Thursday 8 August 2013

الصين ترسل أسطول حراسة إلى مياه الصومال

الصين ترسل أسطول حراسة إلى مياه الصومال

/مصدر: شينخوا/  08:55,

الصين ترسل أسطول حراسة إلى مياه الصومال
تشانجيانغ ، قوانغدونغ ، 8 أغسطس 2013 / غادرت المجموعة البحرية الصينية الخامسة عشرة للقيام بمهام حراسة فى خليج عدن والمياه الصومالية اليوم (الخميس) .

جاءت مغادرة المجموعة التى أوفدتها بحرية جيش التحرير الشعبى الصينى من مدينة تشانجيانغ الساحلية فى مقاطعة قوانغدونغ بجنوب الصين.

ومن المتوقع ان تصل الى المناطق البحرية الشرقية لخليج عدن فى أواخر شهر اغسطس لتخلف اسطول الحراسة الرابع عشر الذى يقوم حاليا بمهام فى المياه الصومالية .

ويضم اسطول الحراسة الخامس عشر ثلاث سفن -- سفينة الانزال البرمائى جينغقانغشان وفرقاطة الصواريخ هنغشوى من أسطول نانهاى وسفينة الامداد تايهو من أسطول بيهاى -- ومعه ثلاث مروحيات و 800 جندى .

يذكر ان هذه هى المرة الاولى الذى يتم فيها ارسال ثلاث سفن الى مهام فى المياه الصومالية .

وقد أرسلت الصين أول أسطول حراسة إلى خليج عدن و المياه الصومالية فى ديسمبر 2008 .

The State of Higher Education in Somalia

The State of Higher Education in Somalia

Privatization, rapid growth, and the need for regulation


Higher education institutions have proliferated in Somalia during the two decades of civil war. More than 50,000 students are attending some 50 universities across the country.
This exponential growth happened largely without government oversight and quality control. The absence of national and regional educational policies adds to the woes of higher education institutions. Research and publications capacity is almost nonexistent. Teaching capacity is also very low.
Universities lack adequate facilities such as science and computer labs. And they heavily rely on student fees to subsidize their operations. The federal government and regional administrations must develop educational policies that address quality issues and align national priorities with educational policies. The international community should also work with national and sub-national entities to improve quality and capacity.
Download the full report (PDF)

Xaaladda Waxbarashada Sare ee Soomaaliya:
Koboc degdeg ah, ganacsiyeyn, iyo baahida sharciyeynta
Hey’adaha waxbarashada sare ee Soomaaliya ayaa si weyn u kobcay labaatankii sano ee dagaallada sokeeye. In ka badan 50,000 oo arday ayaa dhigata 50-tameeyo jaamacadood oo dalka dacalladiisa ku yaalla. Kobacani wuxuu kusoo beegmay iyadoo aysan dowladdu kaalin talo iyo tusaale ku laheyn tayada waxbarashada.
Maqnaanshaha siyaasad waxbarasho oo qaran iyo mid goboleed waxay sii cakirtay xaaladda. Jaamacaduhu ma lahan tayo cilmi baaris iyo mid aqoon faafin. Tayada macallimiintuna way liidataa. Jaamacaduhu ma heystaan kaabayaal ku filan, sida maktabado saynis iyo kuwa kumbuyuutar. Waxayna si weyn ugu tiirsan yihiin lacagta ardayda ay ka qaadaan, si ay u maareeyaan howl-galladooda.
Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada waxaa la gudboon inay soo saaraan siyaasado waxbarasho oo wax ka qabtada arrimaha la xiriira tayada, isla markaana is waafajiya ahamiyadaha qaranka iyo siyaasadaha waxbarashada. Beesha caalamigana ah waa inay la shaqeeyaan hey’adaha qaranka iyo kuwa gobollada, si loo hagaajiyo tayada aqoonta.
Halkan ka akhriso qoraalka oo dhan (PDF)

Maqaal: Yuusuf Garaadow Dawladda Ciyaarta ka Daa……

Maqaal: Yuusuf Garaadow Dawladda Ciyaarta ka Daa……

ahmed
W/Q: Ahmed A. Ali
E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com

Waxaan arkayyaa sadarro silloon oon sinaba ahayn, Yuusuf Garaad marba mid soo goglayyo bogagga war baahinta isagoo u gudbinaya hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Taagga, Yuusuf waxay katahay: Waan idinla talinayaa. Waxaanse leeyahay sadarrada Yuusuf Talo maahee, waa Tuugsi casriyeysan iyo xil ha la ii dhiibo. Waa tab cusub iyo tu horle oynaan horay u aqoon. Waa si dadban iyo anigaa taa ku fiican. Waa tixgalin la’aan iyo ka dul tallaabsi shacabka soomaaliyeed ee tiisii hore ogaa. Marka la isu geeyo waa toorrey qarsoon iyo tantoomo siyaasadeed oo kuwa talo ka qaataa ka kicidoonin. Waxaa la yidhi: Riyyo hadday dib leeyihiin, dabadooda ayay ku qarsan lahaayeen. Yuusuf waxaa lagu yaqaanay inuu ahaa tafatirihii laanta afka soomaaliga ee BBC London. Halkaasaa soomaalida badankeedu ku baratay. Loogama baranin maamul wanaag, Caddaalad iyo Cadcaddaan toona.
Wuxuu si toosa iyo si dadbanba, isagoo adeegsanaya awoodiisii Idaacadda BBC da danbiyo gaar ah iyo kuwo qaranba uga galay qurbojoogtii Soomaaliyeed ee la shaqeyneysey iyo dhammaan qolqoljoogta. Maantana wuxuu raadinayaa in xil dowladeed loo magacaabo oo uu haddana wax khaldo. Maamulkii Yuusuf ee BBC da waxaa lagu xasuustaa oo uu ku caan baxay: Eex, Ninjeclaysi, Musuqmaasuq baahsan iyo qabyaalad qaawan. Yuusuf sidaasoo aan ka soo reyn lahayn ayuu ku maareynayey hawl maalmeedkiisii iyo dadkii uu mas’uulka ka ahaa muddo dhan 13 Sanadood. Waxaa iyana ka horeysay muddo 7 sanadood gaadheysa oo uu ka mid ahaa shaqaalaha caadiga ah ee isla BBC da. Mudadaa iyana, wuxuu Yuusuf adeegsanjirey xeelado ka caagan ruux kasta oo waxgarad ah, wax bartay, iimaan leh, isku kalsoon oo mas’uul ah. Muslim ilaahey ka cabsanayana hadalkiiba daa. Yuusuf shaqaalihii uu maamulaha u ahaa, gaar ahaan kuwoodii soomaalida ahaa wuxuu ku hayey: Cadaadis, Cabudhin, Cunaqabateyn, Caga jugleyn iyo ama tayda ama tunaba. Karaama darradii iyo maamul xumadii looga soo joogey Yuusuf een halkan lagu soo koobi kareyn cid ka galabsatay ama ka mudneydina jirin, waxaa ka mid ahaa: inuu shaqaalaha kala qaybiyo. Inuu qolo-qolo u kala saaro. Inuu qaar soo dhaweysto. Inuu qaar kale fogeeyo. Inuu ukala war sheekoodo. Inuu iskudiro. Inuu kala fur-furo. Inuu wada shaqayntii shaqaalaha baabi’iyo. Inuu go’aanoo idil ku soo koobo gacantiisa. Inuu dhaqaalihii hay’adda siduu doono ka yeelo. Inuu madaxda iyo shaqaalaha kala dhex galo. Inuu madaxda sare basaas u noqdo. Inuu qaarkood shaqooyin gaar ah u qabto. Inuu xidhiidh aan caadi ahayn la yeesho. Inuu dhaqankii, caadadii iyo soomaalinimadiiba sidaa kaga fogaado. Waxay taasi sababtay in shaqaalihii kuwo ay dani ka maaransiinweyday mooyee kuwii kale waxay adkaystaanba aanu aragnay iyagoo mid mid boorsooyinkii uga xidh xidhay BBC dii. Inay tahay waali dhaqankaasi tuu ku mutaystay in loo magacaabo, Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC Lodon, su’aali kama taagna. Aqoon may ahayn oo waa lala wadaagey amaba laga sittey. Casharrada diiniga ah Dalmar baaba daadihin jirey. Cod wanaag wariyenimo, barnaamij la isku dubbarido iyo khibradna hadalkeedba daa. Waggar, Cawkaaba joogey, Cabdinuur, Cabdilaahi, Cabdisalaan iyo Aamina. Caasha Cuudna waa la heli karaayey.

Xooluhu waa xaab daaq, dadkuna waa xan daaq. Yuusufow, sida la yidhi waxbaad baratay. Waxbarashadu waa iftiin. maxayse kuugu taalaa haddaanad ku kala arkeynin xumaha iyo samaha. Maxay kuugu taalaa haddaanay kaa maaransiin inaad ku dhowaato Hoggaamiye Kooxeed dhiiga shacabka ku nool. Maxay kuugu taalaa haddaanay waxbarashadu ku barin, Ixtiraamka iyo habsami ula socodka aadamaha, ha ahaadeen kuwo kula shaqeeya ama bulshada qaybaheeda kala duwan ee aad ku dhexnooshahay. Maxay kuugu taalaa haddaanay ku barin in aad si wanaagsan ula dhaqanto, si caddaalad ah u dhaqdo sinnaanna ugu dhaqdo dadka aad mas’uulka ka tahay. Waxaa la yidhi: Shinbiri marbay dab qaadayoo, markiina buulkeedii bay ku gubtay. Yusufow, marbaad Mas’uul noqotayoo, markiina Bush house baad burburisey ood dhaxalsiisay inay noqoto meel aafadaadu wada gaadhay. Sanka laga qabsado, afka iyo dhagahana laga wada fureysto. Laga wada giigey. Gaal iyo muslim lawada guuxey. Mid-mid looga guurey. Adigana lagaa soo daba ganay. Soomaalaay, Yuusuf waakaa.

Mas’alooyinka maankayga gadey, een la anfariiray waxaa ka mid ah:
Saxafiyadda Marwo Aamina Muuse, oo ah Halyeeyad, Geesiyad, Waddaniyad, Soomaaliyad dhab ah, si kastoo loo eego aan meel la saluugo lahayn, ayaan is weydiiyey saygeedoon dhiman waxay subax nool intey sara kacday assay u saaratay. Iyadu diidday inay daaha ka rogto, waxaanse hubaa inaan dulmiga daartaa Bush House looga horeynin. Waan la damqaday oo dubkaa iigu yaalla. Iyadu diidday inay daaha ka rogto. Waxaanse dareemayaa dabuubtan oo u daboolan: Haddaan dalkaygii burburin. Haddaan dadkaygii baabi’in. Haddaan la wada dulloobin. Haddaan dib u heshiisiin iyo dawaba loo waayin, miyaan dibaddaba u baqooli lahaa. Miyaan BBC iyo Balaayo Garaad midna u baahan lahaa. Soo beytkii qaboobaa, babaygii iyo muuskii, xamar caddey iyo banaadir batarkiyo balooleey kumaan bariisteen.

Yuusufow, wadankan Soomaaliya waad u dhalatay. Waxa uu xaq kuugu leeyahay iyo xuquuqda aad adigu ku leedahayna, waxaad ula simantahay muwaadin walba oo soomaaliyeed. Muwaadin kasta, marka uu xil qaran damac ka galo, madaxda dalka iyo shacabkaba wuu is baraa. Wuxuu la yimaadaa barnaamijkiisa wax qabad, xag sayaasadeed, dhaqaale, caafimaad iyo dhinac kasta wuxuu ka damacsanyahay iyo qoraallo ama muuqaallo muujinaya taariikh nololeedkiisa, heerkiisa waxbarasho, khibrraddiisa shaqo, meelaha uu ka soo shaqeeyey, xilalka uu horay u soo qabtay, abaalmarino hadduu mutaystay, iyo wax kasta oo ka markhaati kacayya, asluubtiisa wanaagsan, hab dhaqankiisa iyo dhowrista qawaaniinta iyo xuquuqda Shaqada & Shaqaalaha.
Waxaan ku xassusinayaa, haddaad moogtahay inay adiga Soomaali aad kuu baratay. Waa laga yaabaa inay bahdaada saxaafadda qaar ka mid ahi sida Cawke & Cabdilahi Xaaji kaa magac dheeryihiin, hadana soomaali badankeedu way ku taqaanaa. War iskukiin seegani majiro. Taariikh nololeedkaagana, maqal, muuqaal iyo akhristoona soomaali uma baahna. Waxaad gasho, waxaad guddo, waxaad fashay, waxaad fali doonto ee kaa suurtowda iyo hab dhaqankaaga maamul iyo mid siyaasadeedba waa laga dharagsanyahay ilaa kuwooda miyiga jooga ee reedhyowgu dagta u sudhanyahay.
Xil qaran inaad hungureyso xaq baad u leedahay, cid kuu diidi kartaana ma jirto. Guul iyo guuldarro se cidda go’aankeeda lihi waa codka shacabka soomaaliyeed oo ku yaqaan adiguse aad mooddo inaanad wali baran. Waxaa la yidhi: Bani aadamka ruux walba, kitaab qummane la yidhaahdo ayaa qoorta ugu jira. kutubtaasaad mid qoorta ku sidataa. Waanad isla qumantahay, mar haddaad qolqoljoogtii intaad dhex timid, leedahay, ha la I doorto ama xil hala ii magacaabo. Ogoobey fule xantii ma mooga. Adiguse ma dammanaad tahay. Ma dareemayaashaan ku shaqayneyn. Ma damiirkaa ku daboolan. Miyaan diir naxaaba kugu ool. Sideed mantana durba dowladda Soomaaliyeed gaawaha ugu soo culataa. Hadaan wali cidi kugula xisaabtamin xad gudubyadii aad u geysatay dadkii kaala shaqeeyay BBC laanteedii afka soomaaliga, iyo nabadda soomaaliyeed guud ahaan, macneheedu ma aha in la ilaaway iyo in laguu cafiyey toona. Ma aha waad mudantahaye tu dowladeedna doono. Ma aha inaad marba sadar qortood soo tuurto, tidhaa waan talinayaa. Cid aad wax u sheegto, iyada daa, adigaa talo u baahan iyo in wax lagu tuso. Adigoo ka faa’ideysanaya cilmigaad baratay oo lagu daro la dhaqankaagii dadyowga ku dhiirada in ay warbaahinta hor yimaadaan iyagoo isku kalsoon, qirta danbiyadey galeen, haba darraadeen hadey doonaane, orodoo horta tii hore iyo tumaatidaad geysatay ka toobad keen, ilaahayna cafis weydiiso, taadan danbey wax taraysaaye. Raaligalin buuxda iyo cudurdaarna ka bixi. dadkaad xad gudubyada ku sameysay, waad wada garaneysaaye, iyo Soomaali dhammaan, adigoo ballanqaadaya inaan gafafkii Bush House iyo BBC aad u adeegsatay oo kale dib kaaga dhicin.  Shacabka Soomaaliyeed oon anigu ka mid ahay waxaa iyagana ku waajib ah inay aqbalaan raaligalintaada, ballanqaadkaagana rumeystaan sidaana kugu saamaxaan. Waxaa kuu soo hadhay Dhibbanayaashaadii, runtii waa arin iyaga u gaara. Haddiise aad sidaa yeesho, waxaannu iyagana ka codsandoonaa inay raaligalintaada iyo nabaddaadaba qataan. Anigu tawjiihaad iyo tilmaan, talo walaaltinimo oo wax ku oola iyo tusaalaan ku siiyey, inta kalena, adiga iyo damiirkaagaan u deynayaa. Waxaa la yidhi: Waano dhallan baa ka adag. Waxayse tani kaaga baahantahay, go’aan adag iyo geesinimo iyo inaad muujiso tanaasul kaasoo kuu horseedi kara inaad noqoto, Xalay Dhalay.  Nin lagu magacaabo Allan Lichtman oo bare ka ah jaamacad ku taala wadanka Maraykanka ayaa wuxuu ku guulaystay inuu saadaaliyo natiijooyinkii ka soo baxay tartammadii madaxweynenimo ee wadanka maraykanka todobadoodii (7) ugu danbeeyey laga soo billaabo 1984 kii markuu ku guuleystey Ronald Reagan. Marwalba saadaashiisii waxay noqotay siduu u sheegay. Kal hore oo ahayd tii ugu danbeysey, wuxuu u yimid Madaxweyne Barack Obama oo uu ugu bishaareeyey guusha in dib loo dooran doono. Wuxuu ku yidhi: Markaan wada eegay arrimaha aan ka qiyaas qaato, oo ay ka mid yihiin, Dhaqaalaha, ahaanshahaaga madaxweynaha dalka waqtiga doorashada, iyo wax ka badalkaaga siyyaasada dalka, waad ku guulaysanaysaa mar labaad doorashada, sidaana ku seexo oo waxba ha ka warwarin. Aniguna yuusufow markaan dhinacyo badan eego, oo ay ka mid yihiin: Taariikhdii madoobeyd iyo magac xumadaad kaga tagtay Bush House, tagrifalkaagii awoodeed iyo dhaqaale, xadgudubyadaad u geysatay shacabka Soomaaliyeed iyo shaqaalahaad mas’uulka ka ahayd oo lagu daro xaaladda adag ee dadka iyo dalkuba ku jiraan, waxaan saadaalinayaa, Haddaad taladayda diido ood dhagaha ka fureysato, shacabka soomaaliyeedna dhayalsato, waxaad ahaaneysaa Canuga Dhiblowga ah ee Siyaasadda Soomaaliya. (Problem Child of Somali Politics). Inta aanad growshiiyo bixin, ninka xil qaran kuu magacaaba, kugu taageera ama  intuu xaaji ku moodo kugu daba tukadaa isagaa Koore Murjaan ah. Ninka dawlada daaqadda kaa soo galiyaana, kaba sii daran, oo isagaa albaabka ka bixi doona, warbaahintana koley ku tahay oo ah xirfadda aad leedahay, wallow aad si xun ugu soo shaqaysay. Waayyo, xil mas’uuliyadeed oo la magacaabaa waxay u baahantahay foojignaan dheeri ah, taariikh dib loogu noqdo, macluumaad la uruuriyo, baadhitaanno dhinacyo badan taabanaya, tijaabooyin iyo wadatashi badan oo la sameeyo. Haddaan sidaa la yeelin waa lagu rogmanayaa oo lagu rafaadayaa. Ninka maxkamadihii dowladda Ingiriiska ood wada garaneysaan ka seydcaleeyay ee ka soo gudbey isagoo danbiila ah, miyaa xeer Daahir Jeesow qareen iyo ehel u yahay, sidiisanaba qabyo ah lagu xakamayn karaa? Jawaabtu waa maya. Hadaba dadka ha karkabadeynine, shib dheh intaad is xalaalayneyso, oo
Yuusuf Garaadooooooooooooooooooooooooooooooooow Dawladda Ciyaarta Ka Daa.

Mahadsanidin;
Ahmed A. Ali
E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com

محافظة شبيلي السفلى … صراع قبلي من نوع آخر

محافظة شبيلي السفلى … صراع قبلي من نوع آخر

taqriirكان من المعتاد سابقا أن يحدث صراع في محافظة شبيلي السفلى بين القبائل التي سيطرت عليها منذ انهيار الحكومة المركزية مطلع عام 1991م بين أظهر السكَّان المحليين الذين كانوا يرون أنفسهم بأنهم خاضعون لاستعمار من نوع آخر؛ حتى وصل بهم الأمر إلى أن يباع منهم مياه نهر شبيلى حسب بعض الروايات، فضلا عن نهب ممتلكاتهم والاستيلاء الكامل على بساتينهم ومزارعهم طبقا لما يتردد في أوساطهم، وغير ذلك من الاعتداءات التي يعرفها القاصي والداني.
والغريب حاليا ظهور صراع جديد على السلطة وملكية الأرض بين طرفين يدعي كل منهما بأن له الأحقية بالجلوس في المقعد الأمامي تحت ذرائع مختلفة.
 ويؤكد المراقبون بأنه لا غرابة في التصارع على هذه المنطقة الاستراتيجية لتميزها بمميزات كثيرة، من بينها:
  • إن محافظة شبيلي السفلى هي المنتهى الطبيعي لنهر شبيلي الذي يمتد من أعالى هضبة إثيوبيا وينتهي بالقرب من مدينة براوه الساحلية، ويصل طول النهر نحو 1200 كيلومتر، وهو أطول من نهر جوبا في جنوب الصومال. و تتمتع بموقع استراتيجي مهم يربط بين العاصمة مقديشو والأقاليم الجنوبية.
  • gggتعد شبيلي السفلى من أخصب الأراضي الصومالية لما تتمتع به من تربة فيضية طينية تلائم نمو كل أنواع المحاصيل، وهي المورد الرئيسي لجميع المحافظات الصومالية بمختلف أنواع المحاصيل الزراعية بما في ذلك الخضروات والفواكه والحبوب؛ بالإضافة إلى الألبان واللحوم، وهي أكثر المحافظات الصومالية كثافة بالسكان، وتقطن بها قبائل صومالية متعددة.
  • إن معظم سكان المحافظة من القبائل المزارعة المستقرة المسالمة التي لم تحمل السلاح، ولم تنخرط في الحرب الأهلية والصراع على السلطة في الصومال.

   صراعات سابقة:

وفي أواخر نوفمبر 2003م اندلع صراع دموي عنيف بين مليشيات مسلحة تابعة لفخذين من عشيرة “هَبَرْجدر” في كل من مدينة شلمبود وميناء مدينة مركا الساحلية للسيطرة على أهم المنابع الاقتصادية في المحافظة، وتمكن في نهاية المطاف يوسف محمد سياد المشهور باسم (يوسف إنطعدي) بحسم الصراع لصالحه؛ حيث استولى بقوة على محافظة شبيلي السفلى بأسرها (مركا، براوه، شلمبود، كرتن واري، جنالي، أفجوي، ونلوين، أوطيغلي..إلخ)، وأعلن نفسه رئيسا للمحافظة، وشكَّل نظاما إداريا متماسكا إلى حدٍّ ما، إلا أن سكان المحافظة كانوا ينظرون إليه بأنه حاكم متسلط وجائر في سلطته.
الجنرال يوسف محمد سياد
الجنرال يوسف محمد سياد
وعند بزوغ فجر المحاكم الإسلامية كان للإسلاميين المنتمين إلى عشيرة “هبرجدر” علاقة مع يوسف “أنطعدي” الذي قضى على معظم المليشيات غير التابعة له في المحافظة، ولكن عندما ثارت المحاكم الإسلامية ضد زعماء الحرب في مقديشو منتصف عام 2006م دعم “يوسف إنطعدي” اتحاد المحاكم الإسلامية بكامل قواته، وانخرط في صفوفها، وأصبح من أبرز قادتها المرموقين، الأمر الذي جعله بطلا وزعيما إسلاميا له وزنه في السياسة الصومالية.
 في نهاية ديسمبر 2006م انهار نظام المحاكم الإسلامية بشكل سريع، وتم إطاحته على أيدي القوات الإثيوبية، وبالتالي حاول أهالي شبيلي السفلى أن يتستغلوا الفرصة في النهوض من جديد، بعد ما تم طرد جميع القادة العسكريين المحسوبين على إدارة “إنطعدي” من الإقليم، إلا أن الإدارة الجديدة المعيَّنة من قبل الحكومة الانتقالية آنذاك لم تنجح في لملمة الوضع وتجميع القبائل القاطنة بالمحافظة قبل أن يجيء الدور عليها فتصير طريدة؛ حيث طردتها حركة الشباب من المحافظة عام 2009م، وأصبحت ضيفة في مقديشو لمدة ثلاث سنوات مضت. 

المواجهات الأخيرة:

كانت الاشتباكات العنيفة بين مليشيات محسوبة على “يوسف إنطعدي” و مجموعات معارضة له تتكرر منذ انسحاب حركة الشباب من مدينة مركا الساحلية حاضرة المحافظة في أغسطس 2012م، وقد تطورت الخلافات العلنية في شهر  يوليو الماضي؛ حيث أعلن أحد زعماء عشيرة هَبَرْجِدِرْ حربا على عشيرة “بِيَمَال” القاطنة في أجزاء رئيسية من المحافظة عبر  وسائل الإعلام المحلية، متهما إياها بإثارة الحرب وتصفية أفراد عشيرتة في المنطقة، وبعد أيام وقعت اشتباكات أدت إلى خسائر بشرية ومادية بين جنود حكوميين ينتمون إلى كلتا العشيرتين، وتحديدا في الـ 25 من شهر يوليو الماضي في مناطق بين مدينتي مركا وأفجوي.

جهود المصالحة:

  • منذ بروز الصراع الأخير بدأت جهود حثيثة لإيقاف الصراع المسلح من قبل أعيان ونواب وشيوخ عشائر من كلا الطرفين؛ حيث عقدت لقاءات في العاصمة مقديشو بين ممثلين من الأطراف المتصارعة، وتم التوصل إلى هدنة ووقف إطلاق للنار ، على أن يتم معالجة جذور الأزمة بعد عيد الفطر المبارك بحسب مصادر مطلعة.
  • وعلى المستوى الحكومي أعلنت الحكومة الفدرالية في نهاية شهر يوليو المنصرم أنها تبذل قصارى جهدها لوضع حد للمواجهات المسلحة بين الأجنحة المتنافسة في إطار مصالحة شاملة؛ حيث زار كل من وزير الداخلية، ووزير الدفاع، ووزير العدل، ونواب برلمانيين من كلا العشيرتين.
ssssوتعتقد شريحة واسعة من أعيان وشيوخ قبائل محافظة شبيلي السفلى أن دور الحكومة الصومالية الفدرالية في المصالحة بين العشائر المتصارعة سلبي، وأن وزير الداخلية والأمن الوطني عبد الكريم حسين جوليد متورط في الصراع؛ حيث يعطي الشرعية لجانب على حساب الآخر.
 وهذا ما يرفضه بشدة الطرف الآخر الذي يرى أن عهد الاستقواء بالسلاح والأنظمة الفاسدة قد ولَّى بدون رجعة، وأن الجميع أمام نظام فيدرالي يعطي كل ذي حق حقه، وما من قبيلة في الصومال إلا ولها مناطق تعرف بها؛ وبالتالي يرى المحللون أنه ينبغي تسليم السلطة في كل منطقة لمستحقيها وفق الدستور الفيدرالي الذي ينص على ذلك.
  وأخيرا، من الواضح أن هناك حلقة مفقودة في جهود المصالحة للوصول إلى الحل المنشود، وهي أن يتم تقديم اعتذار للطرف المعتدَى عليه من أهالي المنطقة طوال السنوات الماضية، والاعتراف الكامل بأن لهم حق الصدارة في أي نظام إداري يتم إنشاؤه في منطقتهم وفق القوانين الدستورية للحكومة الفيدرالية الجديدة، وبدون ذلك لن تزول أجواء الاحتقان والشعور بالابتزاز مما يؤثر  سلبا على أمن واستقرار المنطقة على المدى البعيد. :

Tuesday 6 August 2013

سر صمت أوباما تجاه ما يجرى فى مصر


نشر فى : الثلاثاء 6 أغسطس 2013 - 2013
باراك أوباما
واشنطن ــ محمد المنشاوى
أين الرئيس الأمريكى باراك أوباما مما يحدث فى مصر منذ 30 يونيو وحتى الآن؟ سؤال قد يبدو غريبا إلا أن الاستغراب يتراجع عندما نتذكر ظهور أوباما على شاشات التليفزيون ثلاث مرات للتحدث حصريا عما كانت تشهده شوارع وميادين مصر أثناء أيام ثورة 25 يناير الثمانية عشر الأولى.
ومع مرور أكثر من شهر كامل على عزل الرئيس محمد مرسى وإلى الآن لم يعلق الرئيس أوباما على الأحداث شخصيا، واختار أوباما ترك الأمر للبيانات وللمتحدثين الرسميين ليشرحوا موقف إدارته والذى لايزال شديد الارتباك، حيث لم تصف الإدارة الأمريكية رسميا بعد ما حدث فى مصر لا بالانقلاب ولا بالثورة الشعبية.
صمت الرئيس أوباما عن الظهور للحديث عن الشأن المصرى منذ 30 يونيو لا يوجد ما يبرره إلا صعوبة تحديد الرد الأمريكى بشأن كيفية الرد على الوضع فى مصر منذ أن اطاح الجيش بالرئيس الاسلامى محمد مرسى فى الثالث من يوليو بدون أن يظهر بصورة متناقضة بين صراع المبادئ والمصالح الأمريكية.
الحالتان بالطبع شديدا الاختلاف. عندما ثار الشعب ضد مبارك كان هناك إجماع شعبى على ضرورة رحيل الديكتاتور، ومن هنا كان ظهور أوباما المتكرر للتحدث عن تطور موقف إدارته شيئا طبيعيا ومتوقعا. أما ما تشهده مصر اليوم فحالة مختلفة تماما، إذ تمت الإطاحة برئيس منتخب ديمقراطيا من الجيش فى استجابة لطلب ملايين من المتظاهرين المصرين. ومن هنا يصعب موقف الرئيس الأمريكى حيث يوجد فريقيين الأن فى مصر، أغلبية تدعم ما حدث، وأقلية ترى ما حدث انقلاب على العملية الديمقراطية.
جاء الخطاب الأول للرئيس الأمريكى فى رابع أيام الثورة يوم الجمعة 28 يناير، والذى ألقاه من داخل البيت الأبيض فى تمام الساعة 6:33 مساء بتوقيت واشنطن، وجاء فيه «لقد ظلت إدارتى ترصد الوضع عن كثب فى مصر وأنا أعلم أننا سنعرف المزيد عنه عند بزوغ فجر الغد».
وذكر أوباما أنه تحدث لمبارك بعد الخطاب الذى ألقاه: «قلت له إنه يتحمل مسئولية إضفاء معنى لهذه العبارات وأن يتخذ خطوات وتدابير أساسية تحقق ذلك الوعد».
أما الظهور الثانى جاء فى خطاب يوم 1 فبراير عقب انتهاء الرئيس مبارك من ألقاء بيانه الثانى من داخل البيت الأبيض فى تمام الساعة 6:44 بتوقيت واشنطن.
وكان أهم ما ذكره أوباما كان أن واشنطن تعارض العنف، كما أشاد بالجيش المصرى لما أبداه من مهنية ووطنية فى السماح بالاحتجاجات السلمية وفى الوقت نفسه حماية الشعب المصرى.
وجاء الخطاب الثالث مساء يوم 11 فبراير بعدما أعلن نائب الرئيس السابق عمر سليمان تنحى الرئيس حسنى مبارك عن الحكم. وكان أهم ما جاء فيها: «بتنحيته، استجاب الرئيس مبارك لتعطش الشعب المصرى للتغيير. ولكن هذه ليست نهاية الفترة الانتقالية فى مصر وإنما هى بدايتها».
ثم مدح فى دور الجيش المصرى بالقول «لقد خدمت المؤسسة العسكرية بلادها بوطنية وبمسئولية كهيئة تصريف لأعمال للدولة وسيتعين عليها الآن ضمان أن يكون الانتقال ذا مصداقية فى أعين الشعب المصرى».
ثم أدان البيت الابيض العنف الذى أدى إلى مقتل عشرات المتظاهرين فى مصر أمام دار الحرس الجمهورى وعند المنصة بطريق النصر.
وقبل ذلك طالبت الإدارة الأمريكية بالإفراج عن الرئيس المحتجز الدكتور محمد مرسى. وأعقب ذلك صدر قرار وقف تسليم اربع طائرات مقاتلة طراز إف16 لمصر كدليل على القلق والارتباك الأمريكى.
ثم طالب الرئيس الامريكى باراك أوباما من عضوين جمهوريين بارزين بمجلس الشيوخ السفر إلى مصر للاجتماع مع قادتها العسكريين والمعارضة لدراسة كيفية الرد على الاضطرابات التى تعصف بأكبر بلد عربى.
وأبلغ جراهام الصحفيين خارج مجلس الشيوخ «الرئيس اتصل بنا وانا قلت بوضوح اننى يسعدنى ان اذهب... نريد ان ننقل رسالة موحدة بأن قتل المعارضة يصبح أكثر فأكثر مثل انقلاب» وتشجيع العسكريين للتحرك قدما نحو اجراء انتخابات

Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya

Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya
Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu xiriirka uu la lahaa dowladda Fedaraalka Soomaaliya uu go’ay, waxaana arrintan ay daba socotaa markii dhawana madaxweynaha maamulka Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) hadal uu ka jeediyay magaalada Garoowe, halkaasoo ay ka dhacday xaflad lagu maamusayay sannad guuradii 15-aad ee ka soo wareegtay dhismihii maamulkaas.

Tan iyo dhisidii 1998-kii Dowladda Puntland waxay dadaal dheeri ah u gashay inay hirgaliso hey’daha dowliga ah, sharciga iyo kala dambaynta, iyo gaarsiinta adeega bulshada ee shacabka Puntland, iyadoo qeyb wayn-na ka qaadatay dib u dhisida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo 2004-kii. Puntland waxay taageero muhiim ah ku bixisay Soomaaliya iyadoo wakhti, juhdi badan, iyo dhaqaale intaba galisay nabadeynta iyo dib u dhiska Federaalka Soomaaliya.

Dadaalkaani waxaa laga filanayay Soomaaliya cusub oo madaxbanaan, kuna dhisan nidaamka Federaalka iyo xisbiyada badan. Haseyeeshee, tan iyo September 2012-kii markii la dhisay Dowladda Federaalka, dalkii Soomaaliya wuxuu dib ugu noqday colaadihii, barakicintii, qabyaalad iyo kala fogaansho, isqabqabsi siyaadeed, iyo iyadoo tixgalin la’aan iyo xadgudubyo dhinac kasta ah lagu sameeyey Dastuurka Federaalka Soomaaliya, oo kan rasmiga ah ay Saxiixayaashi Roadmap-ka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ku saxiixeen Nairobi June 22, 2012. War saxaafadeedkii ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee July 25, 2012, wuxuu aqoonsaday Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah, waxaana ku qornayd “inuu soo dhaweeyey hormarkii laga gaaray Roadmap-ka iyo heshiisyada la xiriira, uuna ka mid tahay Heshiiskii June [2012] ee Nairobi Protocols iyo baahinta Dastuurka qabyada ah”.

Iyadoo qiimaynaysa dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, Puntland waxay sii waday wadahadaladii siyaasadeed ay la lahayd Dowladda Federaalka waxayna Puntland soo dhawaysay Rai’sul Wasaaraha Dowladda Federaalka Dr. Cabdi Farah Shirdon safarkiisii Garowe (March 9-11, 2013) iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Dr. Xasan Shiikh Maxamud safarkiisii Garowe (April 28-29, 2013).

Madaxweynaha Puntland wuxuu qoraalo u diray madaxda Dowladda Federaalka ee ku sugan Muqdisho iyo Qaramada Midoobay, wuxuuna Madaxweynuhu cambaareeyey Dastuurkii Federaalka oo sharcidarada ahaa ee la faragaliyay, Dastuur-beenaadkaasi oo loo qeybiyey Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 7, 2012.

Puntland waxay soo dhaweynaysaa Qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC Resolution 2111) ee July 24, 2013, qaraarkaasoo ku dhiirigaliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya “inay sameyso barnaamij siyaasadeed oo cad kuna aadan hirgalinta nidaamka federaalka si waafaqsan Dastuurka KMG ah”; sidoo kale, Puntland waxay soo dhaweynaysaa War saxafadeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda IGAD ee May 3, 2013, oo ay ku qornayd mabaa’diidii lagu isku raacay ayna ka mid tahay “Tixgalinta Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Hasayeeshee, si aan waafaqsanayn mabaa’diidii la isku raacay iyo waxyaalihii la filan karay,
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay ku dhaqantay arrimaha hoos ku xusan

1. DFS waxay diiday hirgalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah iyo dib u eegis Dastuur oo sharci ah;

2. DFS waxay diiday inay dhaqangeliso Heshiiskii ay la gashay Puntland, March 11, 2013;

3. DFS waxay weecisay hadafkii la dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab oo khatar wayn ku ah nabadeynta Soomaaliya;

4. DFS waxay faraha la gashay dagaal beeleedyo dhiirigalinaya haysashada sharci daradda ah ee hantida dadweynaha iyo hantida dowladda iyo deegaanada taasoo horseedaysa cadaalad darro ka dhacdagobollada Banadir, Jubbada Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose;

5. DFS waxay diiday inay la wadaagaan Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda Federaalkaawoodda siyaasadeed, kheyraadka iyo deeqaha caalamiga ah oo lagu helo magaca Soomaaliya sida deeqaha waxbarasho;

6. DFS waxay diiday inay wax ka qabato burburka dhaqaale oo ay sababtay lacagtii Shillin Soomaaliga oo suuqa ku yaraatay, iyadoo daabacaada lacag cusubi ay tahay mas’uuliyadda Dowladda Federaalka;

7. DFS waxay saxiixday heshiis amaanka xeebaha ah oo khatar ku ah madaxbanaanida Soomaaliya;

8. DFS waxay taageertaa kooxaha khalkhalgelinta oo ka qeybqaata kicinta iyo degenaansho la’aantasiyaasadeed ee deegaanada dalka Soomaaliya;

9. DFS waxay inkirtay dib u heshiisiinta qaran iyadoo diiday wax ka qabadka barakicinta iyo dib usoo celinta hantidii la kala boobay tan iyo dagaaladii sokeeye ee bilawgii 1990s;

10. DFS waxay tarjumaad khaldan ka bixisaa dalka iyo dadka Soomaaliya goobaha caalamiga ah iyadoo ku guuldaraysatay soo bandhigidda arrimaha qaran ee muhiimka ah.

Sidaa darteed, Dowladda Puntland waxay hakinaysaa wadashaqayntii iyo xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo intii ay Dowladda Federaalka:

1. Dib u soo celinayso kuna dhaqmayso Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah;

2. Wadatashiyo la yeelato Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda Federaalka ee arrimaha dib u eegista Dastuurka, arrimaha Federaaliga iyo arrimaha amniga Qaranka ah, arrintaasoo waafaqsan xuquuqda dastuuriga ah ee Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda Federaalka; iyo

3. Hirgalinayso nidaam lagu xaqiijiyo qeybinta deeqaha caalamiga ee lagu helo magaca Soomaaliya.

Tan iyo intii laga xallinayo arrimaha kor ku xusan, Dowladda Puntland waxay ku dhaqmaysaa xuquuqda iyo awoodaha ku xusan Dastuurka Puntland iyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee rasmiga ah, Dowladda Puntland kaliya ayaa wakiil ka ah dhammaan arrimaha Puntland gudaha iyo dibedda.

Talooyin ku socda Maamuladda Soomaalida:

1. Taageeridda Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah, kaasoo xaqiijinaya hirgalinta nidaamka Federaalka iyo xaquuqda Maamullada dalka, si loo xaqiijiyo dib u midaynta Soomaaliya;

2. Taageeridda dhismaha Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda Federaalka iyadoo loo raacayo nidaam xor ah oo ku salaysan dib u heshiisiinta deegaanada, si waafaqsan Dastuurka Federaalka; iyo

3. Hirgalinta hey’adaha amniga si loola dagaalamo kooxaha xagjirka Al Shabaab iyo wixii khatar ku ah nabada iyo xasiloonidda deegaanada Soomaaliya.

Talooyin ku socda Beesha Caalamka

1. In la isku raaco lana cadeeyo Dastuurka Federaalka ee rasmiga ah, sida lagu xuso qoraalada iyo war saxafadeedyada ka soo baxa Beesha Caalamka;

2. In Somaaliya lagu caawiyo dib u dhiska Ciidanka Xooga Dalka oo deegaanadooda lagu dhiso si mustaqbalka loo mideeyo loona xaqiijiyo isu dheelitirka, wadashaqaynta iyo sharafta ciidanka;

3. In la xaqiijiyo qaab cadaalad ah oo isu dheelitiran oo lagu qeybiyo deeqaha caalamiga ee lagu bixiyo magaca Soomaaliya; iyo

4. In taxadar iyo faragelin deg deg lagu sameeyo barakicinta iyo cadaalad daradda lagu hayo dadka deegaanka Gobolka Shabeellaha Hoose xadgudubkaasoo ay qeyb ka tahay Dowladda Federaalka iyo maleeshiyoyiin isbiirsaday, arrintaasoo dib u abuuraysa colaado bulshada dhexdeeda ah, siinaxoojiso kooxda xagjirka Al Shabaab inay ay xoog ku yeelato deegaanada.

— DHAMMAAD —

Xigasho: Xafiiska Madaxweynaha Puntland

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad shidaalka baarta oo fadhigeedu yahay dalka Britain



Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad shidaalka baarta oo fadhigeedu yahay dalka Britain oo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration Ltd.

Wasiirka Kheyraadka ee dowladda Federalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ku dhawaaqay heshiiskan maanta ay dowladda la gashay shirkada lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd, oo fadhigeedu yahay dalka Britain.

"Waxay aheyd heshiis dowladda Soomaaliya la saxiixaneysaa shirkad fadhigeedu yahay wadanka ingiriiska, shirkad oo noo sameyn doonto in wadanka soomaaliya saliid ku jirto ay ka baarto, waxay sameynayaan baaritaan bariga iyoa badda"ayuu yiri Wasiirka Kheyraadka Dalka oo uu dhinaciisa taagnaa Madaxa Shirkada shidaalka baarta.

Heshiiska waxaa uu u ogolaanayaa in Shirikadan in ay ka sahmiso Soomaaliya in Saliidi ku jirto, soona ururiso xog ku saabsan jiritaanka Shidaal, si ay qayb uga qaadato hormarka la doonayo in laga gaaro dhinaca tamarta.

Wasiirka ayaa sheegay dhowaan la horgeyn doono heshiiskan Golaha Wasiirada, isla markaana qeyb ka noqdo sidii dalka maalgashi looga sameyn lahaa.

Sidoo kale Wasiirka kheydraadka dalka ayaa sheegay in heshiiskan uu xoojinayo xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay inay rajeynayaan in heshiiskan uu qayb ka noqdo dhiirigalinta maalgashiga iyo soo saarista khayraadka dalka si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Dhowaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay heshiis la gashay shirkad dhinaca ammaanka xeebaha oo fadhigeedu yahay dalka Holland, taasoo ka qeyb qaadan doonta qalabeynta iyo ilaalinta xeebaha.

















http://www.jowhar.com/news.php?readmore=1000