Sunday 4 August 2013

Daawo Sawirada: Shirkii Kampala ee Madaxda dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo la soo gaba gabeeyay


Daawo Sawirada: Shirkii Kampala ee Madaxda dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo la soo gaba gabeeyay
Shirkii madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa goor dhow lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kampala, kaasoo looga hadlay arrimaha ammaanka, siyaasada iyo caqabadaha hor-yaala AMISOM.

Madaxweynaha Uganda oo dalkiisa hogaaminayo howl galka AMISOM, shirkana marti geliyay Yoweri Museveni ayaa shir gudoominayay, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu ku ammaanay doorkiisa hogaamineed ee uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen Madaxda dalalka Itoobiya, Kenya, Sierra Leone, Brundi, Uganda iyo Jabuuti, waxaana shirkan laga soo saaray war murtiyeed.

Madaxdii shirkan ka soo qeyb gashay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dhinacyada amniga iyo siyaasadda. Sidoo kale doorka AMISOM iyo ciidamada Ethiopia ayaa iyagana lagu ammaanay, lagana codsaday inay dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii ay ciidameeda dib-u-habeynta socota u dhameystiri lahaayeen, iyo sidii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM loogu heli lahaa tasiilaadka ay u baahanyihiin.

War-murtiyeedka waxaa lagu xusay in dowladdu ay sii wado wadahadallada ay kula jirto dhammaan qeybaha kala duwan ee goboladda Jubbooyinka, isla markaana ay dowladda maamulkeeda wada gaarsiiso dhammaan dalka oo dhan.

War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu xusay in AMISOM iyo hay’adaha QM ay raashinka iyo qalabka ay u baahan yihiin ay ka iibsadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo aan dibedda looga keenin.

Sidoo kale waxaa war murtiyeedka lagu xusay in AMISOM ka shaqeyso sidii ciidamo isku dhaf ah loo geyn lahaa Kismaayo.

Madaxweynaha iyo wafdigii oo hoggaaminayay ayaa lagu wadaa inay dhowaan ku soo laabtaan dalka.

















No comments:

Post a Comment