Sunday, 5 December 2010

Afkii baa Juuqda gabay !!

Afkii baa Juuqda gabay !!
Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud
"Axmed Deeq"

Dec. 01, 2010

Dagaalada Muqdisho
Waayaha Muqdisdho ee Maanta.

Cirku mayay buu la madaw yahay,
Magaal midab buu la madaw yahay,
Masku malag buu la madaw yahay,
Anna murugiyo maxay mudan baan,
La madoobahay.(*)

Cirka waxa ku gedaannaa daruuro colaadeed, dhulkana waxa ku gedfanaa duruufo nololeed. Waayuhu waa sumaysnaa, siyaasadduna waa silloonayd; gabbal baa u sii dumayay dawlad ku sheegtii jirtay. Galawguna cida ma kala goynayn. Salow colaadeed baa sidaa geyiga ugu baahayay. Dadku iyaga oo walaalo ah, haddana waa isku ciil qabey, oo naxli iyo xumaan in xuni beertay baa bislaatay, oo baalal goroyo yeelatay. Dugaaggu wuxuu u hamuun qabey hilbaha darayga ah ee dadka. wax walba meel xun baa laga eegayay, wax walbana si silloon baa loo fiirinayay. Nafo badan baa caleentoodu caddaatay, kuwa kale oo ayaan daranna iniintoodaa biqishay!! Anigu kuwaa danbe ayaan ka mid ahaa.

Waxaan ifka imid aniga oo ooyaya, ma aqaanno oohintaydu inay odorasaysay aayaha noloshayda iyo inay baroor diiq u ahayd baradii diiranayd ee aan ka imid. Aniga oo aan oohin dhamaysan baa balaayadu hig tidhi. Deryanka hoobiyaha iyo duryanka rasaasta waxaan u haystay damaashaad loogu dabaal degayo dhalashadayda. Waa danbesa waxaan ogaadey inay birta iska aslayeen walaalo wada dhashay.

Shacabka ee laga qixiyay guryahoodii

Waxaan garaadsaday iyada oo colaaddii aan la dhashay weli geyiga ka hullaaqan tahay. Holoca baaruuda iyo halasaha dagaalku waxay halakeeyeen badi ehelkaygii iyo asxaabtaydii, waxaanay hagardaameeyeen habsami u socodka koriinkayga, iyo hannaan fikirka maskaxdayda. Dhiggayga waddamada kale haddii ay waxbarasho aasaasi ah sed u heleen; aniga waxa sahay la iiga dhigay sunta baaruudda iyo siifadda rasaasta. Waxa sidaa wax yeelay dad kuwii iigu xigay. Itaal iyo awood waannu kala jarmaadnay. Ma nooli, mana dhiman; ma fayoobi, mana miyir qabo; ma hurdo, mana soo jeedo. Arrintaydu, xaaladahaas bay u dhaxaysaa. Waxaan noqday qalfoof. Dhafoor godnaantayda iyo dhabanno hayskayga waxaad I mooddaa duq gaboobay oo gabanno haysta. Daranyada nololeed ee aan qabo lama soo koobi karo. Waxaan garan la'ahay waxa iigu wacan.

Maalin socod la iskuma aamino, habeenna waa laga caagay. Qofba halkii gabalku ugu dhaco ayuu bariistaa. Caawase waxa iga go'an inaan guuro bahalleeyo. Waa gudcur dama, magaaladana waxaad mooddaa in qarni ka hor laga haajiray. Iyada oo xaal sidaa yahay, haddana sanqadh tirasho awgeed waxaan ku socdaa faraha.

Aafooyinka Dagaalada Muqdisho

Meel walba meydka dad qudh baxay baan ku dul turun turoonayaa; halkan gaari baa taal, halkeer geesi baa wadhan. Waxaan jawaab u la'ahay weydiinta welbahaarka leh ee ay maydku igu holqinayaan: Maxaa nalagu dilay? Soomaali miyaannaan ahayn? Muslim miyaannaan ahayn? Nolol miyaannaan xaq u lahayn? Jawaabtu iyada oo iska cad, haddana afkayga waa ka soo bixi la'dahay, inaan ku dhawaaqona hadalkeedaba daa! Illin uurka ka soo go'aysa oo xinjiro u eg ayaa aniga oo is moog iga gobo'laynaysa. Waan dubaaxinayaa; jidhku way damqanayaa; maanku way ducanayaa; cagtu way dalooshaa, uurku way huraayaa. Dhagar qabe sidaan ahay baan dhaqaaq joogsanayaa. Qulqulka dhiigga waxaad mooddaa togag biyo ah. Waxaan kala garan la'ahay inaan ku suganahay sariibad xoolaad iyo mid dadeed. Waxa igu hareeraysan habar dugaag (mooryaan), waxaanay u wada haliilayaan hilbahayga, waxayse moog yihiin in lafta iyo diirku isku kay dhagay, oo aanan dhiig iyo dheecaan toona lahayn.

Inta nooli, inta dhimatay ma nolol dhaanto. Gabannada ciyaalka ah, guudlayda dumarka ah iyo gadh caddaaga odayga ahiba waxay u hiqlaynayaan sidii naag la yidhi huray dalaaqdaa. Maalintii Alle keenaba intaasoo carruura baa agoomawda, intaasoo kalena waa rajawdaa. Haweenka dharkoodu waa asay, hablaha guurkoodu waa kufsi, wax garadka abaalkiisu waa dil, ubadka nac nacoodu waa xabbad, bulshada hadalkeeduna waa reer hebel.

Carruur iyo haween saf ugu jira cisbitaalka SOS
Carruur iyo haween saf ugu jira cisbitaalka SOS. Tolow yaa aafadan baday!

Markii ay dhergeen waxa igu dibira dhacsanaya oo dushayda ku hardamaya laba nacas oo ila dhashay, laba doqon oo ila muuq ah, laba dawdar oo aan dan iyo heello ka lahayn duruufahayga qallafsan. Mid waliba ubadkiisii iyo ooryihiisii wuxuu gaystay dibadaha, waxaanu ku masruuftaa dhiigga masaakiinta iyo dheecaanka makasta. Maalinta aanay xabbadi dhicin, ajalna aanay go'ini waxay u tahay maalin madaw. Maalintase xusuuq dhaco waa u damaashaad.

Warbaahinta ayaa u kala baratanta maqalka codkooda, iyaguna waa sida ay rabaan. Waxay ku tuur tuuraan weydiimo macno daran, iyaguna si ka sii macno liidata ayay ugu jawaabaan. Marka ay ka hadlayaan xaaladda Soomaaliya waxaad mooddaa in ay dalal kale ka sheekaynayaan, ama ummado kale wax u sheegayaan. Waa ma xishoodayaal hadh iyo habeen u hanqal taagaya hoo aan sii ridnayn oo reer galbeed ugu baaqayo ama carabtu ugu yaboohayso. Laguma oga dhibic dhiiga oo Soomaalinimo ama bani' aadanimo ah. Waa haybad laawayaal ay ugu dhan tahay safarada ay ku tax taxaashayaan dibadaha ama bambooyinka ay ku qarxinayaan makasta.

Dadku waxay moog yihiin inaanay iska soo horjeedin ee ay dhan wax u wada wadaan, oo ay wada rabaan in ay dalka iyo dadkaba is hanbo raaciyaan. Mid walba waxa ku hareeraysan in la dhalatay oo dhegta wax ugu qabata, dhulkana u xaadha. Bulshadu kama duwana xoolo, haddii aanay kaba qiima yarayn. Mar waa la garaacaa, marna waa la qixiyaa; mararna waaba la gawracaa!! Waxay ka dhigan tahay hal laba midigoodle garaacay oo dhanna aanu u fayoobayn. Dhawaaqa taaha iyo ciilku ku saynsaaban yahay ee uurkooda ka soo gurmaya cid aan caadilka ahayni ma maqlayso. Haddii ay maqlaysana uma digigixoonayso, umana diirnaxayso.

Aafada Muqdisho ka taagan maanta

Sadexda cadaw ee dadka caddiba (gaajada, xanuunka iyo jahliga) annaga waxa noo raaca cadaw afraad oo ah madax ku sheeggayaga. Adduunyada waannu ku yasannahay oo waxa la noogu soo hal qabsadaa inta xun, waxaana naloo soo diraa inta xun (sunta badaha), waxaa naloo dooraa inta dadka u liidata (wax magaratada). Aakhiro wax aannu la tagno garan maynno. Alle faqri nagama dhigin, haddana inta xabbadu layso in le'egi waxay u le'ataa gaajo, in ka sii badanina waxay u go'daa cudurro. in kale oo badan waxa quuta yayda iyo yaxaaska, inta soo hadhayna waxay ku nooshahay gacmo hoorsi. Qarnigoo koob iyo labaatana ayaannu qaran is weydiinaynaa !! Waxaan ka baqe qabaa inaan ka hor dhinto dhalashada dawlad Soomaaliyeed oo xor ah. Allahayaw adaa waynoo waaxidee Muqdisho caqliga u soo celi.

Waayaha Xamar la baday

Xamareeeey !!! Xajkii geeska bariyeey, maxaad uga gilgilan la'dahay gabbood fallada joogtada ah ee lagu hayo bulshadaada? Maxaad uga guban la'dahay caqli gaabka maalin walba dushaada ku waxyeelaynaya dadkaagii? Maxaad u qarinaysaa qawlaysatada qoriga ku dhacaysa masaakiinta? Ha iga jeedsanne ii jawaab, ii jidh dabac.

Intuu xaal sidan yahay; intay beentu qoslayso, runtuna ay rafanayso; intay dawlad la'aanta, dadkaygii dalka joogay; daranyo ay ku qabaan; dibitaatiga naaxay, diirkoodii gadanaayo; diinta kii isku nisbeeyayna, dadka uu qalqalaayo; doqonkaan wax hubsan, qabyaaladdaa daldalaayo; kuwii aadey dibaadkuna, dalandool iyo ciil, iyo dawarsi ay ku jiraan, bal maxaa ila gudboon? Bal maxaa iga oohin? Waxaan la ooyayaa, ilmadu iiga qubanaysaa, ikhtiyaar nin isku diidoo, is addoonsadaan ahayey**.

Waxa ila gudboon inaanan quusan, qancin ee aan ilmada iska tiro, wixii aan shacabkayga tari karana u qabto. Allaha aan baahan ee had iyo goor aan laga maarmin waxaan ka tuugayaa inuu curaddo khayr leh noo kiciyo.

Axmed Ismaaciil Maxamuud "Axmed Deeq"
E-Mail: awliyo177@hotmail.com

* Hees ka mid ah hees hawleedyada Soomaalida.
** Heestu waxay sax ku tahay: Ikhtiyaar nin loo diidoo, la addoonsadaan ahaye.

Waa Kuma Julian Assange ? Wikileaks Xagee Ku Danbeeyey?

Waa Kuma Julian Assange ? Wikileaks Xagee Ku Danbeeyey?By Somali

Julian Assange waa Suxufi 39-jir ah oo u dhashay Dalka Australia gaar ahaan Townsville, Queensland, wuxu ku barbaaray JaziiradaMagnetic Island , 1979 ayaa hooyadii guursatay nin kale oo musician ah sidaa waxaa ku kala lumay xidhiidhkii Assange iyo hooyadii , Assange waa aqoon yahan bartay Maadooyinka fiisigiska,xisaabta iyo waliba Computer programe , Wuxuu sanadku markuu ahaa 2006 samaystay websiteka Wikileaks.org ,Assange waa nin Webka u sameystay inuu soo bandhigo sirta iyo gabood-falada ay ku kacaan siyaasiinta iyo Dawlada awooda leh.

Ninkan ayaa boga diplomatic cables-ka ee warsidaha WikiLeaks kusoo bandhigay in kabadan 250,000 dokument, kuwaas oo lagaga hadlayey warar xasaasi ah oo ku saabsan arragtida saraakiisha Arrimaha Debadda ee Maraykanka ee ku jahaysan madaxda dalalka dunida, argagixisada, iyo fiditaanka nuklearka.

Warbixinadan ayaa ah kuwo sir ah, waxaana kamid ah wararka lagu soo bandhigay magacyada ay saraakiisha wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku ugu yeedho madaxda dalalka caalamka marka ay iyagu isu waramayaan.

Madaxweynaha Ruuska, Dmitry Medvedev, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha Arrimaha Debadda ee Maraykanku aaminsantahay in uu yahay shimbir u heesa ra’isulwasaaraha Ruushka, Vladimir Putin. Halka ay ra’isulwasaaraha Ruushka, Vladimir Putin, ku sheegtay in uu yahay Eyga ugu horreeya Eyda, waxayna ugu magacdartay “Alpha Dog.” Warbixintu waxey sheegtay inay dowladda Ruushka gabi ahaanba tahay mid mafiya ah.

Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku u taqaan “naxariis laawe, laakiin Caqli badan.”

Madaxweynaha Libiya, Muammar Khadafi, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha Arrimaha Debadda ee Mareykanku aaminsan tahay in uu xidhiidh hoose la leeyahay gabadha u ah kalkaaliyaha caafimaad ee u dhalatay dalka Ukrania.

Haweenayda hogaamisa dalka Jarmalka, Angela Merkel, ayey warbixintu tilmaantay in wasaaradda Arrimaha Debadda ee Mareykanku aaminsantahay in aanay waxba isku dubaridi karin, islamarkaana ay iska illaaliso khatarta. Warbixintu waxay ugu yeedhay hogaamiyaha Jarmalka “Angela Teflon.”

Madaxweynaha Fransiiska, Nicolas Sarkozy, ayey warbixintu sheegtay in ay wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku u aragto nin xukun jecel oo u dhaqmo sida boqorrada oo kale, ahna kali-taliye, waxayna warbixintu ugu yeedhay “naked emperor.”

Madaxweynaha dalka Iran, Mahamoud Axmedijejad, ayey warbixintu tilmaantay in wasaaradda Arrimaha Debadda ee Mareykanku u taqaan in uu yahay khabiit aan jixjixin , waxaana loogu yeedhaa “Hitler.”

Hogaamiyaha Sacuudiga, boqor Cabdalla bin Cabdulasis, ayey warbxintu sheegtay in ay kaga dhagantahay in uu Maraykanku weeraro dalka Iran, waxayna tilmaantay in boqorku uu dhowr mar weydiistay Maraykanka in uu burburiyo saldhigyada nuklear-ka ee dalka Iran, waxaana laga hayaa boqorka inuu yidhi “madaxa ka jara maska,” isaga oo ula jeeda Iran.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in boqor Cabdalla uu dowladda Maraykanka kula taliyey in dadka looga shakiyo argagixisada jidhkooda la dhexgaliyo aaladda wararka lagu keydiyo oo sheegi karta meel kasta oo qofku uu joogo. Saraakiisha Maraykanka ayaa talada boqorka la yaabay kana dhaga-adaygay, balse boqorka ayaa ku adkaystay in maadaama fardahaba jidhkooda aaladdan la galiyo ay muhiim tahay in dadka laga shakiyo iyagana jidhkooda la galiyo, si kastaba ha noqotee….saraakiisha Maraykanka ayaa boqorka u sheegay in farduhu aanay lahayn qareenno (lawyers) fiican oo u doodda.

Warbixinnada sirta ah ee uu WikiLeaks soo saaray oo aanu waxyar kasoo qaadanay, waxay inbadan ka sheegayaan caafimaadka, dabeecadda, sida ay u noolyihiin iyo waliba arrimahooda qaaska ah ee madaxda dunida qaarkood.

Mr Julian Assange ayaa Booliiska Sweden sheegeen inay raadinayaan,maadaama looga shakisan-yahay inuu ku kacay falall kufsi ah,xili uu ku sugnaa Dalka sweden. Shirkada Amazon ee Maraykan ayaa block garaysay hostinnkii Websiteka Wikileaks halka Frach ay ku dhawaaday inaanay u ogolaanayn inuu dalkeeda ha helo wax host ah , nasiib wanag wuxuu hosting ka helay wadanka swizerland .

Wikileaks ayaa wuxuu ilaa hada ku shaqaynayaa si kumeel gaadh ah host kan : http://wikileaks.ch/ ama http://wikileaks.nl/ iyo waliba http://213.251.145.96/ wikileaks ayaa ay suura gal tahay inaad aragto ama akhrisato macluumaadka uu soo bandhigay .

Thursday, 2 December 2010

welcome to sudan


eng.c/risaaq axmed jaamac(qoje)

safarkii garadka iyo madaxda ssc oo maraya uganda


welcome to sudan

dalka sudan wuxuu ka mid yahay wadamada aadka u soo dhoweeya ardayda soomaaliyeed,waxbarasho heersare ah waa laga helaa

Friday, 15 October 2010

Garaad Jamaac Garaad Cali iyo Hogaanka SSC Oo Dhanbaal Hanbalyo Ah U Diray Raysal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaanjo.

Garaad Jamaac Garaad Cali iyo dhammaan Golayaasha Hogaanka SSC ayaa waxaa ay si wada jir ah dhanbaal Hanbalyo ah u dirayaan Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo uu Madaxweyne Shiikh Shariif galabta ku dhawaacey Maxamed C/laahi Maxamed.
Garaadka iyo hogaanka uu ku sugan xarunta ku meel gaadhka ah ee Hogaanka Sool,Sanaag iyo Cayn oo ah Degamada Dharkayn-geenyo ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay dhanbaalkooda ku xuseen in ay hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan iyagoo ku hadlaya magaca shacabweynaha deegaamada Sool Sanaag & cayn Raysal wasaaraha cusub Maxamed C/laahi Maxamed.
Dhanbaalkan oo Hanbalyo iyo dardaaran iskugu jirey ayaa sidoo kale lagu sheegey in ay aad ugu niyad san yihiin ugu farxeen markii uu soo gaadhey warka la xidhiidha magacaabida Raysal wasaare Maxamed C/laahi Farmaanjo.
Garaadka iyo Hogaanka SSC ayaa waxaa ay dhanbaalkooda kula dardaarmeen raysal wasaaraha inuu dulqaad iyo samir badan u yeesho dhibka iyo masuuliyad culus ee loo Igmadey, islamarkaana uu guntiga dhiisha iskaga dhigo siduu shacabka soomaaliyeed uga yarayn lahaa mudada uu xilka hayo dhibka iyo colaadaha gaamurey ee 20ka sano haystey.
Ugu danbayntiina waxaaa Ilaahay uga bareen Raysal wasaaraha in uu u fududeeyo xilka cusub oo loo magacaabey.
Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jamaac
Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed
Hogaamiye ku xigeenka SSC Cali Axmed Xasan
Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga C/risaaq Xasan Ismaaciil iyo dhammaan shacabweynaha Sool Sanaag iyo Cayn.
Waxaa dhanbaalkan warbaahinta soo gaadhsiiyey
Afhayeenka Hogaanka SSC Axmed Maxmed Xasan
(Axmed Gacmayare)
afhayeenkassc@yahoo.com
Dharkayn

Tuesday, 12 October 2010

Madaxweyne Shariif Oo Muqdisho Tagay iyo Wararkii Ugu danbeeyey ee Magacaabista Ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliay Sh Shariif Sh Ahmed iyo wafti balaadhan oo la socda ayaa soo gaadhay maghaalada Muqdisho ee dalka Soomalaiyta maanta duhurnimadii. Madaxweynaha iyo waftiga uu horkacayey oo ka qayb galay shirkii Jaamacada Carrabta ee ka dhacay magaalada Sirte ee dalka Libya ayaa la sheegay in uu halkaas kala soo kulmay balan qaadyo dhaqaale oo fara badan.
Madaxweynaha oo Muqdisho ku soo noqday ayadoo dgaalo goos goos ahi ka socdaa, ayaa isla markiiba wuxuu gudo galay wadaxaajoodyo iyo shirar gooni gooni ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee dawladdu ka kooban tahay.
Wararkii ugu danbeeyey Ee magacaabista Ra’iisal wasaraha?
Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhaya xarunta madaxtooyaayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo qaban qaabadii ku dhawaaqista Ra’iisal wasaaraha cusub. Waxaana la sheegay in hada labo xubnood oo ka soo kala jeeda deeganada SSC iyo Gobolka Gedo ay isugu so hadheen Liiska.
Dr: C/Kariim Xassan Jaamac ayaa la sheegay in uu weli yahay magaca ugu sareeya ee horyaala Madaxweyne Shariif, waxaase la sheegay in isbaahaysi badani ay u wareegeen dhanka nin lagu magacaabo Saacid oo la sheegay in xata taageeradoodi hada ay u weeciyeen maamulka Puntland ayagoo ka soo horjeeda in uusan ruux SSC ka soo jeedaa jagadaas ku fadhisan.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Madaxweyne Shariif uu u eg yahay nin aan libiqsanayn isla markaana doona in uu magacaabo nin ay wada shaqayn karaan mudada kooban ee u hadhsan dawladdisa.
Madaxweynaha aya ala sheegay in ilaa hada uu xushay isla markaana doonayo in uu ku dhawaaqo Dr: C/Kariim, kaasoo uu ku qancay Aqoontiisa, kartidiisa iyo weliba shakhsiyad wanaaagiisa.
Inkastoo siyaasadu saacadba dhan jirto hadana wararkii ugu danbeeyey waxay sheegayaan in Dre: C/Kariim lagu dhawaaqi doono beri subax ama caawa fiidnimada, waxaana la sheegay in hada kulamadii u danbeeyey lagu gudo jiro.
Ibrahim Mohamed Hirsi.
Minority2009@yahoo.com