Sunday 18 April 2010

Dadka Gobolka Cayn Waa Dad Nool Oo Nasab Ah

LASANOD ONLINE:- Banaan baxyadii ama mudaaharaadkii ballaaadhnaa ee dhowaan ka dhacay gobolka cayn, gaar ahaan magaalo madaxda Buuhoodle waxay ahaayeen kuwo cajiib ah oo aan caadi ahayn.
Shacab yahow deggan magaalooyinka Buuhoodle, Widhwidh iyo Hurufadhi waxaad muujiseen wadaninimo dhab ah iyo geesinimo iyo kalsooni buuxda aad isku kalsoon tihiin.Waxaad mutaysateen, bogaadin,hambalyo iyo mahad celin badan.
Dad-weynaha reer Sool, Sanaag iyo Cayn - SSC- ee ku nool dalka gudihiisa iyo kuwa ku nool dalalka qurbaha dhammaan aad iyo aad bay ugu bogeen, uguna farxeen, una jeclaysteen abaabulkii iyo dadaalkii iyo waxqabadkii ay muujiseen dadkiina ku nool gobolka Cayn. Sida runta ah, wax qabadkiinii wuxuu raad ku reebay umadda reer SSC wuxuuna abuuray qiiro iyo shucuur wadani ah.
Haddaad tihiin dadka deggan gobolka Cayn waxaad muujiseen inaad diyaar iyo heegan u tihiin sidii loo xaqiijin lahaa in la gaadho waxa shacabka SSC higsanayo oo ah midnimo, xornimo, isu-talin, nabad, horumar iyo soo celinta xuquuqdoodii lagu tuntay iyo magacii, xushmayntii, tixgelintii iyo maamuuskii uu lahaan jiray dadaka u dhashay deegaanka SSC.
Maxaa idinkoo madax ahaan jiray maanta manjo idinka dhigay? Maxaa idinkoo magaciinu yahay Dhulbahante hadda idinka dhigay dhul mahante? Maxaa idinkoo miisaan weyn lahaa masaakiin idinka dhigay? Maxaa idinkoo aad ladydiinka haybaysan jiray maanta laydiin ku soo ordaa? Sidee idinkoo talin jiray maanta laydiinku taliyaa? Maxaa kuwii idiinku liitay madax idiinka dhigay? Maxaa wax kastaad abaabushaan wax la’aan ka dhigay? Maxaa dadkiinii damiirka lahaa damiir la’aan ka dhigay?Shacabka deggan Sool iyo Sanaag ha ku daydeen dadaka reer Cayn oo ha mujiyeen dareenkooda iyo shucuurtooda. Maxaad la maahsantiin? Maxaa idinka dhigay maqanayaal joogayaal? Allahayow agtaada nagasii nabad iyo naxariis. Allahayow dadkan dhawaaqaya, dhulkooda doonaya, hadday u dhiidhiyeen Allahayow u dhiib.
Moxamed Cali DaadMohameddad@hotmail.com

No comments:

Post a Comment