Sunday 18 April 2010

DAL LA HAYSTO (GABAY)‏

Gabay(Jidbaale.com):-Waxaan jecelahay,inaan halkan idiinku soo gudbiyo tix gaaban(DAL LA HAYSTO)oo aan tiriyay maalmihii issimmadeenu maalintiina buurawadal ku shirayeen,habeenkiina intooda badani garoowe ka dabshidanayeen,welina xaalka ssc,sida aan la wada socono wax isbedel ah,oo la taaban karo kama muuqdo,haddaba ninbaa laga hayaa "arkayoo caanihii malloog waxbaa gallay" ,ninba eedda meel buu saarayaa ,oo leeyahay halkan bay sartu ka qudhuntay,aniguse haddaan badheedhahayga dhiibto,eedda saamigeeda ugu weyn waxa leh ,odayadan ninwalba inta hadhuub-gaal caano ah,lagu soo shubay,haddana ka tegay shaqadii loo igmaday,illaa maantana timahoodu dhan u wada xiirmi la' yihiin(ruqo ninkeedii dabada hayo ma kacdo).
Waxaan odayada ku hagaajinayaa ,aniga aragtidayda hadda ka dibna ay la koox noqonayaan,kooxdan hargaysa horgalka ka ah,oo kuwa p/land maxaan uga tegay?,iyaga waxa inagaga filan maahmaahdii soomaaliyeed ee findhicilku ma xaaraanbaa,mise waa xalaal? soo hadalqaadkiisaaba ka daran,.intaa dabadeed waxaan ka afeefanayaa wixii aan aayad qur'aan ah iyo xadiis saxeex ah,ahaynba waa la naqdin karaa,waana laga hadli karaa,tixdiina waa tane iga guddooma.



Hunguriga na qaatee tolloow,horumar noo diiday
Hoggay nagu rideen issimadani,baan dhex hurudnaaye
Waxba yaan higlada cumar wacays,lay humbaalayne
Waxba yaan hogteer dhexe ,aniga lay hallaanhalline
Waxba yaan hurdada fiidka dheer,hoorshe lay gelline
Waxba yaan hartaa soo socdiyo,haamo lay tumine.


Waxba yaan amxaar hoolifliyo,herer bal lay qabane
Hoggaankeena iyo laba jaamac,baa loo hanwayn yahaye
Inta kale hadhuudhlaha ku daray,oo ma haybsado e,
Hal-adaygna kama maarmi karo, ruux hoggaansha ah
Hannaan-socodka gabaldaye ,rag wuu kala hufaayaaye
Dal la haysto oo habarjeclaba,hore bal loo siiyey


Hoorshaan ka maamullanayaa,waa hal aan jirine
Laba hadal dhexmaray,oon markaa weli heshiis gaadhin
Hadba kii markaa soo hormara,bay ugu hafsiiyaane
Waa hal u irmaan ,shaabadday laba halliilaane
Hilba-qaybta lagu dirirayaa,hadal ka joogaaye.
Afartaa intaan hoo ku idhi,hoos ma uga guuray
Afar kalena waan kuu hayaa,haye tidhaahdaaye


Habree iyo kukuuniba,marbay kala hagaageene
Anigiyo hargaysina,maruun,waanu kala hadhiye
Dhulkii haddiyad loo bixiyay,baa laysku haystaaye
Huunada-galbeed iyo isaaq,waa lagaa hufiye
Hoggaankaygu intuu soo socdo,yaad hum-humataane
Horgallada shisheeyaha,marbaa haadku cunayaaye


Kuwii haybta nala sheegan jiray,ee hunguri qaatay
Hambaddiina waa eedayaan,haatan dabadeede
Huryo siday u fuushaan naqaan,haad-ka-adagtaase
Ha yeeshee hal baan odhanayaa,hawli daba taalle


Habeen-dhaxa darruuraha,marbaa haabay lays odhane
Habaqluhu ma fiicniyo,inaad harawo aadaane
Hal-halleelna laga roon,iyo hoogay ma ogayne
War ha habeensanina,waa intood hillinba waydaane..
Waxa tiriyey SAID C. DUALE QARRAAF
saduale@yahoo.com
EDMONTON AB CANADA

No comments:

Post a Comment