xaguu dhigay ssc mudane maxamed cabdi xaashi qormo kusalaysan taariikhdii USP iyo ina cabdi xaashi
Waxaan ka afeefanayaa qoraalkani waxa keliya ee aan ku iftiiminayaa Mudane Mxammed cabdi Xaashi iyo kaalintiisa hoggaamineed ka siyaasi ahaan. Isagoo odaygu iga mudan yahay sharaf iyo qaddarin.
BURBURKII DAWLADII DHEXE Ka gadaal burburkii ku dhacay qarankii Soomaaliyeed bilowgii sannadkii 1991 waxa bilaabantay xadhig- jiidad siyaasadeed oo ka dhexdhashay umaddii Soomaaliyeed qabiilkuna wuxuu noqday jaranjarada lagu fuulayo sidii reer waliba isaga dhex arki lahaa bilowga qaran Soomaaliyeed oo la hilaadinayey inuu dhalan doono.
MAXAA BILWDAY?Waxa si degdeg ah reer waliba u unkay urur metela qabiilkooda. Dabayaaqadii 1991/bilowgii 1992 waxa magaaalada Nairobi isugu yimid rag dooora oo miisaan ku lahaa SSC waxayna go’aansadeen inay samaystaan urur uga qayb gala tartanka xadhig jiidka Soomaaliya, iyagoo ka waayo aragnimo qaadanayaa shir sannadkii 1991;kii ka dhacay Jabuuti ,kaasoo loo ogolaa oo keliya wixii watay magac urur/jabhadeed,.reer ssc na aanay ka dhex muuqan shirarkaasi.
SSC IYO HARTIGA WAQOOYIGA Waxa reeraha Warsangeli iyo Dhulbahante go’aansadeen inay boodhka ka jafaan ururkii gobonnimo doonka ee USP waxa hoggaamiye loogu doortay Mudane Maxammed Cabdi Xaashi guddoomiye xigeenna Mudane Cashare. Haddaba waxa markiiba ka biyo diiday doorashada Mudane Xaashi rag ruug caddaa ahaa oo iyagu qayb weyn ka ahaa abaabulka shirkaasi. Ragaasi oo ka soo jeeday SSC oo ay ka mid ahaayeen Alla haw naxariistee Danjire Xaashi Cabdalle, Eng. Maxammed Ciise Cabdi (Xiirane) iyo Cali Maxammed Faarax iyo rag kale, Raggaasi waxay ku doodayeen in Mudane Xaashi uu siyaasadda dammiin ku yahay , inaanu ciddii wax kudhaanta wax ka dhegaysan iyo inaanu dad wad lahayn ,inuu san garan ka rain waxa soo socda,sidaasi daraadeed uu haadaan inaga tuurayo. Waxaa odaydaa gaashaanka udaruuray niman markaa ahaa dhallinyaro aqoonyahanno ah (Haddase noqday dhallinyaro cuslaatay) inkastoo ay ku jireen odayo laftigoodu ruug caddaa ahaa,dhalinyaradaas waxaa ka mid ahaayeen Eng. Maxammed Xassan Xaaji, Dillaal Xassan Xaad, Dr. Dhega-weyne Gamaddiid, Eng. Nuur Gaas Fu'ad Xuseen Sadaad iyo rag kale. Maanta ayay muuqataa odayadaasi waxay ka hadlayeen.Odaygase (Maxammed Xaashi) waxa shakigii ugu horreeyey laga muuujiyey kaddib markuu dhawr shir oo hoggaamiyeyaasha Soomaalida lagu macsuumay keligii ka dhex muuqday isagoon wadan wax ergooyin ah oo la socda xitaa xoghayntiisa ayaan u warhayn jirin meeshuu aaday wuxuu u aaday iyo wuxuu la aaday, halka hoggaamiye kastaa la tegayey shirarkaa tiro ergooyin aqoonyahano ah oo kala taliya waxyaalaha shirarkaa lagu falanqaynayo. Shirarkaasi waxa lagu qabtay qaar Addis-Ababa, Tripoli, Qaahira iyo Xarunta UN-ta ee Nairobi. Haddaan ku dhaafo intaasi hordhac ahaan, iyadoo weli laga yaaban yahay odayga fahamkiisa siyaasadeed iyo kartidiisa hoggmineed ayaa badhtamihii sagaashameeyada shir beeleed lagu qabtay magaalada Boocame (Boocame II). shirkaasi waxa haddana lagu doortay Mudane Xaashi inuu reerka xagga siyaasadda hogaan ugu noqdo iyagoo sidoo kale dad badani laahaaayeen shirkii USP baa afduubtay haddana odayga waa loogu faataxeeyey, (Xusuusnoow muddo lix sano ah Maxammed ayaa hoggaaanka siyaasadda reer ka gadhwadeen ah marka laga reebo dhawr bilood oo golihii khusuusida Boocame ee burburay Laascaaanood ku magacawnaayeen).Waliba waxay ahayd arintaasi arin loogu hiiliyey marka loo eego ragii kale oo fikirka kale watay. Waxaan usoo gudbayaa 1998 iyo assaaskii Puntland , Aasaaskii Puntland waxa lafdhabar u ahaa labada urur ee SSDF iyo USP iyo dadkii kunoolaa degaannadooda waxaana lagu heshiiyey inta dawlad Soomaaliyeed laga helayo in la samaysto maamul lagaga gudbo caqbadaha taagan. Waxa madaaxweyne loo doortay Mudane Cabdullaahi Yuusuf iyo Mudane Maxammed Cabdi Xaashi oo kuxigeen noqday. Waa markii saddexaaad ee reer SSC ay siyaasadda udoortaaan Mudane Xaashi iyadoo weli aan lahayn wax horumar siyaasadeed ah oo uu reerka kusoo kordhiyey. waliba ragii ololaynayayna waa taariikh waa la ogyahay markaan sii eego raggii doortay xaashi.Haddaba waxaan dib u’eegaynaa muxuu kusoo celiyey odaygu dadkii doortay? . Waxa dad badaani qirayaan in mudadii odaygu ahaa hoggaanka siyaaasadda in miisankii siyaasaadda ee reerku dhacay xagga Maamul goboleedka Puntland iyo xaggga Soomaaliya guud ahaanba. Waxa loo nisbaynayaa ama isba uu waraysigiisa Xargaga.com ku qirayaa in Cabdullaahi Yuusuf Puntland awooddeedii bilowgiiba ku tagrifalay oo si khaas ah iyo si reer ahba u isticmaaalay isagoo fulinaya danaha reerkii uukasoo baxay iyo gobolladuu ka yimid, Mudane Xaashina isha ka daawanayey, oo intaas uusan ka hadli karaynin,waxa markii danbe caddaatay inay dhawr arrimood sharci ka noqdeen Puntland muddo yar gudaheed. · In wixii manfac kasoo gala xagga badaha hadday tahay xagga khayraadka badda iyo hadday tahay kirada laga qaado shirkadaha ka kalluumaystaba aan reer SSC waxba ku lahayn. ·kama hadli jirine ogoow arinaas, In Mucaaawinooyinka caalamka laga helo aanay SSC waxba ku lahayn. · In baarlamaaanka iyo wasiirada 75% ka yimaaddaan Mudug, Bari iyo Nugaal, In haddii ciidan loo baaahdo laga raadiyo SSC lagu fulinayay, In maamulada degmooyinka aan laga hirgelin gobollada SSC waayo waa laysku laynayaa! ·xitaa laas caanood hal maalin ayuu tagay waa taariikh. In aanay hay’adi ka hawl geli Karin SSC waayo ammaan maaaha! Inta waxyaalahaasi hir gelayeen Mudane Xaashi waxa la cadddaynayaa inuu ku mashquulsanaa siduu isaga reebi lahaa raggii ay ay isku gobolka ka yimaaaddeen oo qaarna markii danbe ugaba carareen markay arkeen sida odaygu uhurdo iyo sida Mudane Cabdullaahi udadaalayo raga waxa ka mid ahaa Dr. Xuseen Ismaciil. Waxa kaloo uu dagaal joogto ah la galay rag iyagu uga tegi waayey meesha sida Mudane Xaabsade . Waxa odaygu waraysiguu xargaga siiyey ku qiray ama radiyihii kale in Cabdullaahi Majeerteen noqday waxase la yaaab leh odaygu yuu Cabdullaahi markii hore uyaqaannay. Mase garan waayey inuu gobolladii doortay odaygu ku dagaallamo si caddaaladi ku jirto inuu usoo dhiciyo waxay xaqa ulahaayeen maadaama uu arkay inaan Cabdullaahi gobolladu usinnayn si gaaranna utabcanayo. Waxa xusid mudan laga bilaabo sannadkii 2002-kii ilaa doorashadii 2005-kii lagaga adkaaday mudane Xaashi inuu isagu Puntland Madaxweyne ka ahaa xilligaas oo Cabdullaahi usoo xusul duubtay shirkii Eldoret . Waxa la yaab leh xilligaasi waa xilligii la qabsaday degaannada SSC ee Samaliland haysato maanta marka laga reebo magaalada Laascaanood. Odaygu isagoo madaxweyne ah ciidanka ugu badanina sida la sheego kasoo jeedo SSC ayaa dhulkii laga fara maroojiyey, kaaga sii darane halkuu dib dhulka usoo dhicin lahaa wuxuu dhaqaalihii iyo ciidankiiba isu soo waydaariyey Koonfurta Soomaliya iyo Cabdullaahi Yuusuf. Haddaynu marka soo tilmaannay habkiisii hoggaameed Mudane Xaashi waxa bilowgii 2005-kii isagoon dhul iyo dad toonna gacan ku hayn lagaga adkaaday doorashadii Puntland, waxa sida uu meelo badan kaga dooday dadkalena laba qabaan (dooddiisii maalintii dhoweyd ee Xargaga.com-na ku jirtay) Maxammed Cabdi Xaashi ku dooday in doorashadii Dhulbahante riday oo uu filayey inay dhammaantood ugu ridaan isaga, intii ka leexatayna xaaraan yihiin. Odayguse wuxuu ilaaway inaan hore loogu ballamin doorashada in intii isku qabiil ahiba qof ugu riddo. Miyuuse illaaway in rag labaatan kor udhaafaya oo kasoo jeeda Bari,mudug iyo Nugaali isaga ucodeeyeen miyaanay iyagu reero ka dhalan mise iyana waa xaaraan kale! Mase ku guulaysan kari lahaa 17ka cod ee kasoo jeeda SSC keliya?. Waxa kaloo iyana la yaab leh in odaygu kudooday in lacag Cabdullaahi kusoo farraqay oo dadkii iibsaday, ogoobeey Odaygu isagaa Puntland madax ka ahaa saddexdaa sano ee lasoo dhaafay , lacagtan lagu riday (siduu sheegayona) waa lacagtuu isagu Cabdullaahi udirayaye. Waxaa la xaqiijiyey dhalinyaro xildhibaano ah oo yidhi war codka shaahnaga sii inuu yidhi waa xaaraan.codkana ma gato.Isku soo duuboo waxan oo dhammi waxay ka marag kacayaan sida odaygu uga arradnaa siyaasadda ama dammiin uga ahaa. Waxa qoraalkan igu kallifay dhegaysigaan dhegaystay waraysi uu oadaygu dhowan bixiyey oo xargaga.com soo bandhigtay lana sheegay in raadiye kale laga waraystay mana ahayn waxa laga filayey mudane Xaashi inuu ugu abaalgudo ssc intaan xilka loo dhiibay , waxa xuusid mudan in odaygu guud ahaan dadka reer SSC si qayaxan oo arradan uga caayey saxaafadda oo cid waliba dhegaysatay,marka maxaa ku kallifay inuu odaygu sidaa reerka uceebeeyo. maxaa ku kallifay in isimada uusan isagu dooran oo ah isimada ssc ugu qiimaha badan saxaafadda ka cambaareeyo? abaalkii saddexda jeer la doortay oo ssc maanta halkuu dhigay bay O SIIROO KA BILAABEEN 15 sano intuu kasii laalaaday markii danbena haadaantii ka dhacay. Odayga mas’uuliyaddiisa ayayna ahayd waxan uu dadka ku canaanayo. Cabdullaahi Yuusuf sagxad bay wax ka wada bilaabeen laba meelood oo kala geddisan oon lays barbar dhigi Karin ayay reerahoodii kaga tageen. waana asaagiis. Hadaan ka ka hadlo Aflagaadadada iyo kala qaybinta uu isimada ugaystay , waxay ila tahay isagaa kallifay inay isimmadu siyaasadda ku milmaan oo waxay kamid ahayd mas’uuliyad darradiisa hadduu xilkiisa gudanayo boosba kumay lahaadeen isimmadu siyaasada isagaa fursaddaa siiyey. Waxay ahayd isagaa siyaasadda loo doortaye inuu ka ceshado isimmada mas’uuliaydiisa siyaasadeed. Isimadii kale ee reer Puntland waxa siyaasadii ka mamnuucay raggay siyaasada umagacawdeen odayguse isagaa kaalintiisii gabay oo u’ogolaaday inay isimadu shaqadiisii la qorsheeyaan, markaa maanta xaq uma leh inuu cid kaleba ha joogtee isagii ku caayo shaqaduu isagu u’ogolaaday. Waxa kaloo odayga lagu xaman jirey xilliguu Garoowe joogay inuu aad reerka ukala qaybin jirey iyo isimadaba, maanatana isagii baa caddaynaya oo qaar caayaya qaarna amaanaya laakiin waxa layaableh kuwuu shalay ammaanayey ee gacantiisa midig ahaa ayuu manta caayayaa.
Haddaba maxaa laga dhaxlay 15-kii sannadood ee mudane Xaashi ahaa hoggaanka siyasadda ee SSC?
1. Inay Dhulkoodii waayaan.
2. In miisaankay siyaasadda Soomaaliya ku lahaayeen waayaan.
3. In midnimadii reerku lunto
4. In ay adkaato in dib loogu noqdo halkuu odaygu reerka ka hoggaan qaaday 199-kii. Gebogebo Burburkii Soomaaliya kaddib reer SSC waxay talada siyaasadda udoorteen Mudane Maxammed Cabdi Xaashi si uu ula jaanqaado marxalada cusub ee Soomaaliya gashay iyadoo weliba reerku miisaankiisa sumcadeed iyo siyaasadeed aad ugu waynaa umadda Soomaaliyeed.
15 sannadood kaddib wuxuu ka tegey iyadoon meelina reerka ufiyoobayn. Waxase wax aad loola yaabo dadka qaar ku noqotay meeshii laga filayey in odaygu dadka reer SSC cafis waydiisto wuxuu baday ama baray reerka inuu isagii cay iyo aflagaaddo iyo eed uu ugu sii daray dadku masiirkoodii lumiyey. Waxaa kaloo xusid mudan inaanay ilaa maantadan aan qoraalkan samaynayo aan lahayn cid saxda qaladaadkuu odaygu bilaabay ragii ka danbeeyeyna ay weli muuqato inay waddadii hayaan, sidiina garoowe isugu haystaan, dhulkoodiina maqan yahay. Diintu waxay ina baraysaa qofkii jideeya Sunne xun (Jid xun) cid kastoo jidkaa qaata qofkii bilaabay denbigaas wax buu ku leeyahay. Maxammed Cabdi Xaashina dhibka maanta haysta SSC isagaa bilaabay sidaa daraadeed denbiga ugu weyn isgaa leh, denbigaasina ka hadhi maayo inta wax ka saxmayaan oo la helayo qof ceebtaasi ka maydha odayga iyo reerkaba. Waxaanna kula talin lahaa haduusan iska aammusayn haka shaqeeyo wax dadka isu soo dhowaynaya odaygu. Maxamuud ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@yahoo.com xigasho boocameonline.com
muuse qaanuun waa khabiir soomaaliyeed oo ku takhasusay qawaaniinta iyo sharciyada aduunka iyo tan islaamka haystana darajada masterka gaar ahaan qaybta ( public law),waana maamulaha xarunta cilmibaadhista ee raaid(horseed), kala soo xiriir:(alcabaas8@hotmail.com), wixii qoraalana ugu soo dir
Friday, 30 April 2010
Thursday, 29 April 2010
jaaliyada ssc ee denmark halka lagala xidhiidho
Jidbaale.com):-Waxaa dhamaan jaaliyada SSC ee wadanka Denmark la ogaysiinayaa in uu dhici doono maalinta axada ee taariikhdu tahay 02.05.10 shir , shirkaas oo looga arinsan doono arimo badan oo khuseeya danaha jaaliyada dal iyo dibadba .
Waxa u shirku ka dhacayaa Hoolka shirarka ee xaafada Miyoollaparken ee magalada Copenhagen. Waxaa laga codsanayaa dhamaan dadka deeganka SSC inay ka soo qayb galaan shirkan muhiimada wayn leh.Wixii faahfaahim intaa ka badan kala xiriir qabanqaabiyaha shirka oo ah Xamse Xasan Tel.31872505

Tuesday, 27 April 2010
bahal magaalo
Faysal oo magaalo ku weynaadey ayaa markuu 17 sano jirey u caano doontay miyiga oo uu degenaa adeerkii Jaamac. Wuxuu galay nolol ku cusub oo xitaa saacadihii iyo magacyadii maalmaha ayaa ka lumay ilaa uu garan waayey inta maalmood ee uga dhiman fasaxii iskuulka. Maalmo badan oo adag ayaa soo maray Faysal, maalintii ugu darnayd waxay ahayd markii maqrib xoolihii la tiriyey oo laga waayey orgi yaraa oo Faysal si gaar ah xoolaha uga jeclaa. Faysal ayaa dhankii xooluhu galabta ka soo carraabeen u yara dhaqaaqay si uu u eego bal orgigii inuu meel dhaw ku haray. Xoogaa hadduu maqnaa wuxuu arkay orgigii oo dawaco cunaha ku dheggan tahay laakiin weli nool oo lugaha hadba tuutuuraya.
Faysal intii uu miyiga joogay waxyaabaha uu kororsaday waxaa ka mid ahaa magacyada xoogaa geedo ah iyo dhawr bahal oo ay dawacadu ka mid tahay. Ha yeeshee xaaladda adag ee ku soo baxday si loo furdaamiyo waa garan waayey oo wuxuu is yiri bal dadkii u war gee. Si deg deg ah ayuu isu rogay oo aqalkii abbaaray markuu soo dhawaaday ayuu isagoo socodkii gaabiyey xerada ka soo laabtay. Adeerkii Jaamac oo Ardaaga fadhiya ayaa yiri “Faysal, orgigii ma soo aragtay?” “Haa!” ayuu ku jawaabay Faysal isagoo neef tuuraya. “Xaggee ku aragtay?” ayuu weydiiyey Jaamac “Dawacaa haysa” ayuu yiri Faysal. Jaamac oo mooday inuu wiilku iska kaftamayo ayaa yiri “oo yay u haysaa?” “Iyadaa haysa…, geedahaas dhexdooda ayey la jiiftaa laakiin weli wuu noolaa” ayaa faysal yiri.
Jaamac oo fahmay ujeedada wiilka ayaa degdeg ugu dhaqaaqay meeshii wiilku tilmaamay, nasiib wanaag orgigii nolol ayaa lagu gaaray oo habeenkii ayaa reerka loo qalay.
Intii la cashaynayey ayuu Jaamac dib u xasuustay hadaladii Faysal markaasuu yiri “Faysaloow, adeer maxaa u dhexeeya way haysaa iyo way haysataa?” Faysal wuxuu ku jawaabay “Adeer waa isku mid”. Odaygii wuxuu bilaabay inuu u micneeyo wiilka kala duwanaanshaha labadaas weerood waxaana ka mid ahaa hadalkiisii “Orgiga adeer haddii reero deris ah xoolahooda uu naga raaci lahaa waxaan oran lahayn ‘iyagaa haya’ oo mar dambaa laga dooni lahaa, laakiin dawacadu waxay qabsato ‘way haysataa’ oo hadhow lagama dooni karo. Bahaladu wixii ay qabsadaan waxaa la yiraahdaa ‘way haystaan’.”
“Dadku wixii ay hayaan si tartiib ah ayaa loo weydiiyaa markii loo baahdo in laga soo qaado. Laakiin bahaladu wixii ay haystaan waa laga ridaa, waa lagu qayliyaa, waa la cayriyaa sii looga soo dhigo”.
“Dadku markay amaanada soo celiyaan tartiib ayey isaga tagaan, laakiin bahalaha markii wax laga dhigo waxaa laga yaabaa inay habeenkii oo dhan meel reerka u dhaw ku meeraystaan oo ka ciyaan, iyagoo isku deyaya inay mar cadkii macaanaa dib u qabsadaan”.
Faysal hilibkii orgiga waxaa uga macaanaa ereyada ku duxay maskaxdiisa ee adeerkii sida xilkasnimada ah ugu bayaamiyey. Toddoobaad ka dib ayuu ku noqday magaaladii isagoo wax badan ka korosaday maalmihii uu joogay miyiga.
Galab uu Faysal u shaah doontay makhaayad ku taalley xaafaddiisa ayuu sheeko la wadaagay dhawr dhallinyaro ah oo ‘ciyaal xaafadda’ ah oo ka sheekaysanaya xaaladda waddanka. Waxaa la soo qaadqaaday jagooyin dhawaan la magacaabay oo maalmahaas idaacadaha laga sheegayey. Keyse ayaa hadalka qabsaday oo yiri “aniga adeerkay wuxuu haystaa wasaaradda caafimaadka, waa nin wax yaqaan oo karti badan, isagoo yar ayuu bilaabay shaqada dawladda markaasuu markiiba qabsaday qaybta caafimaadka ee ciidamada booliska ilaa laba sano markuu haystay ayaa laga eexday oo laga qaaday. Laakiin hadda waa laga maarmi waayey oo waa kaas…”
Axmed ayaa hadalkii ka soo dhex galay oo yiri “Wallaahi anigu maalmahaan lama socon siyaasadaha ee horta yaa haysta wasaaradda waxbarashada? Muuse ayaa ku jawaabay in wasiir cusub hadda la magacaabay oo kii haysan jirey laga qaaday. Wuxuu Muuse raaciyey “annagu haddaan nahay reer Tidcane markii hore waxaan haysan jirney arrimaha gudaha laakiin hadda waxba ma haysano, wallee dawladdaani mid sii socon doonta iilama muuqato”.
Faysal oo siduu miyaga uga soo noqdayba bilaabay inuu hadalkiisa ka fiirsado ayaa ku fekerayey “wasaaraduhu sow maaha wax la wada leeyahay? Dadkani ma bahalaa? Sidee u qabsadeen wax loo dhan yahay? Miyaaney habboonayn in layiraahdo wuu hayaa, wuu hayey, wuu qabtay si loo muujiyo in jagooyinku yihiin adeeg la wadaago oo aan qof gaar ah iyo beel gaar ahi qabsan karin?
Haddana wuxu isku qanciyey in mar haddii qofkii jago loo dhiibaaba uu siduu doono u gelayo la oran karo wuu haystaa. Sidii bahalkii. Waxaaba intaa ka sii daran qofkii jago laga qaadayo iska keen si fudud looma yiraahdo, ee waa in qaylo ka yeertaa. Markii laga ridana waa inuu idaacdaha ka hadlaa oo wanaagii uu ummadda u qaban lahaa iyo sida looga hor joogsadey iyo dhibaatada ummadda ku soo socota ka sheekeeyaa.
Faysal wuxuu habeenkii ku seexday isagoo is leh mar ku noqo miyigii iyo adeer Jaamac oo soo weydii noocyada bahalaha bal in dadka qaarkii lagu dari karo!
Akhristow sheekadani waa muuqaal bulshadeena dhex yaal oo muujinaya in isticmaalka ereyga wanaagsani qayb ka qaadan karo sixitaanka fahamka bulshada. Xilka iyo jagooyinku waa culays qofkii waxgarad ahi ka cararo, waa wax inta gardarro lagu haysto macaan laakiin markii la iska qaado gadaal ka kharaaraada.
source: waryatv.com
Adiguna ka dhiibo rayigaaga qiimaha luqada iyo qaybta wayn ee ay ka qaadato guud ahaan bulshada iyo gaar ahaan qofka shaqsiayan!

Sunday, 25 April 2010
War deg deg ah Hogaanka SSC ciidamada xoraynta ssc loo magacaabay yaasiin cali afyare tamaad
Buurawadal Waxaa ah maanta loo magacaabay Taliyaha ciidamada xoraynta ssc Yaasiin cali afyarw tamaad oo ah siyaasi wayn oo laga qadar gobolada ssc ayaa loo magacaabay Taliyaha ciidamada xoraynta gobolada ssc yaasiin wuxuu hore u noqday W,kuxigeen wasaarada maaliya putlnad wuxuu kaloo 2 jeer isku soo sharaxay madaxwayne ku xigeenka puntlnad tamaad wuxuu kamid ahaa xubnihii ugu firfircoona ururkii SSDF magacaabidan hada lamagacaabay waxaa soo dhaweeyey dhamaan shacabka ssc iyo garaadada ssc
Sarmaanyo@gmail.com
Sarmaanyo@gmail.com
Gaadhigii Garaad Jaamac G Cali oo la dhacay
Buuro-wadal (SR):-Ciidanka Booliska ee Gobolka Nugaal oo ayaa saaka afduubtay Gaadhigii Garaad Jaamac Garaad Cali.
Gadhigan ayaa waxaa la socdey koox dhalinyaro ah oo ka soo ambabaxay Tuulada Buurowadal,gaadhiga yaa lagu joojiyey barta laga soo galo Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland halkaasi oo ay kula wareegeen Ciidan ka tirsan Booliska Garoowe.
Wararku waxay intaas ku darayaan in koox wasiiro ah ay amarku bixiyeen in ay xidhan dhamman wixii gaadiid ka kicitima buurowadal in ay xidhaan.
Wixii soo kordhan kala soco SR

Saturday, 24 April 2010
Maanso: "Saado Ina Cali Warsamaay"- Oo Ka Timi Burco
Lasanod Online,(Burco)- Ugu horayn waxaan salaamyaa umadda soomaliyeed meel kasta oo ay aduunka ka joogaan. Marka xigta waxaan doonayaa inaan halkan kamuujiyo,
sida aan uga xumahay aflagaadooyinka iyo edeb darad lagula kacay fanaanada weyn ee somaaliyeed SAADO CALI WARSAME.
Af lagaadaas oo ay sabab u ahayd kadib warbixintii ay saado layeesheen qaar kamid ah war baahinta somaliyeed oo ay ka faalotay aragtideeda kuwaajahan arimaha laascaanood kasocda iyo weliba denbiyo aan horeba u qarsoonayn oo baal digaag lagu dedayay oo aay diirka kacadaysay,. denbigaas oo ah kuu Daahir Riyaale kagaly umada reer waqooyi xiligii lagu jiray dawladii maxamed siyaad barre.
Hadaba lagasoo bilaabo maalintii warbixintaas lasii daayay waxa soo baaxay dad aad uga xumaaday runtaas Riyaale laga sheegay oo aad moodo inay kunoqotay boog manta dilaacday oo aan daawo loo helayn., iyagoo bilaaby olole kadhan ah saado cali oo ay cinwaan uga dhigeen (saado cali iyo Somaliland), hase ahaatee marka xaqiiqada loo dhaadhoco ah olole ay ku difaacayan daahir riyaale arinta afxumad kukeliftayna ay tahay oo qudha, xumaanta ay ka xumaadeen runta lasheegay daahir riyaale ee aanay ahayn uhadal ay u hadlayaan rer Somaliland ahayna dad metela amaba meteli kara.
Waxaan leeyahay ( baroortu orgigay kaweyn) dadkan waxaa kahadlisiinaya waa:- maxaay Saado Cali runta ugsheegaty arinta Riyaale ee maaha hiil ay u hiilinyaan umada reer Somaliland.
Waxaa kaloo yana jirta olole ay wadaan reer hargeysa oo aay doonayan inay dab kadhex shidaan umada wada dhalatay ee deriska ah ee wada degan Sool,Sanaag, iyo gobolka togdheer oo dhawr jeer oo horena lagu guulaystay in dab laga dhex shido iminkana mid cusub la hurinayo.
Hadaba anoo katur jumaya aragtida iyo sida ay uga xun yihiin reer togdheer arimahaas yaga ah iyo aflagaadad Saado Cali lagula kacay, waxaan halkan kusoo ban dhigayaa maanso lamagacc baxday saado cali ahna abaal gud aan uhayno saado cali sidii ay noogaga hiilisya taliskii maxamed siyaad bare iyo taageerada aanu uhayno. Hadana, uga hiilinayno cid kasta oo isku dayda in ay aflagaado u geysato saado cali warsame.
Waxaan leeyahay Saadoy ( riyaa lagu noolyahay ee runbaa loo guurayaa)
Maanso:
saado ina cali warsamaay.
saafidii haweenkay .
samihii wadankay.
sifihii sharcigay.
hooyadii samirkay.
sugnantii amnigay.
hoygii suugaantay.
hoboladii sanadkay.
suntii riyaalay.
markahore salaam igagudoon salbalaadhan.
marka xigtana sifihii.
iyo san saankii guuleed.
dushaaaday sudhan yihiin.
ee samirka ku adkow.
sifaha sharci ah iyo hakatalaabin suugaanta.
ruuxaad bi iisa iyo iintiisa bartana.
boogtiisa saadoy.
lamasii baneeyee.
ban baani saaxiib.
Saablayda calooshiyo.
Katuruq sanbabada.
Oo sararta kudhufo.
Ana sifihiisa gaariyo.
Sumadiisa aan til maame.
Marka hore waa saban xumaad.
Waa saxal saaka yimi.
Waa sun iyo deebaaq.
Daacuun socda oo daashaday umada.
Denbi hore kagalay.
Midkalena kudarsaday.
Taas waxaa kasii daran.
Kuwo kale oo sifihiisa.
Iyo san_ saankiisa yeeshay.
Oo saaka soo baxay.
Sumcadii hawenyo.
Kaguntday samaan.
Kusifoobay xumaan.
Bal aan idin su-aale.
Suugaanta ma ducasho iyo dawarsaan kukeenteen.
Misee doolarka riyaaliyo.
Docodocaysi iyo dulmaa idinku kelifay.?
Jawaabtu waxay u taal Ruun xadi iyo inta lasoo safatay.
WABILAAHI TAWFIIQ
FARHAN HARUN ELMI
BURCO, TOGDHEER.
Email: farhanharun@hotmail.com
Wariye: Farah D. Jamaadmin@lasanod.comXafiiska Wararka Lasanod Online. Hargeysa, Somalia
Maqal iyo Muuqaal
Waraysi: Maxamed Saleebaan Dirir
Waraysi: Maxamed Cisman(Edison)
Waraysi: Cismaan Xasan (Badawi)
Dhegayso: Heesta "Libdhi Maysid Laascaanood" iyo Saado Cali Warsame
Dhegayso: Aqoonyahano SSC Oo Ka Doodaya Go'aamadii Isimada.
Lasanod Advertising
google_protectAndRun("ads_core.google_render_ad", google_handleError, google_render_ad);
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com

Friday, 23 April 2010
7 sharci oo cajiib ah
Marka aad safar ama dalxiis ku tahay wadankaaga ayaa had iyo jeer waxa aad la kulantaa arimo kaa yaabiya. Qofna si fudud uma fahmi karo shariciyada, caadooyinka iyo dhaqanka wadan leeyahay. Hadii aad damacdo in aad buugag ka akhriso ma aha arin fudud. Waxaana dhici karta in aad sharci jabiso adigoon ogayn sharciguna ku qabto.
Waxa ay shabakada budgettravel soo ururisay sharicyada cajiibka ah ee ka jira wadamada qaarkood.Hadaba sharicyda aad iska ilaalinaysid in aad jabiso marka aad u baxdo wadamada qaar ayaa ah:
SingaporeWadanka Singapore ayaa ah mid aad u ilaaliya nadaafada. Taasina wax ay sababtay in qofka aan biyo raacin marka uu adeegsado mid ka mid ah musqulaha ka dhexeeya dadka in la ganaaxo.
DenmarkWajiga ha iska qarin adiga oo adeegsanaya waxa la yiraa maska. Waxa mamnuuc ka ah in wajiga la qariyo wadanka Denmar. Hadii aad arintaas samaysana waxa ku qabanaya sharci.
ThailandHa isku dayin in aad caydo ama hadal xun ka sheekto boqorka wadanka Thailand. Hadii aad arinkaa ku kacdana waxa ku qabanaya sharci. Hana sugin in si wanaagsan laguula dhaqmo xataa hadii aad tahay dalxiis.
FinlandWadanka Finland ayaa waxa sharcigu dhigayaa in uu Taxi-laha uu lacag bixiyo hadii uu music ka dhegaysto radio-ha. Sidaa darteed ha filan in uu Taxi-lahu kuu daaro music macaan oo aad istiraah jidka ku sii mar.
PhilippinesMarka aad safar ku marayso wadanka philippines ma sahlana in aad gaadhi kiraysato. Magaalooyin badan oo ka mid ah dalka philippines ayaa waxa ka jira sharci dhigaya in aad baabuurkaaga wadi kartid maalmo xadidan oo la raacayo numberka registerka baabuurka.Hadii aad ka tagtid baabruuka oo aad wadatid mooto, oo aad xirato dacas ama sandaalar ayaa waxa ku qabanaya sharci. Una diyaar noqo ganaax.
JapanHadii aad dalxiis ama safar ku marayso wadanka Japan ayaa waxa haboon in aad ka sii taxadirtid dawooyinka aad sidato. Sababtoo ah dawlada Japan ayaan ogolayn in dawooyinka qaar lala soo galo wadanka. Waxa dhici karta in dawooyinka aad wadataa ay yihiin kuwa uu dhaqtar kuu qoray ama aad ka gadatay meelaha lagu gado dawooyinka u fiican caafimaadka. Laakin aan ka mamnuuc ah wadankaas. Tusaale ahaa qaar ka mid ah dawooyinka hargabka iyo kuwa caloosha lagu socodsiiyo.
CanadaKu adeegashada lacagta shilimaadka ayaa ah mid si caadi ah loogu adeegto wadanka kanada. Waanad ku adeegan kartaa shilimaadka hadii aanad ka badbadin. Wadankaas ayaa waxa ka jira sharci mamnuucaya in uu qofku adeegsado in ka badan 25 taano ( pennies) markiiba.
xigasho ladaneey.com

Sheekooyin ku saabsan damaca iyo dhuuniga
Sheekadani waxa ay ka hadlaysaa waxa ay soomaalidu ugu yeedho cirwaynida (dhuuniga ama hungri waynida).
Beribaa waxaa jiray nin hunguri waynaa, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa uu la kulmay islaan dhimatay oo la aasayo. Dadkii markay xabaashii dhammeeyeen, islaantiina la aasay ayaa loo duceeyey.Dadkiina waxay u markhaati fureen in marxuumadu qof wacan ahayd. Dadkiina cafis u wada hibeeyeen.
Markaas ayaa ninkii xusuustay in sab ama duco loo samayn doono marxuumada. Si hadaba marxuumadu u noqoto mid dadkoo dhani jeclaa ayaa waxa uu isku da’yay in uu arinkaa ka faa’iidaysto. Asaga oo isku dayayana waxa uu yiri, ”‘waa hadii xanku u raaco”. Taas oo uu u uga jeeday waa in sab loo sameeyaa, marka la cuno sabteedana ayaa marxuumadu noqonaysaa mid ku sifaysan waxa laga sheegayay. Hore ayay soomaali u tiri “Nin meeli u cadahay meeli kamadaw”, waxa uu ilbaabay in uu kor joogay xabaal. Dadkiina way ka ag dareereen.
Sheekadani kalena waxa ay ka hadlaysaa damaca.
Beribaa boqor ka talin jiray degaan markii uu muddo xukumayay halkaasi ayaa waxaa martiqaaday boqor kale in uu muddo bil ah uu la joogo.
Boqorka baxaya ee la martiqaaday waxa uu lahaa dabaakh aad u yaqaan sida cuntada loo kariyo. Dabaajkha ayaa karin jiray hilib aad u macaan oo uu duhurkii u keeni jiray. Cadkaas ayaa ahaa mid si aad ah loo soo farsameyn jiray, qofkii dhadhamiyaana uu ka sheekeenayo muddo.
Boqorkii waxa uu ka fekeray waxa uu ka yeelayo cadkaas macaan. Waxa uuna go’aansaday in uu salddanada uga sii tagto walaalkiis. Markii uu ku wareejiyay taladii boqortooyada iyo maamulkeeda ayaa waxa uu la dardaarmay ninkii dabaakha ahaa.Waxa uuna yiri, “Cadkaad ee keeni jirtay uma keeni kartid walaalkeey, ee mudada bisha ah ee aan maqanahay cadkaas waxaad siineysaa eygeyga”.
Amarkii ayuu qaatay dabaakhii, cadkiina maalin walba oo uu kariyana waxa uu hoosta ka dhigaa eygeyga oo isagu si aad ah u macaansaday.
Boqorkii markii uu soo dhameystay siyaaradiisii uu ugu maqnaa boqorka kale ayuu dib ugu soo laabtay deegaankiisii. Markiiba wuxuu kala wareegay xilkii walaalkii oo si ku meel gaar ah ugu sii hayay.
Cunta kariyihii markii uu damcay in uu cadkii macaanaa u geeyo boqorka, ayaa waxaa is hortaagay eygii oo yiri, “Wallee ima dhaafo cadkaan”,
Intuu dib u laabtay oo cadkii meel dhigay ayuu boqorkii u tagay.Waxaana la waydiiyay dabaakhii, “Aaway cadkii?”,Markaasaa waxa uu yiri “Aniga oo doonayo in aan kuusoo qaado ayuu eygii iskey hortaagay oo meel aan uga dhaqaaqo waayay”
Markaasaa waxa lagu yiri “ku laabo ee cadka ii keen”Sidii ayuu yeelay. Hase yeeshee, haddana waxaa is hortaagay eygii oo isagu markaanba bilaabay in uu dabaakhii ku dilo ama kula dagaalamo hilibkii.
Markiiba dabaakhii dib ayuu ugu soo laabtay boqorkii, wuxuuna ku yiri “Waxaa weli ihortaagan eygii”.Boqorkii waxa uu yiri oo ma dhici kartee. Boqorkii intuu dib u galay qasrigii ayuu waxa uu soo qaatay bistoolad, farta ayuu ka saaray dabaakhii. Waxa uuna ku yiri “Markaan haddii uu iskaa hortaago, bistooladaan madaxa ku jabi!”.
Markii uu damcay in uu soo qaado cadkii ayaa sidoo kale eygii is hortaagay, markaas ayuu eygii yiri “Wallee cadkaan ima dhaafo maanta”. Dabaakhii isagoo fulinayo amarkii boqorka ayuu bistooladii la soo baxay, eygiina madaxa jabiyay, halkiina uu ku dhintay. Si halhaleel ah ayuu dabaakhiii cadkii ugu keenay boqorki.
Boqorkiina waxa uu ku yiri dabaakhii “Haddi aan ku dhihi lahaa cadkaan ha la sii siiyo walaalkay, sida eyga oo kale ayuu cadka ugu dhegi lahaa oo lagama fujiyeen, isagana halkii uu maray eygu ayuu mari lahaa”.
xidasho websiteka ladaneey.com

Thursday, 22 April 2010
Dariiqa jannada(Qiso dhab ah oo ka dhacday Amsterdam,Holland) Sheeko Cajiib ah
Maalinkasta oo Jimce ah Salaada ka dib waxaa jiray Nin Iimaam ah iyo Inankiisa oo 11jir kuna Noolaa Magaalda Amistardan (Holand) ayaa waxa ay u bixi jireen Jidadka iyo Guryaha Magaalada ay Deganaayeen ee Amistardam si ay ugu qaybiyaan Kitub yar-yar oo Ciwaankoodu ahaa Dariiqa Janada Loo maro iyo qaar kale oo iyaguna ka hadlaya Islaamka.Hadaba Maalin ka mid ah malaamaha Salaadii Jimce ka dib waxaa timid Waqtigii Iimamka iyo Inankiisu u bixi jireen Dacwada Wadooyinka Amistardam si ay ugu Wasacaan (Qaybiyaan)Kitaabada yar-yar ee ka hadlaya Islaamka Maalintaa Jawigu Dibadu waxa uu ahaa mid aad u Qabaw waayo Roobab ayaa Da'yay Inankii waxa uu bilaabay in uu Xidho dhar fara badan si aanu u dareemin Qabawga, markaas ayuu Aabihii ku jidha Abaabo diyaar ayaan ahay markaas ayuu Aabihii waydiiyay maxaad diyaar u tahay Inanki ayaa ugu jawaabay,Aabo, waxaa la gaadhay Waqtigii aan Qaybin lahay kutubta Islaamiga Markaas ayuu Aabihii ugu jawaabay, waxaa dhacaya Qabaw Hawada banaankuna ma fiicna, markaas ayuu Inankii ugu jawaabay, Aabo, waxaa jira halkaa Dad wali ku socda Naarta inkastoo Qabaw iyo Roobab jiraan.Aabihii, ayaa ugu jawaabay laakiin anigu uma baxayo Qabawgan, markaas ayuu Inanki Sabiga ahaa ku yidhi Aabo suurta gal ma tahay in aan anigu soo qaybiyo Kutubta isagoo ku ce-celinya Aabihii-Aabihii ayaa ku yidhi waa suurta gal inta uu u dhiibay waxoogaa Kutub ah ayuu Inankiina ugu jawaabay Aabo waad mahadsan tahay, la saco Inankan Dadiisu waa kow iyo toban jir u baxaya xiligan Qabawga aha Wadooyinka si uu u qaybiyo Kutubtaa Islaamiga ah, waxa uu bilaabay in uu kutubta u qaybiyo Qofkii uu lakulmaba isagoo waliba Guryahay Xaafada ku garaacaya oo u qaybinaya Kutubta guri-guri laba sacaadood ka dib marka uu dhex socday Qabawga waxaa Gacantiisa ku soo hadhay Kitaab kaliya isagoo raadinay Qofka u danbeeya ee uu siin lahaa Kitaabkan soo hadhay, lakiin Wadooyinku waa cidla oo way haawanayaan cidna ma socoto markii uu waayay Qofnaba ayuu goostay in uu u dhaqaaqo xaga Guryaha u dhaw si uu u siiyo xabadan Kitaabka ah ee ku soo hadhay.Waxa uu bilaabay in uu Garaaco Albaabka Guri ku dhawaa, lakiin cidna umay jawaabin wuu ku cel-celiyay garaacii Albaabka lakiin cidana wali kamay furin waxa uu isku dayay in uu iskaga tago lakiin wax ayaa u diidaya in uu ka tago, markii u danabaysay ayuu aad u yara Garaacay Jalaskii isagoon ogayn cida uu sugayo ilaa Wakhtigaa wuu ku yara dheeraaday garaacii si lama filaan ah ayaa loo furay Albaabkii waxaa ka furtau Aalbaabkii Qof Dumar aha oo da'ah Wajigeedana ay Murugo ka muuqato waxay ku tidhi maxaad u baahn tahay Inankaygiiyaw, Inankii yaraa oo ku eegay indhihiisa Nuurku ka muuqdo ayaa ku yidhi waan ka xumahay in aan ku dhibay ama aan kaa xanaajiyay, laakiin waxa kailya ee aan rabo in aan kuu sheego waxaa weeye ilaahay waa ka kaliya ee ku jecel kuna caawinkara waxaanse u imid in aan ku siiyo Kitaabkaygii iigu danbeeyay kaas oo kaagawarami doona wax kasta oo ilaahay xagiisa ku saabsan iyo sidaad ku kasban karto ilaahay raali ahaanshihiisa markaas ayu u dhiibay kitaabkii Yaraa markas ayay ku tidhi waad mahadsantahay Inankaygiiyaw.Wiigii danbe markii Iimaamkii Khudbadii dhameeyay ayuu yidhi yaa su'aal qaba mise Safafka danbe ee Dumarka Qof weyn oo Dumar ah ayaa tidhi Qofna may garanyo Jimacahan horena umaan iman halkan Jimcihii hore maan ahayn Muslim kumanaan fakirin in aan noqonayn Muslim, Ninkaygii waxa uu Dhintay Bilo ka hor waxaanu igaga tagay Aduunyadan kalinimo Jimcihii tagay Jawigu waxa uu ahaa mid aad u qabaw Roobna wuu da'yay waxaan goostay in aan isdilo waayo wax Amal ah iigumay hadhin Noloshan oo waan ka quustay waxaan soo qaatay Xadhig iyo Kursi Xadhiguu waxaan ka soo laalaadiyay Qolka aan ku jiray xagiisa sare Xadhigii markaan xidhay ee aan u diyar garoobay in aan iska soo deldelo ee aan kursigii isku taagay ee aan qoorta la galay kaligaynaa aan ahaa Murugo badana ay i hayso oo aan rabo in aan ka dhuunto, ayaa si lama filaan ah waxaan u maqlay Cod Aalbaabka waxaan goostay inaanan ka furin oo aan sugo inta uu iga tagayo balse waxa uu ahaa cod aan tagay balse sii kordhaya markaas ayaan Naftaydii la sheekaystay oo aan ku idhi qofkan kaa tagi waayay wa'ayo markaas ayaan xadhigii intaan ka bixiyay Qoortaydii ayaan goostay in aan eego Qofkan Albaabka xoog u garaacaya, markii aan Aalbabkii Furay may rumaysan Indhahaygu waab Sabi yar oo wajigiisa ay ka muuqato farxad iyo dhoola cadaynta Malaa'igta oo aan hore u arag mid la mid ah kelmadii ka soo baxay Afkiisa ayaa Qabsaday Qalbigaygii dhintay islamarkaana dib u soo Noolaysay oo ka saartay rejo la'aantii, waxa uu igu yidhi Sayidadaydiiyeey waxan kuugu imid Waqtigan inaan ku idhaah ilaahay wuu ku jecel yahay waanu ku caawinayaa, ka dibna waxa uu isiiyay Kitaabkan aan sido ee Ciwaankiisu yahay Dariiqa Janada loo maro Waqti adag ayay ahayd aniga iyo isagaba waayo Jawiga ayaa adkaa waxaan Aakhriyay kelmad kasta oo ku jirta Kitaabkan marakaan dhameeyay ayaa bilababay in aan Xadhigii iyo Kursigiiba meesha ka qaado waayo midkoodna iminka uma baahni oo waxaba ii tari maayaan waad i aragtaa iminka waan Farxsanahay waayo waxaan ogaaday in uu Jiro ilaah dhab ah waxaan u imid inan idiinku mahad noqo Malagan yar ee aad ii soo dirteen Waqti munaasib ah ilaahay ayaa mahad iska leh may jirin qof aan Ooyin Dadkii Masaajidka joogay mar qudha ayaa saaxadii isla kacday iyadoo Dadkii ku Qaylinayaan ALaahu akabar-Alaahu Akabar Imaamkii ayaa ka soo degay Mimbarkii markaa ayuu agfadhiista Inankiisii isaga oo Ooyaya,hadaba Su'aasha aan waydiinaya Naftayda iyo Dadka ku nool Caalamak Qarbiga waxaa leeyahay maxaan u gudbinay Dadka aan muslimiinta ahayn ee aan la Noolahay ee ku saabsan Diinteena Islaamka ah* ilahay in Sabab kaaga dhigo in Qof gacantaad ku soo Muslima *ayaa kaaga khayr badan Aduunka iyo waxa yaala Xadiiskii nebiga scw
Wariye: A/nasir Ahmed
Contact us: news@xaysimo.com
Dib u noqo
Qaar ka mid ah Odayaasha Dhalay dhalinyarada isku Magacowda Hogaanka Nairoobi ayaa raaligelin

Allahayow Damiinkiyo Hadee Daasadoolaha
Maqaalka todobaadkan waxaan ku falanqaynayaa xaaladda qurba joogta Soomaalida ku nool wadamada dibadda gaar ahaan kuwa u dhashay gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) iyo kaalinta ay kaga jiraan xaaladda siyaasadaha ee ka jirta dhulka SSC, taas oo hadal haynteedu soo badanayso beryahan danbe.
Waxaa in badan soo noqnoqda dad abaabula ururo magacyo siyaasadeed iyo horumarineed wata oo markii muddo la joogaba la horyimaado dadka arrimo ay leeyihiin waxbaanu wax kaga qabanaynaa dhulkaa ay ka yimaadeen ee SSC. Waxaa jiray ururo horumarineed oo muddooyin hore aad loo wadwadi jiray iyo hadda oo ay soo shaac bexeen kuwo isku tilmaamay ururo siyaasadeed; sida NSUM, Badbaado, Horseed …., oo ay dabada kaga xidhan yihiin kuwo lagu magacaabay Khusuus…..Isimada Buura-wadal… Isimada Garoowe…..Xoraynta SSC….IWM
Waxaan maqaalkan kaga hadlayaa kagana digayaa ururada siyaasadda iyo “Xoraynta” (waa sida ay ku sheegaane) iyo sida ay saamaynta ugu yeesheen ama ugu yeelan doonaan dadka qurba lagu xoor ka, dhulka iyo dadka SSC.
Sida aynu ognahay waxa qurbaha inagu soo xooray ee wadankeenii baabi’iyey waxaa ugu weynaa dagaalo siyaasad qabiil lagu abaabulay, kuwaas oo ilaa maanta dabkoodii ololayo magacii iyo maamuuskii ummadda Soomaaliyeedna tirtiray. Miyey hadaba macquul tahay maanta in shakhsiyaad ujeedooyin khaldan lihi inoo horkacaan dariiqaa lagu hoogay iyo dagaal sokeeye oo dhulkeena ka bilaabma? Miyaanay wax lala yaabo ahan in abaabulkaa khaldan ay hormood ka noqdaan dadkeenii ka soo qaxay dagaaladii iyo dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacay? Ma la is weydiiyeyse cawaaqibka ka iman kara? Runtii waa arrin khatar weyn ku ah dhulka iyo dadka reer SSC oo u baahan in inta waxgaradka ahi ka hortagto.
Waxaan qabaa ururadaasi in aanay ahayn kuwo ujeedadooda dhabta ahi tahay in ay wax u qabtaan ama wax ka qabtaan xaaladaha siyaasadeed, bulsheed ama dhaqaale ee ka taagan dhulkaa SSC, balse ay yihiin kuwo ku yimi danaysi gaara iyo caadifad la soo bood ah oo aan wax sii dheer ahayn. Waxaa inta badan arrimahan hormood u ah laba kooxood oo lagu tilmaami karo “Qabqablayaasha Qurbaha” iyo “Qaxwadoonka Gudaha” oo iyagu had iyo jeer iska kaashada si arrimahaas loogu samayn lahaa xayaysiin iyo xoola ururin.
Arrinta ururada siyaasaddu/jabhadayntu runtii waa mid ku cusub mandaqadda SSC, waase wax hadda in muddo ahba la soo waday oo laga shaqaynayey ololeheeduna socday, iyadoo marba waji loo yeelayey. Sida la ogyahay waxa jira dad badan oo Soomaalida oo dhan ku jira oo aad moodo in khalal maskaxeed uu ka soo gaadhay dagaaladii dhafanaha ahaa ee sokeeye ee socoday muddada soddonka sanadood ku dhow. Waxaa aad ugu badan dadka qurba joogta ah ee ka soo jeeda gobolada SSC dad aan cuduradaa ka bogsan oo aad weli moodo in ay ku jiraan dagaaladii dhulkaa ka socday sannadahii sideedtameeyadii. Waxaa aad ugu abuurmay colaad iyo dad nacayb ku salaysan qabiil iyo qabyaalad. Waa dadka inta badan looga faa’iideysto hormoodna ka noqda ololaynta arrimahan colaad doonka ah…….”Daasadoole”
Waxaa jabhadihii dawladda Soomaaiya la dagaalami jiray, qaybtana ka qaatay burburkii dawaladdii iyo waddankii Soomaliyeed, oo ay ka mid ahaayeen SNM…..SSDF..USC... isticmaali jireen xirfado dadka ay qabiil ahaan ka soo jeedaan ku soo geliyaan dagaaladoodii ay wadeen. Waxay aad xoogga u saari jireen in dadka Soomaaliya dibadda ka jooga ay u sheegaan in dadkoodii la xasuuqay, xoolahoodii la dhacay, gabdhahoodii la kufsaday, la barakiciye. dadkoodii xabsiyada ka buuxaan oo iyagoon waxba geysan lagu xad gudbo…IWM. Sida la ogyahay dadkaasi waxay noqdeen kuwo maskaxiyan loo baabi’iyey, waxaanad qurbaha iyo gudaha dalkaba ku arkaysaa dadkaa qaar ka mid ah oo waalli iyo miyir qab u dhexeya oo meel walba ku nool. Waxaa ka buuxa nacayb, cuqdad, karaahaysi iyo ka carar dadka walaalahooda ee kale, waa “Dasadoolayaaha” ku lagu tilmaamo. Waxay kuwaasi had iyo goor daasado iyo durbaano u qaataan ololaynta colaadaha beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Arrintan kor aan ku tilmaamay waxaan uga jeeda uruadan imminka SSC ka soo unkamayaa waxay isku dayeyaan in ay baal ka soo qaataan buugtii ururadaa Soomaaliya burburiyay maskaxda kaga doorin jireen (Brain wash) ummada Soomaaliyeed. Waxaad in badan arkaysaa dad badan oo dadka SSC u dhashay ah oo xaaladdaa waalida ah qarka u saaran. Runtii waa arrin aad khatar u ah gaar ahaan dadka “qurba lagu xoorka ah”, waayo waxay noqdeen dad wax loo sheego oo wax lagu shubto, iyagoo badankooduna xog badan aan ka hayn dalkii iyo waxa ka jira, waana kuwa lagu tilmaami karo “Damiino”. Waxay keentay dad badan oo xataa aan weligeed Soomaaliya arag in la geliyey maskaxdoodana laga buuxiyey nacayb dad kale oo walaalahooda oo muslim oo aan weligeed waxba dhex marin.
Su’aasha hadaba aynu is weydiinaynaa waa; ma dabkii iyo buruburkii aynu ka soo cararnay baynu ka sii shidnaa dhulkeenii iyo dadkeenii? Mise xeelad iyo caqli wanaagsan baynu nabad iyo nolol wanaagan ugu raadinaa? Miyaynaan ahayn dad Islam ah oo qaata amarada ilaahay ee ay ka mid yihiin “Isu bahaysta ama isu gargaarsada wanaag iyo ilaah ka cabsi; Hana isu gargaarsanina denbi iyo cadawtinimo/colaad ”?
Waxaa hadaba looga baahan yahay qof kasta oo Muslim ah oo Soomaali ah:
- In aanu ka qayb gelin colaad iyo cadaawad oo uu ilaahiisa ka cabsado
- In aanu taageero ka geysan kana qayb gelin meel dad walaala ah oo muslim ah hub la isugu dhiibayo colaadna la dhex dhigayo.
- In uu uga digo dadka walaalihiisa in aanay ka qayb qaadan munkar kaa
- In uu u nasteexeeyo kuwa waxaa ku dhex jira ee dilaaliinta ka ah
- Inuu ugu duceeya guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in sharkaa laga waantoobo
Ugu danbayntii waxaan ku soo gunaanadayaa xaaladda siyaasaddeed ee SSC ma aha mid ay hoggaan u noqon karaan dibad ka yaacayaasha xukun doon ka ah, waa mid u baahan caqli, miisaan, degenaansho iyo maskax wanaagsan oo ay ku dheehantahay asluub iyo ilaah ka cabsi. Ma qabo inay tahay arrin olole colaad abuur iyo caadifad been ah wax lagaga qaban karo. Waa mid u baahan dadka dhulka ku nool ee codka loo diiday in ay hoggaanka u qabtaan. Ummad dhan oo qaran ah oo dalkoodii iyo degaankoodii ku nool kama hagi karaan dibad fog dad yar oo danaystayaal ahi oo dariiq khaldan ku wada.
Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uma baahna maanta colaad huriyaal aan maskax ku filan lahayn. Waxaa loo baahan yahay waa dad nabad doonayaal ah oo caqli wanaagsan leh oo dadaal u gala sidii ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ahi ugu wada noolaan lahaayeen nabad gelyo iyo walaaltinimo waarta. Horumar waxaa la gaadhi karaa marka la helo nabad, taas ayaana waajib ah in qof kasta oo waxgarad ahi ka shaqeeyo kuna dadaalo.
Gaar ahaan ummadda reer SSC waxay u baahan yihiin horumar, deganaansho, nabad gelyo iyo wada noolaansho dadka walaalahooda ee ay wax walba wadaagaan ee derisyadooda ah. Taa ayaana u baahan dadaal iyo olole lagu sugo laguna xoojiyo.
“ILAAHAYAW NIN IYO CALOOSHII”
Cabdifatax Maxamed
acilmy@yahoo.com

Wednesday, 21 April 2010
hanbalyo
waxaan ugu hanbalyeynaynaa jaaliyada ssc ee sudan websitekeeda cusub ee la yiraahdo
www.alldarwiish.blogspot.com lana socda wararka ssc oo fresh ah

Monday, 19 April 2010
Yuu ahaa ninkii ka danbeeyey qaraxyadii ka dhacay Laascaanood (Daah Fur)

April 17, 2010By Reporter
Laga soo bilaabo 1/11/2009 waxaa magaalada Laascaanood la kowsadey waxaan horey uga dhici jirin kaasi oo ahaa qarxyo isdaba joog ah oo aan loo kala eegayn meel shicib iyo meel maamul toona.
Boqolaal qof ayaa xabsiyadda la dhigay oo qaarkood ilaa 5 bilood ka badan ay u jiifaan mugdi iyo silic darana aafeeyey iyadoo xabsiyada haatan ka jira wadankuna aanay ahayn kuwo laga sama ta boxo aafada gudihiisa ka jirta iyadoo ka Laascaanood ee ay ku xidhanyihiin qaarna hadda laga qaaday uu yahay mid ka xag jirey ood u dayacan aana u na u qalmin in xoolo lagu xidho.
Dad bay galaafteen oo qabriyadda jiifa qaarna waxa ay waayeen qaarka mid ah xubnohoodii qaaliga ahaa waxaanay noqdeen naafo aan waxba qabsan karin mana jirto meella saaray cid walibana waxa ay u qaadatay inay masiibo ku habsatey koonfuta wadanka ay la wadaagaan, waxaase mar keliya dadku indhaha kor u qaadeen markii sarkaal ka dhintay Maamulka isku magcaabay Somaliland ay beesha uu ka soo jeedey muujiyeen inay jirto cid ay la doonayaan in kiiskoodu galo.
Kumaankun qof ayaa ka xanaaqay oo arintaas ku tilmaamay inay tahay wax laga noxo, iyadoo maxkamad laba nin dil ku xukuntay oo labana xabsi dheer hadana ay yidhaaheen kii wax lagu waayey isagaan la rabney in kiisku noo galo.
Baadhitaan ay wadeen maalmihi la soo dhaafay urur dabagala masiibooyinka dhaca ayaa iyagoo ka duulaya tibaax kaga timi aqoonyahan xeeldheeri u leh wayaabaha qarxa iyo walxaha laga sameeyo oo uu maxkamadda Madheera keenay xeer-ilaaliyaha maxaabiista denbiga ku oogaayey ayaa waxa uu ku sheegay in dhamaan qaraxyadii dhacay ee ka dhacay Laascaanood ay ahaayeen kuwo isku mid ah oo hal gacan ka soo jeeda.
Qoraal ay ka soo baxay ururkan ayaa shaaciyey in dhamaan wixii qarax dhacay ay ku daba fayleen C/fataax Maxamed Maxamuud “Qulus” kaasi oo qabiil ahaan ka soo jeeda Beesha Habar-Jeclo, kana ah Reer Daahir, kana ah Reer Yuusuf jifa ahaana ah Muuse Yuusuf, hooyadiina waa beesha Majeerteen Reer Maxamuud waxaana la yidhaahdaa Siraad Amuureeye sida ay cadaysay Habaryartii.
Arintani waxa ay soo jeedisey qoysas badan oo dar Illaahay masiibo inay ku dhacday u haystey waxaanay haatan u tafa xayteen sidii ay ula xisaabtami lahaayeen beesha uu ninkaasi ka soo jeedo oo haatan sida la cadeeyey feejignaan dheeraad ah ka qabta in ninkaasi la soo geliyo.
Su`aalo doora ayaa meesha taagan oo ay ka mid tahay Beesha habar Jeclo waxa ay si toosa ugu duulaan tahay dad aan waxba galabsan dhiigii umaduna iyadoo darakooda yaalaa taasi oo la odhan karo (Habarjeclooy adigaa isdilaayee Is daa)

Kumaankun qof ayaa ka xanaaqay oo arintaas ku tilmaamay inay tahay wax laga noxo, iyadoo maxkamad laba nin dil ku xukuntay oo labana xabsi dheer hadana ay yidhaaheen kii wax lagu waayey isagaan la rabney in kiisku noo galo.Baadhitaan ay wadeen maalmihi la soo dhaafay urur dabagala masiibooyinka dhaca ayaa iyagoo ka duulaya tibaax kaga timi aqoonyahan xeeldheeri u leh wayaabaha qarxa iyo walxaha laga sameeyo oo uu maxkamadda Madheera keenay xeer-ilaaliyaha maxaabiista denbiga ku oogaayey ayaa waxa uu ku sheegay in dhamaan qaraxyadii dhacay ee ka dhacay Laascaanood ay ahaayeen kuwo isku mid ah oo hal gacan ka soo jeeda.
Qoraal ay ka soo baxay ururkan ayaa shaaciyey in dhamaan wixii qarax dhacay ay ku daba fayleen C/fataax Maxamed Maxamuud “Qulus” kaasi oo qabiil ahaan ka soo jeeda Beesha Habar-Jeclo, kana ah Reer Daahir, kana ah Reer Yuusuf jifa ahaana ah Muuse Yuusuf, hooyadiina waa beesha Majeerteen Reer Maxamuud waxaana la yidhaahdaa Siraad Amuureeye sida ay cadaysay Habaryartii.Arintani waxa ay soo jeedisey qoysas badan oo dar Illaahay masiibo inay ku dhacday u haystey waxaanay haatan u tafa xayteen sidii ay ula xisaabtami lahaayeen beesha uu ninkaasi ka soo jeedo oo haatan sida la cadeeyey feejignaan dheeraad ah ka qabta in ninkaasi la soo geliyo.

Sunday, 18 April 2010
Dadka Gobolka Cayn Waa Dad Nool Oo Nasab Ah
LASANOD ONLINE:- Banaan baxyadii ama mudaaharaadkii ballaaadhnaa ee dhowaan ka dhacay gobolka cayn, gaar ahaan magaalo madaxda Buuhoodle waxay ahaayeen kuwo cajiib ah oo aan caadi ahayn.
Shacab yahow deggan magaalooyinka Buuhoodle, Widhwidh iyo Hurufadhi waxaad muujiseen wadaninimo dhab ah iyo geesinimo iyo kalsooni buuxda aad isku kalsoon tihiin.Waxaad mutaysateen, bogaadin,hambalyo iyo mahad celin badan.
Dad-weynaha reer Sool, Sanaag iyo Cayn - SSC- ee ku nool dalka gudihiisa iyo kuwa ku nool dalalka qurbaha dhammaan aad iyo aad bay ugu bogeen, uguna farxeen, una jeclaysteen abaabulkii iyo dadaalkii iyo waxqabadkii ay muujiseen dadkiina ku nool gobolka Cayn. Sida runta ah, wax qabadkiinii wuxuu raad ku reebay umadda reer SSC wuxuuna abuuray qiiro iyo shucuur wadani ah.
Haddaad tihiin dadka deggan gobolka Cayn waxaad muujiseen inaad diyaar iyo heegan u tihiin sidii loo xaqiijin lahaa in la gaadho waxa shacabka SSC higsanayo oo ah midnimo, xornimo, isu-talin, nabad, horumar iyo soo celinta xuquuqdoodii lagu tuntay iyo magacii, xushmayntii, tixgelintii iyo maamuuskii uu lahaan jiray dadaka u dhashay deegaanka SSC.
Maxaa idinkoo madax ahaan jiray maanta manjo idinka dhigay? Maxaa idinkoo magaciinu yahay Dhulbahante hadda idinka dhigay dhul mahante? Maxaa idinkoo miisaan weyn lahaa masaakiin idinka dhigay? Maxaa idinkoo aad ladydiinka haybaysan jiray maanta laydiin ku soo ordaa? Sidee idinkoo talin jiray maanta laydiinku taliyaa? Maxaa kuwii idiinku liitay madax idiinka dhigay? Maxaa wax kastaad abaabushaan wax la’aan ka dhigay? Maxaa dadkiinii damiirka lahaa damiir la’aan ka dhigay?Shacabka deggan Sool iyo Sanaag ha ku daydeen dadaka reer Cayn oo ha mujiyeen dareenkooda iyo shucuurtooda. Maxaad la maahsantiin? Maxaa idinka dhigay maqanayaal joogayaal? Allahayow agtaada nagasii nabad iyo naxariis. Allahayow dadkan dhawaaqaya, dhulkooda doonaya, hadday u dhiidhiyeen Allahayow u dhiib.
Moxamed Cali DaadMohameddad@hotmail.com

DAL LA HAYSTO (GABAY)
Gabay(Jidbaale.com):-Waxaan jecelahay,inaan halkan idiinku soo gudbiyo tix gaaban(DAL LA HAYSTO)oo aan tiriyay maalmihii issimmadeenu maalintiina buurawadal ku shirayeen,habeenkiina intooda badani garoowe ka dabshidanayeen,welina xaalka ssc,sida aan la wada socono wax isbedel ah,oo la taaban karo kama muuqdo,haddaba ninbaa laga hayaa "arkayoo caanihii malloog waxbaa gallay" ,ninba eedda meel buu saarayaa ,oo leeyahay halkan bay sartu ka qudhuntay,aniguse haddaan badheedhahayga dhiibto,eedda saamigeeda ugu weyn waxa leh ,odayadan ninwalba inta hadhuub-gaal caano ah,lagu soo shubay,haddana ka tegay shaqadii loo igmaday,illaa maantana timahoodu dhan u wada xiirmi la' yihiin(ruqo ninkeedii dabada hayo ma kacdo).
Waxaan odayada ku hagaajinayaa ,aniga aragtidayda hadda ka dibna ay la koox noqonayaan,kooxdan hargaysa horgalka ka ah,oo kuwa p/land maxaan uga tegay?,iyaga waxa inagaga filan maahmaahdii soomaaliyeed ee findhicilku ma xaaraanbaa,mise waa xalaal? soo hadalqaadkiisaaba ka daran,.intaa dabadeed waxaan ka afeefanayaa wixii aan aayad qur'aan ah iyo xadiis saxeex ah,ahaynba waa la naqdin karaa,waana laga hadli karaa,tixdiina waa tane iga guddooma.
Hunguriga na qaatee tolloow,horumar noo diiday
Hoggay nagu rideen issimadani,baan dhex hurudnaaye
Waxba yaan higlada cumar wacays,lay humbaalayne
Waxba yaan hogteer dhexe ,aniga lay hallaanhalline
Waxba yaan hurdada fiidka dheer,hoorshe lay gelline
Waxba yaan hartaa soo socdiyo,haamo lay tumine.
Waxba yaan amxaar hoolifliyo,herer bal lay qabane
Hoggaankeena iyo laba jaamac,baa loo hanwayn yahaye
Inta kale hadhuudhlaha ku daray,oo ma haybsado e,
Hal-adaygna kama maarmi karo, ruux hoggaansha ah
Hannaan-socodka gabaldaye ,rag wuu kala hufaayaaye
Dal la haysto oo habarjeclaba,hore bal loo siiyey
Hoorshaan ka maamullanayaa,waa hal aan jirine
Laba hadal dhexmaray,oon markaa weli heshiis gaadhin
Hadba kii markaa soo hormara,bay ugu hafsiiyaane
Waa hal u irmaan ,shaabadday laba halliilaane
Hilba-qaybta lagu dirirayaa,hadal ka joogaaye.
Afartaa intaan hoo ku idhi,hoos ma uga guuray
Afar kalena waan kuu hayaa,haye tidhaahdaaye
Habree iyo kukuuniba,marbay kala hagaageene
Anigiyo hargaysina,maruun,waanu kala hadhiye
Dhulkii haddiyad loo bixiyay,baa laysku haystaaye
Huunada-galbeed iyo isaaq,waa lagaa hufiye
Hoggaankaygu intuu soo socdo,yaad hum-humataane
Horgallada shisheeyaha,marbaa haadku cunayaaye
Kuwii haybta nala sheegan jiray,ee hunguri qaatay
Hambaddiina waa eedayaan,haatan dabadeede
Huryo siday u fuushaan naqaan,haad-ka-adagtaase
Ha yeeshee hal baan odhanayaa,hawli daba taalle
Habeen-dhaxa darruuraha,marbaa haabay lays odhane
Habaqluhu ma fiicniyo,inaad harawo aadaane
Hal-halleelna laga roon,iyo hoogay ma ogayne
War ha habeensanina,waa intood hillinba waydaane..
Waxa tiriyey SAID C. DUALE QARRAAF
saduale@yahoo.com
EDMONTON AB CANADA

Heesta Saado Miyey Daaha Ka Fayday Fikirka Hargeysa Iyo Burco Aaminsan Yihiin
Written by Jidbaale.com
Friday, 16 April 2010 09:57
Maqaal(Jidbaale.com):-Waxaa la odhan karaa tan iyo intii ay qaaday Fannaanada Caanka ah Saado Cali Warsame heesta libdhimaysid Laascaanood waxaa soo shaacbaxayey qoraale iyo warbixinno talantaaliya oo ka soo burqanayey saxaafadda Beelaha Dega Hargeysa Iyo Burco(Isaaq) waxayna go,aan ku gaadheen sida muuqata in Saado Cali Warsame Dagaal saxaafadeed caadifidaysan lagu qaado.
Waxay si kale u adeegsadeen waraysigii dheeraa ee ay siisay warbaahinta Jidbaale iyaga oo isku dayeya in ay inta ay isleeyiin waxay muujinaysaa wixii aad ku cabbayn lahaydeen shacabkiina ay ka soo qaateen, waxayna tilmaameen in ay Riyaale si qaawan u aflagaadeysay.
Waxaa intaas sii dheer maqaalada isdaba jooga ah, iyo iyagoo islaamihii qaadka Hargeysa ku gada codod ka soo duubay oo iyaga oo u hadlaya sidii xayraamiin iyo xamaaliintii Burco codkooda soo daayey , iyaga oo adeegsanaya weedho aan hufnayn oo ah kuwii (Hooraaye) lagu yaqaanay xilliyadii 70-80-maadkii ee uu adeegsan jiray (Hooraaye wuxuu ahaa nin maskaxda looga jiray oo Burco caan ka ahaa , dadkana caayi jiray, wuxuuna ugu nebcaa Riyaha Iyo Ciyaalka oo magaalada ku layn jiray, wuxuuna odhan jiray ciyaalkuna waa I tuuryeeyaan ,riyuhuna waa kuwa loo liso).
Maxaa jira oo ku dhacay shacabkii Hargeysa Iyo Burco ma Hooraaye ayey isugu baxeen, maxaa keenay gabadh si hufan hees u qaaday in Hargeysa iyo Burco siday ugu jawaabi lahaayeen kayuu u soo galaan, miyaanay jiran Bulshadan cid tidhaahda waar gabadha ka daaya aflagaada oo si hufan ula qaadaa dhiga, waxaaba lagu yaqaanay xikmad iyo ku faanid in aysan gabadhaha u jawaabine maxaa keenay arrimahan, mise Samsam Ducaale ayaa Saado ka horaysa oo waa Bahalna ceedhin madaayo Ninna Caadadii ma baajo.
Saado Cali Warsame intay heesta Laascaanood qaaday waxaa u jawaabay wasiiro iyo ilaa 5 qof oo mid waliba lee yahay waxaan hayaa hees jawaab u ah, xataa qaar ayaa ka baxay hufnaantii iyo hannaankii lagu yaqaanay jawaabida noocan oo kale ah, oo nasab cay iyo galay Huuhaa aan lagu aqoon beesha Isaaqa, waxayna marayaan maqaalada sida talantaaliga ugu soo baxaya warbaainta Hargeysa iyo Internetka boqolaal, dhamaantood loogu jawaabayo Saado Cali.
Saado Cali Warsame kamay bixin Xaydaankay ku jirtay ee fanka , kii uunbay ku xarragoonaysaa, ee waxaa haboonaan lahayd in Beesha Isaaq haday Saado Cali Warsame usoo tafaxayteen in ay u daayaan hal qof oo heesa hadduu markaas is yidhaahdo ugu jawaab ugu jawaaba, ee may hayn asluub lagu yaqaanay reer Banii Haashim Alqurayshiya sida ay sheegeen in ay ilaa xadkaa gaadhaan, ee waxay ahayd in ay is xakeemayaan(Alaysa Fiikum Rajulun Rashiid).
Saado Cali Warsame waxay tidhi Riyaale wuxuu ahaa Rajiimkii Siyaad xilligaan anigu idiin hiilinayey, oo wuxuu ahaa NSStii Burco Iyo Barbara kalbada Xiniinyahay Idiinkaga qabanayey, ma been ayey sheegtay, ee dulmi diidoow dulmi doon haysku noqon.
Way jiraan dad badan oo ka soo jeeda beesha Isaaq oo qiraya siday uga gilgilatay dhibaatadii loo gaystay xilligii dawladii Siyaad Barre shacabka waqooyi Galbeed oo sidaas si la mid ah loogu gaystay waqooyi Bari, oo sidaas si la mid ah SNM uga gaysatay tacadiyo xunxun deegaano badan.
Hasa yeeshee waxay fayday heesta Saado qaaday Caadifadda Xad dhaafka ah ee qabyaaladaysan ee ay adeegsadaan shacabka Hargeysa iyo Burco iyo kan saaxafadda oo ay siday doonaan iyo xilligay doonaan sida Xamaaliinta ugu soo bandhiga waxay doonayaan taasina waxay hugii iyo daahiiba ka qaaday fikirka dhabta ah ee ay aaminsan yihiin shacabka Hargeysa iyo Burco , ee qabyaaladaysan, waxaana markhaati ma doonto u ah caadifadda baahday ee Hargeysa iyo Burco Fannaaniinta iyo hal abuurka ka soo jeeda Isaaqa ee inta ay kun iyo kaakac ka soo baxaan ama ka soo bixi jiray golayaasha shirarka Soomaaliweyn loo qabanayo ,sida Kinsi Xaaji Aadan(Caqaarta) Iyo Cabdi Qays oo ah abwaan weyn ka qayb galay shirkii Carta kana qayb qaateen suugaantii lagu soo bandhigay oo intaas ay tidhi Saado Oo ah Dalkeenu Laba Maaha, Libdhimaysid Laascaanood, ka badan tiriyeen .
Waxaa ka mid ahayd Heestii uu sameeyey Cabdi Qays ee uu shirkii Carta kaga qayb galay “Safarbaa la tagayaa iyo socota dheeroo soo noqod lahaynoo ina wada sugaayee”, Kinsi Xaaji Aadan ayaa iyaduna ka mid ahayd kuwii qaadayey shirkii Carta , “Somaalidu waa buktaa , besteed weeye oo lahubo Inuu Cudar baahay helay bidhaantaa laga gartaa”, oo dhamaantood iskuwada mid isku u jeedana ah oo leh Soomaalidu laba maaha , xataa la odhan karo kuwaa la leeyahay waa bukaan waxaa ka mid ah kuwa ku sugan Hargeysa iyo Burco , xilligaas saxaafadoodu waa jirtay , Makhaayadahooduna waa jireen maxay uga hadli waayeen,oo u qaadaa dhigiwaayeen Kinsi Iyo C/qays ilayn Somaliweyn ayey ka dhex botorinayeene, oo ay Saado Cali Warsame hadda ugu hadal hayaan makhaayadaha iyo saxaafadda Hargeysa Iyo Burco, waa wax iska cad in aanay hawshoodu ahayn dawlad doon iyo gooni isu taag ee waa qabyaalad cad oo aan loo soo cimaamadin.
Taas waxaa dheer oo ku tusaysa in laga gobaysan yahay saxaafadda Hargeysa iyo Burco iyo shacabkaasba , inta jeer ee Fannaaniin Soomaaliyeed iyaga oo qalbigooda soo jiidanaya ay ka heeseen xaflado loogu dabaaldagayo Caadifadda Hargeysa ee 18may , Xataa waxaa jira Fannaaniin ka soo jeeda Isaaq, sida Sahra Axmed Jaamac, Khadra Daahir Cige oo xafladaha 18may maalinta caadifadda Hargeysa ka heesa oo aanay saxaafadda Soomaaliyeed qaadaa dhigin waxna ka sheegin indhahana ka dadba.
Saado Waxaanu leenahay Saadooy Hawjawaabin kuwa meherada maalmahan ka dhigtay inay isku dayaan in ay taariikhdaada xagxagtaan, si kasta oo ay Islaamaha qaadka Hargeysa ku gada ee ka dhaxqayliya Saylada Jaadka xilliga fiidkii marka uu ku baarixi garoobo mikirifoon u hoos dhigaan oo codkooda soo daayaan.
Shacabka Soomaaliyeed iyo Kan Sool,Sanaag Cayna waxaan leenahay si kasta oo Fannaada ay ugu soo tafaxaytaan hal heesa ayaa qayladaas kaga yeedhsiisaye yaan loo jawaabin oo halkaa haka boteryaan (Hayaanku Ha Socdo Waaqlane Yeelkii)

Macaan iyo Qadhaadh,Bitter and Sweet
Macaan iyo Qadhaadh
1. Dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe
2. Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle
3. Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode
4. Midi waa martida soora iyo maata daadihise
5. Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe
6. Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye
7. Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae
8. Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone
9. Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye
10. Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala'e
11. Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye
12. Marbaan ahay nin xaaraan maqdaxa aan marin jidiinkise
13. Marna tuug mu'diya baan ahoon maal Rasuul bixinne
14. Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye
15. Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye
16. Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye
17. Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane
18. Marna reer magaal Loofaroon muuqan baan ahaye
19. Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays rogae
20. Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe
21. Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye
22. Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane
23. Malaa'iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye
24. Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay
25. Ee inan rag maamuli yiqiin waa i maan garanne
26. ninkasta halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu
27. Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin
28. Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye

Xuuraan: Saxaafada Soomaalida waa “Libin Xasad
Xuuraan: Saxaafada Soomaalida waa “Libin Xasad”
Published: 14 March 2010 KN: Googaa: “Wax cirka tiir ku leh, dhulka taar ku leh, tagooga orgi leh, korka Shaash ku leh’?. Tani waa mid ka mid ah googaaleysigii caruurnimada iyo dhalintii miyiga
Marka lagugu xujeysto taasina waxaa lagu xujo baxaa “Gorgor” oo ah xawayaan haadka ka mid ah oo hilibka cuna, kugu daalin mayo sharaxaada Gorgorka ee aan ka dhaco astaanta muhiimka ah ee uu gorgorku la wadaago moowduuca aan ka hadlayo.
Xasidnimo
Marka uu gorgorku helo raq, inta badan waxaa halkaasi jooga raxan gorgor ah, raqda waxaa reebta oo cuna gorgorka ugu xooga iyo itaalka badan ee meeshaasi jooga, iyadoo inta kala uu ka ceshado raqda. Sababtuna waxay tahay xaasinimo iyo kaligii cunimo ku duugan.
Runta qaraar ee ku saabsan xirfada saxaafada ee maanta dalka ka jirta ayaa leh astaantaasi iyo kuwayoow ka foolxun oo aan ku dhiraandhirin doono qormadani kooban.
Libin Xasad
Waxaan ku jirnaa xiligii qalabka warbaahinta Soomaalida ay ugu badneyd, tusaale ahaan Xamar oo caasimada ah waxaa ka furan ku dhawaad 15 idaacadood, haddii dhacdo muhiim ah ay ka dhacdo meel ka mid ah dalka oo laga yaabo in mid ama labbo idaacadood ay u joogaan wariyeyaal soona tabiyaan dhacdadaasi, idaacadaha kalana ay u baahanyihiin in dhacdadaasi tabiyaan in ay idaacadaasi tabisey kasoo xigtaan waxay ula mid tahay sidii in ay miino ku qaraxday oo kale.
Waxay ka door bidayaan in ay yiraahdaan “Sida ay faafisey wakaalada wararka Shinhaaw ee dalka Shiinaha”, iyagoo ka fogaanaya sheegista iyo magacaabista idaacada Soomaaliyeed ee warkaasi goobjoog ka ahayd, sababtuna waxay tahay waxa loogu yeero “libin xasidnimo”. Wakaalada wararka ee Shinhoow (Xinhau) oo xilkeeda koowaad uu yahay in ay wararka u tabisa hal bilyan iyo intaasoo malyuun oo qof oo shiinaha ku nool, kansho intee la’eg iyo tamar intee la’eg ayay u heyn kartaa waxa Soomaaliya ka dhacaya?.
Waxaa kaloo laga yaabaa in idaacadaha ay door bidaan in ay dhagaystayaashooda been cad u sheegaan iyagoo dhahaya “sida ay ay Radiyoow Meel Cidlo ah u sheegeen dad goobjoogayaal ah”.
Saxafiga Soomaaliga ah ee ku jira warbaahinta waxa uu sharaf u arkaa in uu afka ku balbalaariyo magaca qalab warbaahineed oo shisheeye, boqolkiiba boqol wuxuu sidoo kale jecelyahay in uu tabiyo war ay qalabkaasi tabiyeen oo Soomaaliya ku saabsan iyadoo ay dhankiisa ka tahay wax suurtagalnimada ka dheer in uu tabiyo ama xigto war uu tabiyey saxafi Soomaali ah ama warbaahin Soomaaliyeed. Sharaf dhac iyo waji fiiq ayuu u arkaa in saxafi Soomaali ah uu wax ka xigto ama magaciisa sheego.
Maalintii shabakada SomaliTalk.com ay soo bandhigtey fadeexadii iibsashada badda ee Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo Kenya, oo xaaladu cirka isku shareertey, laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa barnaamijka falanqeynta jimcaha ka deeysey barnaamij badda looga hadlayo, waxaa daadihiye ka ahaa Yuusuf Garaad oo tifaftire ka ah laanta, hal mar oo kaliya ayuu si ilko isku-qabasho ah carabka ugu dhuftey magaca SomaliTalk.com isagoo waliba su’aal ku duraya qof barnaamijka marti u ahaa isagoo dhahaya “Macluumaadka aad ka hadlayso sow ma ahan kii SomaliTalk lagu faafiyey mise xogo kale ayaad noo heeysaa?”, walloow aanan si dhab ah u keeni kari su’aasha sida uu u dhigey hadana fahamka rasmiga ah kaasi ayuu ahaa waliba si liidmo ah.
Imisa jeer ayaad BBC-da ka maqashay “sida uu faafiyey wargeyska Badiicood Axranoot ee dalka Israaiil kasoo baxa?”, imisa ayaad ka maqashay “Ciwaan farwaaweyn ayuu maanta wargeyska Guardian ee dalkani Britain boga hore ku qorey?”.
Sanadii 2007 da waxaan warar u diri jirey shabakada la yiraahdo Calanka.com oo illaa maanta shaqaysa, tifaftiraha shabakadaasi oo qadka aan ku wada sheekeysanayno ayaan ku iri “Shabakada Hornafrik.com waxay soo bandhigtey sawirka Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke, waxayna warbixinta kaga hadlayaan Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan, sow ma haboona in wax laga ifiyo arrintaasi?”, anigaa markaasi u arka in khalad weyn oo saxaafadeed ay tahay oo anshaxa ka baxsan in qof saxafi ah oo warbaahin sidaasi u weyn sida Horn Afrika oo kale uu kala garan waayo muuqaalada labbo madaxweyne oo dalka soo maray, gaar ahaan kii ugu horeeyey. Waxaase iga yaabiyey jawaabta uu isiiyey oo runtii aan u arkay mid nasiib darro ah.
Wuxuu igu yiri “War naga dhaaf ma doonayo in aan magacooda buunbuuniyo oo aan soo caanbixiyo”, waxaad ogaataa in maalin kasta bartaasi lagu faafiyo laguna faaniyo magacyo saxaafad kale oo shisheeye, ma ahan in aan weerarayo ninkaasi saaxiibkeey ah laakiin waxaan ifinayaa waxa ka guuxaya maanka saxafi kasta oo Soomaaliyeed oo aan aniga ku jiro haddii uusan eebe weyne iigu gargaarin faham durugsan.
Waxaan kaloo kuu hayaa tusaale kale oo isla maantaba dhacay, ciwaankeyga GOOGLE-ka ah waxaan u diiwaangashahanay in ay iigu soo dhacaan dhamaan warbixinada laga qoro Soomaalida, waxaan maanta ka aqriyey warbixin uu qorey wargeys dalka Suudaan kasoo baxa oo la yiraahdo Sudan Tribune, warbixinta wargeyska waxay soo xigineysaa shabakada Mareeg.com oo ah shabakad Soomaaliyeed oo luuqada English-ka wax ku qorta, barta GOOGLE-kana lasoo dhigo, warbixinta waxay ka hadlaysa xoghayaha Gaashaandhiga Xisbul Islaam Sh. Muuse Caraale oo lagu xirey Suudaan.
Kadib waxaan fiirfiiriyey shabakada Soomaalida dhamaan, waxaa ka mid ah shabakada Hiiraan.com, waxaan arkay warbixintii Sudan Tribune oo la turjumey oo barta lasoo dhigey, laakiin nasiib darada dhacday ma taqaanaa?, warbixinta tuduca ugu horeeya waxaa si xarago leh loogu xusey magaca wargeyska Sudan Tribune oo warbixinta laga soo xigtey, laakiin meelna loogama xusin halkii ugu horeyntiiba laga soo xigtey ee ahayd Mareeg.com ee wargeyska Suudaan kasoo baxa uu warbixintiisa ku sheegey, warbixinta waxaa la turjumey dhamaanteedba waxa aan ka ahayn tuduca magacaabaya Mareeg.com, hoos ka eeg tidicyada iyo xididadooda oo aan soo qaatay.
“Sheikh Hassan Mahdi, a senior official from Hizbul Islam told Mareeg Online that the Sudanese police arrested Arale while he was trying to cross the eastern Sudan border and reach Eritrea”
http://www.sudantribune.com/spip.php?article34413
Sudan Tribune
“Wargeyska Sudan Tripune ayaa maanta daabacay in xoghayihii difaaca ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Carraale ay xireen ciidamada ammaanka dalka Sudan isagoo isku dayay inuu si dhuumaaleysi ah ku galo dalka Eritrea”
http://www.hiiraan.com/news/2010/Mar/wararka_maanta14-9226.htm
Hiiraan.com
Maxaad ku turjumi kartaa arrintaasi, ma daciifnimo na heeysataa?, ma xaasidnimadaa, ma shisheeye kaalkaalnimaa?, ma is aqoonsi la’aanbaa? ku darsoo ka hilmaamin, anigoon u jeedin in aan duro bartan Hiiraan.com, waxay barta soo bandhigtaa inta badan warbixinada luuqada English-ka ah ee laga qorey arrimaha Soomaalida, warbixinada Soomaalida laga faafiyo ee lasoo dhigo barta GOOGLE waxaa ka mid ah kuwa ay daabaceen baraha Soomaalida ee hawada ku jira, marna ku arki meeysid Hiiraan warbixin ay qoreen barahaasi si kasta muhiim ha u ahaadaane.
Ogoow Hiiraan waxay ka mid tahay baraha wararka ay qoraan loogu kalsooni badanyahay sida uu ii sheegey Wariye Jamaal Axmed Cusmaan, anigana waan ku waafaqsanahay, sidaasi oo ay tahay xanuunkan maskaxda ku dhaca ee Libin Xasid ayay la bukaan.
Dadka saxaafada Soomaalida kusoo caanbaxay waxaa ka mid ah Cumar Faaruuq oo ah xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta NUSOJ, walloow la naqdiyo hoowlahiisa, hadane wuxuu gaaray meel uusan saxafi Soomaali ah gaarin, isla markaasi wax badan ayuu taray saxaafada Soomaalida oo aysan cid kale tarin, bal magaciisa ku raadi GOOGLE si aad u aragto inta qoraal ee dacaayad ah ee laga faafiyey ee shaqsiyadiisa weeraraya.
Ma taqaanaa sababta? waxbo looma ogola, waxaa laga maseerayaa heerka uu gaaray, haddii tartan loo galo kaalinta koowaad ee saxafiyiinta aduunka, oo kaalintaasi uu galo qof Soomaali ah, saxaafada Soomaalida waxaan shaki iigaga jirin in ay tabineyso magaca ninka kaalinta labaad galay ee u dhashay dal kale.
Bal warayso Mustafa Xaaji oo ah tifaftiraha idaacada Simba oo dhawaan hey’ad caalami ah ay siisey abaalmarin caalami ah, inta la xaqirey in guushiisa la sheego?.
Dhawaan shabakadani KismaayoNews.com waxay faafisey warbixin lagu dacaayadeynayo Wariyaha weyn ee Bashka Jug Soo Dhacay, waxay ahayd talaabo anshaxa saxaafada ka taloowsan oo xad gudub culus loogu geystey Bashka oo qoyskiisu taariikh mug leh ku leeyihiin saxaafada afka Soomaaliga ee Kenya, aabihiis wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee af Soomaali kaga hadla idaacada qaranka Kenya ee KBC xitaa ka hor intii aanan xoriyada la qaadan 1963 dii.
Ninka taariikhdaasi ku leh Soomaalida Kenya ee ay ahayd in loo dhiso madxaf iyo taalo lagu weeyneynayo doorka reerkooda, sidee inta qof ka maseersan hormarkiisa uu warbixin usoo diyaariyo loogu daabici karaa bar sida KismaayoNews oo kala ah oo sharaf leh?, Tifaftirka barta waxay qirteen in warbixinti si khaldan ku baxday, raali galin rasmina laga bixin doono.
Walloow waxyaalo badan lagu naqdiyo oo ay ka mid tahay naasnuujinta warbaahin gaar ah, hadane bal weeydii Yuusuf Garaad madaxa laanta Af Soomaaliga ee BBC-da inta jeer ee saxafiyiin Soomaali ah isku dayeen in ay shaqadiisa ka diraan oo ay ka gudbiyeen dacwado aan sal iyo raad lahayn iyagoo ka maseersan hormarka uu gaaray?.
Waxaan aniga goobjoog u ahaa sida wariyeyaasha u shaqeeya idaacadaha waaweyn ay u liidaan kuwa soo kacaya ee warbaahinta yaryar u shaqeeya, ninka u shaqeeya tusaale ahaan BBC ama VOA waa uu iskala weynyahay wariye kasta oo kale, hoos ayuu eegayaa, wuu iska fogeeynayaa, in xitaa lala hadlo waa in wado dheer loo maraa.
Ugu dambeytii qormadani muddo ayay maankeyga ka guuxeysay, waxaana igu dhaliyey jawaabo aan is daba marsanay saxfi saaxiibkeey ah oo lagu magacaabo Shariif Macalin, maalin ayuu faalo ka qorey Cabdullaahi Yuusuf iyo Sh. Xassan Daahir Aweys, faaladii ayaan aqriyey kadibna fariin kooban oo aan faalada ku naqdinayo, kuna amaanayo ayaan u direy, waxaa fariinteyda ku jirey “tolloow hebel miyaa kuu diyaariyey faalada?”, anigoo la kaftamaya, wuxuu iigu soo jawaabay “boqolaal fariimood ayaa la’iisoo direy, taada kaliya ayaanan kasoo jawaabayaa, in aad tiraahdo hebel miyaan kuusoo qorey waxaan u arkaa Libin Saxad”.
Waan ka naxay jawaabta sababtoo ah sida ay boogta u taabatay, waxaanan garwaaqsaday in aan ku dhacay khalad aan ka fiirsan .
Sax saxaafada Soomaalida cillado badan waa ay leedahay, laakiin arrintani waxaan is leeyahay waa tan ugu weyn oon ku magacaai karro cudur maanka ku dhaca oo la yiraahdo “Libin Xasad”. Waxaan leeyahay “sheeg guusha walaal, taada hala sheegee, quur wax, haluguu quuree”.
Xuuraan: Qormo Joogto ah oo laffogur ah
W/Q: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com , +27767059384

arday ssc cusub oo timi dalka sudan
arday cusub oo raba inay ka bilaabaan dalka suudaan waxbarsho sekendari ah (dugsiyada sare) ayaa waxay soo gaadheen magaalada kharduum ee caasimada dalka suudaan markay taariikhdu ahay 14 febraayo 2010,ardaydaas oo tiradoodu ay tahay 4 iyo mid kale oo isna soo socda markaas tiradoodu waxay gaadhaysaa 5 arday ,ilaahayna waxaanu uga rajaynayaa inuu u fududeeyo waxbarshadooda,ardayda ssc ee timi caasimada kharduum ee dalka suudaan magcayoodu waa sidatan:1.abshir faarax maxamuud(dhiilo-casar)2.c/qani hoori3.c/laahi ibraahim maxamuud4.mustafe c/qani khaawihadaba ardaydaas timi magaalada kharduum waxay bilaabi doonaan waxbarashada hadii ilaahay idmo bisha 6aad,waxaanuna waraysi la yeelanay mid kamida ardayda ssc ee sanadkan timi dalka suudaan oo magaciisa la yiraahdo abshir faarax maxamuud(dhiilo-casar)waxaanuna waydiinay ugu horayn:1.ka waran dalka suudaan sidee buu kula yahay?wuxuu ku jawaabay noloshiisu aad uma fiicna laakiin waxbarshada waa ay ku fiican tahay waayo dadka jooga badankoodu waa arday2.ka waran cimilada dalkan aad timi dhowaan?jawigeedu aad uma fiicna waayo waa kul marka la barbardhigo dalkeenii soomaaliya3.maxaa kuugu yaab badnaa oo aad ku aragtay dalkan?waxaan ku arkay cunto xumo,cuntadeeduna waa fuul(digir waaweyn),cuntada marka la cuno cuntada mala istaraasho4.yaa kugu soo dhoweeyey dalka suudaan oo aad aragtay saacadihii kuugu horeeyey ?waxaan arkay C/kariin wasiirka , cabdilaahi axmed dayib iyo muuse axmed ciise5.maxaad kula talinaysaa dadka soomaaliya jooga ee aan waxbarashada dhigan ee kula mid ka ah ee jooga deegaanada ssc?waxaan kula talinayaa inay waxbartaa si ay u anfacaan dalkooda,dadkooda iyo diintoodaba
Subscribe to:
Posts (Atom)