Friday 12 August 2011

barnamijka 7ka

Ma Ogtahay????????

In Albaabada Naarta ay Yihiin Todoba

In Cajaa’ibta Dunida ay Yihiin Todoba

In Riyadii Boqorkii Masar ay aheyd Todoba

In Caruurta lagu faro Salaada Todoba jir

In Dhawaafka lagu wareego Kacbada ay Tahay Todoba

In Socodka lagu maro inta u dhexeysa Safa iyo Marwa ay tahay Todoba

In Tirada Aayaadka Surada Fatixo ay tahay Todoba

In Tirada dhagaxda Jamaraadka la tuuro ay Tahay Todoba

In Tirada badaha Aduunka ay Tahay Todoba

In Qur’aanka lagu tilmaamay tirada samada Todobo ay tahay

In Qur’aanka lagu Tilmaamay Todobo Sabuul

In Qur’aanka lagu tilmaamay todobo Lo’ ah (Baqaraat)

In Xasanaadka qofka la yimaado loo laalaabayo Todobo goor

In Qofku marka uu sujuudo Todobo meel dhulka dhigo

In Salaada Ciidaha la Takbiiro Todobo

In Allah Hooskiisa ay harsanayaa Todobo maalin aan hoos kale jirin midka Allah mooyee

In Macaadinta Ra’iisiga ah ay yihiin Todobo

In tirada Usbuuca ay tahay Todobo

In midabada qaanso roobaadka ay tahay Todobo

In wareega Bishu ku sameyso dhulka ay tahay 4 Todobo (28 maalmood)

In Tirada Qaaradaha aduunka ay tahay Todobo

In marka ilmo kuu dhashaan Todoba maalmood gudihii loo walqalo

Ugu Dambeynta Shaahada Towxiidka ay tahay TODOBO

Share

No comments:

Post a Comment