Sunday 4 August 2013

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Sudan iyo Maamulka Jaamacadda Afrika ee Khartoum. ”SAWIRRO”

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Sudan iyo Maamulka Jaamacadda Afrika ee Khartoum. ”SAWIRRO”

Published on July 27, 2013 by   ·   No Comments  ·   1,594 views Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibadda Dr: Maxamed Nuur Gaxal  iyo Wafdi uu Hogaaminayay oo Todobaadkii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Sudan ayaa Kulamo kala duwan la qaatay Qaar ka mid ah Madaxda iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Sudan.
Wafdiga Wasiiru Dowlaha uu Horkacayo ayaa Kulan la Qaatay Wasiirka Waxbarashada Dowladda Sudan Marwo Sucaad C/risaaq oo Xaruntooda ay ku booqdeen Wafdigu.
Kulankaas oo ay goobjoog ka ahaa Safiirka Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan  Maxamed C/laahi Ugaas ayaa waxa looga hadlayay Sidii Shahaadooyinka loo Midayn lahaa oo Mid kaliya Dowladda Sudan qaadan lahayd.
Wasiiru Dowlaha Dr: Gacal ayaa u sheegay Wasiirka Waxbarashada in marka hore u mahadnaqayaan sida Hagar la’aanta ah ay ula shaqeeyaan Dowladihii kala Duwanaa ee Soomaaliya soomaray.
Wasiirku Dowlaha Dr: Maxamed Nuur Gacal ayaa sidoo kale Wasiiradda kala Hadlay Qoysas Soomaali ah oo kasoo Cararay Dagaalada Ka jira Dalka Suuriya Dalbadayna in Sudan lageeyo Kuwaasoo Waxbarasho uga baahan Dalka Sudan.
Dhankeeda Wasiirada Waxbarashada Sucaad C/risaaq ayaa u sheegtay Wafdiga iyo Sudan ay Aqoonsan yihiin oo kaliya Hal Shahaado oo ah Midda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mid kalena aysan Qaadanayn.
Waxayna ku Adkaysay Wasiirka in la Hormariyo Wadashaqaynta Wasaaradaha Waxbarashada Sudan iyo Soomaaliya iyadoona Si buuxda u balan qaatay in Qoysaska Suuriya ka imaanaya ay u Diyaarinayaan Schoolo Waxbarasho oo Lacag la’aan ah.
Wafdiga Wasiirka oo ku Jira Howlihiisa Shaqo ayaa sidoo kale Booqday Jaamacada Afrika ee Caalamiga ah oo ah Midda ugu Badan ay Arday Soomaali ah waxkabarataan.
Wasiirka ayaa u sheegay Gudoomiyaha Jaamacadaas Dr: Kamaal Cubayd in Iysan Awoodin in in ay Cabiraan Mahadnaqooda iyo Qadarintooda Ay u haayaan Jaamacadda oo Ardayda Siisa Waxbarasho, Deegaan, Cunno, iyo Mid Caafimaad intaba.
Wasiir Gacal ayaa u sheegay in kaliya ay Jaamacadda usoo Booqdeen Sidii Mahadnaqan Balaaran oo ay ka wadaan Shacabka iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya usoo gaarsiin lahayeen Maamulka Jaamacadda.
Gudoomiyaha Jaamacada Afrrika ee Caalamiga ah Mudane Kamaal Cubayd ayaa isagan si diiran usoo dhaweeyay Wafdiga uu Horkacayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda.
Guud ahaan Booqashadii Shaqo oo ay ku joogeen Wafdiga uu Hogaaminayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Dr: Maxamed Nuur Gacal Soo gabagabeeyeen.
Waxaana Habeenkii Xalay ahayd Wafdiga Si diiran ugu Soo sagootiyay Airport-ka Caalamiga ah ee Khartoum Safiirka Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan Mudane Maxamed C/laahi Ugaas iyo Lataliyaha Koowaas ee Safaaradda Mudane Ibraahin Guure Maxamed.
DSC05178
DSC05179
DSC05180
DSC05185
DSC05186
DSC05187
DSC05189
DSC05190
Qaybtan hoose ka daawo sawirada Booqashada ay Wafdiga ku tageen Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika.
DSC05176
DSC05174
DSC05175
DSC05162
DSC05163
DSC05164
DSC05165
DSC05166
DSC05167
DSC05168
DSC05170
DSC05171

Halkan hoose ka daawo Sagootintii Wafdiga uu Wasiiru Dowlaha Horkacayo
DSC05194
DSC05198
DSC05211
DSC05202
DSC05203
DSC05205
DSC05207

No comments:

Post a Comment