Saturday 6 August 2011

Haddii aanan dhulkaygoow

Haddii aanan dhulkaygoow
W/Q Axmed Ismaaciil Maxamuud
"Axmed Deeq"

Julay 26, 2011

"Haddii aanan noqon lahayn Masri waaban ahaye; waxaan rajayn lahaa inaan noqdo Masri" Odhaahdan dhaxal galka noqotay ee uu yidhi Mustafe Kamil oo ahaa halyey dalkiisa u soo halgamay, una god galay sidii uu xornimada u gaadhsiin lahaa, waxay ahayd wixii u danbeeyay ee aan akhriyo habeenkaa intii aanan furaashka dul tagin. Kolba anniga oo gama' u heensaystay ayuun bay odhaahdaasi gudahayga ka shanqartaa, markasan isla oogsadaa oo buuq iyo bulxan gudahayga ka dhex bilaabmaan. Waxaanan is waydiiyaa miyaad awooddaa inaad tidhaa: Haddii aanan noqon lahayn Soomaali. Waxaan rajayn lahaa inaan Soomaali noqdo?

Annigoo gurxamayoo,
Naftu gama'a diidoo,
Guyaal wixii I soo maray,
Gardaradaan tirsanayiyo,
Ku gabood falkaygii,
Hadba raad guraayaan,
Islaan gabaw la tiicdoo,
Afar gaban ag-joogaan,
Meel gaaban kaga baxay.


Dusheeda waxa ka muuqatay daranyo iyo diif aan la qiyaasi karin. Gudaheedana waxa ku oognaa wer wer iyo walaac aan xad lahayn. Waxay xidhnayd maryo duugga oo milicda iyo maal-muhu dal-dalooliyeen. Dhafoor godnaanteeda iyo dhabanno hayskeeda waxaad moodaysay gabyaa caydha oo gabanno haysta. Goobta ay fadhido omoska iyo abaarta ka taagan baa indhuhu ku soo dhacayeen. Soog-soognaanta dhirtana waxaad moodaysay inay qiyaamihii taagan tahay. Inkasta oo ay baahidaa daran qabtay haddana ruuxii il-dheer waxan daah ka saarnayn xishood iyo sariigasho Soomaalidu asal u lahaan jireen oo foolkeeda ka muuqday.


Markii aan u dhawaaday anniga oo shanqadh tiranaya waxaan ku idhi: Isu kay sheeg? Inta ay ilmo indhaheeda ku soo joogsadeen cabaarna aamusnayd ayay si hoose iigu tidhi waxaan ahay hooyadaa!!

Naxdin iyo amakaag badanaa, waxaan bilaabay inaan aad ugu dhawaado
anniga oo ka raadinaya tilmaamihii baadi sooca u ahaa hooyaday Xaawa
Sh. Daahir, maankana iska leh goorma ayay hooyadaa sidan u baaba'day oo u balanbashay. Isla markaana isku canaanayaya inta ay sidan noqonaysay xagee baad ku maqnayd? Ayaan cod ka xumaansho iyo xog raadin isugu jira ku idhi hooyaday tuma ayaad tahay? Inta ay hanqalka la soo kacday ayay igu tidhi :


Waxaan ahay dhulkaagii, dhaayahaagii, dhuuxaagii iyo dhiigaagii. Waxaan ahay baradaadii, beerkaagii iyo bogaagii. Waxaan ahay dhirtaadii, dhagaxaagii iyo dheemantaadii. Waxaan ahay hoygaagii, hantidaadii iyo hugaagii. Waxaan ahay degelkaagii, deegaankii iyo duur-joogtaadii. Waxaan ahay ciiddaadii, cosobkaagii iyo caraftaadii. Waxaan ahay quruxdaadii, qiimigaagii iyo qabrigaagii. Waxaan ahay buurtaadii, banaankaagii iyo badaadii.

Yaab, anniga oo aamus iyo af kala qaad ku dhaw ayaan ku idhi: Haddii aad intan oo idil tahay maxaa sidan kaa dhigay haddaa? Adiga ayaa iga dhigay. Sideen kaaga dhigay? Waxaad iiga dhigtay ima aaminsanid. Inaan ku aamini waayo waxa keenay khayraad ma lihid. Waan leeyahay ee adaan caqli iyo cilmi toona lahayn. Maxaad ku cadaynaysaa? Waxaan ku cadaynayaa ka faaiidaysi la'aanta nimcooyinka illaahay ii gaar yeelay.

Maxaa ka mida nimcooyinkaa? Baraf la'aan, hanfi la'aan iyo hawo macaan. Khayraad badeed, mid beereed iyo mid xoolaadba. Waxan oo khayraada haddii aad leedahay maxay dadku gaajo ugu dhimanayaan ee ay u dhargi waayeen? Waxay ugu dhimanayaan dadku malaha aqoontii lagaga faaiidaysan lahaa khayraadkan dabiiciga ah. Maxaa ka mida aqoontaa? Waxa ka mida beero-falashada iyo qaababkeeda kala duwan, xoolo dhaqashada iyo noocyadeeda, kalluun dabashada iyo qaybaheeda oo si cilmiyaysan loo barto. Waxani aqoon uma baahna oo dadku waa iska dhaxlaan. Waa runtaa oo waa la iska dhaxlaa, laakiin sidii aabahaa beerta u falan jiray nus qarni ka hor iyo wuxuu ku falan jiray inaad maanta adeegsataa ma kula haboon tahay? Maya, laakiin maxaan sameeyaa duruuftaa sidaa wax tidhiye. Duruuftu may odhan ee aqoon la'aanta ayaa sidaa wax tidhi oo qayrkay iga reebtay idinka idinka reebtay, iga dhigtay meel qashinka lagu qubo, idinkuna dhiiga aad ku qubtaan. Meel sheegashadeeda laga war wareego, joogitaankeedana laga walaaco. Meel ayaan daran oo horumar oo idil ka arradan. Maxaan idiin sameeyaa? Waxba ha ii samayn ee ilmada iska tir, hadalada gocashada lehna iga daa waan damqanayaaye. Haddii aad ii diirnaxayso maxaad wax iigu qaban laadahay? Maxaad ubadkayga wax u bari laadahay? Maxaad dadkayga u wacyi galin la'dahay? Maxaad deegaankayga iyo duur-joogtayda u bad-baadin laadahay? Maxaad quudhsiga aan ku jiro iiga saari la'dahay? Maxaad waxaan kaa mudnahay ii marsiin la'dahay? Waa runtaa oo intaas oo idil anniga ayaa kuugu wacan anniga ayaana kaa saari kara, waxaanan si dhaba kuu leeyahay waa habeen badhe.

Haddii aanan dhulkaygoow,

Gaajo kuugu dhuubnaan,
Haddii aanan dhibaatada,
Dhexda suunka ku adkayn,
Haddii aanan dhaxantiyo,
Milicdaba u dhereraan,
Soomaali kama dhalan,
Maalkaaga maan dhaqan,
Caanahaaga maan dhamin,
Ciiddana dhab uma lihi.

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq),
Email: Awliyo177@live.com

-------------------

Fiiro gaara: Cinwaankaygii hore oo ahaa awliyo177@hotmail.com. Muddo bil ku siman buu iga xidhmay, hadda kan cusub ee kor ku xusan baad wixii fariin ah iigu soo gudbin kartaa.

Heesta halkudhega

Haddii aanan dhulkaygoow - Muuse I. Qalinale (AHN)

________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews


No comments:

Post a Comment