Sunday 18 April 2010

Heesta Saado Miyey Daaha Ka Fayday Fikirka Hargeysa Iyo Burco Aaminsan Yihiin

Written by Jidbaale.com
Friday, 16 April 2010 09:57
Maqaal(Jidbaale.com):-Waxaa la odhan karaa tan iyo intii ay qaaday Fannaanada Caanka ah Saado Cali Warsame heesta libdhimaysid Laascaanood waxaa soo shaacbaxayey qoraale iyo warbixinno talantaaliya oo ka soo burqanayey saxaafadda Beelaha Dega Hargeysa Iyo Burco(Isaaq) waxayna go,aan ku gaadheen sida muuqata in Saado Cali Warsame Dagaal saxaafadeed caadifidaysan lagu qaado.
Waxay si kale u adeegsadeen waraysigii dheeraa ee ay siisay warbaahinta Jidbaale iyaga oo isku dayeya in ay inta ay isleeyiin waxay muujinaysaa wixii aad ku cabbayn lahaydeen shacabkiina ay ka soo qaateen, waxayna tilmaameen in ay Riyaale si qaawan u aflagaadeysay.

Waxaa intaas sii dheer maqaalada isdaba jooga ah, iyo iyagoo islaamihii qaadka Hargeysa ku gada codod ka soo duubay oo iyaga oo u hadlaya sidii xayraamiin iyo xamaaliintii Burco codkooda soo daayey , iyaga oo adeegsanaya weedho aan hufnayn oo ah kuwii (Hooraaye) lagu yaqaanay xilliyadii 70-80-maadkii ee uu adeegsan jiray (Hooraaye wuxuu ahaa nin maskaxda looga jiray oo Burco caan ka ahaa , dadkana caayi jiray, wuxuuna ugu nebcaa Riyaha Iyo Ciyaalka oo magaalada ku layn jiray, wuxuuna odhan jiray ciyaalkuna waa I tuuryeeyaan ,riyuhuna waa kuwa loo liso).

Maxaa jira oo ku dhacay shacabkii Hargeysa Iyo Burco ma Hooraaye ayey isugu baxeen, maxaa keenay gabadh si hufan hees u qaaday in Hargeysa iyo Burco siday ugu jawaabi lahaayeen kayuu u soo galaan, miyaanay jiran Bulshadan cid tidhaahda waar gabadha ka daaya aflagaada oo si hufan ula qaadaa dhiga, waxaaba lagu yaqaanay xikmad iyo ku faanid in aysan gabadhaha u jawaabine maxaa keenay arrimahan, mise Samsam Ducaale ayaa Saado ka horaysa oo waa Bahalna ceedhin madaayo Ninna Caadadii ma baajo.

Saado Cali Warsame intay heesta Laascaanood qaaday waxaa u jawaabay wasiiro iyo ilaa 5 qof oo mid waliba lee yahay waxaan hayaa hees jawaab u ah, xataa qaar ayaa ka baxay hufnaantii iyo hannaankii lagu yaqaanay jawaabida noocan oo kale ah, oo nasab cay iyo galay Huuhaa aan lagu aqoon beesha Isaaqa, waxayna marayaan maqaalada sida talantaaliga ugu soo baxaya warbaainta Hargeysa iyo Internetka boqolaal, dhamaantood loogu jawaabayo Saado Cali.

Saado Cali Warsame kamay bixin Xaydaankay ku jirtay ee fanka , kii uunbay ku xarragoonaysaa, ee waxaa haboonaan lahayd in Beesha Isaaq haday Saado Cali Warsame usoo tafaxayteen in ay u daayaan hal qof oo heesa hadduu markaas is yidhaahdo ugu jawaab ugu jawaaba, ee may hayn asluub lagu yaqaanay reer Banii Haashim Alqurayshiya sida ay sheegeen in ay ilaa xadkaa gaadhaan, ee waxay ahayd in ay is xakeemayaan(Alaysa Fiikum Rajulun Rashiid).

Saado Cali Warsame waxay tidhi Riyaale wuxuu ahaa Rajiimkii Siyaad xilligaan anigu idiin hiilinayey, oo wuxuu ahaa NSStii Burco Iyo Barbara kalbada Xiniinyahay Idiinkaga qabanayey, ma been ayey sheegtay, ee dulmi diidoow dulmi doon haysku noqon.

Way jiraan dad badan oo ka soo jeeda beesha Isaaq oo qiraya siday uga gilgilatay dhibaatadii loo gaystay xilligii dawladii Siyaad Barre shacabka waqooyi Galbeed oo sidaas si la mid ah loogu gaystay waqooyi Bari, oo sidaas si la mid ah SNM uga gaysatay tacadiyo xunxun deegaano badan.

Hasa yeeshee waxay fayday heesta Saado qaaday Caadifadda Xad dhaafka ah ee qabyaaladaysan ee ay adeegsadaan shacabka Hargeysa iyo Burco iyo kan saaxafadda oo ay siday doonaan iyo xilligay doonaan sida Xamaaliinta ugu soo bandhiga waxay doonayaan taasina waxay hugii iyo daahiiba ka qaaday fikirka dhabta ah ee ay aaminsan yihiin shacabka Hargeysa iyo Burco , ee qabyaaladaysan, waxaana markhaati ma doonto u ah caadifadda baahday ee Hargeysa iyo Burco Fannaaniinta iyo hal abuurka ka soo jeeda Isaaqa ee inta ay kun iyo kaakac ka soo baxaan ama ka soo bixi jiray golayaasha shirarka Soomaaliweyn loo qabanayo ,sida Kinsi Xaaji Aadan(Caqaarta) Iyo Cabdi Qays oo ah abwaan weyn ka qayb galay shirkii Carta kana qayb qaateen suugaantii lagu soo bandhigay oo intaas ay tidhi Saado Oo ah Dalkeenu Laba Maaha, Libdhimaysid Laascaanood, ka badan tiriyeen .

Waxaa ka mid ahayd Heestii uu sameeyey Cabdi Qays ee uu shirkii Carta kaga qayb galay “Safarbaa la tagayaa iyo socota dheeroo soo noqod lahaynoo ina wada sugaayee”, Kinsi Xaaji Aadan ayaa iyaduna ka mid ahayd kuwii qaadayey shirkii Carta , “Somaalidu waa buktaa , besteed weeye oo lahubo Inuu Cudar baahay helay bidhaantaa laga gartaa”, oo dhamaantood iskuwada mid isku u jeedana ah oo leh Soomaalidu laba maaha , xataa la odhan karo kuwaa la leeyahay waa bukaan waxaa ka mid ah kuwa ku sugan Hargeysa iyo Burco , xilligaas saxaafadoodu waa jirtay , Makhaayadahooduna waa jireen maxay uga hadli waayeen,oo u qaadaa dhigiwaayeen Kinsi Iyo C/qays ilayn Somaliweyn ayey ka dhex botorinayeene, oo ay Saado Cali Warsame hadda ugu hadal hayaan makhaayadaha iyo saxaafadda Hargeysa Iyo Burco, waa wax iska cad in aanay hawshoodu ahayn dawlad doon iyo gooni isu taag ee waa qabyaalad cad oo aan loo soo cimaamadin.


Taas waxaa dheer oo ku tusaysa in laga gobaysan yahay saxaafadda Hargeysa iyo Burco iyo shacabkaasba , inta jeer ee Fannaaniin Soomaaliyeed iyaga oo qalbigooda soo jiidanaya ay ka heeseen xaflado loogu dabaaldagayo Caadifadda Hargeysa ee 18may , Xataa waxaa jira Fannaaniin ka soo jeeda Isaaq, sida Sahra Axmed Jaamac, Khadra Daahir Cige oo xafladaha 18may maalinta caadifadda Hargeysa ka heesa oo aanay saxaafadda Soomaaliyeed qaadaa dhigin waxna ka sheegin indhahana ka dadba.

Saado Waxaanu leenahay Saadooy Hawjawaabin kuwa meherada maalmahan ka dhigtay inay isku dayaan in ay taariikhdaada xagxagtaan, si kasta oo ay Islaamaha qaadka Hargeysa ku gada ee ka dhaxqayliya Saylada Jaadka xilliga fiidkii marka uu ku baarixi garoobo mikirifoon u hoos dhigaan oo codkooda soo daayaan.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Kan Sool,Sanaag Cayna waxaan leenahay si kasta oo Fannaada ay ugu soo tafaxaytaan hal heesa ayaa qayladaas kaga yeedhsiisaye yaan loo jawaabin oo halkaa haka boteryaan (Hayaanku Ha Socdo Waaqlane Yeelkii)

No comments:

Post a Comment