Wednesday 9 May 2012

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Oroyahankii Somaliyeed Ee Cabdi Bile Cabdi…

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Oroyahankii Somaliyeed Ee Cabdi Bile Cabdi…

Maanta waxaan inyar isdul taagaynaa tariikhda Ordaaga caan ka ah ee cabdi
bile cabdiwaxa uu ku dhashay magalada Laascaanood ee xarunta gobalka sool 28-kii
december 1962-dii,waxaa uu tacliintiisii dugsiyada sare ku dhamaystay gudaha
dalka somaliya intaa kadib waxa uu dibada ugu baxay waxbarasho jamacadeed
wuxuuna ka qalin jabiyay jamacada kutaala dalka maraykanka oo layirahdo Georgy mason
qaybteeda  management of marketing,halkaas
ayuu in mudo ah kunoolaa.

 Yaraantiisii waxaa uu caan ku ahaa
jacaylka ama ka helida ciyaaraha noocyadooda kala duwan sida kubadda cagta iwm.

Adeerkii maxamed bile ayaa dhowr jeer ku booriyay ama ku dhiiri
galiyay  oradka inuu ku dadaalo sida laga
sheegay cabdi bile cabdi laakiin isagu waxa uu jeclaa kubadda cagta.

Waxa uu cabdi bile cabdi ka maqlay ilaacada muqdisho war sheegaya in
ordaagii somaliyed ee Jamac karacin uu helay deeqwaxbarasho orod uu qaday
daraadeed taas oo cabdi bile u kordhisay hamigiisii ahaa inuu noqdo orod yahan
,waqtigaa wixii ka danbeeyay cabdi bile waxaa uu toos ugu biiray bahda
orodyahana somaliya isagoo Laascaanood u matalay koobkii oradka ee gobalada
somaliya ee sanadkii 1982dii ee lagu qabtay magaalada Muqdisho .

Cabdi bile wallow uu san qaadin koobka hadana kama hadhin ee waxa uu sii
watay tababaradiisii isaga isku sharaxay ka qayb galka koobka jamacadaha
maraykanka kaas oo ay usuuro gashay inuu qaado sanadkii 1985tii.

Sanadku markuu ahaa 1987dii ayuu waxa u ka qayb galay koobka oradka
adduunka  ee masaafadiisu tahay ( 1500m
)oo markaa lagu qabanayay dalka talyaniga magalada Rooma wuuna ku guulastay
koobkaa isagoo lulaya calanka buluuga ah ayaa laga dawaday shaashada addunka oo
dhan wuxuuna adduunka habaykaa baray inuu jiro dal layiraahdo somaliya oo ku
yaala geeska afrika kaas oo awooday ka qayb galka tartanada adduunka  ilaa heer
caalami  waxa uuna noqday ordaagii ugu horeya ee
somali ah ee koobka adduunka qaada.

Sidoo kale Cabdibli waxa kaloo uu qaday koobka afrika isla sanadkaas kaas
oo uu ku xidhay iskoodh caalami ah oo ah inuu noqdo ordaagii ugu horeeyay oo
halmar wada qaada koobka  oradka ee
afrika iyo adduunkaba.

Sanadkii 1987dii ayaa waxaa magaalada Muqdisho loogu sameeya soo dhaweyntii
ugu balaadhnayd  ee abid loo sameeyo ordaa
ama ciyaar yahan somaliyeed ,qaybaha kala duwan ee Shacabka somaliyeed ayaa ku
qaabilay Gegiga dayuradaha ee Adan cade international airport sida  dawladda
somaliya  gaar ahaan wasarada
ciyaraha,abwaano,fanaaniin  ay mid
ahaayeen hoobalada (Waaberi )oo ay ka mid ahaayeen Xasan adan samatar,xaliima
magool,khadra dahir, fadumo qasim iyo dhaman inta kale reer waaberi  oo markaa
utirinayay heeso sida (cabdi bilaan
uheesayaaaaaa…………………uheesayaaaaaaaaaaa ………..uheesayaaaaaaaaaaaaaaaaaa……) iyo
cayaaryahanada somaliyeed oo dhan.

Inta kabacdii magaca cabdi bile ayaa adduunka oo dhan qabsaday wax kastoo
dheereeyana waxa lagu xardhay magiciisa sida shirkada TAYOTA oo qaar kamid ah
baaburta ay soo saarto ubixisay Cabdi bile waana baabuurta  looyaqaano fivelayaal ee
inta badan somalidu
saaraan qoryaha  wax dila sida baronka, waraysi
uu siiya BBC-da waxa uu somalida u sheegay in shirkadaasi magaca is ka qaadatay
idanna ayna ka waydiisan waayo ma lihi buu yiri dawlad xaqayga udooda ana ma
sii dabagalin ayuu yiri halyeyga cabdi bile cabdi.

Sidoo kale magaalada Laascaanood Garoon kubadda cagta waxaa layiraahdaa Cabdi bile
stadium
si loogu sharfo ordaagii gobalka uga qayb gali jiray tartanada heerka gobal ee
somaliya oo hada gaadhay in uu somliaya iyo oo dhan matalo. 

Cabdi bile waxaa uu hada kunool yahan dalka maraykanka  waxa uuna socdalo ku kala
bixiyaa dalalka
addunka isaga oo lagu sharfo ka soo qayb galka koobabka adduunka marka la
furayo, dhawaan markii la qabanayay koobkii ciyaaraha kubadda somaliya ee
magaalada garoowe waxaa uu ahaa marti sharaftii lagu sharfay ka soo qayb galkooda.

Warasiyo fara badan ayuu siiyay ilacada BBC da laanteeda afka somaliga Isagoo
ka hadlay heerarkii uu soo maray waxa ku dhaliyay  inuu ordo, sidoo kale hooyadiis
ayaa waraysi
ay siisay radio muqdisho ku sheegatay in  uu guriga joogo kii cabdi bile
markuu cararo ay ku odhan jirtay hooyo ii soo qabo iyadoo sheegtay in cabdi
kuwo ka dheerayaa ay caruurteeda ku jiraan saas ay tiri iyadoo kusugan
magaalada laascaanood ee xarunta gobalka sool ee somaliya.

Isku soo duubuu cabdi bile waxa uu caalamka ogaysiiya inuu jiro wadan
afrika kuyaala oo la dhaho somaliya kaas oo awood uleh inuu utartamo ama ka
qayb galo ciyaaraha adduunka si heer caalami ah,waxaa uu calanka somaliya baray
in kabadan 100 milyan oo habaykaa daawanayay tartankii oradkiisa. 

Cabdi bilecabdi kasakoow in isaga la lagu
sifeenkaro in ay sharaf iyo yididiilo ay u ahayd guulaha uu gaadhay hadana dadka
soomaalida ayaa igygana utahay guul iyo karaamo weyna kufaanaan halyeygooda
cabdi bile cabdi.

 Guulahaas cabdi Bile Cabdi uu garay waxaa kamid ahaa

The one and only Abdi Bile abdi.a hero,patriot,and an champion par excellence who
gave Somalia its only golden medal.1985 waxa uu qaaday african champion
1987 waxa uu qaaday world champion ships1989 waxa uu qaaday IAAF grand prix
final1996 waxa uu qaaday olympic game.
Taariikhdiisii oo faah faahsan
W/Q:-Abdirasak Ahmed Jama (qoje) Email :qoje2@hotmail.com

Leave a Reply

No comments:

Post a Comment