Saturday 11 December 2010

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliya oo ka qaybgalay shir looga hadlayo Internet-ka

looga hadlayo Internet-ka
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Wasiirka Warfaafintaha, Boostaha iyo Isgaarsiinta iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qayb-galay shir ay qabatay hay'adda ICANN ee maamusha arrimaha Internet-ka kana dhacay magaaladda Cartagena, Colombia. Shirkan oo ka dambeeyay kaddib markii xukuumadda Soomaaliyeed ku guulaysatay in ay gacanta ku dhigto furaha internet-ka ee dalka Soomaaliya. (SO), iyadoo uu sheegay wasiirku markuu ka tagayay Soomaaliya inay dowladdu ku shaqeyn doonto.
Kulamo kala duwan oo goobta ka dhacay, ayuu wasiirku la qaatay madaxa shirkadda ICANN Mr. Rod Beckstrom iyo weliba wufuud ka socday dala farabadan oo ay ka mid yihiin Koongo, Kenya, Malwi, Senegal, Maraykanka, Australia iyo Japan. Dalal ay ka mid yihiin Congo, Rwanda iyo Brundi oo aysan weli suura gal u noqon in ay magacoodii Internetka ka soo ceshadaan, ICANN ayaa dadaal badan ugu jiray sidii u gaari lahaayeen mid la mid ah guusha u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed.
Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan shirkadaha iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka faa'iidaystaan magacan ay iyaku leeyihiin ee 'SO' oo ay diiwaan-gashadaan magaca shirkadohooda iyo kooda shakhsiga ahba. In ka badan 200 oo ah sihrkadaha aduunyada ugu waaweyn oo iyagu leh astaan u diiwaan gashan (Registered Trade Mark) ayaa soo codsaday in magacooda oo ay ka dambayso 'SO' u diiwaan-geliso dawladda Soomaaliyeed. Waxaa halkaa ka maqan shirkadaha Soomaaliyeed intooda badan oo uu wasiirku ku dhiiri-gelinayo inay magacooda soo codsadaan inta ka horaysa 31-ka December 2010. Laga bilaabo January 1-deeda, 2011, waxaa la geli doonaa waqti loo tartamo magacyada la jecel-yahay ee soo hara oo magacii dhawr qof ama dhawr shirkadood soo codsadaan yabooh lagu iibin doono (auction). Sidoo kale, laga bilaabo 1-da April, 2010. Waxaa aduunyada oo dhan loo furi doonaa diiwaan-gelinta magacooda oo ay ugu dambayso 'SO' shirkado badan oo ah kuwa wax diiwaan-geliya ee dadku la xiriiro ayaa hadda ku hawshan sidii ay u qaabili lahaayeen dadka xiisaynayaa la diiwaan gelinta magacooda 'SO' nasiib-darro ayuu wasiirku ku tilmaamay in ayan shirkadahan wax diiwaan gelinaya illaa hadda ku jirin kuwa ay leeyihiin dad Soomaaliyeed.
Wasiirku, wuxuu amray maamulka Soregistry inuu raadiyo dhiiri-geliyana sidii shirkada Soomaliyeed ay uga qayb qaadan lahaayeen suuq-geynta magacyada ku dhamaanya 'SO', sidoo kale wuxuu ku dhiiri-gelinayaa dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed ee ka bixi kara hawshan ay la xiriiraan soregistry.so, halkaasoo ay ka heli doonaan kaalmada ay u baahanyihiin oo dhan. Ugu dambeyn, wuxuu wasiirku sheegay in wadammo afrikaan ah oo dhawr sanno suuq-geeynayay magacyada ku dhammaada calaamadda Internet-ka ee dalkooda ayan dhaafin 6,000-magacyada laga diiwaan-geliyay, laakiin uu filayo in Soomaaliya ay tiradaas dhakhso u dhaafto marka Soomaalida dibadda iyo gudaha dalka joogta ay magacyadooda ku diiwaan-geliyaan astaanta dalkood.
Maxamed Xaaji Xuseen, Muqdisho, Soomaaliya

Wasiirka A/Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya oo ka warbixyay heshiisyo ay Gaalkacyo ku gaareen dhinacyadii dagaallamay 12/11/2010 10:07 AM EST
Sabti, December 11, 2010(HOL):- Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowlada KMG ah ee Somaliya C/shakuur Sheekh Xasan ayaa maanta sheegay in heshiisyo hor dhac ah ay wada gaareen dhinacyadii ku dagaalamay gobolka Mudug.
Maamulka Gobolka Gedo oo soo Gabagabeeyay Howlo lagu Dayactirayay Buundada Degmada Buurdhuubo 12/11/2010 9:25 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Maamulka xarakada Alshabaab ee degmada buurdhuubo ayaa maanta soo gababeeyay howlo dayactir ah oo lagu sameynayay buundo ku taallay degmada Buurdhuubo oo ay mudo ka badan 10 maalmood ka socdeen howlo dayactir ah kadib markii uu buundadaasi saameeyay burbur xoogan oo soo gaaray islamarkaasina ay ku adkeyd in ay isticmaalaan gaadiidka waaweyn ee qaada xamuulka culus.
Hay’adda waddaniga ah ee SAACID oo howlo nadaafadeed kawada degmooyinka Gobolka Banaadir (SAWIRRO) 12/11/2010 9:23 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Hay’adda wadaniga ah ee SAACID ayaa howlo nadaafadeed oo ay bilowday 7-dii bishii November ee sannadkan kawadda degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaasoo lagu nadiifinayo goobo ay buuxiyeen qashin fara badan oo qaarkood sida buuraha u sameysmay, halkaasoo muddo dheer ay dadku ku daadinayeen qashinka.
Abaaro ba'an oo ku habsaday deegaanno ka tirsan G/Sanaag 12/11/2010 8:16 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Abaaro khasaarooyin kala duwan gaystay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jiraan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag,xilli halkaasi uusan qaban wax roob ah mudo billo ah.
Danjire Augustine P. Mahiga oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay dhowrto Xuquuqda Aadanaha 12/11/2010 7:31 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire Augustine P. Mahiga, ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay meel sare ka geliso ajandaheeda dhowrista xuquuqda aadanaha.
Xarrakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo maanta mar kale ku dagaallamay degmada Buur-Hakaba 12/11/2010 7:02 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Inta la ogyahay shan qof oo xoogaggii dagaalku u dhexeeyay ka tirsan ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo maanta ku dhexmaray degmada Buurhakaba ee gobolka Bay xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam.
Booliiska Uganda oo sheegay inay qabteen bas ay saarnaayeen walxaha qarxa iyo laba qof oo la socday 12/11/2010 6:47 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Booliisa dalka Uganda, ayaa sheegay inay jimcihii shalay gacanta ku dhigeen bas ay saarnaayeen waxyaabaha qaraxa oo ka yimid dalka Kenya, kuna socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayna qabteen laba qof oo baska la socday, kuwaasoo aan jinsiyaddooda la sheegin.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo ka dayrisay xaaladaha caafimaad ee ka jira dalka Soomaaliya 12/11/2010 6:13 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Warbixin ay soo saartay hay'adda WHO, ayay ku sheegtay in saddex meelood, hal meel ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin gargaar caalami ah, iyadoo sheegtay in dadkaas ay dhibaatooyin ku kala haystaan gudaha iyo dalalka dariska ah.
Guddoomiyaha degmada Guri-ceel oo sheegay in ay isku soo dhiibeen dhalinyarro ka tirsanaa Xarrakatul Shabaab 12/11/2010 6:11 AM EST
Sabti, 11, Dec, 2010 (HOL) Guddoomiyaha degmada Guri-ceel ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca Cismaan Ciise Nuur oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in ay dhinacooda u soo galeen dhalinyarro sida uu hadalka u dhigay ka soo goostay xoogagga Xarrakada Al-shabaab ee dagaallku ku jira.
Dagaallo iyo duqeymo ka dhacay Magaalada Muqdisho 12/11/2010 1:12 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, dagallo xalay iyo saakay ku dhexmaray xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir ciidammada DKMG ah, AMISOM iyo dagaalyahannada Xarrakatul Shabaab.
Xoogagga Ahlusunna ee koonfurta Soomaaliya oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen ururka Xisbul Islaam 12/11/2010 1:10 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Saraakiisha xoogagga Ahlusunna Waljamaca ee ku sugan deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, ayaa guulo ka sheegtay dagaallo ku dhexmaray shalay gallinkii dambe xoogaggooda iyo kuwa Xisbul Islaam meel ku dhow degmada Luuq.

No comments:

Post a Comment