Monday 13 December 2010

Gabay loogu jawaabayo Beesha Bariga borco

soo daabacay Qorilugud.

Cosobsiga hashii barata iyo cidhifka daaqiisa
Cishuun bay dhurwaayadu cunaan kuna casheeyaane
Coobaha marbuu kalajaraa cooflihii bahale

Caynkaad wadaan habar jeclooy cilinki waa yaabe
Cagaagiyo mudaad buurihii camal ilawdeene
Cariskiyo banaanada mudaad cimidh u daaqdeene

Carigiyo dhulkaygii markaan kugu casuumeeyey
Cuudkiyo markay kuu bateen coodidiyo maalka
Cidiyuhu markay kuu bexeen baad i caasidaye
Ciyoon baad ilawdeen waxaan caana kuu shubaye

Cisi iyo wanaag kuma anhelin’ caawidaan idhiye
Caybaad bilawdiyo inadaad igu ciyaartaaye
Cafiskii badnaa eede iyo camal samaantiiye

Casharada ankuudhigo hadanad cayndhe kari waayin
Curcuradiyo qararkii hadaan lagu cillaalaanin
Hadii annan cashiyo buurihii kugu ceshiimaynin
Curadada lagaa dilo hadaanay kuman cagayn waayin

Caasi baad ahaataye hadanad caabid noqon maanta
Cali geriyo reer Hagar hadaan cagaha loo maydhin
Ciilkiyo dhibaatadu hadaanay kaa camirin laabta
Cuqdadaad qabteen iyo hadaanay cadhadu weynaanin

Ceesaanahaagii hadaanad adhiga caataysan
Canjil baad bilwdiye hadaanad caaqil odhanwaayin
Culayskiyo dhibkaagii hadaanan maanta soo celinin
Cabashooyinkii hore hadaanay cayma noqon waayin

No comments:

Post a Comment