Thursday, 9 December 2010

welcome to sudan

wali waxaa inoo socda qoraalkeenii taxanaha ahaa ee ku saabsanaa Sudan waxbarashadeeda maanta waxaan kahadli doonaa habka sudan waxbarasho looga helo
Dalka sudan waxbarashada waxaa looga helaa habab kala duwan oo kala ah sidan
1_ hab maamul
2_hab daladeed
3_hab shaqsiyadeed
Dhamaan habakaasi waa habab la isticmaalo si waxbarasho looga helo dalka sudan
haddaba saddexdaa hab way kal fudud yihiin
ka ugu horeeya inta badan waxaa lasiiyaa maamulada somalia ka jira iyagaan a iibsada ama siiya cidda xigta
kalabaad waaxaa hela daladaha somalia kajira sida FPENS oo jirta inta badan gobalada somlia
kan ugu dan beeya waa inuu qofku joogaa sudan oo isagu maraa qaabilaa xafiisyada dawlada oo wax xaraystaa waana lagu guulaystaa inta badan
Haddaba waxay waddaa dhalinta reer SSC samaynta dalad u adeegta ardada SSC ee doonaysa inay sudan wax barasho kahelaan
lasoco
Q/ENG Abdirasaq axmed jamac (qoje)

MAGAALEEYNTA KALSHAALE QORSHE KHIYAANO CAD IYO UJEEDO KALLE.‏

MAGAALEEYNTA KALSHAALE QORSHE KHIYAANO CAD IYO UJEEDO KALLE.‏

llah Mahad leh-Arrin xad-gubkeeda leh iyo talloobo khaldan oo khayaanoiyo hoosiin ku jirto in si qarsoodi ah oo qorshihiisa leh loo dhiso amaloo magaaleeyo dhulka Kalshaale oo muran dhuleed iyo xiisad colaadeedka taagnaa dhimasho iyo dhaawacba keenay,loo fadhiyeey shir nabadeed iyohowlo lagu xalinaayo dhibkii dhacday,markaas dhismaha ama magaaliyiintuKalshaale oo eey beesha degaanka bariga Burco ku kacday maxaa ka dameeymaxaase markii hore looga jeedeey qabashada shirka nabadeeynta oo hogaandhaqmeed iyo culimaa’udiin beelo badan ka socdaa ku hawlanaayeen.
Runtii waa talaabo ayaan daradeeda leh waana arrinabuureeysa colaad hor leh iyo dagaalo dhiig kalle ku daato waana mid eeymasuuliyadeeda tooska ah yeelanaayaan Hogaan dhaqameedka,culimaa’udiinka iyoWax-garadka Beesha Beriga Burco oo si cad u jebiyeey heshiisyadii hore ooArrintaas ku sabsanaa fadhidooda shirkana wuu yahay khiyaano cad oo dhinacmarsan shareecadda islaanka iyo dhaqanka odeynimoba,sidoo kalle waxaa wararkuxaqiijinaayaan in Ciidanka S/Land oo halkees joogaa gacan ka qaateen dhismahaiyo magaaleeynta Kalshaale taasoo micnaheedu yahay taageero buuxda oo MaamulkaMadaxweyne Siilaanyo iyo Golayaasha hargeeysa fadhiyaa ku raaceen kuna maal-geliyeen beeshaa tallaabadaas gefka ah oo dhul balaarsiga cad ah,waana mid eeyyeelanaayaan wixii dhibaato ah oo ka yimaada(Masuuliyad Toos ah).Durduro Geel Baa ku jaba
Sidoo kalle waxaa si weeydiin mudan hogaan dhaqmeedka beelaha kala socdeey ooHowsha nabadeeynta ku jireey maxeey ka oran doonaan arrintaas dhacday msie weeybakula socdeen shir-qoolka iyo khiyaanadda,Beesha Reer Buuhoodle maxaa la gudboonoo eey qaadi doonaan anigoo mar walba nabad iyo xasiloonida taageeraaya hadanawaxaan si cad u qiraayaa in falkaasu yahay gef,gardaro cad iyo damac gaar ahaaneedoo dhul lagu boobaayo,xaquna wuxuu dhigaayaa in cida adeega asal ahaan u leh ma kunoolaan jirtay difaacadiisa iyo hanashadiisaba leeyahay,mana la qaadan karaayo amawax la ogolaan karaayo ma aha tallaabadda halkaas lagu magaaleeyeey iyagoo shirkiisocdo,waxaan ugu baaqaayaa gudigga shirka iyo guud ahaanba culimaa’udiinka,hogaandhqamadeedka iyo wax-garadka halkaas jooga iyo kuwa kaaleba in wixii dulmi ah sidaku haboon loo diido looguna hor tago inta aanay arrintu gacanta ka bixiin,MaamulkaMadaxweyne Siilaanyo S/Land waa arrin ceeb weyn ku ah dhaawaceeysana Masuuliyadiisasi cadna u qeexeeysa taageerada beeleed oo uu siinaayo beel uu asal ahaan ka soo jeedoMarag cadna u noqoneeysa shakiyadii hore looga qabeey(Qabyaalad ku Dhaqmidda)Talabadanayaa si weyn u dhaawaceeysa xiriirkii soo jireenka ah derisnimadda,Ehel Wadaaga iyoRabaabadda ku dhisnaa oo u dhexeeya beelaha degaamadaas ka soo jeedaa waana sida habkaSiyaasadeed ama Maamulka rabo,waxaana muuqata inwuu ku guuleeysanaayo,laakiin dhibkuwaxuu saameeynaayaa dadka degaanka oo wax badan wadaageey,wax badana waayi doona.
Waxaan si gaar ahaaneed ugu boorinaayaa Hogaan dhaqameedka,Culimaa’udiinka,Wax-garadkaBeelaha reer Buuhoodle ka hor tegida iyo ku adkeeysiga xaqooda dhuleed kalshaale marnama noqon kareeyso degaan hab dhul boob ah iyo khiyaano qorsheeysan lagu qaadan karaayowaxaana ceeb iyo magac weyn xumo u soo hoyateey kuwo hargeeysa jooga oo sheeganaaya:-Wasiiradda,Xildhibaanadda Wakiiladda,Xildhibaanadda Golaha Guurtiga iyo guud ahaanbaka tirsanaanta Maamulka S/Land asal ahaan ka soo jeeda degaanka SSC oo wax qiimeyn amadadnimo ah aan laheyn balse ah shaqaalle rakhiis ah,ha ku tusaale qaateen talaabadanMaanta,waxaan rajeeeynaayaa in caqligu taliyo oo xaqa la garto lana raaco.
-ALLAH MAHAD LEH--Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi(Xassan Carab)--sharifhassan50@hotmail.co.uk-Dec- 09/2010

Sunday, 5 December 2010

Afkii baa Juuqda gabay !!

Afkii baa Juuqda gabay !!
Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud
"Axmed Deeq"

Dec. 01, 2010

Dagaalada Muqdisho
Waayaha Muqdisdho ee Maanta.

Cirku mayay buu la madaw yahay,
Magaal midab buu la madaw yahay,
Masku malag buu la madaw yahay,
Anna murugiyo maxay mudan baan,
La madoobahay.(*)

Cirka waxa ku gedaannaa daruuro colaadeed, dhulkana waxa ku gedfanaa duruufo nololeed. Waayuhu waa sumaysnaa, siyaasadduna waa silloonayd; gabbal baa u sii dumayay dawlad ku sheegtii jirtay. Galawguna cida ma kala goynayn. Salow colaadeed baa sidaa geyiga ugu baahayay. Dadku iyaga oo walaalo ah, haddana waa isku ciil qabey, oo naxli iyo xumaan in xuni beertay baa bislaatay, oo baalal goroyo yeelatay. Dugaaggu wuxuu u hamuun qabey hilbaha darayga ah ee dadka. wax walba meel xun baa laga eegayay, wax walbana si silloon baa loo fiirinayay. Nafo badan baa caleentoodu caddaatay, kuwa kale oo ayaan daranna iniintoodaa biqishay!! Anigu kuwaa danbe ayaan ka mid ahaa.

Waxaan ifka imid aniga oo ooyaya, ma aqaanno oohintaydu inay odorasaysay aayaha noloshayda iyo inay baroor diiq u ahayd baradii diiranayd ee aan ka imid. Aniga oo aan oohin dhamaysan baa balaayadu hig tidhi. Deryanka hoobiyaha iyo duryanka rasaasta waxaan u haystay damaashaad loogu dabaal degayo dhalashadayda. Waa danbesa waxaan ogaadey inay birta iska aslayeen walaalo wada dhashay.

Shacabka ee laga qixiyay guryahoodii

Waxaan garaadsaday iyada oo colaaddii aan la dhashay weli geyiga ka hullaaqan tahay. Holoca baaruuda iyo halasaha dagaalku waxay halakeeyeen badi ehelkaygii iyo asxaabtaydii, waxaanay hagardaameeyeen habsami u socodka koriinkayga, iyo hannaan fikirka maskaxdayda. Dhiggayga waddamada kale haddii ay waxbarasho aasaasi ah sed u heleen; aniga waxa sahay la iiga dhigay sunta baaruudda iyo siifadda rasaasta. Waxa sidaa wax yeelay dad kuwii iigu xigay. Itaal iyo awood waannu kala jarmaadnay. Ma nooli, mana dhiman; ma fayoobi, mana miyir qabo; ma hurdo, mana soo jeedo. Arrintaydu, xaaladahaas bay u dhaxaysaa. Waxaan noqday qalfoof. Dhafoor godnaantayda iyo dhabanno hayskayga waxaad I mooddaa duq gaboobay oo gabanno haysta. Daranyada nololeed ee aan qabo lama soo koobi karo. Waxaan garan la'ahay waxa iigu wacan.

Maalin socod la iskuma aamino, habeenna waa laga caagay. Qofba halkii gabalku ugu dhaco ayuu bariistaa. Caawase waxa iga go'an inaan guuro bahalleeyo. Waa gudcur dama, magaaladana waxaad mooddaa in qarni ka hor laga haajiray. Iyada oo xaal sidaa yahay, haddana sanqadh tirasho awgeed waxaan ku socdaa faraha.

Aafooyinka Dagaalada Muqdisho

Meel walba meydka dad qudh baxay baan ku dul turun turoonayaa; halkan gaari baa taal, halkeer geesi baa wadhan. Waxaan jawaab u la'ahay weydiinta welbahaarka leh ee ay maydku igu holqinayaan: Maxaa nalagu dilay? Soomaali miyaannaan ahayn? Muslim miyaannaan ahayn? Nolol miyaannaan xaq u lahayn? Jawaabtu iyada oo iska cad, haddana afkayga waa ka soo bixi la'dahay, inaan ku dhawaaqona hadalkeedaba daa! Illin uurka ka soo go'aysa oo xinjiro u eg ayaa aniga oo is moog iga gobo'laynaysa. Waan dubaaxinayaa; jidhku way damqanayaa; maanku way ducanayaa; cagtu way dalooshaa, uurku way huraayaa. Dhagar qabe sidaan ahay baan dhaqaaq joogsanayaa. Qulqulka dhiigga waxaad mooddaa togag biyo ah. Waxaan kala garan la'ahay inaan ku suganahay sariibad xoolaad iyo mid dadeed. Waxa igu hareeraysan habar dugaag (mooryaan), waxaanay u wada haliilayaan hilbahayga, waxayse moog yihiin in lafta iyo diirku isku kay dhagay, oo aanan dhiig iyo dheecaan toona lahayn.

Inta nooli, inta dhimatay ma nolol dhaanto. Gabannada ciyaalka ah, guudlayda dumarka ah iyo gadh caddaaga odayga ahiba waxay u hiqlaynayaan sidii naag la yidhi huray dalaaqdaa. Maalintii Alle keenaba intaasoo carruura baa agoomawda, intaasoo kalena waa rajawdaa. Haweenka dharkoodu waa asay, hablaha guurkoodu waa kufsi, wax garadka abaalkiisu waa dil, ubadka nac nacoodu waa xabbad, bulshada hadalkeeduna waa reer hebel.

Carruur iyo haween saf ugu jira cisbitaalka SOS
Carruur iyo haween saf ugu jira cisbitaalka SOS. Tolow yaa aafadan baday!

Markii ay dhergeen waxa igu dibira dhacsanaya oo dushayda ku hardamaya laba nacas oo ila dhashay, laba doqon oo ila muuq ah, laba dawdar oo aan dan iyo heello ka lahayn duruufahayga qallafsan. Mid waliba ubadkiisii iyo ooryihiisii wuxuu gaystay dibadaha, waxaanu ku masruuftaa dhiigga masaakiinta iyo dheecaanka makasta. Maalinta aanay xabbadi dhicin, ajalna aanay go'ini waxay u tahay maalin madaw. Maalintase xusuuq dhaco waa u damaashaad.

Warbaahinta ayaa u kala baratanta maqalka codkooda, iyaguna waa sida ay rabaan. Waxay ku tuur tuuraan weydiimo macno daran, iyaguna si ka sii macno liidata ayay ugu jawaabaan. Marka ay ka hadlayaan xaaladda Soomaaliya waxaad mooddaa in ay dalal kale ka sheekaynayaan, ama ummado kale wax u sheegayaan. Waa ma xishoodayaal hadh iyo habeen u hanqal taagaya hoo aan sii ridnayn oo reer galbeed ugu baaqayo ama carabtu ugu yaboohayso. Laguma oga dhibic dhiiga oo Soomaalinimo ama bani' aadanimo ah. Waa haybad laawayaal ay ugu dhan tahay safarada ay ku tax taxaashayaan dibadaha ama bambooyinka ay ku qarxinayaan makasta.

Dadku waxay moog yihiin inaanay iska soo horjeedin ee ay dhan wax u wada wadaan, oo ay wada rabaan in ay dalka iyo dadkaba is hanbo raaciyaan. Mid walba waxa ku hareeraysan in la dhalatay oo dhegta wax ugu qabata, dhulkana u xaadha. Bulshadu kama duwana xoolo, haddii aanay kaba qiima yarayn. Mar waa la garaacaa, marna waa la qixiyaa; mararna waaba la gawracaa!! Waxay ka dhigan tahay hal laba midigoodle garaacay oo dhanna aanu u fayoobayn. Dhawaaqa taaha iyo ciilku ku saynsaaban yahay ee uurkooda ka soo gurmaya cid aan caadilka ahayni ma maqlayso. Haddii ay maqlaysana uma digigixoonayso, umana diirnaxayso.

Aafada Muqdisho ka taagan maanta

Sadexda cadaw ee dadka caddiba (gaajada, xanuunka iyo jahliga) annaga waxa noo raaca cadaw afraad oo ah madax ku sheeggayaga. Adduunyada waannu ku yasannahay oo waxa la noogu soo hal qabsadaa inta xun, waxaana naloo soo diraa inta xun (sunta badaha), waxaa naloo dooraa inta dadka u liidata (wax magaratada). Aakhiro wax aannu la tagno garan maynno. Alle faqri nagama dhigin, haddana inta xabbadu layso in le'egi waxay u le'ataa gaajo, in ka sii badanina waxay u go'daa cudurro. in kale oo badan waxa quuta yayda iyo yaxaaska, inta soo hadhayna waxay ku nooshahay gacmo hoorsi. Qarnigoo koob iyo labaatana ayaannu qaran is weydiinaynaa !! Waxaan ka baqe qabaa inaan ka hor dhinto dhalashada dawlad Soomaaliyeed oo xor ah. Allahayaw adaa waynoo waaxidee Muqdisho caqliga u soo celi.

Waayaha Xamar la baday

Xamareeeey !!! Xajkii geeska bariyeey, maxaad uga gilgilan la'dahay gabbood fallada joogtada ah ee lagu hayo bulshadaada? Maxaad uga guban la'dahay caqli gaabka maalin walba dushaada ku waxyeelaynaya dadkaagii? Maxaad u qarinaysaa qawlaysatada qoriga ku dhacaysa masaakiinta? Ha iga jeedsanne ii jawaab, ii jidh dabac.

Intuu xaal sidan yahay; intay beentu qoslayso, runtuna ay rafanayso; intay dawlad la'aanta, dadkaygii dalka joogay; daranyo ay ku qabaan; dibitaatiga naaxay, diirkoodii gadanaayo; diinta kii isku nisbeeyayna, dadka uu qalqalaayo; doqonkaan wax hubsan, qabyaaladdaa daldalaayo; kuwii aadey dibaadkuna, dalandool iyo ciil, iyo dawarsi ay ku jiraan, bal maxaa ila gudboon? Bal maxaa iga oohin? Waxaan la ooyayaa, ilmadu iiga qubanaysaa, ikhtiyaar nin isku diidoo, is addoonsadaan ahayey**.

Waxa ila gudboon inaanan quusan, qancin ee aan ilmada iska tiro, wixii aan shacabkayga tari karana u qabto. Allaha aan baahan ee had iyo goor aan laga maarmin waxaan ka tuugayaa inuu curaddo khayr leh noo kiciyo.

Axmed Ismaaciil Maxamuud "Axmed Deeq"
E-Mail: awliyo177@hotmail.com

* Hees ka mid ah hees hawleedyada Soomaalida.
** Heestu waxay sax ku tahay: Ikhtiyaar nin loo diidoo, la addoonsadaan ahaye.

Waa Kuma Julian Assange ? Wikileaks Xagee Ku Danbeeyey?

Waa Kuma Julian Assange ? Wikileaks Xagee Ku Danbeeyey?By Somali

Julian Assange waa Suxufi 39-jir ah oo u dhashay Dalka Australia gaar ahaan Townsville, Queensland, wuxu ku barbaaray JaziiradaMagnetic Island , 1979 ayaa hooyadii guursatay nin kale oo musician ah sidaa waxaa ku kala lumay xidhiidhkii Assange iyo hooyadii , Assange waa aqoon yahan bartay Maadooyinka fiisigiska,xisaabta iyo waliba Computer programe , Wuxuu sanadku markuu ahaa 2006 samaystay websiteka Wikileaks.org ,Assange waa nin Webka u sameystay inuu soo bandhigo sirta iyo gabood-falada ay ku kacaan siyaasiinta iyo Dawlada awooda leh.

Ninkan ayaa boga diplomatic cables-ka ee warsidaha WikiLeaks kusoo bandhigay in kabadan 250,000 dokument, kuwaas oo lagaga hadlayey warar xasaasi ah oo ku saabsan arragtida saraakiisha Arrimaha Debadda ee Maraykanka ee ku jahaysan madaxda dalalka dunida, argagixisada, iyo fiditaanka nuklearka.

Warbixinadan ayaa ah kuwo sir ah, waxaana kamid ah wararka lagu soo bandhigay magacyada ay saraakiisha wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku ugu yeedho madaxda dalalka caalamka marka ay iyagu isu waramayaan.

Madaxweynaha Ruuska, Dmitry Medvedev, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha Arrimaha Debadda ee Maraykanku aaminsantahay in uu yahay shimbir u heesa ra’isulwasaaraha Ruushka, Vladimir Putin. Halka ay ra’isulwasaaraha Ruushka, Vladimir Putin, ku sheegtay in uu yahay Eyga ugu horreeya Eyda, waxayna ugu magacdartay “Alpha Dog.” Warbixintu waxey sheegtay inay dowladda Ruushka gabi ahaanba tahay mid mafiya ah.

Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku u taqaan “naxariis laawe, laakiin Caqli badan.”

Madaxweynaha Libiya, Muammar Khadafi, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha Arrimaha Debadda ee Mareykanku aaminsan tahay in uu xidhiidh hoose la leeyahay gabadha u ah kalkaaliyaha caafimaad ee u dhalatay dalka Ukrania.

Haweenayda hogaamisa dalka Jarmalka, Angela Merkel, ayey warbixintu tilmaantay in wasaaradda Arrimaha Debadda ee Mareykanku aaminsantahay in aanay waxba isku dubaridi karin, islamarkaana ay iska illaaliso khatarta. Warbixintu waxay ugu yeedhay hogaamiyaha Jarmalka “Angela Teflon.”

Madaxweynaha Fransiiska, Nicolas Sarkozy, ayey warbixintu sheegtay in ay wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku u aragto nin xukun jecel oo u dhaqmo sida boqorrada oo kale, ahna kali-taliye, waxayna warbixintu ugu yeedhay “naked emperor.”

Madaxweynaha dalka Iran, Mahamoud Axmedijejad, ayey warbixintu tilmaantay in wasaaradda Arrimaha Debadda ee Mareykanku u taqaan in uu yahay khabiit aan jixjixin , waxaana loogu yeedhaa “Hitler.”

Hogaamiyaha Sacuudiga, boqor Cabdalla bin Cabdulasis, ayey warbxintu sheegtay in ay kaga dhagantahay in uu Maraykanku weeraro dalka Iran, waxayna tilmaantay in boqorku uu dhowr mar weydiistay Maraykanka in uu burburiyo saldhigyada nuklear-ka ee dalka Iran, waxaana laga hayaa boqorka inuu yidhi “madaxa ka jara maska,” isaga oo ula jeeda Iran.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in boqor Cabdalla uu dowladda Maraykanka kula taliyey in dadka looga shakiyo argagixisada jidhkooda la dhexgaliyo aaladda wararka lagu keydiyo oo sheegi karta meel kasta oo qofku uu joogo. Saraakiisha Maraykanka ayaa talada boqorka la yaabay kana dhaga-adaygay, balse boqorka ayaa ku adkaystay in maadaama fardahaba jidhkooda aaladdan la galiyo ay muhiim tahay in dadka laga shakiyo iyagana jidhkooda la galiyo, si kastaba ha noqotee….saraakiisha Maraykanka ayaa boqorka u sheegay in farduhu aanay lahayn qareenno (lawyers) fiican oo u doodda.

Warbixinnada sirta ah ee uu WikiLeaks soo saaray oo aanu waxyar kasoo qaadanay, waxay inbadan ka sheegayaan caafimaadka, dabeecadda, sida ay u noolyihiin iyo waliba arrimahooda qaaska ah ee madaxda dunida qaarkood.

Mr Julian Assange ayaa Booliiska Sweden sheegeen inay raadinayaan,maadaama looga shakisan-yahay inuu ku kacay falall kufsi ah,xili uu ku sugnaa Dalka sweden. Shirkada Amazon ee Maraykan ayaa block garaysay hostinnkii Websiteka Wikileaks halka Frach ay ku dhawaaday inaanay u ogolaanayn inuu dalkeeda ha helo wax host ah , nasiib wanag wuxuu hosting ka helay wadanka swizerland .

Wikileaks ayaa wuxuu ilaa hada ku shaqaynayaa si kumeel gaadh ah host kan : http://wikileaks.ch/ ama http://wikileaks.nl/ iyo waliba http://213.251.145.96/ wikileaks ayaa ay suura gal tahay inaad aragto ama akhrisato macluumaadka uu soo bandhigay .

Thursday, 2 December 2010

welcome to sudan


eng.c/risaaq axmed jaamac(qoje)

safarkii garadka iyo madaxda ssc oo maraya uganda


welcome to sudan

dalka sudan wuxuu ka mid yahay wadamada aadka u soo dhoweeya ardayda soomaaliyeed,waxbarasho heersare ah waa laga helaa