Sunday 4 August 2013

Shacabka Bosaso ma looga baxay balantii dhameeystirka Bander-Qasim Airport Bosaso?

Shacabka Bosaso ma looga baxay balantii dhameeystirka Bander-Qasim Airport Bosaso?

Shir ay wada qaateen maamulkii hore ee Puntland ee uu madaxda ka ahaa Gen. Cade Muuse ayaa sanadkii 2005-tii waxay ku heshiiyeen in loo qoondeeyo dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaaso, lacag dulsaar ku ah khidmadaha laga qaado badeecadaha la canshuuro oo dhan 5% dakhliga soo xarooda.
Lacagtaas waxaa lagu bilaabay dhismaha garoonka laguna soo gaarsiiyey heerka uu hadda taagan yahay oo maamulkii hore soo gaarsiiyey heerkaas.
Barnaamijkaas oo muujiyey isku kalsoonida,lagaga maarmi karo in gacmo shisheeye wax laga sugo,shacabkana la tuso in ay wax kasta qabsan karaan.
Maamulka madaxweyne Faroole wax is bedel ah kuma samayn 5% dakhligii loo qoondeeyey in garoonka Boosaso lagu dhiso ama lagu sii dhameystiro, barteedii ayey lacagtii loo qoondeeyey kasii socotaa mudadkii 4-tano iyo todobada billood ee uu xafiiska talada Puntland hayey madaxweynuhu . Bishiina lacagta u soo xerooto madaarka Bosaso waxay u dhigantaa 65-kun oo dollar.
Sadexdii December sanadkii aynu soo dhaafnay oo mudada mandate-ka madaxweyne Faroole ay ka harsanayd 30 casho ayuu dadweynaha reer Bosaso uga waramay halka uu marayo garoonka Bosaso iyo lacagaha ay u hayaan wuxuuna yiri: -
“””Waxaan idin sheegayaa inaanu u heyno lacag dhan 5-milyan oo doolar oo waxyar ka dhimantahay ,wax yar baa ka dhimane maku daraysaan,dib baana isugu noqoneynaa wax kalena waan keeni karnaa,..””ayuu yiri.
Halkan ka Dhagayso Codka Madaxweynaha Puntland uu kaga Hadlaayo Mashaariicda Garoonka Diyaaradaha Guji Halkan
“Wasiirka Maaliyadda haddaan weydiiyo lacag badan buu idin sheegayaa laakiin ma rumeysaneysaan “”Imisaa lagu dhisay Faarax ”Imisaan ku darnay afkaaga halaga maqlee ::900-kun oo doolar baan ku dhameystirnay inta dhismayaasha ee dheeraadka ah anagaa ku darnay,…”“ayuu yiri.
Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in Garoomadda Diyaaradaha ee Puntland qorshe lagu dhisi lahaa ayna Ogolaatay dawladda Kuweyt laga horjoogsaday balse dhawaan ay ballan qaadayaan iney soo faxaan Mashruucaas.
“Kuweyt oo File-kii Airporada Puntland lagu dhisi lahaa Amiirkuna Ogolaaday balse nin hadda Xafiiska ka tagey oon sheegeyn magaciisa uu yiri i haya,laba meelood baa la weydiiyey meelna wuxuu yiri wada meelna wuxuu yiri haya,haya Puntland baa noqotay….”“”ayuu yiri Farole.
Madaxweyne Faroole sidii uu doonayey waa u socotay oo ahayd inuu xilka sii dheereysto muddo sanad ah, balse kuma guuleysan inuu ka dhabeeyo balan qaadkiisii ahaa inuu garoonka Bosaso isla berri la bilaabi doono, iyadoo haatan ay kasoo wareegatay 8 billood maalintii uu laha waxaan berito bilaabaynaa dhameystirka garoonka Bosaso oo xukuumadii isaga ka horeeysay ay dhistay.
dadweynaha reer Bosaso ayaa isweydiinaya halka ay qabatay lacagtii shanta millyan ee madaxweynuhu sheegay inay u hayaan madaarka Bosaso, dadweynaha qaar ayaa arrintaas u fasirtay siyaasad lagu beer laxawsanayey dadweynaha si xukunka si sahlan oo xeeladeysan loogu sii dheereysto.
Ugu dambaybtii shacabka Puntland waxay wali xasuusan yihiin balan qaadkii madaxweynaha ee uu ku galay dhameeystirka garoonka Bosaso, balse waxaa laga rabaa inuu ka dhabeeyo, iyadoo dadweynuhu si weyn ugu farxeen aqalka laga dhisay madaxtooyda Garoowe oo iyaduna ah horumar lagu talaabsaday. inkastoo aqalo madaxtooyo ay kasii qiima weyn tahay iyadoo wax laga qabto kaabayaasha dhaqaalaha sida garoomada, wadooyinka iyo furdooyinka.
Boorka iyo siigada ka baxeys garoomada Puntland iyo rafaadka ka muuqda, waa tan keentay in hal diyaarad oo ah kuwa shacabka aysan Puntland tagin, balse safar dhib iyo rafaad badan laga muto  oo socod dhulka ah looga soo baxo Berbera Somaliland.
Maxamed Koshin

No comments:

Post a Comment