Friday 12 August 2011

Shacabka SSC Maxaa La Gudboon?!! jidbaale.com

Shacabka SSC Maxaa La Gudboon?!!
Written by Jidbaale.com
Thursday, 11 August 2011 20:49

Maqaal(Jidbaale.com) run ahaantii shacabka SSC, waxaa ku dhex jira qolyo magaca kula sheeganaya, balse u adeegaya maamulada beelaysan, oo hadaad horumarka deegaanka ka hadashid afka ku jabsanaya, hadaad midnimada reerka ka hadashidna dagaal foolka fool ah kugu soo qaadaya, oo ay talada iyo awooduna kaga uruurtay geed sare waab iyo inay istus tusaan reeraha deriskeenna.


Shacabka SSC maalmahan dambe waxaa ka muuqanaya dib u dhac weyn, kala daadsanaan, kala furfur baaxad weyn iyo muran salka ku haya tuhun, jahwareer iyo kala shaki oo sida luubaanka ku baxay, yaase ka dambeeya waxaasi oo dibindaabyo ah? yeyse dani ugu jirtaa? mase haboon tahay in waxaasi hangool layskaga qabto? Sidee base laysaga qaban karaa?

Hadaba inta aanan u bixin ka jawaab celinta suaalahaasi dhowrka ah, bal aynu kor ka xaadis ku samayno siyaasadaha maamulada beelaysan, waxyaabaha dhacay iyo waxyaabaha taagan, ee maanta u baahan in la isu taago:

Waxyaabaha dhacay

Baxsashadii Kayse Cabdi Yuusuf (Kayse Afdheere) iyo sadexdii hacoo ee golaha khusuusida ku jirey, oo sida igu maqaala ah maamulka jabhada SNM iyo kooxdan Beesha SSC ku wacad furay, waxay wada galeen heshiis hoosaad loogu ballan qaaday dhaqaale ay codsadeen in la siin doono, iyagoo horayna dhaar ilaahay ugu maray beesha SSC, inaysan ku wacad furi doonin.

Hase ahaate Sidaanu xogta ku helnay Kooxdan hungurigu qaatay waxay jabhada SNM u soo tuurtay in yar oo faro guudkood ah, beeshana ay ku kala furfuraan, intiina markay idlaysteen, welina xaalku kow joogin ayey damceen in la siiyo xisaabta intii dhinayd, balse waxaa lagu yidhi waar afka dabaysha ka qarsada, wax idin hadhay ma jiree, ilayn Bahdii Diid Bahal Baa Lehe, horta biidhiqaatayaashii sii yaacay, taasi ayaa ku dhacday!!, oo isciilkaambin ayey meelahaasi dibinta la ruugayaan.....

Arrinkan foosha xun ee ku dhacay kooxdan, xitaa waxaa qarin kari waayey warbaahinta maamulka Jabhada SNM oo iyagu si ku wiirsi iyo yaqyaqsi ah ugu xardhay mareegadooda dhinaca aalada Internetka, si ay u muujiyaan hanyaraanta nimankaasi hungurigu qaatay, iyagoo arrinkani u dhigaya in SSC isa soo dhiibtay....

Maamulada Beelaysan

maamulada Hargeysa iyo Garoowe waxay sii laba jibaareen dhibaatooyinkii iyo aafooyinkii ay ka dhex abuuri jireen shacabka SSC, iyagoo uga dan leh in aysan beesha SSC marna aayaheeda ka tashanin, is fahmin, wax wada qabsanin, waxaanay arrimahan u adeegsadeen kuwa SSC u dhashay, balse aan damiir iyo dareen fog lahayn......

Sidoo kale waxay bilaabeen Siyaasado cusub oo ay isleeyihiin shacabka SSC ku khalda , sida iyagoo xilal ku sheegyo u magacaabay kuwo iyaguna magaca SSC ina la sheeganayaa, balse u dhiilla dhaansaday horgalnimo iyo kala dhantaalida deeganada SSC, oo iyana la soo shir tagay dar dar cusub, is muujin iyo ku magac raadsashada Shacabka SSC, si aanay u waayin cad quudheedka oo waxna loo tuuray, waxna la siin doono.

Dhacdada Taleex Iyo Nuxurka Horgalada

Odaygan Xaabsade ee isagu quruxda iyo raganimada mooday bahdilka beesha SSC, wuxuu usbuucyadii u dambeysey dhex roorayey magaalada Laascaanood, oo uu horgalana meesha ka caydhiyey, qaar cusubna magacaabay, wuxuu warbaahinta maamulka Jabhada SNM u sheegay inay puntland jebisey heshiiskii ay wada galeen.

Sidoo kale wuxuu ku daray ‘Itoobiyana inuu ka dacwayn doono’, hadaba dulucda dhacdadani halkee bay salka ku haysaa? maxayse tahay isku dhac ku sheega labadan maamul? run ahaantii dhacdadani waa mid loogu tala galay inay isku dhacaan beesha SSC.

Waa mid la doonayo in deegaanada SSC dagaalo iyo colaado hor leh laga abuuro, maadaama ay beesha SSC xilligani ku taamayso inay aayaheeda ka tashato.... wax weyna ka bedesho xaaladaha dib u dhaca ah ee ay deegaanada SSC ku sugan yihiin.

Dhinaca kale maamulada hareeraha inaga xigaa waxay doonayaan inay soo celiyaan hanjabaadihii iyo huuhaadii ay hawada isu marin jireen, taasi oo ay doonayaan inay jahwareer horle ku furaan shacabka SSC oo isagu ka koray waxyaabahaasi ah qowda maqashii waxna haw u qaban!!!...

Waxyaabaha Taagan

Waxaa la wad wadaa sidii loo qaban lahaa shirkii Khaatumo qaybiisii labaad oo la doonayo inuu ka qabsoomo gudahaa deegaanada SSC, balse waxaa si weyn la isu weydiinayaa maadaama ay xay yihiin maamuladii beelaysnaa iyo kuwii u adeegayey, horta sidee ayey suurta gal ku noqonaysaa inuu shirkaasi qabsoomo? Sidee bay beesha SSC ugu gacan banaanaan doontaa shirkaasi khaatumo 2? hadayse fara gelin inagaga timaado maamulada iyo midiidinka, maxaa laga yeeli doonaa? yaase laga dacwayn karaa? Awood intee le’eg baynu iskaga caabin karnaa?!!!.

Tan kale shacab badan oo SSC ah waxay leeyihiin marka la eego xaaladahan qalaafsan ee aynu ku jirno, shirar la qabto oo ay dad xaragoonayaa dibadaha ka yimaadaan, isimo maamul kale hoos joogana loo yeedhayo, muddana halkaasi dhaqaale lagu burburinayo, waxaa ka fiican in miisaaaniyada shirkaasi ku baxaysa deegaankaa lagu sifeeyo, maadaama shirar tira badan oo horey loo soo qabtay midha dhal noqon waayeen.

Waxaanay arrinkaasi u daliishanayaan gurigaagu markuu xor ku yahay ayaad waxaad doonta ku qabsan kartaa, balse maanta adoo haad geed waayey ah sidee bay suuragal ku tahay inaad shir ku qabsatid?!!!

Qaar kalana waxay ku doodayaan shirka Khaatumo ujeedadiisa ugu weyni maxay tahay? ma in maamul beesha SSC loogu sameeyo? ma in maamulada hareeraha inaga xiga midkood beesha si dhamaystiran loogu daro?

Hadaba isku soo wada duuboo Shacabka SSC waxa maanta la gudboon oo danina ugu jirtaa, arimahan hoos ku xusan;

  • in ay samaystaan maamul u gaar ah.
  • in la helo dad is fahmaya oo wada shaqayn kara.
  • in la helo dad waqti badan u huraya, go’aan qaadashana leh.
  • in la helo dad wax walba u quudhaya, maal, maskax iyo muruqba.
  • in la helo dad ay ka go’an tahay qadiyadu oo aan hunguri wadin.

Ugu dambayntii waxaad moodaa in aynu muddooyinkan dambe is dhiganay, oo uu gaabis fara badani dhacay, maadaama ay miiska inoo saarnaayeen hawlo aad u baaxad weyn, oo u baahan samir iyo feejignaan, karti iyo wax qabad, ismaqal iyo kala dambayn. Marka maxaan u baahanahay

  1. waa in dib loo abaabulaa sidii kulamada loo badin lahaa,
  2. waa in dib la isugu tagaa sidii hawlaha beesha SSC meela kale looga wareegi lahaa,
  3. waa in aan la niyad jabin, balse laga shaqeeyo midnimada reerka iyo sidii la isugu soo jiidi lahaa, si aan cadowgu uga faa’idaysanin.

Waa inooyo qaybaha dambe oo aanu ku qaada dhigi doono, hawlaha ka soo cusboonaaday shirka Khaatumo 2 oo ay haatan qaban qaabadiisu soco.....

Jidbaale.com@gmail.com

Jidbaale.com


No comments:

Post a Comment