Sunday 4 August 2013

Qiimaynta iyo Tala Soo-jeedin ku aaddan Maamulka Puntland oo Maanta 15-jirsadey

Qiimaynta iyo Tala Soo-jeedin ku aaddan Maamulka Puntland oo Maanta 15-jirsadey

Guddiga Farsamada ee Toosinta Puntland ayaa warbixin iyo talo soojeedin kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee Puntland.
Qiimaynta iyo Tala Soo-jeedin ku aaddan Maamulka Puntland oo Maanta 15-jirsadey
    1. Hordhac
Maamulka Puntland waa shan-iyo-toban jirsadey. Waxaa la asaasay 1dii August 1998. Maamulkaas waxaa lagu asaasay shir-weyne wada-tashi ee  la isugu yimi magaalada Garow 5tii May 1998, kaas oo ay hoggaaminayeen Isimadu, kana soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, culamaa-u-diinka, aqoonyahannada, gannacsatada, dumarka, iyo dhallinyaradda; kuwaas oo ka kala socdey goboladii Puntland wada dhistay ee Bari, Nugaal, Mudug, Sanaag, Sool, iyo degmada Buuhoodle.
Ujeeddada maamulka:
Maamulka Puntland ee Soomaaliya waa maamul-dawladeed midaya bulshada ku nool gobolladii wada dhistay maamulkan ka dib markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay. Maamulkaas waxaa loo dhisay inuu gaarsiiyo bulshada reer Puntland nabad, horumar iyo dawlad wanaag; iyo in uu horseed ka noqdo soo celinta iyo dib u dhiska qaranimadii Soomaaliyeed iyo dawladdii dhexe ee dalka.
Himilada fog ee maamulka:
Bulshada Puntland oo ku nool xorriyad, caddaalad iyo horumar waara, taas oo ka mid ah dawlad dawlad Soomaaliyeed oo federal ah.
    1. Qiimaynta guud
Qaymayn 15 sano ka dib lagu samayey* xaaladda Puntland manta ku sugantahay, waxay guud ahaan muujinaysaa maamulka Puntland in aanu weli hanaqaad ahayn, ayna ragaadiyeen caqabado laga gudbi karo oo uu mamulku gacantiisa ku samaysatay. Dhinaca kale, waxay Puntland haysataa fursado badan oo haddii maamulku ka fa’iidaysato uu horumar la taaban karo ku tallabsan kari lahaa. Natiijadii qiimaynta oo kooban waa sida soo socota:
  1. Caqabadaha ragaadiyey horumarka Puntland:
  • Hoggaan xumo iyo keli-talisnimo
  • Musuqmaasuq iyo maamul xumo
  • Garabmar dastuur iyo ku-tumasho sharci
  • Xukuumad taag daran oo kor u dhaaftay 70 xubnood oo isugu jira wasiirro, wiiru-dawladeedyo, w/ku-xigeenno aan wax shaqa ah dalka u hayn.
  • Hay’ado tiro badan oo magac-u-yaal ah
  • Horumar la’an iyo kaabayaal dhaqaalaha oo xaddidan
  • Midnimadii gobollada Puntland oo khatar ku jirta
  • Damac waalan ee xukun kororsi iyo kursi isku dhejin gilgiley nabddii iyo xasiloonidii Puntland
  • Eex iyo Qaraaba kiil mudnaanta laga siiyo danta guud iyo xaqsoorka.
  • Hubaal la’an ka jirta xiriirka Puntland iyo dawladda dhexe ee Soomaliya iyo weliba mustaqbalka nidaamka federaalka iyo midnimada dalka Soomaaliya.
  • Dagaal siyaasadeed ee bulshada reer Puntland ee dawladdoonka ah kaga imanaya dadka ka soo horjeeda dawladnimada, midnimada iyo nidaamka federaaliga Soomaaliya.
  • Macangagnimo iyo siyaasad xumo Puntland ka go’doomisey xiriirkii gudaha, dibaddaba iyo iskaashiga caalimiga ah.
  1. Fursadaha Maamuulka Puntland haysato oo uu ka faa’iidaysan waayey:
  • Bulsho oggol oo u heelan dawladnimo iyo midnimo Soomaaliyeed
  • Dulqaad iyo dhaqan nabadeed oo ay caado u leeyihiin reer Puntland
  • Hoggaan dhaqameed soo jireen ah oo la wada ixtiraamo
  • Wax-garad iyo aqoonyahan tiro badan oo dalka jooga
  • Mushtar xoog leh iyo ganacsato hal-abuur badan
  • Dhaqaale ku filan horumarinta Puntland
  • Khayraad dabiici ah oo Puntland hodon ku tahay
  • Hay’ado caalami ah oo u diyaar ah in ay wax la qabtaan
    1. Toosin iyo Tala-soo-jeedin:
  1. Hoggaan keli-talis ah: Puntland waxaa ragaadiyey hoggaan keli-talis ah ee koox yar ku kooban, kaas oo ku caan baxay cabburinta xaddhaafka ah ee uu ku hayo xorriyadaha asaasiga ah ee muwaadinka, warbaahinta iyo xuquuqul insaanka bulshada Puntland. Waxaa kaloo jira shakhsiyaad aan golayaasha dawladdaba ku jirin oo lasiiyey awood fulineed oo aan sharciga waafaqsanayn; siddaas oo kale waxaa dalka ku sugan ciidamo shisheeye oo calooshooda u shaqaysta yaal ah, kuwaas oo maamulku ku adeegto.
Tala-soo-jeedin: Si loo helo hoggaan ixtiraama dastuurka iyo shuruucda dalka, tixgeliya tala-wadaagga, dareen u leh cabashooyinka bulshada; waxaa loo baahanyahay in la dhiso hay’ad xakamayn karta xadgudubyada hoggaanka dalka, sida Gola Guurti.
  1. Dastuurka: Dastuurka Puntland waxa laga saaray oo hadda ka maqan qodobbo muhiim u ah degganaanshaha, midnimada iyo horumarinta dalka iyo dadka reer Puntland si loo fududayo ku xadgudubka awoodda dawladda iyo xuquuqda dadka.
Tala-soo-jeedin: Si loogu kordhiyo qodobbada ka maqan dastuurka ee muhiimka u ah degganaanshaha, midnimada iyo horumarinta dalka iyo dadka reer Puntland, waxaa loo baahanyahay in dibu-eegis iyo qabyo tir lagu samayo dastuurka dalka.
  1. Kaalintii Isimada: Maamulka Puntland wuxuu karaamadii ka qaaday, isla markaasna  ihaano iyo hoos u dhigid ku samayey kaalintii sharafta lahayd ee Isimadii iyo hogaamiyo-dhaqameedkii kuwaas oo saldhig iyo marjac u ahaa dhismihii Puntland iyo nabadii ay ku soo cana maashay.
Tala-soo-jeedin: Si dib loogu soo noolayo loona sharciyeyo maqaamkii iyo kaalintii sharafta lahayd ee Isimadu ku lahaayeen Puntland; waxaa loo baahanyahay in dawrkooda dastuuri laga dhigo, loona dhiso gole ay hor-muud ka yihiin, kaas oo u xilsaaran ansixinta go’anada ka soo baxa Golaha Wakiillada iyo go’an ka gaarista ugu dammaysa ee khilaafaadka Puntland soo food-saara.
  1. Midnimadii dalka: Siyaasad xumida hoggaanka Puntland waxay kala qaybisay iskana horkeentay bulshadii walaalaha ahayd, waxayna dhaawacday midnimadii gobollada wada dhistay Puntland, kuwaas oo qaarkood samaysteen maamul u gaar ah.
Tala-soo-jeedin: Si loo soo celiyo, loona xoojiyo midnimada iyo wadashaqaynta bulshadii iyo goballadii wada dhistay Puntland, waxaa loo baahanyahay in deg-deg la isugu yimaado shir dibu-heshiineed oo lagu turxaan bixinaayo khilaafkii lagu kala fogayey bulshadii reer Puntland ee walaalaha ahayd.
  1. Kaalintii Baarlamaanka: Baarlamaanka Puntland wuxuu isu beddeley shaabbad rabar ah oo loo isticmaalo garbmarka iyo ku-tumashada shuruucda dalka, tuugada iyo ku-takrifalka danaha bulshada.
Tala-soo-jeedin: Si xaaladdas looga gudbo waxa loo baahan yahay in la dejiyo hab-raac  adag (criteria) oo lagu hubiyo xulitaanka xubnaha Baarlamaan ka mid noqonaaya. Taasi waxay lagama-maarmaan u tahay sidii lagu helilahaa Barlamaan si waca u gutta xilka dastuuriga ah oo loo igmaday.
  1. Xukun korosi iyo Barnaamijka Demoqraadiyaynta xeeladaysan:
Madaxda Puntland waxay mar walba oo doorashada madaxtinmada soo dhowaato  abuuraan qalalaase siyaasadeed oo khalkhal geliya amniga iyo xasiloonida si ay xukun u dheeraystaan kursigana isugu dhejiyaan. Sida hadda dhacday Puntland waxay qarka u istaagtey in dagaal sokayee ka qarxo, ka dib markii madaxweynuhu isku deyey inuu xukunka ku kororsado si sharci darro ah ee ku salaysan demoqraadiyad xeeladaysan, kaas oo ku fula nidaam hal xisbi oo dawladdu wadato xataa haddii aanu soo jiidan karin kalsoonidii shacabka.
Tala-soo-jeedin: Si looga digtoonaado soo noq-noqoshada arrintaan khatarta leh, waxaa loo baahanyahay in wada tashi dheer laga yeesho; lagana soo saaro xeerar qeexan oo lagaga hortegi karo arrinta kororsiga. Sidoo kale, hirgelinta Barnaamij Demoqraadiyeyntu wuxu u bahaanyahay inuu noqdo mid hufan oo iin ka maran. Iyadoo ururrada siyaasaddu u simanyihiin, lagu heshiiyo sharciyada iyo shuruudaha lagu wada geliyo tartan xor oo lagu qanacsanyahay.
  1. Musuqmaasuqa iyo Maamul xumada: Waxaa ugu weyn oo Dawladda Puntland la hanaqaadi weydey waa musuqmaasuqa iyo boobka  xishood darrada ah ee lagu hayo hantida guud, taas oo loo isticmaalo sidii hanti gaar ahaaneed, iyada maamulku shaqaalihii iyo ciidankii dalku mushahar la’aan yihiin muddo sannad ku dhow.
Tala-soo-jeedin: Si loo dabar-gooyo aafadaas waxa loo baahanyahay in la dhiso Guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa, laguna dadaalo hirgelinta maamul wanaag ku dhisan karti iyo hufnaan iyo wada xisaabtan.
  1. Kaalintii Hay’adaha madaxa-bannaanaa la baaba’shey: Maamulka Puntland wuxuu awoodii ka qaaday hay’adihii madaxa-bannaanaa ee u xilsaarraa ilaalinta caddaaladda, hantida iyo nidaamka, sida garsoorka, hantidhawrka, bankiga, hay’adda doorashooyinka iyo shaqaalaha dawladda.
Tala-soo-jeedin: Waxaa loo baahanyahay in la ixtraamo madaxbanaanida iyo awoodda dastuurku uu siiyey hay’adaha kor ku xusan loona dhammaystiro shuruucda ay u baahanyihiin, si ay u gutaan xilkooda.
  1. Horumar la’an: Horumar la’anta iyo wax ka qabad la’anta kaabayaasha dhaqaalha iyo adeegyada bulshada, taas oo keentay inaaney Puntland ka jirin Waddooyin, Airapooro, Dekedo, Biyo iyo Koronto, maamulkuna ku mashquulo danaysi gaar ah.
Tala-soo-jeedin: Waxaa loo baahanyahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegga bulshada, sida Airoporrada, waddooyinka, dekedaha, dugsiyada iyo cisbitaallada; danta guudna mar walba laga hormaiyo danaha gaarka ah iyo maal urursiga.
  1. Dhaqaalaha iyo Ganacsiga:
Siyaasad iyo Qorsha xumida dhaqaalaha iyo ganacsiga Puntland waxay sababeen dumista dhaqaalaha dalka,  ganacsiga iyo nolosha bulshada danyarta ah ee reer Puntland.
Tala-soo-Jeedin: Waxaa loo baahanyahay siyaasad iyo qorshe cad ee lagu kobcinayo  dhaqaalaha dalka, lagu dhisayo kalsoonida ganacsatada, korna loogu qaadayo nolosha bulshada danyarta ah ee reer Puntland.
  1. Ka Fa’iidaysi la’an tageerada hay’adaha caalamiga ah:
Waxaa dhacday in hay’adihii caalamiga ahaa si dadban iyo si toos ahba qallooc la gelyey hawlihii asaaiga ahaa oo ay dalka ka fulinlahaayeen, iyaga oo aan lagala hadlin wax dalka dan u ah, balse lagu mashquuliyo dano gaar ah oo riqiis ah ee maamulku wato.
Tala-soo-Jeedin: Waxaa loo baahanyahay in la samayo guudi khubaro ah oo haga hawlaha hay’adaha caalamiga ah, qiimayn iyo daba-galna ku samaya.
  1. Caasimaddii Puntland:
Garowe waxay Puntland ka noqoqtay wixii Xamar Soomaaliya ka ahayd, taas oo wax walba lagu ururiyey (siyaasadii, dhaqaalihii, macaawinadii, hay’adihii, iyo horumarintii) halka magaalooyinka kale aan waxba ka jirin. Arrintaasuna suurta gal kama noqonkarto dawlad goboleed u halgameysa sidii dalku ugu gudbi lahaa nidaam baahsan (oo federal ah). Intaa waxa dheer in magaaladii caasimadda ahay tartiib-tartiib isugu rogtey meel la kala sheegto.
Tala-soo-jeedin: Waxaa loo baahanyahay in xaalka caasimadda looga hadlo si qota dheer.
  1. Kaalintii Puntland ee Dhismaha Qaranimada Soomaaliya:
Inkasta oo ay Puntland kaalin fiican kaga jirtey fulintii khariiradadii tubtii Somaaliya kaga baxaysey kumeelgaarka, Nasiib darro maamulka Puntland intaa wixii ka dammaysey wuxuu qaatay siyaasad aragti gaaban oo keentay in Puntland noqoto go’doon, lumisana xiriirkii iyo kaalintii hoggaamineed ee ay kaga jirtey arrimaha Somaliya, kuna soo tuun-tuunsatay dagaal xukun dheeraysi ah oo ay gudeheeda ka abuurtay.
Tala-soo-jeedin: Waxaa loo baahanyahay Siyaasad aragti fog oo Puntland ka saarta go’doonsanaanta siyaasadeed, soona celisa kalsoonidii iyo kaalintii hogaamineed ee ay kaga jirtey arrimaha Somaliya.
    1. Gaba-Gabo:
In kasta oo loo baahnaa faahfaahin intaa ka badan haddana natiijada naxdinta leh ee ka soo baxday qiimaynta kor ku xusan ee lagu sameyey maamulka Puntlad oo 15-jirsadey waxaa ku urursan dhammaan xogihii lagama maarmaanka u ahaa in looga tala qaato sidii Puntland dib loogu toosin lahaa.
Qiimayntu waxay muujinaysaa in Puntland halka ay maanta taagan tahay ay dhaafi kari weydey. Hanaqaadis la’aanta maamulka Puntland niyad jab iyo jaha wareer ayey ku keentay bulshadii reer Puntland ee u hanweynayd  in ku gaaraan horumar la taaban karo. Waxay manta halis ugu jirtaa inay  burburto oo lagu kala tago. Garashada dawladda Puntland ku qiratay fashilkii doorashadii been-beenta ahayd, waa in ay u noqotaa bilaw dadaal cusub oo loo gelaayo sidii Puntland dib loogu dhisi lahaa, lana iska ilaasho in maamulku xulidda 66-kii ka dhigto marmarsiinyo uu mar labaad dib ugu soo laba-kaclayo boobkii xukunka.
Sidaa darteed, waxaa loo baahanyahay in deg-deg loo qabto shirweyne dibu-heshiisiineed oo Puntland la isugu soo celiyo.
Mahadsanidin
Guddiga Farsanada ee Toosinta Puntland.

No comments:

Post a Comment