Sooyaal Nololeedkii Wasiiru Dawlihii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Puntland DR. Cabdi Xasan Jimcaale
Wq. Anwar Maxamed Diiriye
May 09, 2012
____________________
____________________
Dr. Cabdi Xasan Jimcaale (circa 1948 – May 5,
2012), waxa uu ku dhashay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.
Waxa uu malcaamaddii Qur’aanka, dugsigii hoose, dhexe iyo sareba uu ku
dhammeeyey magaalada Muqdisho. Intii aan la qorin farta Soomaaliga ayuu
ka aflaxay waxbarashadiisii dugsiga sare, dabadeed isla waayahaasba
waxa uu noqday shaqaale hoose oo wasaarado dhawr ah ka soo shaqeeyey.
Dr. Cabdi Xasan Jimcaale oo shir Soomaaliyeed
dhex fadhiya |
1972kii waxa isaga iyo dhallinyaro kale oo uu
ku jirey loo qaaday dalkii Soofiyeetka Midoobey. Halkaa oo loo geeyey
in ay ku soo qaataan tababar ku saabsan hoggaaminta dhallinyarada,
waxana uu ku maqnaa 11 bilood. Goortii uu soo laabtay waxa lagu
biiriyey xoghayntii xafiiskii siyaasadda ee madaxtooyada.
Waxa uu dabadeed noqday guddoomiyihii ugu
horreeyey ee degmada Cadaado; waxa kale oo uu ka soo noqday gobolkii
Galgaduud xoghaye xisbi & guddoomiye ku xigeen. Waxa uu ahaan jirey
xubin ka tirsan Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed.
Waxa uu niskii dhexe ee sano tobnaadkii
toddobaataneeyada galay kuliyaddii Culuunta Siyaasadda ee Jaamacaddii
Ummadda Soomaaliyeed “Gahayr,”. Taas oo uu ka qaatay shahaadada
Bachelors-ka. Isla kolkii uu ka qalinjebiyeyba waxa uu macallin ka
noqday isla kulliyaddii waxana uu ka dhigi jirey maadooyinka Ancient
Greek philosophy & German Classic Philosophy.
Muddo ka bacdi waxa loo magacaabay xilal kala
duwan oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku xigeen gobol, sii haye
guddoomiye gobol, agaasime waaxeed & xilal siyaasadeed oo ay la
talini ka mid ahayd. Bilowgii siddeetameeyadii ayuu Cabdi iska
dhaadhiciyey in aqoonta uu haystaayi in ayan ku filnayn ayna tahay in
uu aqoon siyaadsi u tacabiro, waxa uu tegey Romania, waxana uu ka
bilaabay barashada sharciga, waxana uu Master ku qaatay arrimaha
sharciga 1988kii, waxana uu ugu dambeyn shahaadada PhD ku qaatay
Sharciyada Dastuurka (Constitutional Law) oo uu ka qaatay isla Romania.
Ra’iisal Wasaare Prof. Cabdiwelli Maxamed Cali Gaas & Dr. Cabdi Xasan Jimcaale. Garoowe, Puntland. 2012
|
Waxa uu u soo wareegey Denmark markii
dagaalka sokeeye halakadiisu Soomaaliya ka qaraxday, halkaa ayuuna ku
noolaa, waxana uu ka noqday macallin dhiga Italian Literature & la
taliye sharci oo uu hay’addo Danish ah oo kala duwan uu muddo kula soo
shaqeeyey. Goor dambe waxa uu tegey Soomaaliya, waxana uu shaqo ka
bilaabay magaalada Garoowe oo uu hay’adda Diakonia u noqday Xiriiriyaha
Sharciga & Xuquuqda Aadanaha. Waxa uu muddadaas aqoon kororsi
xagga sharciga ah u furey Ciidanka Asluubta, Ciidanka Bileyska,
garsoorayaasha maxkamadaha, qareemmada madaxa bannaan & xubnaha
baarlamaanka Punland. Si wanaagsan oo lagu ammaanay ayuu hawshaa uga soo
dhalaalay.
Bilowgii Janaayo, 2009 ayuu Madaxweynaha
Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole u magacaabay Dr. Cabdi
Xasan Jimcaale in uu noqdo Wasiirka Madaxtooyada ee Dastuurka &
Arrimaha Federaalka, waxana uu ka codsaday in uu awoodda saaro sidii
hannaanka dimoqraadiyadda loo bari lahaa ummadda Puntland & in uu
diyaariyo dastuur rasmi ah oo ay Puntland yeelato.
Dr.Cabdi Xasan Jimcaale hawshii uu maalintaa
bilaabay, si wanaagsan oo bulshada badideedu ku qanacday ayuu uga soo
dhalaalay, waxana uu isaga oo sees ka dhiganaya dastuurkii Puntland ee
hore u jirey uu dejiyey dastuur rasmi ah oo intii uu noolaa uu ka
ansixiyey golaha wasiirrada & golaha baarlamaanka, kaas oo ugu
dambeyn isaga oo arrimo caafimaad dartood dhakhtar u jiifa ay si mug
leh u ansixiyeen wufuud bulshada laga soo xulayi.
Waxa uu ka soo dooray naqshado badan oo loo
soo gudbiyey calan & calaamad u gaarka Puntland, oo uu ku qeexay in
ayan midnimada Soomaaliyeed aanay wax u dhimaynin ayse tahay astaan u
gaar ah gobolka. Waxa uu si xirfad & aqoon leh si joogto ah uga
jeedin jirey saxaafadda Puntland casharro & warbixinno ku saabsan
dimoqraadiyadeynta, dastuurka & arrimaha federaalka ee ay Puntland
oddorosatay.
Waxa kale oo uu ebyey sharuucdii uu adeegsan
lahaa guddiga doorashooyinku iyo waddadii loo mari lahaa furitaanka
axsaabta badan ee siyaasadda. Waxa uu si mug leh oo muuqata uga
shaqeeyey isku soo dhowaanshaha iyo wada shaqeynta Puntland &
Dawladda ku meelgaarka ah. Waxa uu garwadeen ka noqdey shirarkii
Garoowe ee lagu gorfeynayey arrimaha ka gudubka kumeelgaarnimada iyo u
gudubka dawlad rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato 21 sano ka dib.
Waxa uu ahaa nin shaqo badan oo goor iyo
ayaanba wax qorid, akhrin & hawlo shaqadiisa ku saabsan u soo jeedi
jirey oo aan marna ka caajisi jirin xilkiisa, kaas oo uu u arki jirey
in uu yahay xil ammaano bulsho ku ah oo in had & goor loo soo jeedo
mudan
Shaqsiyan anigu, waxa aan bartay Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, wax yar ka dib markii uu soo saaray buuggiisii (Ma Degganayaasha Geeska Afrika),
qiyaasta 1995kii. Waxa uu ahaa shaqsi edeb & ixtiraam badan,
urursan, dhegeysi badan oo aan ka daali jirin ama kahan jirin in aad
saacado badan la sheekeysato, saaxiib wanaagsan oo deeqsi ku ah
aqoontiisa & waayo aragnimadiisa. Waxa uu ahaa nin leh garasho sare
oo wax ka hillaadin og meel aadan arki karin.
Goor walba oo aad ka dooddaan arrin aqoon u
baahan si fudud ayuu u heli jirey dooddiisa, tixraacyo badanna wuu ku
siin jirey. Dhanka filosofiga waxa uu aad u soo xigan jirey fikradihii
Jean-Jacques Rousseau iyo Georg Wilhelm Friedrich Hegel. Jimcaale ma
aanu ahayn nin ay iskaga qasan yihiin ama marnaba ay iskaga labmaan
arrimaha diinta & kuwa cilmiga maaddiga ahi. Waxa uu lahaa garasho
cuddoon oo meel dhow wax kaa tusi og, waxa uu ahaa deeqsi inta aad la
joogto aqoontiisa & himilkiisa si fudud oo aan hamrasho lahayn
kaaga dherjiya.
Marka aad dood cilmiyeed bilowdaan si xarrago
leh ayey maskaxdiisu u deexan jirtey, waxana uu jecleysan jirey in aad
doodda sii waddaan. Qof aad u deggan oo ixtiraam badan muujiya ayuu
ahaa, dadkuna waa ay u sinnaayeen oo abuurta bini’aadamnimo ayaa kala
sarreysey heerarka nololeed ee kala qoqobta bulshada. Hawlaha
reernimada & kuwa shaqadiisu way u kala soocnaayeen, dadka aan
garashada uu higsanayo si sahlan u fahmi karini way ku colaadin jireen
arrinkaa. Waxa uu ku oran jirey haddii aad labadaa arrimood isku
baraxdo, “walaal inoo kala saar oo aan mid walba xaqeeda siinno.”
Waana halkaa halka uu sida weyn ugaga duwanaa hoggaamiyayaal iyo
aqoonley badan oo Soomaali ah. Waxa uu ahaa nin cilmiga uu bartay ku
degey, oo mar walba caqligiisa iyo inta uu bartay ku kala xeeriya
arrimaha murugsan ee ku meegaaran nolosha iyo waayaheeda macaankiyo
kharaarkaba leh. Dhanka qarannimada & hanka Soomaaliga aad ayuu ugu
weynaa, mar walba oo aad wakhti isku heshaanna waxa uu tartansiin
jirey darxumada Soomaalida dadkeeda iyo dalkeedaba haysta iyo halka
adduunka kale iyo dadkiisu ay higsanayaan. Munaafaqadda, cuqdadda iyo
ceeb ku faanka wuu ka caafimaad qabey, oo waxaa halhays cuddoon u ahaan
jirtey kelmadda “xaashaalillaahi,” oo macnaheedu yahay “xume ka fog; xume ka dheer iwm” marka uu kuu xaqiijinayo arrin uu ka hadlayo hubsashadeeda.
Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, waxa aan markii iigu dambeysey ee aan arko aannu diyaarad ka wada raacnay Djibouti, dabaadigii December 2010, oo waxa aan isla gaarney ilaa Gaalkacyo, dabadeedna gurigiisa ayaan asbuucii labaad ee ku beegnaa January 2011, ku wada qaddeyney magaalada Garoowe. Dr. Jimcaale waxa uu diyaaraddu intii ay samada dhex muquuraysey uu igu guddoonsiiyey nuqul ka mid ah dastuurka imika Puntland loo ansixiyey oo uu garwadeen ka ahaa, oo weliba si ixtiraam leh uu iiga codsaday in aan si deggan u akhriyo oo aan sida ugu dhakhsaha badan ula wadaago sida aan u arko, tiiyoo aan yeelay, Maashaa Allaahuye.
Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, waxa aan markii iigu dambeysey ee aan arko aannu diyaarad ka wada raacnay Djibouti, dabaadigii December 2010, oo waxa aan isla gaarney ilaa Gaalkacyo, dabadeedna gurigiisa ayaan asbuucii labaad ee ku beegnaa January 2011, ku wada qaddeyney magaalada Garoowe. Dr. Jimcaale waxa uu diyaaraddu intii ay samada dhex muquuraysey uu igu guddoonsiiyey nuqul ka mid ah dastuurka imika Puntland loo ansixiyey oo uu garwadeen ka ahaa, oo weliba si ixtiraam leh uu iiga codsaday in aan si deggan u akhriyo oo aan sida ugu dhakhsaha badan ula wadaago sida aan u arko, tiiyoo aan yeelay, Maashaa Allaahuye.
DR. Cabdi Xasan Jimcaale, waxa kale oo uu
ahaa qalinle halki-haleel ah, waxana uu qoray dhawr buug oo soo baxay
iyo dhawr kale oo iyaga oo tifaftiran uu ka geeriyoodey oo uu Alle ka
oofsaday. Waxa uu wax ka qori jirey, taariikhda, Islaamka iyo arimaha
siyaasadda Soomaalida.
Anwar
Maxamed Diiriye (Somali Pen & Gobaad Press) oo shahaado sharaf
hawl-karnimo guddoosiinaya Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, Minneapolis,
Minnesota 2009
|
Illaahay naxariistii janno ha siiyee, Dr.
Cabdi Xasan Jimcaale, waxa uu ku geeriyoodey cusbital ku yaal magaalada
London oo uu muddo ku jirey maalinkii Sabtida, May 5, 2012. Geeridu
waa xaq, laakiin dhimashadiisu waxa ay ku soo hagaagtey xilli
aqoontiisa & dadaalkiisaba aad loogu baahnaa oo ay hawlo badani
dhanka Soomaalida ka sugayeen. Waxa uu ifka kaga tegey laba carruur ah
oo mataano ah & hooyadood. Ilaahay iyaga & innagaba samir &
iimaan waafi ah ha naga wada siiyo, booskiisiina khayr ha noogu
beddelo e’.
Geeridu xaq weeyoo
Waa la wada gundhabadsane
Hadda gaani dhaladoo
Aqoon guud ka buuxdaa
Gegidii banneeyee
Goob wacan Alloow gee
Gef wuxuu lahaa iyo
Gabballihii ka dhacay iyo
Wixii laga gensaday iyo
Gol dalooladiisii
Guulloow ka baabi'i!
Guryihii jannada iyo
Firduuz gogosha ugu beeg!
Anwar Maxamed DiiriyeWaa la wada gundhabadsane
Hadda gaani dhaladoo
Aqoon guud ka buuxdaa
Gegidii banneeyee
Goob wacan Alloow gee
Gef wuxuu lahaa iyo
Gabballihii ka dhacay iyo
Wixii laga gensaday iyo
Gol dalooladiisii
Guulloow ka baabi'i!
Guryihii jannada iyo
Firduuz gogosha ugu beeg!
Anwar@usfamily.net
May 9, 2012
No comments:
Post a Comment