Saturday 13 August 2011

12 APRIL 1899kii Aasaaskii Dawladdii Daraawiisheed ee Xornimada Dhalisay{Maqaal Taariikh Xanbaarsan}.


marka hore waxaa mahad oo dhan is kaleh allah kadib waxaa mahad mudan dadkii naftooda,malkooda iyo waqtigooda usoo huray xoraynta dalkeenna hooyo ee somaliya .

I ntaa ka dib waxaan is ku dayayaa inaan halkan kasoo jeediyo talo yar oo ku socota dhamaan shacabka somaaliyeed gaar ahaan dadka degga manadaqadda darawiisheed qaybaheeda kala duwan sidda ururada siyaasada oo ayga ugu horeeyaan madaxada maamulka SSC iyo dhamaan ururada kale ee ka soo jeeda isla mandaqadaa ,iyo qaybaha kale ee bulshada reer sool sanaag iyo cayn sida bahda waxbarasha,ururada bulshada ee ka howl gala gudaha iyo ganacsataba waxaan u soo jeedinayaa figrad odhanaysa ma samayn karnaa maalin la xuso kacaankii daraawiishta ee sababata unoqday xoraynta dalkeena hooyo?, taas oo ay igu kaliftay kadib markaan arkay in ubadkeena yaryar ay aad ugu baahan yihiin in la siiyo war taariikheed ku saab san dhaxalkii awoowayaashood ay uga tageen ,sidoo kalana marba marka kadanbaysa la sii ilawayo meeshana laga siisaarayo tariikhii darawiishta oo ah tariikhda kaliya ee dalkeenu kufaanayo .taas oo qoraalkeeda iyo ururinteedaba ay san jirin cid xil iska saartay marka laga reebo ilaahay hadaayee halyey AW JAMAC CUMAR CIISE oo aan odhan karo waa dhinbiil soo nooleysay taariikhdii daraawiishta waana ugu hanbalyeynayaa howsha uu isu taagay hilaada 60 sano ka hor uuna ku jiro ilaa iminkadan.

Waxaa hubaal ah in taariikhda dalkasta uu leeyahay in dadka dalkaa degani ay iyagu ilaashadaan kuna ilaaliyaan qoraal soo bandhigid iyo noocyada kala duwan ee xusuusaha (xuska)

Dhinaca kale waxaad modaa in dadka ku nool mandaqada SSC ay aad udayaceen dhaxalkii awoowayaashood uga tageen xataa in la qoro daaye wax hadal hayn ah oo ku saab san halgankiiba ma jiraan ,waxaad moodaa in laga saaray maskaxdeenaba taariikhdeenii aan dhaxalay.

waxaan talo ahaan si gaar ah ugu soo jedinayaa da’yarta ssc in ay qayb igala qaataan dadaalkan aan ku doonayo in laga xuso caalamka oo dhan sand walba kacaankii daraawiishta, si aan daaha uga qaadno macdanta taariikheed eek u aasan manadaqadeena

haddaba maalinka la xusayaa ee daraawiish la asasay waa maalinkee?

Ka dib markaan dib udheegtay taariikhda faca weyn ee darawiishta waxaan helay nuqul uu AW JAMAC CUMAR CIISE kuqoray buugiisa (TAARIIKHDA DARAWISHTA IYO SAYID MAXAMED CABILLE XASAN) in asaaskii darwiishta uu ingiriisku u aqoon saday 12 APIL 1899 waana tan wax bixin uu Sir C.F ARCHER oo ahaa gudoomihii maxkamadda ee w\somalia ku qoray buuggiisa

On 12th APRIL 1899the consul general reported to the foreign office that the mullahs active following was estimated at 3000 men, that all the tribesmen within reach, who had hitherto held aloof, were being compelled by force to join his standard, and that there was no longer any doubt that he was organizing a movement antagonistic to the administration.

Meanwhile a letter was received from the mullah, tauntingly throwing down the gauntlet and ending with the words which may be translated from the Arabic thus:(if you want war, we accept it .if you want peace, pay the fine). Raad raac – buugga AW JAMAC CUMAR CIISE .

Waraaqdan waxaa ku dac in qusulka guud ee ingiriisku ku war ku siiyey xafiiska arimaha dibadda ee ingiriiska in uu hayo cadaymo sheegaya inay jiraan ciidan dhan 3000 oo uu wato nin wadaad ahi ku waas oo ingiriiska ku lid ah…………..

Sidaa daraadeed waxaan qabaa in 12 april ee sand walba la duos kacaankii daraawiishta .muhiimada aan usocdaa waa in maalintaasi noqoto maalin la isku waraysto wixii tageyna wax la iska xasuusiyo ugana faa iidaysano gudbinta taariikhda darawiishta.

Waxaan hadalkayga ku soo afmeerayaa in ay hubaal tahay in haddii dadka ku dhaqan mandaqada SSC ay goostaan maalintaa ay faaiido weyn u tahay somalida oo dhan gaar haan da,yarteena soo koraya.

W\Q : CABDIRASAQ AXMED JAMAC

Email: qoje2@hotmail.com

No comments:

Post a Comment