Sunday 5 December 2010

Waa Kuma Julian Assange ? Wikileaks Xagee Ku Danbeeyey?

Waa Kuma Julian Assange ? Wikileaks Xagee Ku Danbeeyey?By Somali

Julian Assange waa Suxufi 39-jir ah oo u dhashay Dalka Australia gaar ahaan Townsville, Queensland, wuxu ku barbaaray JaziiradaMagnetic Island , 1979 ayaa hooyadii guursatay nin kale oo musician ah sidaa waxaa ku kala lumay xidhiidhkii Assange iyo hooyadii , Assange waa aqoon yahan bartay Maadooyinka fiisigiska,xisaabta iyo waliba Computer programe , Wuxuu sanadku markuu ahaa 2006 samaystay websiteka Wikileaks.org ,Assange waa nin Webka u sameystay inuu soo bandhigo sirta iyo gabood-falada ay ku kacaan siyaasiinta iyo Dawlada awooda leh.

Ninkan ayaa boga diplomatic cables-ka ee warsidaha WikiLeaks kusoo bandhigay in kabadan 250,000 dokument, kuwaas oo lagaga hadlayey warar xasaasi ah oo ku saabsan arragtida saraakiisha Arrimaha Debadda ee Maraykanka ee ku jahaysan madaxda dalalka dunida, argagixisada, iyo fiditaanka nuklearka.

Warbixinadan ayaa ah kuwo sir ah, waxaana kamid ah wararka lagu soo bandhigay magacyada ay saraakiisha wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku ugu yeedho madaxda dalalka caalamka marka ay iyagu isu waramayaan.

Madaxweynaha Ruuska, Dmitry Medvedev, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha Arrimaha Debadda ee Maraykanku aaminsantahay in uu yahay shimbir u heesa ra’isulwasaaraha Ruushka, Vladimir Putin. Halka ay ra’isulwasaaraha Ruushka, Vladimir Putin, ku sheegtay in uu yahay Eyga ugu horreeya Eyda, waxayna ugu magacdartay “Alpha Dog.” Warbixintu waxey sheegtay inay dowladda Ruushka gabi ahaanba tahay mid mafiya ah.

Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku u taqaan “naxariis laawe, laakiin Caqli badan.”

Madaxweynaha Libiya, Muammar Khadafi, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha Arrimaha Debadda ee Mareykanku aaminsan tahay in uu xidhiidh hoose la leeyahay gabadha u ah kalkaaliyaha caafimaad ee u dhalatay dalka Ukrania.

Haweenayda hogaamisa dalka Jarmalka, Angela Merkel, ayey warbixintu tilmaantay in wasaaradda Arrimaha Debadda ee Mareykanku aaminsantahay in aanay waxba isku dubaridi karin, islamarkaana ay iska illaaliso khatarta. Warbixintu waxay ugu yeedhay hogaamiyaha Jarmalka “Angela Teflon.”

Madaxweynaha Fransiiska, Nicolas Sarkozy, ayey warbixintu sheegtay in ay wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku u aragto nin xukun jecel oo u dhaqmo sida boqorrada oo kale, ahna kali-taliye, waxayna warbixintu ugu yeedhay “naked emperor.”

Madaxweynaha dalka Iran, Mahamoud Axmedijejad, ayey warbixintu tilmaantay in wasaaradda Arrimaha Debadda ee Mareykanku u taqaan in uu yahay khabiit aan jixjixin , waxaana loogu yeedhaa “Hitler.”

Hogaamiyaha Sacuudiga, boqor Cabdalla bin Cabdulasis, ayey warbxintu sheegtay in ay kaga dhagantahay in uu Maraykanku weeraro dalka Iran, waxayna tilmaantay in boqorku uu dhowr mar weydiistay Maraykanka in uu burburiyo saldhigyada nuklear-ka ee dalka Iran, waxaana laga hayaa boqorka inuu yidhi “madaxa ka jara maska,” isaga oo ula jeeda Iran.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in boqor Cabdalla uu dowladda Maraykanka kula taliyey in dadka looga shakiyo argagixisada jidhkooda la dhexgaliyo aaladda wararka lagu keydiyo oo sheegi karta meel kasta oo qofku uu joogo. Saraakiisha Maraykanka ayaa talada boqorka la yaabay kana dhaga-adaygay, balse boqorka ayaa ku adkaystay in maadaama fardahaba jidhkooda aaladdan la galiyo ay muhiim tahay in dadka laga shakiyo iyagana jidhkooda la galiyo, si kastaba ha noqotee….saraakiisha Maraykanka ayaa boqorka u sheegay in farduhu aanay lahayn qareenno (lawyers) fiican oo u doodda.

Warbixinnada sirta ah ee uu WikiLeaks soo saaray oo aanu waxyar kasoo qaadanay, waxay inbadan ka sheegayaan caafimaadka, dabeecadda, sida ay u noolyihiin iyo waliba arrimahooda qaaska ah ee madaxda dunida qaarkood.

Mr Julian Assange ayaa Booliiska Sweden sheegeen inay raadinayaan,maadaama looga shakisan-yahay inuu ku kacay falall kufsi ah,xili uu ku sugnaa Dalka sweden. Shirkada Amazon ee Maraykan ayaa block garaysay hostinnkii Websiteka Wikileaks halka Frach ay ku dhawaaday inaanay u ogolaanayn inuu dalkeeda ha helo wax host ah , nasiib wanag wuxuu hosting ka helay wadanka swizerland .

Wikileaks ayaa wuxuu ilaa hada ku shaqaynayaa si kumeel gaadh ah host kan : http://wikileaks.ch/ ama http://wikileaks.nl/ iyo waliba http://213.251.145.96/ wikileaks ayaa ay suura gal tahay inaad aragto ama akhrisato macluumaadka uu soo bandhigay .

No comments:

Post a Comment