Sunday 18 April 2010

Xuuraan: Saxaafada Soomaalida waa “Libin Xasad

Xuuraan: Saxaafada Soomaalida waa “Libin Xasad”
Published: 14 March 2010 KN: Googaa: “Wax cirka tiir ku leh, dhulka taar ku leh, tagooga orgi leh, korka Shaash ku leh’?. Tani waa mid ka mid ah googaaleysigii caruurnimada iyo dhalintii miyiga
Marka lagugu xujeysto taasina waxaa lagu xujo baxaa “Gorgor” oo ah xawayaan haadka ka mid ah oo hilibka cuna, kugu daalin mayo sharaxaada Gorgorka ee aan ka dhaco astaanta muhiimka ah ee uu gorgorku la wadaago moowduuca aan ka hadlayo.
Xasidnimo
Marka uu gorgorku helo raq, inta badan waxaa halkaasi jooga raxan gorgor ah, raqda waxaa reebta oo cuna gorgorka ugu xooga iyo itaalka badan ee meeshaasi jooga, iyadoo inta kala uu ka ceshado raqda. Sababtuna waxay tahay xaasinimo iyo kaligii cunimo ku duugan.
Runta qaraar ee ku saabsan xirfada saxaafada ee maanta dalka ka jirta ayaa leh astaantaasi iyo kuwayoow ka foolxun oo aan ku dhiraandhirin doono qormadani kooban.
Libin Xasad
Waxaan ku jirnaa xiligii qalabka warbaahinta Soomaalida ay ugu badneyd, tusaale ahaan Xamar oo caasimada ah waxaa ka furan ku dhawaad 15 idaacadood, haddii dhacdo muhiim ah ay ka dhacdo meel ka mid ah dalka oo laga yaabo in mid ama labbo idaacadood ay u joogaan wariyeyaal soona tabiyaan dhacdadaasi, idaacadaha kalana ay u baahanyihiin in dhacdadaasi tabiyaan in ay idaacadaasi tabisey kasoo xigtaan waxay ula mid tahay sidii in ay miino ku qaraxday oo kale.
Waxay ka door bidayaan in ay yiraahdaan “Sida ay faafisey wakaalada wararka Shinhaaw ee dalka Shiinaha”, iyagoo ka fogaanaya sheegista iyo magacaabista idaacada Soomaaliyeed ee warkaasi goobjoog ka ahayd, sababtuna waxay tahay waxa loogu yeero “libin xasidnimo”. Wakaalada wararka ee Shinhoow (Xinhau) oo xilkeeda koowaad uu yahay in ay wararka u tabisa hal bilyan iyo intaasoo malyuun oo qof oo shiinaha ku nool, kansho intee la’eg iyo tamar intee la’eg ayay u heyn kartaa waxa Soomaaliya ka dhacaya?.
Waxaa kaloo laga yaabaa in idaacadaha ay door bidaan in ay dhagaystayaashooda been cad u sheegaan iyagoo dhahaya “sida ay ay Radiyoow Meel Cidlo ah u sheegeen dad goobjoogayaal ah”.
Saxafiga Soomaaliga ah ee ku jira warbaahinta waxa uu sharaf u arkaa in uu afka ku balbalaariyo magaca qalab warbaahineed oo shisheeye, boqolkiiba boqol wuxuu sidoo kale jecelyahay in uu tabiyo war ay qalabkaasi tabiyeen oo Soomaaliya ku saabsan iyadoo ay dhankiisa ka tahay wax suurtagalnimada ka dheer in uu tabiyo ama xigto war uu tabiyey saxafi Soomaali ah ama warbaahin Soomaaliyeed. Sharaf dhac iyo waji fiiq ayuu u arkaa in saxafi Soomaali ah uu wax ka xigto ama magaciisa sheego.
Maalintii shabakada SomaliTalk.com ay soo bandhigtey fadeexadii iibsashada badda ee Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo Kenya, oo xaaladu cirka isku shareertey, laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa barnaamijka falanqeynta jimcaha ka deeysey barnaamij badda looga hadlayo, waxaa daadihiye ka ahaa Yuusuf Garaad oo tifaftire ka ah laanta, hal mar oo kaliya ayuu si ilko isku-qabasho ah carabka ugu dhuftey magaca SomaliTalk.com isagoo waliba su’aal ku duraya qof barnaamijka marti u ahaa isagoo dhahaya “Macluumaadka aad ka hadlayso sow ma ahan kii SomaliTalk lagu faafiyey mise xogo kale ayaad noo heeysaa?”, walloow aanan si dhab ah u keeni kari su’aasha sida uu u dhigey hadana fahamka rasmiga ah kaasi ayuu ahaa waliba si liidmo ah.
Imisa jeer ayaad BBC-da ka maqashay “sida uu faafiyey wargeyska Badiicood Axranoot ee dalka Israaiil kasoo baxa?”, imisa ayaad ka maqashay “Ciwaan farwaaweyn ayuu maanta wargeyska Guardian ee dalkani Britain boga hore ku qorey?”.
Sanadii 2007 da waxaan warar u diri jirey shabakada la yiraahdo Calanka.com oo illaa maanta shaqaysa, tifaftiraha shabakadaasi oo qadka aan ku wada sheekeysanayno ayaan ku iri “Shabakada Hornafrik.com waxay soo bandhigtey sawirka Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke, waxayna warbixinta kaga hadlayaan Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan, sow ma haboona in wax laga ifiyo arrintaasi?”, anigaa markaasi u arka in khalad weyn oo saxaafadeed ay tahay oo anshaxa ka baxsan in qof saxafi ah oo warbaahin sidaasi u weyn sida Horn Afrika oo kale uu kala garan waayo muuqaalada labbo madaxweyne oo dalka soo maray, gaar ahaan kii ugu horeeyey. Waxaase iga yaabiyey jawaabta uu isiiyey oo runtii aan u arkay mid nasiib darro ah.
Wuxuu igu yiri “War naga dhaaf ma doonayo in aan magacooda buunbuuniyo oo aan soo caanbixiyo”, waxaad ogaataa in maalin kasta bartaasi lagu faafiyo laguna faaniyo magacyo saxaafad kale oo shisheeye, ma ahan in aan weerarayo ninkaasi saaxiibkeey ah laakiin waxaan ifinayaa waxa ka guuxaya maanka saxafi kasta oo Soomaaliyeed oo aan aniga ku jiro haddii uusan eebe weyne iigu gargaarin faham durugsan.
Waxaan kaloo kuu hayaa tusaale kale oo isla maantaba dhacay, ciwaankeyga GOOGLE-ka ah waxaan u diiwaangashahanay in ay iigu soo dhacaan dhamaan warbixinada laga qoro Soomaalida, waxaan maanta ka aqriyey warbixin uu qorey wargeys dalka Suudaan kasoo baxa oo la yiraahdo Sudan Tribune, warbixinta wargeyska waxay soo xigineysaa shabakada Mareeg.com oo ah shabakad Soomaaliyeed oo luuqada English-ka wax ku qorta, barta GOOGLE-kana lasoo dhigo, warbixinta waxay ka hadlaysa xoghayaha Gaashaandhiga Xisbul Islaam Sh. Muuse Caraale oo lagu xirey Suudaan.
Kadib waxaan fiirfiiriyey shabakada Soomaalida dhamaan, waxaa ka mid ah shabakada Hiiraan.com, waxaan arkay warbixintii Sudan Tribune oo la turjumey oo barta lasoo dhigey, laakiin nasiib darada dhacday ma taqaanaa?, warbixinta tuduca ugu horeeya waxaa si xarago leh loogu xusey magaca wargeyska Sudan Tribune oo warbixinta laga soo xigtey, laakiin meelna loogama xusin halkii ugu horeyntiiba laga soo xigtey ee ahayd Mareeg.com ee wargeyska Suudaan kasoo baxa uu warbixintiisa ku sheegey, warbixinta waxaa la turjumey dhamaanteedba waxa aan ka ahayn tuduca magacaabaya Mareeg.com, hoos ka eeg tidicyada iyo xididadooda oo aan soo qaatay.
“Sheikh Hassan Mahdi, a senior official from Hizbul Islam told Mareeg Online that the Sudanese police arrested Arale while he was trying to cross the eastern Sudan border and reach Eritrea”
http://www.sudantribune.com/spip.php?article34413
Sudan Tribune
“Wargeyska Sudan Tripune ayaa maanta daabacay in xoghayihii difaaca ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Carraale ay xireen ciidamada ammaanka dalka Sudan isagoo isku dayay inuu si dhuumaaleysi ah ku galo dalka Eritrea”
http://www.hiiraan.com/news/2010/Mar/wararka_maanta14-9226.htm
Hiiraan.com
Maxaad ku turjumi kartaa arrintaasi, ma daciifnimo na heeysataa?, ma xaasidnimadaa, ma shisheeye kaalkaalnimaa?, ma is aqoonsi la’aanbaa? ku darsoo ka hilmaamin, anigoon u jeedin in aan duro bartan Hiiraan.com, waxay barta soo bandhigtaa inta badan warbixinada luuqada English-ka ah ee laga qorey arrimaha Soomaalida, warbixinada Soomaalida laga faafiyo ee lasoo dhigo barta GOOGLE waxaa ka mid ah kuwa ay daabaceen baraha Soomaalida ee hawada ku jira, marna ku arki meeysid Hiiraan warbixin ay qoreen barahaasi si kasta muhiim ha u ahaadaane.
Ogoow Hiiraan waxay ka mid tahay baraha wararka ay qoraan loogu kalsooni badanyahay sida uu ii sheegey Wariye Jamaal Axmed Cusmaan, anigana waan ku waafaqsanahay, sidaasi oo ay tahay xanuunkan maskaxda ku dhaca ee Libin Xasid ayay la bukaan.
Dadka saxaafada Soomaalida kusoo caanbaxay waxaa ka mid ah Cumar Faaruuq oo ah xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta NUSOJ, walloow la naqdiyo hoowlahiisa, hadane wuxuu gaaray meel uusan saxafi Soomaali ah gaarin, isla markaasi wax badan ayuu taray saxaafada Soomaalida oo aysan cid kale tarin, bal magaciisa ku raadi GOOGLE si aad u aragto inta qoraal ee dacaayad ah ee laga faafiyey ee shaqsiyadiisa weeraraya.
Ma taqaanaa sababta? waxbo looma ogola, waxaa laga maseerayaa heerka uu gaaray, haddii tartan loo galo kaalinta koowaad ee saxafiyiinta aduunka, oo kaalintaasi uu galo qof Soomaali ah, saxaafada Soomaalida waxaan shaki iigaga jirin in ay tabineyso magaca ninka kaalinta labaad galay ee u dhashay dal kale.
Bal warayso Mustafa Xaaji oo ah tifaftiraha idaacada Simba oo dhawaan hey’ad caalami ah ay siisey abaalmarin caalami ah, inta la xaqirey in guushiisa la sheego?.
Dhawaan shabakadani KismaayoNews.com waxay faafisey warbixin lagu dacaayadeynayo Wariyaha weyn ee Bashka Jug Soo Dhacay, waxay ahayd talaabo anshaxa saxaafada ka taloowsan oo xad gudub culus loogu geystey Bashka oo qoyskiisu taariikh mug leh ku leeyihiin saxaafada afka Soomaaliga ee Kenya, aabihiis wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee af Soomaali kaga hadla idaacada qaranka Kenya ee KBC xitaa ka hor intii aanan xoriyada la qaadan 1963 dii.
Ninka taariikhdaasi ku leh Soomaalida Kenya ee ay ahayd in loo dhiso madxaf iyo taalo lagu weeyneynayo doorka reerkooda, sidee inta qof ka maseersan hormarkiisa uu warbixin usoo diyaariyo loogu daabici karaa bar sida KismaayoNews oo kala ah oo sharaf leh?, Tifaftirka barta waxay qirteen in warbixinti si khaldan ku baxday, raali galin rasmina laga bixin doono.
Walloow waxyaalo badan lagu naqdiyo oo ay ka mid tahay naasnuujinta warbaahin gaar ah, hadane bal weeydii Yuusuf Garaad madaxa laanta Af Soomaaliga ee BBC-da inta jeer ee saxafiyiin Soomaali ah isku dayeen in ay shaqadiisa ka diraan oo ay ka gudbiyeen dacwado aan sal iyo raad lahayn iyagoo ka maseersan hormarka uu gaaray?.
Waxaan aniga goobjoog u ahaa sida wariyeyaasha u shaqeeya idaacadaha waaweyn ay u liidaan kuwa soo kacaya ee warbaahinta yaryar u shaqeeya, ninka u shaqeeya tusaale ahaan BBC ama VOA waa uu iskala weynyahay wariye kasta oo kale, hoos ayuu eegayaa, wuu iska fogeeynayaa, in xitaa lala hadlo waa in wado dheer loo maraa.
Ugu dambeytii qormadani muddo ayay maankeyga ka guuxeysay, waxaana igu dhaliyey jawaabo aan is daba marsanay saxfi saaxiibkeey ah oo lagu magacaabo Shariif Macalin, maalin ayuu faalo ka qorey Cabdullaahi Yuusuf iyo Sh. Xassan Daahir Aweys, faaladii ayaan aqriyey kadibna fariin kooban oo aan faalada ku naqdinayo, kuna amaanayo ayaan u direy, waxaa fariinteyda ku jirey “tolloow hebel miyaa kuu diyaariyey faalada?”, anigoo la kaftamaya, wuxuu iigu soo jawaabay “boqolaal fariimood ayaa la’iisoo direy, taada kaliya ayaanan kasoo jawaabayaa, in aad tiraahdo hebel miyaan kuusoo qorey waxaan u arkaa Libin Saxad”.
Waan ka naxay jawaabta sababtoo ah sida ay boogta u taabatay, waxaanan garwaaqsaday in aan ku dhacay khalad aan ka fiirsan .
Sax saxaafada Soomaalida cillado badan waa ay leedahay, laakiin arrintani waxaan is leeyahay waa tan ugu weyn oon ku magacaai karro cudur maanka ku dhaca oo la yiraahdo “Libin Xasad”. Waxaan leeyahay “sheeg guusha walaal, taada hala sheegee, quur wax, haluguu quuree”.
Xuuraan: Qormo Joogto ah oo laffogur ah
W/Q: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com , +27767059384

No comments:

Post a Comment