Saturday 24 April 2010

Maanso: "Saado Ina Cali Warsamaay"- Oo Ka Timi Burco

Lasanod Online,(Burco)- Ugu horayn waxaan salaamyaa umadda soomaliyeed meel kasta oo ay aduunka ka joogaan. Marka xigta waxaan doonayaa inaan halkan kamuujiyo,
sida aan uga xumahay aflagaadooyinka iyo edeb darad lagula kacay fanaanada weyn ee somaaliyeed SAADO CALI WARSAME.
Af lagaadaas oo ay sabab u ahayd kadib warbixintii ay saado layeesheen qaar kamid ah war baahinta somaliyeed oo ay ka faalotay aragtideeda kuwaajahan arimaha laascaanood kasocda iyo weliba denbiyo aan horeba u qarsoonayn oo baal digaag lagu dedayay oo aay diirka kacadaysay,. denbigaas oo ah kuu Daahir Riyaale kagaly umada reer waqooyi xiligii lagu jiray dawladii maxamed siyaad barre.
Hadaba lagasoo bilaabo maalintii warbixintaas lasii daayay waxa soo baaxay dad aad uga xumaaday runtaas Riyaale laga sheegay oo aad moodo inay kunoqotay boog manta dilaacday oo aan daawo loo helayn., iyagoo bilaaby olole kadhan ah saado cali oo ay cinwaan uga dhigeen (saado cali iyo Somaliland), hase ahaatee marka xaqiiqada loo dhaadhoco ah olole ay ku difaacayan daahir riyaale arinta afxumad kukeliftayna ay tahay oo qudha, xumaanta ay ka xumaadeen runta lasheegay daahir riyaale ee aanay ahayn uhadal ay u hadlayaan rer Somaliland ahayna dad metela amaba meteli kara.
Waxaan leeyahay ( baroortu orgigay kaweyn) dadkan waxaa kahadlisiinaya waa:- maxaay Saado Cali runta ugsheegaty arinta Riyaale ee maaha hiil ay u hiilinyaan umada reer Somaliland.
Waxaa kaloo yana jirta olole ay wadaan reer hargeysa oo aay doonayan inay dab kadhex shidaan umada wada dhalatay ee deriska ah ee wada degan Sool,Sanaag, iyo gobolka togdheer oo dhawr jeer oo horena lagu guulaystay in dab laga dhex shido iminkana mid cusub la hurinayo.
Hadaba anoo katur jumaya aragtida iyo sida ay uga xun yihiin reer togdheer arimahaas yaga ah iyo aflagaadad Saado Cali lagula kacay, waxaan halkan kusoo ban dhigayaa maanso lamagacc baxday saado cali ahna abaal gud aan uhayno saado cali sidii ay noogaga hiilisya taliskii maxamed siyaad bare iyo taageerada aanu uhayno. Hadana, uga hiilinayno cid kasta oo isku dayda in ay aflagaado u geysato saado cali warsame.
Waxaan leeyahay Saadoy ( riyaa lagu noolyahay ee runbaa loo guurayaa)

Maanso:
saado ina cali warsamaay.
saafidii haweenkay .
samihii wadankay.
sifihii sharcigay.
hooyadii samirkay.
sugnantii amnigay.
hoygii suugaantay.
hoboladii sanadkay.
suntii riyaalay.
markahore salaam igagudoon salbalaadhan.
marka xigtana sifihii.
iyo san saankii guuleed.
dushaaaday sudhan yihiin.
ee samirka ku adkow.
sifaha sharci ah iyo hakatalaabin suugaanta.
ruuxaad bi iisa iyo iintiisa bartana.
boogtiisa saadoy.
lamasii baneeyee.
ban baani saaxiib.
Saablayda calooshiyo.
Katuruq sanbabada.
Oo sararta kudhufo.
Ana sifihiisa gaariyo.
Sumadiisa aan til maame.
Marka hore waa saban xumaad.
Waa saxal saaka yimi.
Waa sun iyo deebaaq.
Daacuun socda oo daashaday umada.
Denbi hore kagalay.
Midkalena kudarsaday.
Taas waxaa kasii daran.
Kuwo kale oo sifihiisa.
Iyo san_ saankiisa yeeshay.
Oo saaka soo baxay.
Sumcadii hawenyo.
Kaguntday samaan.
Kusifoobay xumaan.
Bal aan idin su-aale.
Suugaanta ma ducasho iyo dawarsaan kukeenteen.
Misee doolarka riyaaliyo.
Docodocaysi iyo dulmaa idinku kelifay.?

Jawaabtu waxay u taal Ruun xadi iyo inta lasoo safatay.

WABILAAHI TAWFIIQ
FARHAN HARUN ELMI
BURCO, TOGDHEER.
Email: farhanharun@hotmail.com


Wariye: Farah D. Jamaadmin@lasanod.comXafiiska Wararka Lasanod Online. Hargeysa, Somalia
Maqal iyo Muuqaal









Lasanod Advertising




google_protectAndRun("ads_core.google_render_ad", google_handleError, google_render_ad);
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.

Contact Webmaster at: admin@lasanod.com


No comments:

Post a Comment