Wednesday 23 May 2012

Hogaamiye Dhaqameedyo caan ka ah Somalia oo dhaliilay qaabka loo wado shirka odayaasha uga socda Muqdisho



Hogaamiye Dhaqameedyo caan ka ah Somalia oo dhaliilay qaabka loo wado shirka odayaasha uga socda Muqdisho
(DAAWO SAWIRO)

Your browser does not support inline frames or is currently configured not to display inline frames.
Kulan dood ah oo ay ka qeyb galeen hogaamiyaasha dhaqanka Soomaliyeed kuwa ugu magaca weyn loogana hadlayay muuqaalka uu yeelanayo masiirka umda Soomaliyeed iyo wadada loo marayo sidii lagaga gudbi lahaa xiliga ku meel gaarka ah ayaa lagu qabtay Hotelka Ambassador eeMagaalada Muqdisho.





Intii ay socotay dooda waxaa la isku weydaarsadey talooyin iyo su’aalo xog kororsi ah oo dhamaantood ku wajahnaa xaalada kala guurka ah iyo baadi doonka isbadal cusub oo ku yimaada hanaanka guud eeSoomaaliya.
Dooda waxaa bud dhig looga dhigey in dib u eegid iyo turxaan bixin lagu sameeyo shirka madaxda dhaqanka ee ka socda caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana aqoonyahanadii iyo qeybaha ururda bulashada ee kaqeyb gashey soo hor fariistey Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi faracade Ugaaska beesha Murusade, Ugaas Maxamud Cali Ugaas Ugaaska beesha Mudulood Garaad Jaamac Garaad Cali garaadka guud ee beesha dhulbahante Suldaan Maxamed Jaamac Shire suldaanka beesha Laylkase, Garaad JamacGaraad Ismaciil iyo ugaaska guud ee beesha direed.
Doodan oo aay soo qabanqaabiyeen haya’ada cilmi baarista iyo wadatashiga ee CRD iyo Telefishinka Universal ayaa waxaa hogaamiyaasha la weydiiyey sida ay u arkaan xulida duubabka dhaqanka oo ka kooban 135 odey iyo shirka ka socda Mogadishu ee odayasha waxyaabaha ay u arkaan qaladaad abuuri kara dib u dhac iyo sida xal loogu heli karo sidaas oo kale waxaa wax laga weydiiyay sida ay u dhici karto in ay dhexdhexaad u noqdaan siyaasiyiinta damaca siyaasadeed leh iyo madaxda dowlada.
Odyaasha dhaqanku waxeey dhaliileen qaabka ka qeybgalka odayaasha dhaqanka ee shirka Mogadishu iygoo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aysan laheyn 135 duub ayagoo cadeeyay in ay jiraan duubab cusub oo la abuurey waxeyna xukuumada ku meel gaarka ah ku eedeeyeen in madaxda dhaqanka aan loo madax banaaneyn howlahooda, hogaamiyaashu waxeey sheegeen in ay u taagan yihiin sidii xal looga gaari lahaa xaalada soomaliya.





Odoayaashu waxey soo jeediyeen qodobadan:-
1-In dib u eegid lagu sameeyo qaabka ka qeyb galka odoyaasha dhaqan
2- In odoyaasha loo madax banaaneeyo howlaha loo igmaday si ay waxqabadkooda cadalad ugu saleeyaan.
3-In xukuumadu aney ku dag dagin in shir loo qabto hogaamiye dhaqameed aan la turxaabixin.
4-Odayaashu waxeey ka codsadeen dowlada in ay soo bandhigto dastuurka qabyada ah si shacbiga awood ugu yeesho in ay ka qeyb galaan taladiisa.
5-hogaamiyaasha dhaqanku waxey ku baaqeen in aan la marin habaabin qorshihii qariidada nabada.
Hogaamiyaasha dhaqanku waxeey iska fogeeyn iney lug ku leeyihiin qabanqaabada shirka odayaasha ee ka socda magaalada Mogadishu ayagoo sheegay in dhinacooda aaney wax war ah ka heyn hanaanka shirku u socda ilaa haddana aan loo soo bandhigin qorshe howleedka .


Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com

No comments:

Post a Comment