Dawlada hoose Ee Magaalada Buuhoodle Oo Shaqadeedi U horaysay bilowday(Daawo+Sawiro)
waxana saaka magaalada buuhoodle ka bilaabmay olale nadaafadeed oo aad moodo inii kaduwan yahay kuwii horay looga samayn jiray magaalada
Olalahan ayaa waxaa siwada jira uga qayb qaadanayey xubnaha golaha deeagaanka iyo shacab weynaha kuhaqan magaalada buuhoodle oo isugu jiraururada dhalin yaro uruda haweenka iyo dhamaanba bulshada qaybaheeda kala gadisan ee kudhaqan magaaladani buuhoodle
Waxaana sibuuxda uga qayb qaadanayey Gudoomiyaha Cusub ee magalada buuhoodle Mr; Deeq Yuusuf Faarax Iyo Waliba Xubno Kale oo ka tairsan golahiisa deegaanka.
suuqyada waaweyn iyo waliba xafaha magaalada buuhoodle aya saaka ahaa ku aad uqurux badan kadib markii laga qaaday qashinkii yaalay wadooyinka lagana xaaqay
waxaana olalahani imaanayaa iyada oo ay fooda inagu soo hayso munaasibadii Ciidul Fadriga o siweyn loogaga diyar garoobayo gobalo badan oo katirsan dalka soomaaliya
No comments:
Post a Comment