Thursday 17 May 2012

Nin Warbaahinta sawirkiisa u adeegsadaan inuu yahay Hogaamiyaha Shabaab oo beeniyay (Warbixin+Sawiro

cabdiraxmaan Odawaa oo horay uga soo goostay Ururkii Xisbul Islaam ayaa cabasho ka muujiyay sawir website-yada Soomaalida u adeegsadaan inuu yahay muuqaalka Hogaamiyaha Al-Shabaab, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay sida qaldan ee sawirkiisa loogu adeegsaday magaca qof kale.


Mr Shuuke oo hada ku sugan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in sawirka laga qaaday isagoo ku sugnaa Madaxtooyada, xilligaas oo saxaafada uu kula hadlay.


"Walaal waxaa ka cabanayaa arrin ku saabsan aniga sawirkeyga ee la saaray Axmed Godane Hogaamiyaha Al-Shabaab, markii website-yada la galo ee Godane la weydiiyo sawirkeyga soo baxayo, anigana waa Shuuke Cabdiraxmaan aniga ma ihi, waana arrin fadeexad igu ah, qof kale ama dambiile ah in sawirkeyga magaciisa la saaro, waa mid aan ka cabanayo"ayuu yiri Shuuke C/raxmaan Odawaa.


Mar uu ka hadlay sida arrintan ay saameyn ugu yeelatay ayuu waxaa uu sheegay inuu la yaabay in qof Taarkat ah isaga lagu mala-awaalo sawirkiisa, waxaana uu tilmaamay in Caalamka iyo shacabka Soomaaliyed uu u cadeynayo inuu diyaar u yahay inuu Maxkamad la koro dadka sawirkiisa u adeegsanaya magaca Hogaamiyaha Shabaab ama Mukhtaar Abuu Zubeyr ama Axmed Godane oo labadaba loo yaqaano sida uu yiri.


"Qorshaheyga waxa waaye inaan codsi u diro Caalamka iyo Dowladda, in website-yada noocaas ah la ogaado, nin Taargat ah inay iga dhigeen Umada Soomaaliyed iyo Caalamka dambiile ka ah, in sawirkeygana lagala jeedo Axmed Godane"ayuu sii raaciyay Shuuke Cabdiraxmaan Odawaa oo Xisbul Islaam ka soo goostay sanadkii 2009-kii, mar lagu dilay Ceelasha Biyaha nin ay walaalo ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Pakistan.


Laakiin Saxaafada qaar ayaa si ilduuf ku jirta u isticmaalay sawirkiisa markii isaga iyo Sarkaal kale oo Shabaab ka soo goostay oo wareysi uu la yeeshay mid ka mid Wariyeyaasha u shaqeeya Jaraa'idyada ka soo baxa dalka Mareykanka uu si gaar ahna uu kula kulmay Xarunta Madaxtooyada, xilligaas oo Dowladda KMG ay Caalamka u cadeyneysay in Labo Sarkaal sar sare ay ka soo goosteen Labada Ururo Islaami ee dagaalka kula jirtay.


Hogaamiyaha Shabaab ayaan lagu arag fagaarayaasha, xilliyada fariimaha uu soo diro waxaa uu soo marsiiyaa warbaahinta, ma jirto muuqaal dhab ah oo laga haayo, shacabka Soomaaliyed ayaan wali arag, marka laga reebo Saraakiisha Shabaab iyo qaar ka mid ah Saraakiishii Maxkamadaha oo aragiisa kaliya xusuusta.


Shuuke Cabdiraxmaan Odawaa oo sawirkiisa Warbaahinta u adeegsadaan inuu yahay Hogaamiyaha Shabaab




Shuuke iyo Sarkaal Shabaab ka soo goostay oo isla sawiran, iyagoo ku sugan Madaxtooyada balse Website-yada qaar Sawirkiisa si gaar ah u jareen, kana dhigeen muuqaalka Hogaamiyaha Shabaab


No comments:

Post a Comment