Saturday 11 December 2010

Ciyaaraha CECAFA: Xulalka Ivory Coast iyo Ethiopia oo baxay semi finalka yirahaas

Ciyaaraha CECAFA: Xulalka Ivory Coast iyo Ethiopia oo u soo baxay Semi Finalka ciyaarahaas (SAWIRRO)
dr.seleebaan yuusuf (dr.bood), olinedarwiish, Uganda
Talaado, December 07, 2010(HOL): Waxaa galabta garoonka National Stadium ee magaaladda Darasalaam ka biloowday wareega 8-da ee koobka 37-aad ee xulalka qaramada bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA 2010, waxaana ciyaartii hore ee galabta dhex martay wadamada Ethiopia iyo Zambia, iyadoo ciyartaas 2-1 guushu ku raacday xulka Ethiopia.

Weeraryahanka xulka Itoobiya Tesfaye Alebachew ayaa daqiiqadii 18-aad ee qeybtii hore xulkiisa Itoobiya u dhaliyay goolka hore, iyadoo daqiiqadii 21-aad ee isla qeybtii hore khadka dhexe ee xulka itoobiya Omond Okwury uu goolka labaad xulkiisa u saxiisay.
Daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta ayaa garsoorihii ciyaarta dhex-dhexaadinayay wuxuu ciyaarta ka saaray difaacad xulka Zambia Thomas Nyirenda, kaddib markii uu jalfiyay weerarka xulka Itoobiya Shamele Godo, hase ahaatee ciyaartooyda xulka Zambia oo laga dareemayay xoogaa niyad jaba ah laakiin dadaalkoodu muuqaday ayaa helay goolka qura oo ay dhaliyeen, waxaana daqiiqadii 58-aad u dhaliyay weerarkooda Felix Sunzu.
Tababaraha xulka Ethiopia Iffy Onoura oo u dhashay wadanka Ingiriiska ayaa isagoo faraxsan wuxuu yiri "Waan ku faraxsanahay in aan u soo baxno semi finalka koobka CECAFA, inkasta oo ciyaartooydu u muuqdeen in ay daaleen 10-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeeyay hadana kubadda waa ku dagaalamee"

Dario Bonetti oo ah tababaraha Zambia una dhashay wadanka Talyaaniga ayaa guuldarada xulkiisa ku habsatay ku eedeeyay inuu ka dambeeyay garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay wuxuna yiri "Ciyaartu waxay aheyd mid go'aankeeda oo dhan ay gacanta ugu jirtay garsoorihii ciyaarta firimbigeeda hayay, wuxuu naga diiday gool sax ah qeybtii hore ee ciyaarta mana garaneyno sababta uu u diiday goolkaas, sidaas oo kale wuxuu sabab la'aan ciyaarta uga saaray ciyaaryahan Thomas, taasina waxay cadeyneysaa in Africa aysan weli ka bixin caddaalad darradda dhinaca garsoorka ah"

Dhinca kale Xulka Ivory Coast ee lagu neynaaso "Marooydiyaasha" ayaa 1-0 ku sarootiyay dhiggooda Malawi, waxaana labadan xul oo marti ku ah koobka bariga iyo bartamaha Africa ay soo bandhigeen ciyaar aad macaan, hase ahaatee ciyaarta oo ay ka dhimaneyd 10-daqiiqo oo qur ah ayaa weeraryahanka xulka Maroodiyaasha Kipre Tchetche uu gool muhiim u ahaa xulkiisa dhex dhigay shabaqa xulka Malawi."Uma qalmin in xulka Ivory Coast uu naga badiyo galabta, laakiin casharro muhiim ah ayaan ka baranay, qibradna waan ha helnay tartankan, waxaana filayaa in sanadka soo socda nala casuumi doono" ayuu yiri tababaraha ciyaartooyda Malawi Kinnaa Phiri.

Tababaraha xulka soo baxay ee Ivoy Coast Koudio Georges ayaa isna sheegay in ciyaartooydiisu ay yihiin kuwa da'yar ah isla markaasna ciyaarba ciyaarta ka dambeysa muujina fir-fircooni iyo ciyaar wanaag.

Laakiin Xulalka galabta soo wada badiyay ee Ivory Coast iyo Ethiopia ayaa isku arko doona maalinta KHamiista ah ee soo socda garoonka National Staduim ee magaaladda Darasalaam, waxaana ciyaartaas oo live ah ay noqon doontaa mid ka xiisa badan ciyaarihii hore, maadaama laba xul ay noqdeen xulalka ugu kubada qurxoon tartanka CECAFA 2010.

Kulamada Berri:

Uganda Vs Zanzibar, Live Super Sport 9, (8th December 2010 2:00 PM)

Tanzania VS Rwanda, Live Super Sport 9, (8th December 2010 4:00 PM)

No comments:

Post a Comment