Sheekadani waxa ay ka hadlaysaa waxa ay soomaalidu ugu yeedho cirwaynida (dhuuniga ama hungri waynida).
Beribaa waxaa jiray nin hunguri waynaa, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa uu la kulmay islaan dhimatay oo la aasayo. Dadkii markay xabaashii dhammeeyeen, islaantiina la aasay ayaa loo duceeyey.Dadkiina waxay u markhaati fureen in marxuumadu qof wacan ahayd. Dadkiina cafis u wada hibeeyeen.
Markaas ayaa ninkii xusuustay in sab ama duco loo samayn doono marxuumada. Si hadaba marxuumadu u noqoto mid dadkoo dhani jeclaa ayaa waxa uu isku da’yay in uu arinkaa ka faa’iidaysto. Asaga oo isku dayayana waxa uu yiri, ”‘waa hadii xanku u raaco”. Taas oo uu u uga jeeday waa in sab loo sameeyaa, marka la cuno sabteedana ayaa marxuumadu noqonaysaa mid ku sifaysan waxa laga sheegayay. Hore ayay soomaali u tiri “Nin meeli u cadahay meeli kamadaw”, waxa uu ilbaabay in uu kor joogay xabaal. Dadkiina way ka ag dareereen.
Sheekadani kalena waxa ay ka hadlaysaa damaca.
Beribaa boqor ka talin jiray degaan markii uu muddo xukumayay halkaasi ayaa waxaa martiqaaday boqor kale in uu muddo bil ah uu la joogo.
Boqorka baxaya ee la martiqaaday waxa uu lahaa dabaakh aad u yaqaan sida cuntada loo kariyo. Dabaajkha ayaa karin jiray hilib aad u macaan oo uu duhurkii u keeni jiray. Cadkaas ayaa ahaa mid si aad ah loo soo farsameyn jiray, qofkii dhadhamiyaana uu ka sheekeenayo muddo.
Boqorkii waxa uu ka fekeray waxa uu ka yeelayo cadkaas macaan. Waxa uuna go’aansaday in uu salddanada uga sii tagto walaalkiis. Markii uu ku wareejiyay taladii boqortooyada iyo maamulkeeda ayaa waxa uu la dardaarmay ninkii dabaakha ahaa.Waxa uuna yiri, “Cadkaad ee keeni jirtay uma keeni kartid walaalkeey, ee mudada bisha ah ee aan maqanahay cadkaas waxaad siineysaa eygeyga”.
Amarkii ayuu qaatay dabaakhii, cadkiina maalin walba oo uu kariyana waxa uu hoosta ka dhigaa eygeyga oo isagu si aad ah u macaansaday.
Boqorkii markii uu soo dhameystay siyaaradiisii uu ugu maqnaa boqorka kale ayuu dib ugu soo laabtay deegaankiisii. Markiiba wuxuu kala wareegay xilkii walaalkii oo si ku meel gaar ah ugu sii hayay.
Cunta kariyihii markii uu damcay in uu cadkii macaanaa u geeyo boqorka, ayaa waxaa is hortaagay eygii oo yiri, “Wallee ima dhaafo cadkaan”,
Intuu dib u laabtay oo cadkii meel dhigay ayuu boqorkii u tagay.Waxaana la waydiiyay dabaakhii, “Aaway cadkii?”,Markaasaa waxa uu yiri “Aniga oo doonayo in aan kuusoo qaado ayuu eygii iskey hortaagay oo meel aan uga dhaqaaqo waayay”
Markaasaa waxa lagu yiri “ku laabo ee cadka ii keen”Sidii ayuu yeelay. Hase yeeshee, haddana waxaa is hortaagay eygii oo isagu markaanba bilaabay in uu dabaakhii ku dilo ama kula dagaalamo hilibkii.
Markiiba dabaakhii dib ayuu ugu soo laabtay boqorkii, wuxuuna ku yiri “Waxaa weli ihortaagan eygii”.Boqorkii waxa uu yiri oo ma dhici kartee. Boqorkii intuu dib u galay qasrigii ayuu waxa uu soo qaatay bistoolad, farta ayuu ka saaray dabaakhii. Waxa uuna ku yiri “Markaan haddii uu iskaa hortaago, bistooladaan madaxa ku jabi!”.
Markii uu damcay in uu soo qaado cadkii ayaa sidoo kale eygii is hortaagay, markaas ayuu eygii yiri “Wallee cadkaan ima dhaafo maanta”. Dabaakhii isagoo fulinayo amarkii boqorka ayuu bistooladii la soo baxay, eygiina madaxa jabiyay, halkiina uu ku dhintay. Si halhaleel ah ayuu dabaakhiii cadkii ugu keenay boqorki.
Boqorkiina waxa uu ku yiri dabaakhii “Haddi aan ku dhihi lahaa cadkaan ha la sii siiyo walaalkay, sida eyga oo kale ayuu cadka ugu dhegi lahaa oo lagama fujiyeen, isagana halkii uu maray eygu ayuu mari lahaa”.
xidasho websiteka ladaneey.com
No comments:
Post a Comment