soomaalida dalkaa kunool gaar ahaan caasimada athenes ayaa beryahan kadayrinayey xaalado amni xumo ah.
arintan ayaa kadan baysay kadib markii lagu soo daabacay wargaysyada giriiga kasoo baxa inay dadka isirnacayb ka ahi ay bartilmaamaysan doonaan dadka ajaanibka ah oo aysheegeen dad dalka dhib kuhaya.
dadkan isir_ nacaybka ahi ayaa todobaadkii ugu dan beeyey dilay afar ruux oo udhashay dalalka afgaanistaan iyo bangaladhaysh iyadoo kuwo kalena jirdil ugaystay.
jaaliyada ayaa ciidamada nabad sugida kala hadashay arimahan una cadeeyey inay weerari doonaan meelo kamida meelaha soomaalidu deto iyo masaajidada.
muuse qaanuun waa khabiir soomaaliyeed oo ku takhasusay qawaaniinta iyo sharciyada aduunka iyo tan islaamka haystana darajada masterka gaar ahaan qaybta ( public law),waana maamulaha xarunta cilmibaadhista ee raaid(horseed), kala soo xiriir:(alcabaas8@hotmail.com), wixii qoraalana ugu soo dir
Wednesday, 22 September 2010
Sunday, 19 September 2010
Friday, 17 September 2010
HADDAAN LA HAWSHOON GUUL LAMA GAADHO-

wadani dhalad ah (native) ka tirsan SSC waxaa ka buuxa xamaasad, himmad iyo qiiro wadani ah.
Waxay ku adag yihiin mawqifkooda ku saabsan midnimada dadka iyo xoraynta dhulka. Waxay ku talo jiraan sidii SSC cusb loo dhisi lahaa iyo sidii maamulka SSC loo hirgelin lahaa oo loogu samayn lahaa asaas ay hayaan tiirar xooggan.
Waxaa iyana jira kuwo dadka SSC la dhashay laakiin beeshooda ka baydhay oo gacansaar laleh maamullo ka horjeeda oo liddi ku ah aayaha iyo danaha asaasiga ah ee uu leeyahay shacabka SSC. Nimankaasi waxay ilaashadaan danahooda yar yar ee u gaarka ah mana daneeyaan gobolkoodi iyo dadkoodii midna. Waana niman waabasho iyo gabbasho ku jira oo ka baqaya in laga saaro shaqada. Mana aha niman meesha ay ku nool yihiin oo ka shaqeeyan sharaf iyo karaamo ku haysta. Waa niman markii la doona la eryi karayo, mana soo qaadi karaan magaca gobolkii iyo beeshii ay ka dhasheen.
Arrinta kale ee muhimka ahi waxay tahay waa in la iska hubiyo shakhsiyaatka loo magacaabayo inay xil ka qabtaan deegaanada SSC. Waxaa habboon in laga taxadaro oo baadhis dheeraad ah iyo dabagal lagu sameeyo. Waxaa suuragal ah inuu dabadhilif kuu dhuunto Raqba waa ku raggeedee, dadka gudaha joogow u dulqaata nolosha adag illeen haddaan la howshoon oo gaajada loo adkaysan sida kud-kudaha guul lama gaadho.
Intaa waxaa dheer, Hogaanka SSC ma aha sharikad ama wakaalad dadka shaqo qorta. Miisaaniyad ma leh, musharna ma bixiyo. Isaguba wuxuu ku noolyahay shaxaad iyo baryo iyo qaylodhaan uu usoo diro qurbajoogta. Tan kale, arrintu si kastaba ha ahaatee, kol hadduu Hogaanku maamul gobol u magacaabo waxaa habboon inuu hawlwadeenada u qoondeeyo gunno ay isku deberaan oo faro-qabsi ka dhigtaan.
Maxamed Cali Daadmohameddad@hotmail.com

Subscribe to:
Comments (Atom)