Faysal oo magaalo ku weynaadey ayaa markuu 17 sano jirey u caano doontay miyiga oo uu degenaa adeerkii Jaamac. Wuxuu galay nolol ku cusub oo xitaa saacadihii iyo magacyadii maalmaha ayaa ka lumay ilaa uu garan waayey inta maalmood ee uga dhiman fasaxii iskuulka. Maalmo badan oo adag ayaa soo maray Faysal, maalintii ugu darnayd waxay ahayd markii maqrib xoolihii la tiriyey oo laga waayey orgi yaraa oo Faysal si gaar ah xoolaha uga jeclaa. Faysal ayaa dhankii xooluhu galabta ka soo carraabeen u yara dhaqaaqay si uu u eego bal orgigii inuu meel dhaw ku haray. Xoogaa hadduu maqnaa wuxuu arkay orgigii oo dawaco cunaha ku dheggan tahay laakiin weli nool oo lugaha hadba tuutuuraya.
Faysal intii uu miyiga joogay waxyaabaha uu kororsaday waxaa ka mid ahaa magacyada xoogaa geedo ah iyo dhawr bahal oo ay dawacadu ka mid tahay. Ha yeeshee xaaladda adag ee ku soo baxday si loo furdaamiyo waa garan waayey oo wuxuu is yiri bal dadkii u war gee. Si deg deg ah ayuu isu rogay oo aqalkii abbaaray markuu soo dhawaaday ayuu isagoo socodkii gaabiyey xerada ka soo laabtay. Adeerkii Jaamac oo Ardaaga fadhiya ayaa yiri “Faysal, orgigii ma soo aragtay?” “Haa!” ayuu ku jawaabay Faysal isagoo neef tuuraya. “Xaggee ku aragtay?” ayuu weydiiyey Jaamac “Dawacaa haysa” ayuu yiri Faysal. Jaamac oo mooday inuu wiilku iska kaftamayo ayaa yiri “oo yay u haysaa?” “Iyadaa haysa…, geedahaas dhexdooda ayey la jiiftaa laakiin weli wuu noolaa” ayaa faysal yiri.
Jaamac oo fahmay ujeedada wiilka ayaa degdeg ugu dhaqaaqay meeshii wiilku tilmaamay, nasiib wanaag orgigii nolol ayaa lagu gaaray oo habeenkii ayaa reerka loo qalay.
Intii la cashaynayey ayuu Jaamac dib u xasuustay hadaladii Faysal markaasuu yiri “Faysaloow, adeer maxaa u dhexeeya way haysaa iyo way haysataa?” Faysal wuxuu ku jawaabay “Adeer waa isku mid”. Odaygii wuxuu bilaabay inuu u micneeyo wiilka kala duwanaanshaha labadaas weerood waxaana ka mid ahaa hadalkiisii “Orgiga adeer haddii reero deris ah xoolahooda uu naga raaci lahaa waxaan oran lahayn ‘iyagaa haya’ oo mar dambaa laga dooni lahaa, laakiin dawacadu waxay qabsato ‘way haysataa’ oo hadhow lagama dooni karo. Bahaladu wixii ay qabsadaan waxaa la yiraahdaa ‘way haystaan’.”
“Dadku wixii ay hayaan si tartiib ah ayaa loo weydiiyaa markii loo baahdo in laga soo qaado. Laakiin bahaladu wixii ay haystaan waa laga ridaa, waa lagu qayliyaa, waa la cayriyaa sii looga soo dhigo”.
“Dadku markay amaanada soo celiyaan tartiib ayey isaga tagaan, laakiin bahalaha markii wax laga dhigo waxaa laga yaabaa inay habeenkii oo dhan meel reerka u dhaw ku meeraystaan oo ka ciyaan, iyagoo isku deyaya inay mar cadkii macaanaa dib u qabsadaan”.
Faysal hilibkii orgiga waxaa uga macaanaa ereyada ku duxay maskaxdiisa ee adeerkii sida xilkasnimada ah ugu bayaamiyey. Toddoobaad ka dib ayuu ku noqday magaaladii isagoo wax badan ka korosaday maalmihii uu joogay miyiga.
Galab uu Faysal u shaah doontay makhaayad ku taalley xaafaddiisa ayuu sheeko la wadaagay dhawr dhallinyaro ah oo ‘ciyaal xaafadda’ ah oo ka sheekaysanaya xaaladda waddanka. Waxaa la soo qaadqaaday jagooyin dhawaan la magacaabay oo maalmahaas idaacadaha laga sheegayey. Keyse ayaa hadalka qabsaday oo yiri “aniga adeerkay wuxuu haystaa wasaaradda caafimaadka, waa nin wax yaqaan oo karti badan, isagoo yar ayuu bilaabay shaqada dawladda markaasuu markiiba qabsaday qaybta caafimaadka ee ciidamada booliska ilaa laba sano markuu haystay ayaa laga eexday oo laga qaaday. Laakiin hadda waa laga maarmi waayey oo waa kaas…”
Axmed ayaa hadalkii ka soo dhex galay oo yiri “Wallaahi anigu maalmahaan lama socon siyaasadaha ee horta yaa haysta wasaaradda waxbarashada? Muuse ayaa ku jawaabay in wasiir cusub hadda la magacaabay oo kii haysan jirey laga qaaday. Wuxuu Muuse raaciyey “annagu haddaan nahay reer Tidcane markii hore waxaan haysan jirney arrimaha gudaha laakiin hadda waxba ma haysano, wallee dawladdaani mid sii socon doonta iilama muuqato”.
Faysal oo siduu miyaga uga soo noqdayba bilaabay inuu hadalkiisa ka fiirsado ayaa ku fekerayey “wasaaraduhu sow maaha wax la wada leeyahay? Dadkani ma bahalaa? Sidee u qabsadeen wax loo dhan yahay? Miyaaney habboonayn in layiraahdo wuu hayaa, wuu hayey, wuu qabtay si loo muujiyo in jagooyinku yihiin adeeg la wadaago oo aan qof gaar ah iyo beel gaar ahi qabsan karin?
Haddana wuxu isku qanciyey in mar haddii qofkii jago loo dhiibaaba uu siduu doono u gelayo la oran karo wuu haystaa. Sidii bahalkii. Waxaaba intaa ka sii daran qofkii jago laga qaadayo iska keen si fudud looma yiraahdo, ee waa in qaylo ka yeertaa. Markii laga ridana waa inuu idaacdaha ka hadlaa oo wanaagii uu ummadda u qaban lahaa iyo sida looga hor joogsadey iyo dhibaatada ummadda ku soo socota ka sheekeeyaa.
Faysal wuxuu habeenkii ku seexday isagoo is leh mar ku noqo miyigii iyo adeer Jaamac oo soo weydii noocyada bahalaha bal in dadka qaarkii lagu dari karo!
Akhristow sheekadani waa muuqaal bulshadeena dhex yaal oo muujinaya in isticmaalka ereyga wanaagsani qayb ka qaadan karo sixitaanka fahamka bulshada. Xilka iyo jagooyinku waa culays qofkii waxgarad ahi ka cararo, waa wax inta gardarro lagu haysto macaan laakiin markii la iska qaado gadaal ka kharaaraada.
source: waryatv.com
Adiguna ka dhiibo rayigaaga qiimaha luqada iyo qaybta wayn ee ay ka qaadato guud ahaan bulshada iyo gaar ahaan qofka shaqsiayan!
No comments:
Post a Comment