Saturday 6 August 2011

Yaa Soomali Aheey?

Yaa Soomali Aheey?
W/T Faarax Gammuute
July 24 2011

Horaa colaadi u gaagaabisay. Hambadiina haatan oo wixii yaraa ee gacantooda ku sii dambeeyay dhaafeen, ayay abaar, macaluul iyo cudurro isugu darsameen. Dabar go' bay halis u yihiin. Gurmad aan loo kala hadhin ayaa innagu waajibay. Oo waa halkii Cali Sugulle e: “MA HADHIN HADAL LAYS YIDHAAHDAA. HIIL IYO HOO MID BAA LA YEESHAA!”

Saxariirka adduun
Hooyo aan seban dheer
Afka soor galinoo
Sabarkiiba dhexyaal
Ooy ku sii yar tahoo
Sakaraadka naftii
Ay ka sii socotuu
Sabi dhiig ka jaqaa
Yaa Soomaali aheey?

~
Ifkaa laysku sadaa
Sahay laysu huraa
Same laysu falaa
Salawgaa baxayaa
Gaajo weeye saqiir
Salalaaya habeen
Oon ka seexan karayn
Oo sugaaya qareen
U sokeeye noqdee
Yaa Soomaali aheey?

~
Aabbe seeda go'oo
Saabku haawanayoo
Ubadkoo safraddii
Iyo saaqan xanuun
Aan u hayn laba saaq
Oo saliilya qabaa
Sacab hoorinayoo
Duq sagaashan jiraa
Ilma saydhinayee
Yaa Soomaali aheey?

Gammuute
E-Mail: farahgamute@gmail.com

No comments:

Post a Comment