Saturday 3 August 2013

nalalka baalayaasha cadceeda ku shaqeeya ee Al-Mukarama ee maalin cad la qarxiyay

 nalalka  baalayaasha cadceeda ku shaqeeya ee Al-Mukarama ee maalin cad la qarxiyay
Labo ka mid ah baalayaashii nalalka ku shaqeeya cad ceeda ee ku yaalay wadada Maka Al-Mukarama ayaa saaka la qarxiyay, iyadoo tani shaki weyn keeneyso ammaanka wadadaas oo ah mid si gaar ah loo ilaaliyo.

Wadada oo ay ku yaalaan Hotelo si aad ah loo ilaaliyo, isla markaana baro lagu koontaroolo gaadiidka ay ku leeyihiin ciidamada Booliska ayaa waxay muujineysa fashilka xaga ammaanka ee xilligan heysta laamaha ammaanka dowladda.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir Warsame Joodax ayaa ku eedeeyay inay ka dambeeyay weerarkaas lagu qaaday baalayaasha kooxo nabad diid ah, isagoo tilmaamay in aanay dooneyn in wadadaas ay iftiinto.

Warsame Joodax ayaa sheegay in si farsameysan loogu xiro waxyaabaha qarxa baalayaasha, waxaana uu intaa ku daray inay sameyn doonaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan ammaanka.

Labada baalo ee la qarxiyay ayaa ku yaalay goobo ammaankooda aad loo adkeeyo, baalaha 40aad ayaa ku naala nawaaxiga Gurigii Shaqaalaha, halka baalaha 29aad uu ku yaalo nawaaxiga Hotelka Wehliye.













Somali news leader

No comments:

Post a Comment