Tuesday 6 August 2013

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad shidaalka baarta oo fadhigeedu yahay dalka Britain



Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad shidaalka baarta oo fadhigeedu yahay dalka Britain oo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration Ltd.

Wasiirka Kheyraadka ee dowladda Federalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ku dhawaaqay heshiiskan maanta ay dowladda la gashay shirkada lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd, oo fadhigeedu yahay dalka Britain.

"Waxay aheyd heshiis dowladda Soomaaliya la saxiixaneysaa shirkad fadhigeedu yahay wadanka ingiriiska, shirkad oo noo sameyn doonto in wadanka soomaaliya saliid ku jirto ay ka baarto, waxay sameynayaan baaritaan bariga iyoa badda"ayuu yiri Wasiirka Kheyraadka Dalka oo uu dhinaciisa taagnaa Madaxa Shirkada shidaalka baarta.

Heshiiska waxaa uu u ogolaanayaa in Shirikadan in ay ka sahmiso Soomaaliya in Saliidi ku jirto, soona ururiso xog ku saabsan jiritaanka Shidaal, si ay qayb uga qaadato hormarka la doonayo in laga gaaro dhinaca tamarta.

Wasiirka ayaa sheegay dhowaan la horgeyn doono heshiiskan Golaha Wasiirada, isla markaana qeyb ka noqdo sidii dalka maalgashi looga sameyn lahaa.

Sidoo kale Wasiirka kheydraadka dalka ayaa sheegay in heshiiskan uu xoojinayo xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay inay rajeynayaan in heshiiskan uu qayb ka noqdo dhiirigalinta maalgashiga iyo soo saarista khayraadka dalka si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Dhowaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay heshiis la gashay shirkad dhinaca ammaanka xeebaha oo fadhigeedu yahay dalka Holland, taasoo ka qeyb qaadan doonta qalabeynta iyo ilaalinta xeebaha.

















http://www.jowhar.com/news.php?readmore=1000

No comments:

Post a Comment