Friday, 30 April 2010

xaguu dhigay maxamed cabdi xaashi gobolada ssc (qiimayn siyaasada odayga)

xaguu dhigay ssc mudane maxamed cabdi xaashi qormo kusalaysan taariikhdii USP iyo ina cabdi xaashi

Waxaan ka afeefanayaa qoraalkani waxa keliya ee aan ku iftiiminayaa Mudane Mxammed cabdi Xaashi iyo kaalintiisa hoggaamineed ka siyaasi ahaan. Isagoo odaygu iga mudan yahay sharaf iyo qaddarin.
BURBURKII DAWLADII DHEXE Ka gadaal burburkii ku dhacay qarankii Soomaaliyeed bilowgii sannadkii 1991 waxa bilaabantay xadhig- jiidad siyaasadeed oo ka dhexdhashay umaddii Soomaaliyeed qabiilkuna wuxuu noqday jaranjarada lagu fuulayo sidii reer waliba isaga dhex arki lahaa bilowga qaran Soomaaliyeed oo la hilaadinayey inuu dhalan doono.
MAXAA BILWDAY?Waxa si degdeg ah reer waliba u unkay urur metela qabiilkooda. Dabayaaqadii 1991/bilowgii 1992 waxa magaaalada Nairobi isugu yimid rag dooora oo miisaan ku lahaa SSC waxayna go’aansadeen inay samaystaan urur uga qayb gala tartanka xadhig jiidka Soomaaliya, iyagoo ka waayo aragnimo qaadanayaa shir sannadkii 1991;kii ka dhacay Jabuuti ,kaasoo loo ogolaa oo keliya wixii watay magac urur/jabhadeed,.reer ssc na aanay ka dhex muuqan shirarkaasi.
SSC IYO HARTIGA WAQOOYIGA Waxa reeraha Warsangeli iyo Dhulbahante go’aansadeen inay boodhka ka jafaan ururkii gobonnimo doonka ee USP waxa hoggaamiye loogu doortay Mudane Maxammed Cabdi Xaashi guddoomiye xigeenna Mudane Cashare. Haddaba waxa markiiba ka biyo diiday doorashada Mudane Xaashi rag ruug caddaa ahaa oo iyagu qayb weyn ka ahaa abaabulka shirkaasi. Ragaasi oo ka soo jeeday SSC oo ay ka mid ahaayeen Alla haw naxariistee Danjire Xaashi Cabdalle, Eng. Maxammed Ciise Cabdi (Xiirane) iyo Cali Maxammed Faarax iyo rag kale, Raggaasi waxay ku doodayeen in Mudane Xaashi uu siyaasadda dammiin ku yahay , inaanu ciddii wax kudhaanta wax ka dhegaysan iyo inaanu dad wad lahayn ,inuu san garan ka rain waxa soo socda,sidaasi daraadeed uu haadaan inaga tuurayo. Waxaa odaydaa gaashaanka udaruuray niman markaa ahaa dhallinyaro aqoonyahanno ah (Haddase noqday dhallinyaro cuslaatay) inkastoo ay ku jireen odayo laftigoodu ruug caddaa ahaa,dhalinyaradaas waxaa ka mid ahaayeen Eng. Maxammed Xassan Xaaji, Dillaal Xassan Xaad, Dr. Dhega-weyne Gamaddiid, Eng. Nuur Gaas Fu'ad Xuseen Sadaad iyo rag kale. Maanta ayay muuqataa odayadaasi waxay ka hadlayeen.Odaygase (Maxammed Xaashi) waxa shakigii ugu horreeyey laga muuujiyey kaddib markuu dhawr shir oo hoggaamiyeyaasha Soomaalida lagu macsuumay keligii ka dhex muuqday isagoon wadan wax ergooyin ah oo la socda xitaa xoghayntiisa ayaan u warhayn jirin meeshuu aaday wuxuu u aaday iyo wuxuu la aaday, halka hoggaamiye kastaa la tegayey shirarkaa tiro ergooyin aqoonyahano ah oo kala taliya waxyaalaha shirarkaa lagu falanqaynayo. Shirarkaasi waxa lagu qabtay qaar Addis-Ababa, Tripoli, Qaahira iyo Xarunta UN-ta ee Nairobi. Haddaan ku dhaafo intaasi hordhac ahaan, iyadoo weli laga yaaban yahay odayga fahamkiisa siyaasadeed iyo kartidiisa hoggmineed ayaa badhtamihii sagaashameeyada shir beeleed lagu qabtay magaalada Boocame (Boocame II). shirkaasi waxa haddana lagu doortay Mudane Xaashi inuu reerka xagga siyaasadda hogaan ugu noqdo iyagoo sidoo kale dad badani laahaaayeen shirkii USP baa afduubtay haddana odayga waa loogu faataxeeyey, (Xusuusnoow muddo lix sano ah Maxammed ayaa hoggaaanka siyaasadda reer ka gadhwadeen ah marka laga reebo dhawr bilood oo golihii khusuusida Boocame ee burburay Laascaaanood ku magacawnaayeen).Waliba waxay ahayd arintaasi arin loogu hiiliyey marka loo eego ragii kale oo fikirka kale watay. Waxaan usoo gudbayaa 1998 iyo assaaskii Puntland , Aasaaskii Puntland waxa lafdhabar u ahaa labada urur ee SSDF iyo USP iyo dadkii kunoolaa degaannadooda waxaana lagu heshiiyey inta dawlad Soomaaliyeed laga helayo in la samaysto maamul lagaga gudbo caqbadaha taagan. Waxa madaaxweyne loo doortay Mudane Cabdullaahi Yuusuf iyo Mudane Maxammed Cabdi Xaashi oo kuxigeen noqday. Waa markii saddexaaad ee reer SSC ay siyaasadda udoortaaan Mudane Xaashi iyadoo weli aan lahayn wax horumar siyaasadeed ah oo uu reerka kusoo kordhiyey. waliba ragii ololaynayayna waa taariikh waa la ogyahay markaan sii eego raggii doortay xaashi.Haddaba waxaan dib u’eegaynaa muxuu kusoo celiyey odaygu dadkii doortay? . Waxa dad badaani qirayaan in mudadii odaygu ahaa hoggaanka siyaaasadda in miisankii siyaasaadda ee reerku dhacay xagga Maamul goboleedka Puntland iyo xaggga Soomaaliya guud ahaanba. Waxa loo nisbaynayaa ama isba uu waraysigiisa Xargaga.com ku qirayaa in Cabdullaahi Yuusuf Puntland awooddeedii bilowgiiba ku tagrifalay oo si khaas ah iyo si reer ahba u isticmaaalay isagoo fulinaya danaha reerkii uukasoo baxay iyo gobolladuu ka yimid, Mudane Xaashina isha ka daawanayey, oo intaas uusan ka hadli karaynin,waxa markii danbe caddaatay inay dhawr arrimood sharci ka noqdeen Puntland muddo yar gudaheed. · In wixii manfac kasoo gala xagga badaha hadday tahay xagga khayraadka badda iyo hadday tahay kirada laga qaado shirkadaha ka kalluumaystaba aan reer SSC waxba ku lahayn. ·kama hadli jirine ogoow arinaas, In Mucaaawinooyinka caalamka laga helo aanay SSC waxba ku lahayn. · In baarlamaaanka iyo wasiirada 75% ka yimaaddaan Mudug, Bari iyo Nugaal, In haddii ciidan loo baaahdo laga raadiyo SSC lagu fulinayay, In maamulada degmooyinka aan laga hirgelin gobollada SSC waayo waa laysku laynayaa! ·xitaa laas caanood hal maalin ayuu tagay waa taariikh. In aanay hay’adi ka hawl geli Karin SSC waayo ammaan maaaha! Inta waxyaalahaasi hir gelayeen Mudane Xaashi waxa la cadddaynayaa inuu ku mashquulsanaa siduu isaga reebi lahaa raggii ay ay isku gobolka ka yimaaaddeen oo qaarna markii danbe ugaba carareen markay arkeen sida odaygu uhurdo iyo sida Mudane Cabdullaahi udadaalayo raga waxa ka mid ahaa Dr. Xuseen Ismaciil. Waxa kaloo uu dagaal joogto ah la galay rag iyagu uga tegi waayey meesha sida Mudane Xaabsade . Waxa odaygu waraysiguu xargaga siiyey ku qiray ama radiyihii kale in Cabdullaahi Majeerteen noqday waxase la yaaab leh odaygu yuu Cabdullaahi markii hore uyaqaannay. Mase garan waayey inuu gobolladii doortay odaygu ku dagaallamo si caddaaladi ku jirto inuu usoo dhiciyo waxay xaqa ulahaayeen maadaama uu arkay inaan Cabdullaahi gobolladu usinnayn si gaaranna utabcanayo. Waxa xusid mudan laga bilaabo sannadkii 2002-kii ilaa doorashadii 2005-kii lagaga adkaaday mudane Xaashi inuu isagu Puntland Madaxweyne ka ahaa xilligaas oo Cabdullaahi usoo xusul duubtay shirkii Eldoret . Waxa la yaab leh xilligaasi waa xilligii la qabsaday degaannada SSC ee Samaliland haysato maanta marka laga reebo magaalada Laascaanood. Odaygu isagoo madaxweyne ah ciidanka ugu badanina sida la sheego kasoo jeedo SSC ayaa dhulkii laga fara maroojiyey, kaaga sii darane halkuu dib dhulka usoo dhicin lahaa wuxuu dhaqaalihii iyo ciidankiiba isu soo waydaariyey Koonfurta Soomaliya iyo Cabdullaahi Yuusuf. Haddaynu marka soo tilmaannay habkiisii hoggaameed Mudane Xaashi waxa bilowgii 2005-kii isagoon dhul iyo dad toonna gacan ku hayn lagaga adkaaday doorashadii Puntland, waxa sida uu meelo badan kaga dooday dadkalena laba qabaan (dooddiisii maalintii dhoweyd ee Xargaga.com-na ku jirtay) Maxammed Cabdi Xaashi ku dooday in doorashadii Dhulbahante riday oo uu filayey inay dhammaantood ugu ridaan isaga, intii ka leexatayna xaaraan yihiin. Odayguse wuxuu ilaaway inaan hore loogu ballamin doorashada in intii isku qabiil ahiba qof ugu riddo. Miyuuse illaaway in rag labaatan kor udhaafaya oo kasoo jeeda Bari,mudug iyo Nugaali isaga ucodeeyeen miyaanay iyagu reero ka dhalan mise iyana waa xaaraan kale! Mase ku guulaysan kari lahaa 17ka cod ee kasoo jeeda SSC keliya?. Waxa kaloo iyana la yaab leh in odaygu kudooday in lacag Cabdullaahi kusoo farraqay oo dadkii iibsaday, ogoobeey Odaygu isagaa Puntland madax ka ahaa saddexdaa sano ee lasoo dhaafay , lacagtan lagu riday (siduu sheegayona) waa lacagtuu isagu Cabdullaahi udirayaye. Waxaa la xaqiijiyey dhalinyaro xildhibaano ah oo yidhi war codka shaahnaga sii inuu yidhi waa xaaraan.codkana ma gato.Isku soo duuboo waxan oo dhammi waxay ka marag kacayaan sida odaygu uga arradnaa siyaasadda ama dammiin uga ahaa. Waxa qoraalkan igu kallifay dhegaysigaan dhegaystay waraysi uu oadaygu dhowan bixiyey oo xargaga.com soo bandhigtay lana sheegay in raadiye kale laga waraystay mana ahayn waxa laga filayey mudane Xaashi inuu ugu abaalgudo ssc intaan xilka loo dhiibay , waxa xuusid mudan in odaygu guud ahaan dadka reer SSC si qayaxan oo arradan uga caayey saxaafadda oo cid waliba dhegaysatay,marka maxaa ku kallifay inuu odaygu sidaa reerka uceebeeyo. maxaa ku kallifay in isimada uusan isagu dooran oo ah isimada ssc ugu qiimaha badan saxaafadda ka cambaareeyo? abaalkii saddexda jeer la doortay oo ssc maanta halkuu dhigay bay O SIIROO KA BILAABEEN 15 sano intuu kasii laalaaday markii danbena haadaantii ka dhacay. Odayga mas’uuliyaddiisa ayayna ahayd waxan uu dadka ku canaanayo. Cabdullaahi Yuusuf sagxad bay wax ka wada bilaabeen laba meelood oo kala geddisan oon lays barbar dhigi Karin ayay reerahoodii kaga tageen. waana asaagiis. Hadaan ka ka hadlo Aflagaadadada iyo kala qaybinta uu isimada ugaystay , waxay ila tahay isagaa kallifay inay isimmadu siyaasadda ku milmaan oo waxay kamid ahayd mas’uuliyad darradiisa hadduu xilkiisa gudanayo boosba kumay lahaadeen isimmadu siyaasada isagaa fursaddaa siiyey. Waxay ahayd isagaa siyaasadda loo doortaye inuu ka ceshado isimmada mas’uuliaydiisa siyaasadeed. Isimadii kale ee reer Puntland waxa siyaasadii ka mamnuucay raggay siyaasada umagacawdeen odayguse isagaa kaalintiisii gabay oo u’ogolaaday inay isimadu shaqadiisii la qorsheeyaan, markaa maanta xaq uma leh inuu cid kaleba ha joogtee isagii ku caayo shaqaduu isagu u’ogolaaday. Waxa kaloo odayga lagu xaman jirey xilliguu Garoowe joogay inuu aad reerka ukala qaybin jirey iyo isimadaba, maanatana isagii baa caddaynaya oo qaar caayaya qaarna amaanaya laakiin waxa layaableh kuwuu shalay ammaanayey ee gacantiisa midig ahaa ayuu manta caayayaa.
Haddaba maxaa laga dhaxlay 15-kii sannadood ee mudane Xaashi ahaa hoggaanka siyasadda ee SSC?
1. Inay Dhulkoodii waayaan.
2. In miisaankay siyaasadda Soomaaliya ku lahaayeen waayaan.
3. In midnimadii reerku lunto
4. In ay adkaato in dib loogu noqdo halkuu odaygu reerka ka hoggaan qaaday 199-kii. Gebogebo Burburkii Soomaaliya kaddib reer SSC waxay talada siyaasadda udoorteen Mudane Maxammed Cabdi Xaashi si uu ula jaanqaado marxalada cusub ee Soomaaliya gashay iyadoo weliba reerku miisaankiisa sumcadeed iyo siyaasadeed aad ugu waynaa umadda Soomaaliyeed.
15 sannadood kaddib wuxuu ka tegey iyadoon meelina reerka ufiyoobayn. Waxase wax aad loola yaabo dadka qaar ku noqotay meeshii laga filayey in odaygu dadka reer SSC cafis waydiisto wuxuu baday ama baray reerka inuu isagii cay iyo aflagaaddo iyo eed uu ugu sii daray dadku masiirkoodii lumiyey. Waxaa kaloo xusid mudan inaanay ilaa maantadan aan qoraalkan samaynayo aan lahayn cid saxda qaladaadkuu odaygu bilaabay ragii ka danbeeyeyna ay weli muuqato inay waddadii hayaan, sidiina garoowe isugu haystaan, dhulkoodiina maqan yahay. Diintu waxay ina baraysaa qofkii jideeya Sunne xun (Jid xun) cid kastoo jidkaa qaata qofkii bilaabay denbigaas wax buu ku leeyahay. Maxammed Cabdi Xaashina dhibka maanta haysta SSC isagaa bilaabay sidaa daraadeed denbiga ugu weyn isgaa leh, denbigaasina ka hadhi maayo inta wax ka saxmayaan oo la helayo qof ceebtaasi ka maydha odayga iyo reerkaba. Waxaanna kula talin lahaa haduusan iska aammusayn haka shaqeeyo wax dadka isu soo dhowaynaya odaygu. Maxamuud ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@yahoo.com xigasho boocameonline.com

No comments:

Post a Comment