Tuesday 12 October 2010

Madaxweyne Shariif Oo Muqdisho Tagay iyo Wararkii Ugu danbeeyey ee Magacaabista Ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliay Sh Shariif Sh Ahmed iyo wafti balaadhan oo la socda ayaa soo gaadhay maghaalada Muqdisho ee dalka Soomalaiyta maanta duhurnimadii. Madaxweynaha iyo waftiga uu horkacayey oo ka qayb galay shirkii Jaamacada Carrabta ee ka dhacay magaalada Sirte ee dalka Libya ayaa la sheegay in uu halkaas kala soo kulmay balan qaadyo dhaqaale oo fara badan.
Madaxweynaha oo Muqdisho ku soo noqday ayadoo dgaalo goos goos ahi ka socdaa, ayaa isla markiiba wuxuu gudo galay wadaxaajoodyo iyo shirar gooni gooni ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee dawladdu ka kooban tahay.
Wararkii ugu danbeeyey Ee magacaabista Ra’iisal wasaraha?
Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhaya xarunta madaxtooyaayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo qaban qaabadii ku dhawaaqista Ra’iisal wasaaraha cusub. Waxaana la sheegay in hada labo xubnood oo ka soo kala jeeda deeganada SSC iyo Gobolka Gedo ay isugu so hadheen Liiska.
Dr: C/Kariim Xassan Jaamac ayaa la sheegay in uu weli yahay magaca ugu sareeya ee horyaala Madaxweyne Shariif, waxaase la sheegay in isbaahaysi badani ay u wareegeen dhanka nin lagu magacaabo Saacid oo la sheegay in xata taageeradoodi hada ay u weeciyeen maamulka Puntland ayagoo ka soo horjeeda in uusan ruux SSC ka soo jeedaa jagadaas ku fadhisan.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Madaxweyne Shariif uu u eg yahay nin aan libiqsanayn isla markaana doona in uu magacaabo nin ay wada shaqayn karaan mudada kooban ee u hadhsan dawladdisa.
Madaxweynaha aya ala sheegay in ilaa hada uu xushay isla markaana doonayo in uu ku dhawaaqo Dr: C/Kariim, kaasoo uu ku qancay Aqoontiisa, kartidiisa iyo weliba shakhsiyad wanaaagiisa.
Inkastoo siyaasadu saacadba dhan jirto hadana wararkii ugu danbeeyey waxay sheegayaan in Dre: C/Kariim lagu dhawaaqi doono beri subax ama caawa fiidnimada, waxaana la sheegay in hada kulamadii u danbeeyey lagu gudo jiro.
Ibrahim Mohamed Hirsi.
Minority2009@yahoo.com

No comments:

Post a Comment