Friday 23 April 2010

7 sharci oo cajiib ah

Marka aad safar ama dalxiis ku tahay wadankaaga ayaa had iyo jeer waxa aad la kulantaa arimo kaa yaabiya. Qofna si fudud uma fahmi karo shariciyada, caadooyinka iyo dhaqanka wadan leeyahay. Hadii aad damacdo in aad buugag ka akhriso ma aha arin fudud. Waxaana dhici karta in aad sharci jabiso adigoon ogayn sharciguna ku qabto.
Waxa ay shabakada budgettravel soo ururisay sharicyada cajiibka ah ee ka jira wadamada qaarkood.Hadaba sharicyda aad iska ilaalinaysid in aad jabiso marka aad u baxdo wadamada qaar ayaa ah:
SingaporeWadanka Singapore ayaa ah mid aad u ilaaliya nadaafada. Taasina wax ay sababtay in qofka aan biyo raacin marka uu adeegsado mid ka mid ah musqulaha ka dhexeeya dadka in la ganaaxo.
DenmarkWajiga ha iska qarin adiga oo adeegsanaya waxa la yiraa maska. Waxa mamnuuc ka ah in wajiga la qariyo wadanka Denmar. Hadii aad arintaas samaysana waxa ku qabanaya sharci.
ThailandHa isku dayin in aad caydo ama hadal xun ka sheekto boqorka wadanka Thailand. Hadii aad arinkaa ku kacdana waxa ku qabanaya sharci. Hana sugin in si wanaagsan laguula dhaqmo xataa hadii aad tahay dalxiis.
FinlandWadanka Finland ayaa waxa sharcigu dhigayaa in uu Taxi-laha uu lacag bixiyo hadii uu music ka dhegaysto radio-ha. Sidaa darteed ha filan in uu Taxi-lahu kuu daaro music macaan oo aad istiraah jidka ku sii mar.
PhilippinesMarka aad safar ku marayso wadanka philippines ma sahlana in aad gaadhi kiraysato. Magaalooyin badan oo ka mid ah dalka philippines ayaa waxa ka jira sharci dhigaya in aad baabuurkaaga wadi kartid maalmo xadidan oo la raacayo numberka registerka baabuurka.Hadii aad ka tagtid baabruuka oo aad wadatid mooto, oo aad xirato dacas ama sandaalar ayaa waxa ku qabanaya sharci. Una diyaar noqo ganaax.
JapanHadii aad dalxiis ama safar ku marayso wadanka Japan ayaa waxa haboon in aad ka sii taxadirtid dawooyinka aad sidato. Sababtoo ah dawlada Japan ayaan ogolayn in dawooyinka qaar lala soo galo wadanka. Waxa dhici karta in dawooyinka aad wadataa ay yihiin kuwa uu dhaqtar kuu qoray ama aad ka gadatay meelaha lagu gado dawooyinka u fiican caafimaadka. Laakin aan ka mamnuuc ah wadankaas. Tusaale ahaa qaar ka mid ah dawooyinka hargabka iyo kuwa caloosha lagu socodsiiyo.
CanadaKu adeegashada lacagta shilimaadka ayaa ah mid si caadi ah loogu adeegto wadanka kanada. Waanad ku adeegan kartaa shilimaadka hadii aanad ka badbadin. Wadankaas ayaa waxa ka jira sharci mamnuucaya in uu qofku adeegsado in ka badan 25 taano ( pennies) markiiba.
xigasho ladaneey.com

No comments:

Post a Comment