeed ee tidhaahda ・rag la-aani wax kuma yeeshee rag xumaan baa wax ku yeesha・ Waxa kale oo aan idin tusaalaynayaa sida aynu kala ahaan jirnay nimankan aynu wada dhalanay ee Majeerteen; oo aad moodo inay hormuud isaga dhigayaan Harti ama danta daarood.; Waxa Somaliyi isku raacsan tahay in Dhulbahante waardiye ka ahaan jiray danaha Daarood weligeena; lama hayo maalin aynu dheg xumo u soo jiidnay. laakiin walaaladeen maxay ku faleen danihii Daarood? Tusaale kooban! Majeerteen wuxuu ku ahaa dan kasta oo daarood yeesho cadaw! Waxaanan ku cadaynayaa sadexdan arimood ee soo socda: hal qarni ka hor wuxuu majeerteen is hor taagay boqortooyo daarood oo dhismi lahayd; mar labaadkiina wuxuu xabad ku bilaabay Xukuumadii Ina Siyaad; ugu danbayna dhamaan Soomaali wuxuu magacii daarood uga dhigay cadaw aan cidina bixinayn; wuxuu u soo jiiday ceeb aan weligeed hadhayn waxaanay keeneen aduunyada gaalkii ugu liitay oo ah cadawgeenii rasmiga ahaa oo ah Xabshi; waxaanad ogtihiin in manta xabashiyi guri Harti danta ka soo gasha aanay cidna wax ka waydiinayn; waxaana ugu danbaysay dhacdadii [Buuhoodle lixda nine e Soomaliyeed ay kaga kaxaysteen! Waxa kale oo aan idin tusayaa in aanay puntland dan Harti ama daarood wadin ee ay tahay magic reer ku qadhaabanayo ; waxaad ogtihiin in ay xaaraan ka dhigeen in aan majeerteen nin aan ahayni aanu noqon Karin hogaanka Puntland; waxa kale oo aad ogtihiin in ay weerar ku qaadeen caro wasan-geli waxa kale oo ay weerer ku soo qaadeen Cagaar; waxa kale oo ay weerar ku qaadeen Kismaayo! Waxa kale oo magic xumo inoogu filan warbixintii walaakeen maalin hore kaga waramayay xaqiiqda dhabta ah iyo magacxumida aynu ku dhex leenay caro majeerteen! Ee ahayd in aan qofka majeerteen aanu musharkiisu ka maqnaan bil qudha; halka ka ka yimi SSC aanu shan ilaa lix bilood arag musharkiisii uu xaqa u lahaa; waxa kale oo ku jirtay warbixintaas in gaadhiga kirada ah ee looga baahdo puntland ka SSC ka yimi lagu kiraysto $500 halka ka ka yimi caro majeerteena lagu kiraysto $1500! Waana laba gaadhi oo isku mid ah. Waxa kale oo aad ogtihiin cashuurta la inaga qaado ma jirtaa wax inagaga soo noqdaa? Halka gobolada Majeerteen horumarka la gaadhsiiyay! Waxaan ku soo uruurinayaa walaalayaal, waxaynu u baahanahay in aynu joojino muusanawga oo aynu u fekerno si Koran; oo inta aynu iska dayno [casabiyada jaahiliga aynu ka hadalo go-aana ku qaadano wax aduun iyo aakhiroba dan inoo ah; magic xumadan ina haleeshayna aynu ku maydhno. Waxaanan jeclaan lahaa in aynu si furan uga doodno mustaqbalkeena siyaasadeed, deegaaneed, horumarineed. Waayo waxa lagu jiraa seben xun oo u baahan in arin kasta laga fogeeyo caadifad; isla markaana loo lafo guro si qodtodheer. Waxaan ku soo uruurinayaa waxa ii hadhay meesha aan danta u arko ee bal intaasi ha ii sii ahaato gogol dhig iyo tusaalayaal aan raga jibaysan
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment