Saturday 6 August 2011

Kinsi Geeriyootoo

Kinsi Geeriyootoo
W/T Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
Julay 29, 2011

Maansada ‘Kinsi Geeriyootoo’ ee Kinsi X. Aadan naxariistii jano Eebe haka waraabiyee, waxa igu kallifay samaynteeda, dareen faneed oo aan u qabay fannaanadda. Kinsi aad baan u jeclaa inaan codkeeda maqlo, illaa iyo markii aan yaraa. Intii aan qurbaha joogayna, waxay ii ahayd shucuur nool oo aan ku soo xasuusto dalkii hooyo. Kinsi waxay ahayd fannaanad ehelu sharaf ah, Soomaali jecel, xishood badan, oo dhaqankeedu ka duwan yahay kan marka ay masraxa ka meteli jirtay. Waxan qabaa in Kinsi Xaaji Aadan ahayd calaamad u taagan qarannimada Soomaaliyeed, sida fannaaniin badan oo weli qaarkood noolyihiin, qaarna ay xijaabteen, intii dagaallada sokeeye dalkeenna ka socdeen. Ilaahay ha naxariisto, denbigeedana ha dhaafo, aammiin!
_________

Fanka kaabihiisii
Kashiisiyo laftiisii

Kaah iyo iftiinkii
Kinsi geeriyootoo
Naf karaamo socotee
Kaalintay bannaysaa
Kohashadu ka joogtaa

Codka kaamilkiisiyo
Kaftan aad u dihin iyo
Kulankiyo masraxadday
Kinsi ugu horraysee
Koob kay ku qaaddaye
Naf karaamo socotee
Kaalintay bannaysaa
Kohashadu ka joogtaa

Kolkay quruxi kow tahay
Amay kuulato haween
Amay kohiso laafyaha
Kaafiday ahayd baa
Kinsi lagu xasuustaa
Naf karaamo socotee
Kaalintay bannaysaa
Kohashadu ka joogtaa

Soomaali waxay kohan
Kabankii macaanaa
Codkii kaamilka ahaa
Kinsi erayadeedii
Jacaylkuna ku koobnaa
Onkod keyseheedii
Kursigeedii Waabberi
Naf karaamo socotee
Kaalintay bannaysaa
Kohashadu ka joogtaa

Waxa kaydka noo yaal
Karaamiyo xusuus mudan
Kunfac baa u aayiye
Allow deyn ha kaga dhigin
Macsi lagu kulaaliyo
Koodkii ibleys dego
Kabadhyaale qaadwale
Ku kaloo ka sii daray
Kolkay kaalufaanoo
Karkaarrada dunuubeed
Kibir ugu badheedhaan

Kolkol nolushu weeyee
Haddii kicitinkeedii
Aakhiro kalkeed galay
Kinsi loxodka loo diray
Rabbiyoow ka maydhoo
Ka koryeel dunuubtiyo
Intay kawnka saarnayd
Gef wixii ka dhacay iyo
Qawlkii karaahiyo


W.T: Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
Email: mabdalle@gmail.com

____________________

No comments:

Post a Comment